15 Qarni ka hor!

Fekradda iyo cidda fekraddaa ayidsan, cidda ayidsan baa muhiimad wayn leh. Fekradina ma taabo gasho hadday waydo ruux ama raxan fidisa, u hadasha, difaacda, isla markaana aaminsan ilaalinayana.

Markaynu u nimaadno diinta Islaamka, qofka Muslim ka ah ee ictiqaadsan diintu wuxuu leeyahay mudnaan aan la yaraysan karin. Eebbe si uu u muujiyo kaalinta ay Muslimiintu ku leeyihiin hana qaadka fidinta diinta Islaamka ayuu nebiga NNKH ugu manno sheegtay in uu ku badhi taaray hawl galkii rasuulka asxaab diran oo darban, waxaanu yidhi الآنفال:62(هُوَ الّذي أيّدَكَ بنصرِهِ وبالمؤمنين) –  “(Eebbe) waa ka kugu taageeray gargaarkiisa, iyo (gargaarka) Mu’miniinta”. Aayaddan waxaynu kala soo dhex bixi karnaa in awoodda diinta haysa hinjinaysaana ka timi xagga Eebbe, balse ay fuliyeen sababtiina ay yeesheen dadkaa aaminsan fekerku, oo ay u hagar baxeen, la’aantoodna ay adkaan lahayd in farriinta diintu siddaa geedkaa muuqdo gaadho. Markaa, miyaynaan dhihi karin shakhsiga Muslimka ahi wuu ka miisaan culus yahay, ka na muhiimsan yahay inta uu isu haysto?

Odhaah xikmad iyo xeelad durugsani cimidh ka tahay oo laga dhaxlay aqoonyahankii Maxamed Al-qasaali ayaa ahayd (الساجد قبل المسجد) – “Ka sujuudaya (dhisiddiisa) ayaa ka horraysa meesha lagu sujuudayo (dhisiddeeda)”. Aynu isku dayno in aynu soo dhawayno fahanka iyo farriinta weedhan. Tusaale ahaan, haddii halkii kiiloomitir ee isku wareeg ahba, “1km2”, laga bineeyo boqol (100) masjid, lagana waayo intaasoo masjiid cid soo camirta oo ku tukata, iska daa wax kalee xitaa la waayo cid ka eedaanta, tujisa ama tukata, adaan kuu dhiibee ma waxay boqolka masjidba isu beddelayaan Baytul macmuur oo Malaa’igbaa inta oo ay is xilqaamaan innaga furanoo ku tukan? Jawaabta ayaan kaa sugayaa dee… “Maya ma dhici doonto” ayaa laga yaabaa in aad war celin ahaan u haysid. Waana runtaa. Masaajiddadaasi way iska haawanaanayaan, laakiin micnuhu maaha masaajidka dhisiddiisu waa tacab khasaar, ee waxaa meesha ka maqan ku xisaabtankii lagu xisaabtami lahaa in fekradda loo diyaarsho cid xambaarta. Waxaa kaloo la kiis ah ninka ku doodaya dalku muu horumaro ee aan ka fekerayn mar keliya waar waddanka horumarkiisa u kaadiyoo waddaniyiintii aaway horumarintoodii? Muhiimadda koowaad waxaa iska leh qofka, marka la helo qof hagaagsan, qoys hagaagsan baa soo baxaya, ka dibna qaran hagaagsan, illaa heer laga gaadho ay soo baxaan quruumo wada hagaagsan, aas aasku se waa qofka. Diinta Islaamku iyadu asal ahaanteeda waa nadiif waana fadhidaa umana baahna in tiirarkeeda qaarkood wax ka beddel lagu sameeyoo sidiiyoo uu xar galay, balse waxay u baahi qabtaa Muslim dhisan oo laylsan una bisil in uu diintiisa meel kasta, bari iyo bogox ba kala dhaco, faafiyana.

Waxaa inoo cad in qofka fekerka sidaa muhiimad intaa leeg leeyahay. Waxaa kaloo inoo cad in uu Eebbe kitaabka Qur’aanka kariimka ah ku soo koobay gudihiisa wax allaale iyo wixii aqoon sheegta, oo uu buuggani ka soo daba iyo horka wareegayo dunida horteed, dunidan; wax dhacay, wax dhacaya, wax dhici doona, wax dhici kara iyo wax aan dhici karinba iyo dunidan dabadeed; Aakhiro.

Aqoonta kutubkan barakaysani koobsanayaa waxay isugu jirtaa laba:

  • Aqoon kitaabka dhex yuururta; oo uu si daahira uu inoogu soo gudbinayo, waxaana u badan axkaamta cibaadada. Iyo
  • Aqoon kitaabku farta ku fiiqay; oo si dadban kitaabka looga soo dhex dhiraan dhirin karo iyadoo lagu dabbaqayo caqliga aadamiga, loona fahmayo aayaadka si qoto dheer.

