Xeerka ayay ku taallaa!

Dadyawga carro-edeg ku wada nool qolo kastaaba waxa ay leeyihiin af iyo sooyaal u gaar ah. Waxa uu taxnaa intii ay iyagu jireen, kuwaas oo ka sooca dunida inteeda kale, oo baadi-sooc u ah, ayna, dabcan, ugu faanaan qawmiyadaha kale. Waa ay weyneeyaan, sharfaan oo dhulkaba uma oggolaadaan, ciddi uskaggeed oo ceeb iyo sumcad-darra ahna haba sheegin in ay raalli uga noqdaan in uu afkooda iyo sooyaalkooda gaadho.

Labadan qodob, afka iyo sooyaalka, ee ummadaha u ah xaashida dhalashadu waxa uu kale oo uu faa’ido leeyahay in uu dadkan iska leh siiyo awood ay ku oddorosi karaan timaaddada qaabka ay noqon doonaan, dadka kalana ka qiyaas qaadan karo halka ay duulkani u socdaan. Oo haddii afkaa iyo sooyaalkaasi agta dadka aanu ku lahayn qiimo laxaadkiisa leh oo sidaa u sii buuran, waxaa halkaa ka caddaanaysa in beeshaasi halis daaqayso uuna sugayo mustaqbal mugdi ku lammaan yahay. Sida kalana waa run, oo haddii miisaanka ay labadaa qodob dadka leh agtooda ku leeyihiin uu aad u culus yahay, waxaa iska cad in siiyaalkooduna noqon doono mid iftiin iyo yididdiilo badan wata.

Haddaba, bulsha-weynta Soomaalidu kama dhacdo dadyawga kale ee koonkan kula nool. Waxa ay leeyihiin af iyo sooyaal u gaar ah, kuwaas oo leh mudnaan la mid ah tii aynu soo xusnay.

Maalinkii shalay ahaa (21ka bisha labaad, 2015) waxa laga oogay magaalooyin door ah madallo lagu weynaynayo wax loola baxay “Maalinta afka Hooyo.” Magaaladan aan joogo ee Hargeysana magaalooyinkaa kale ee Soomaalida ah uun bay wax la qabtay. Uma aanan hollan in aan qiimeeyo heerka munaasibadahaas balse dhan kale ayaan istaagi.

Horumarinta afkan Soomaaliga la horumariyo yaa horta ka mas’uul ah? Tisqaadkiisu si uu u taabbo-galo yaa geeddiga gadh wadi?… Waa wayddiimaha aynu rabno in aynu iska wayddiinno mawduucan. Waxa inta badan lagu doodaa in haddii la waayo “Siyaasad” cad oo dawladaha jiraa ka yeelan waayaan afkan hirgelintiisa, uu afkani iska habaabi doono kuna danbayn doono “Reer ba’aw yaa ku leh?!” Dooddan waan u soo noqon balse aan kugu jalbeebiyo arrinka aadka iila mudan ee ah in afkan hanaqaadkisa iyo hoos u dhaciisaba ay mas’uul ka yihiin waalidka dhalay ubadka. Oo haddii wiilku uu helo Aabbo uu kaga daydo dhaqankii iyo afka ay ummaddani asal ahaanta u lahayd, oo u hagar baxa, si sidaa la mid ahna inantu hesho Hooyo ku habta caadooyinkeennii iyo afkeenna suubban, oo ay kaga dayato, waxaa la arkaa in qoysku noqon doono “qoys soomaali ah.” ka dibna ilaa qaranku hor-u-socodkaa jaanta isla heli doono. Sidaa lidkeeduna waa run, waana sida maanta ay u badan tahay, oo haddii warasadii waayaan waalid ay saanqaadkooda yeeshaan oo samaha Soomaalinnimo ku haga, waxaa hubanti ah in ubadkaasi tasoobi doonaan isla jeerkaasna majarihii horumarka ka siiban doonaan.

U soo noqo, siyaasadda iyo soomaaliga. Dadka “siyaasiyiinta” aynu u naqaannaa waa laba mid uun. Kuwo xilka haya iyo kuwo xilka in ay qabtaan raba, oo ah xil-doon. Labadooda midna diyaar uma aha in  uu afkan baylah tiro, waa inta ilaa maanta laga arkay waxan aynu ku xukumaynaaye, ma jirto siyaasad cad oo afkan laga leeyahay.