Waxyiga, marka si kale loo fiiriyo, ayaa isna laba noqon kara:

  • Waxyi qoran; oo akhrin lagu heli karo, kitaabka iyo sunnadana ku sugan. Iyo
  • Waxyi qodban; oo la soo dhambalan karo, koonkana ku sugan.

Laba labadaa soo arki maysid? Qofka Muslimka ahi markuu u kuur galo, qur’aankana u akhriyo sidii oo uu isaga ku soo degay; u fiiro lahaado, iskuna taxallujiyo ku dabbaqidda aayadaha adduunkan u muuqda, waxaa hubanti ah in ruuxaasi nolol maalmeedka adduunyo iyo ajarka Aakhiroba gacanta ku dhigi doono.

Kitaabkan Qur’aanka ah wuxuu Eebbe ka marag kacay in aanu waxba ka tegin oo uu ku soo wada koobay, ilaalin doonana, oo aanay dhici doonin in wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo, umaba baahnee. Wuxuu kale oo Alle qiray in kitaabkani yahay mucjiso Nebiga NNKH u ah summad. Nebiga laftarkiisu wuxuu xusay in kitaabkan cajaa’ibta iyo mucjisooyinkiisu dhammaad lahayn inta nolosha ka hadhsan, waxaanu xadiis ku yidhi (لا تَنغضي عجائبه) – “Ma gudhaan la yaabbadiisu”. Oo uu ka wado in uu kitaabkani, isagoo kaashanaya sunnada, la jaan qaadi karo goob kasta iyo goor kasta, geli karana gar kasta, goyn karana go’aan kasta.

Waxa kale oo isna jirta in aqoontan aynu sheegayno in Qur’aanku xambaarsan yahay badankeeda uu daah saaran yahay, maalin kastana wax hor leh oo hore u qarsanaa, dhanka aadamaa ka qarsoonaa, la soo ban dhigayo, iyada oo ay jirto xikmad uu Alle ka leeyahay arrinkan, taasi oo ah in uu sii xoogaysto aaminidda la aaminsan yahay in uu xaq yahay hadalkani. Eebbe ayaana midhkaa ayidaya mar kuu leeyahay

(فصلت:53) [سنُريهم آياتِنا في الآفاق وفي أنفسهم حتى يتبيّن أنّه الحق] – ”Waxaannu ka tusi (Gaalada) tilmaamahayaga (aayaadkayaga) koonayaasha iyo nafahoodaba, illamaa ay ka caddaanayso (Waaba caddahaye ay ka qirayaan) in uu hadalkani xaq yahay”. Halkaa waxa ka cad in uu Eebbe ugu talo galay in aqoono badani qodbanaadaan oo ay ku noqoto aadanaha hal xidhaale lagu jirrabayo bal in ay isku dayaan raadin hal furayaashii. Mar kale waa ka Alle inagu caddaynaya in aynaan wax cilmiya oo sidaa u sii buuran, oo aynu isku xariifinno lahan, waa ka yidhi Alle

الإسراء:85(وما أوتيتم من العِلمِ إلاّ قليلاً)  – “Aqoontaba in yar baa la idin ka siiyey”.

Waxaad xasuusta dib ugu celisaa, bilawgii qoraalkeenna waxaynu soo nidhi “Fekradda iyo cidda fekradda sidda, cidda fekrada siddaa muhiimad leh”, ii xasuusnoow, fadlan, iyadaan u socdaaye.

Aqoontaa uu kitaabku tilmaamay, ee aynu ula soo baxnay “Aqoon uu kitaabtu farta ku fiiqay”, ee “qodban” koonkana ku saabsan, dhiraan dhirintana u baahan, waxaa la arkaa in muddooyin kii ugu danbeeyay in Saynisyahanno aan badidood Muslim ahayni daah furayeen kana dhigayeen in ay wax cusub ikhtiraaceen, dabcan daahay ka faydeen laakiin iyagu ma aysan abuurin, oo aan aniga iyo adiguna markasta oo aynu wararka caynaddaas ah maqalno kaga jawaabaynay “15 qarni ka hor, ayaa annaga la noo sii sheegay waxan aad iminka xayaysiinaysaan. Qur’aankayaga ama xadiis hebel ayaanay ku taallaa”! Waa runteen oo waa tabnigaa aynu u dhignay, 15-kaa qarni ka hor baa waxan oo idil aynu haynay, balse maxaynu u soo shaacin waynay? Bal is waydii, Maxaynu innagu cilmigaa ugala soo dhex bixi waynay kitaabka? Maxaa innaga dhigay af ka nool itaal baranbaro, ee aynu halkii aynu shaqada ay rag qabteen leenahay waannu sii haynay, ugaba furan waynay hawshaa ka gashayoo ugusoo ban dhigi waynay?