Marka aan leeyahay siyaasad “cad” lagama laha afkan iyo aayahiisa, waxaan maanka ku hayaa god daloolooyinka ka muuqda luuqadda ay xukuummaduhu ku wada xidhiidhaan iyo manhajka u dejisan dugsiyada dalka, iaa heer jaamacadeed sida looga qatan yahay afkan.

Haddii uu siyaasigu ku doodo “Xeerka ayay ku taallaa in dalkan afkiisa kowaad yahay Soomaali,” waxaa iswayddiin mudan xeerka ayay ku taallaa ma innaga saaraysaa toloow? Haddii, tusaale ahaan, qof aan salaadda tukani marka la warsado sababta uu ku doodo “Qur’aankay ku taallaa in salaadda la tukado ee maxaa aniga la iiga baahan yahay innaga gaysan mar haddii xeerkeennii Rabbaanniga ahaa ay ku taallo salaadda ooga e,” adiga ayaan kuu dhiibay e Qur’aanka ay ku taallo darteed ma uga gudmaysaa salaaddu? Jawaabtu in aanay wax aan “,aya” ahayn noqon doonin baan filayaa.

Sidaa waxa ka dhigan ninka ku doodaya xeerkayaga ayay ku taallaa in af Soomaaliga laga dhigtay kan kowaad ee dalka lagu wada hadlo, ee haddana aan isagiisii dhaqan gelin ee af badhxan oo aan Soomaalinna ahayn shiisheeyana ahayn ku hadaaqaya. Ma garanayo in aynu innaga iyo siyaasigaasi kala af Soomaali sheegayno. Waayo, xataa haddii aynu la qaadanno dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, Soomaalilaan tusaale ahaan, in “af soomaali” lagu dhigto, haddaad soo martay dugsiyadaa ma af Soomaali miidh ah baa wax lagu dhigan jiray? Anigu ma aan soo arag, waxa aan wax ku soo dhigtay, dugsigii hoose/dhexe, af Soomaali “liin-baxay” oo aan waxba ku noolayn. Denbi intaa leegina iga raaci maayo haddaan eraygaa adeegsado. Dugsigii sare iyo jamacaddana iyaga hadalkoodaba daa!

Soomaalilaan, waxaa iskaga khaldan laba qodob; siyaasad iyo Soomaalinnimo. Dalku ha noqdo Soomaalilaan, balse afku waa Soomaali oo af “Soomalilaan” la yidhaandaa ma jiro! Afkan in loo tafa-xayto in sida uu siyaasiguba u yaqaan isdifaac ee uu cidna u dhaleeceeyo si la mid ah uu u difaaco afkan una dhaleeceeyo ciddii ku lid ah. Laakiin se xeradeennaa ba’day oo ma naqaanno ismuujinta; in aynu Soomaali nahay muujinteeda.

Shalaytoolle markii la lahaa waxaa la wayneynayaa afka Hooyo, waxaad iswayddiisaa bal maxaa wax la qabtay? Muqdisho ayuun baa malahayga goob la dhagax dhigay. Awel halkan “qawda maqashii waxna ha u qaban” ayaa wax lagu wadey, ee iminka ma istidhaahdeen waxaynu u darsannay qawdii? Waar yaa dhagaxdhiggii uun bal soo celiya? Waa la hadlayey uun, weliba hadal aan nuxur sii ridnayn. Siyaasiguna weligiiba waa uu isdifaacayaa, in isaga la soo luggooyana ma aha runtii. Boosba ugama bannaana nin siyaasi ah, rag iyo dumarba, goob loo goleeyay weynaynta afka. Waayo dheh. Siyaasiga yoolkiisu maba aha af iyo ficiis toona horumari ee waa uun taada ka adkoow.

Xeerka Soomaalilaan, iyo soomaalida kalaba, waa uu ku yaallaa qodob dhigaaya “Afka kowaad ee dalkani waa af Soomaali,” balse ku-dhaqmiddii ayaa meesha ku yar — haddiiba aanay ka maqnayn. Waa in aynu maanka ku haynaa in aanay innaga cuntamayn “xeerka ayay ku taallaa” haddana kuma dhaqmayno, aynu bal ugu yaraan isku dayno in aynu hadalkeenna iyo ficilkeenna is-oggolaysiinno.

Fiiro Gaar ah: Maqaalkan waxa aan faafiyay 22-kii Feberweri, 2015.
Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s