Qur’aanka marka aynu akhrinayno bal u kuur gal, sababta UGU WAYN ee aynu u akhrinaa waa maxay? … “Toban wanaag baan ka helayaa xarafkii kasta ee aan akhriyo, markaa waa in aan badsadaa aayadaha si wanaagyaalka aan helayaana iigu bataan” ayaynu jawaab ahaan u haynaa. “Aakhiro ayuu ii shafeeco qaadayaa, xujana ii noqonayaa” ayaa laga yaabaa in ay soo labayso war celintii hore. Waa run oo labada jawaaboodba waa sax, ee ma is waydiisay in haddii aad Qur’aanka u akhrisid muskhqaayad-doon, aad faa’ido aan la hubin u soo hoynaysid naftaada oo KELIYA? Bal u fiirso, Eebbe ayaa inoo muujinaya in Qur’aanku aanu xasanaad keliyaata ka guro ku soo baxayne, istaahilo in cilmi lagala soo dhex baxo, bal xaggeed ka mari aayaddan محمد:24(أفلا يتدبّرون القرءان أَم على قلوبٍ أغفالُها) –  “Miyaanay weelaynayn (Ka fekerayn waxna kala soo dhex baxayn) Qur’aanka? Mise qalbiyo qufulan bay leeyihiin?”?

Dhibaato ayaa jirta, sababtay in aynu tabnigaa ahaanno, Qur’aankii uma akhrinno sidii oo aynu aaminsannahay in ay ku dhex jirto aqoon qarsooni, miyaad igu diidi dee? Markaa dad aan diintaba ku abtirsan waa in aynu uga daba fadhiisannaa culuumtii dunyawiga ahayd, markay gaadhaan gunta aqoon qarsoonaydna aynu ugu jawaabnaa “15 qarni ka hor adeer ayaannu waxan haynay ee iska soco”.

Halkee caynku ka qalloocsamay?

Fekraddii, oo diinta inoo ah, uun baa nool, noolayd, noolaan doontana, balse la innaguma oga ciddii fekerkaa degta u ridan lahayd faafintiisa iyo faaqidaaddiisa looga gol’leeyahay aqoon in la ogaado, isla jeerkaasna wax ka taran san lahayd, dadwaynaha carro-edegna wax ugu tari lahayd. Bal waa kaase waxaad iiga jawaabtaa; Haddii aad Qur’aanka u haysato in keliyaata uu Aakhiro wax ka gooyo, adigoo Adduunkii bestaa ah oo hooseeya sideed u filaynaysaa in aad Aakhiro aayar iska sarraysid?”.

Akhristaha MUSLIMKA ahoow, innagama saarayso, innagamana soconayso, wax micne ah oo shilisna inooma samaynayso in aynu isla tooxno “15 qarni ka hor”, oo waabana innagu ceeb in cilmi intaas oo qarni ka hor meel iska yaalay soo qaadi kari waynaye iminkana la innagu magac sheegta e, innaga kici fadhiga. U akhri Qur’aanka sidii oo uu adiga kugu soo daadegay. Weelee oo hub ka dhigo isaga, dibboow u danbaysana yaan lagaaga maqlin 15-kaa qarni, ee iminka ku dedaal, aqoon badan waa hadhan tahaye, in aad soo faqdid, xasuusnoowna يوسف:76(وفوق كلِّ ذي عِلمٍ عَلِيم).  Ku kastoo wax is moodaba in waabiye helo. Adigu waa in aad noqotid cidda wax laga waydiinayo arrimaha adduunyo, iyo aakhiroba, oo waa in aad dhan walba u riddaa, ha isna xidhxidhin, oo adigu gacantaada ha isku malgin. Mawdkaaga hortiina ha sii madhan, hana sii rifmine isku day, waad awooddaaye, in aad dunidan wax wayn ka beddeshid adigoo Qur’aanka, iyo dabcan sunnada, ka dhiganaya bud dhigga aad ka duulaysid iyo shiidaalka ku kicinaya, si qoto dheerna u dhugo odhaahyadaa Alle iyo Rasuulka, yoolka ugu waynna ha ka dhigan in kitaabka Qur’aanka ah ujeeddadii laga lahaa ahayd in ajar uun lagu raadsado, ee ay ka xeel dheerayd gaadhsiisnaydna in aad cilmiyada kutubka ku dhex aasan aad adigu soo faqdid.

 

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s