Haweenka iyo Horumarka

HORDHAC

Raadadka u waaweyn ee uu innagaga tegay qarnigii 20-aad waxa ka mid ah fahanka dadku ka qaateen “Horumar loo dhan yahay”.  Aadanahu waxa uu ka kooban yahay lab iyo dheddig, horumarkaas aynu sheegaynno ee la yidhi waa mid ‘loo dhan yahay’na waa ka ay ka qayb qaadanayaan dhammaanba dhinacyadaas aadanaha ahi, rag iyo dumarba.

Horumar ama koboc dhan walba ah ayuu dadku u baahan yahay, horumarkaasina kama imanayo meel shishe, ee waa mid kasoo burqanaya gudaha dadka. Dadka laftarkooda ayay tahay in ay ka shaqeeyeen sidii dadku u horumari lahaa.

Ujeeddada laga leeyahay horumarkaas loo dhan yahay wa mid cad oo diiradda saaraya in meel la isugu keeno khayraadka aadanaha ee bulsho ahaanta u dhaqan, iyada oo aan loo kala saarayn lab iyo dheddig. Dadka inta aan laba gaadhin waxa aynnu ogsoonnahay in dadkaasi ka kooban yihiin qofaf isu tegay, qof kastaana uu salka ku hayo qoys. Halkan ha dhaafin haddaba. Qoysku waa seeska bulshada, oo haddii uu hagaagana waa hagaagtay bulshadii, haddii uu hallaysmana waa hallaysmatay bulshadii. Qoyskaasi waxa uu ka soo unkamaa laba ruux oo keliya, hal nin iyo hal haweenay ah. Boqolkiiba konton, 50%, qoyskaasi waa dumar! Tirakoob la sameeyay 2000, ayaa lagu sheegay in dadyawga dadka Muslimiintu yihiin 1 028 751 000 (Hal bilyan, labaatan iyo siddeed milyan, toddobo boqol konton iyo kow kun) ku dhawaad  50%, 514 751 000 (Shan boqol toban iyo afar milyan, toddobo boqol konton iyo kow kun), ayaa dumar ahaa! Hablaha da’doou u dhaxayso 14-16, waxa ay ahaayeen  91 324 000 (Sagaashan iyo kow milyan, saddex boqol labaatan iyo afar kun), oo u dhiganta 17.8% tirade haweenka ee guud. Waqti xaadirkan, 2015, shan iyo tobonkaa sanno waxa ku kordhay tirada guud ee Muslimiinta dunida wax aan ka badnayn laba boqol oo milyan, welina haweenku kala badhnimadoodii ayay sii xejisteen oo tirade guud nus ahaan ayay yihiin.

Haweenaysa afada ahi waxa ay leedahay kaalin aan la yaraysan karin oo la’aanteed aan la helayn cid doonyo’qaad ka noqota.  Waa cunsur muhiim u ah bilaabidda, dhisidda, kaashidda, kaabidda iyo horumarka reerka. Sidoo kalena waa qodob daruuri u ah dumidda reerka! Kolkaa waxa la odhan karaa haweenaydu saamayn togan iyo saamayn tabanba waa ay ku leedahay reerka, si la mid ah sida ninkuba u leeyahay saamayntiisa.

Dhaqanka Soomaalida waxa lagu eedeeyaa in uu gebi ahaanba haweenayda xaqiri jiray isla jeerkaasna aan u aqoonin in ay leedahay kaalin bulsheed. Waxba kama jiraan eeddaa, dhaqanka soomaalidu “dhaqan” ahaan uma uusan takoori jirin muhiimadda haweenayda, balse ragga qaarkood ayaa dumarka kula dhaqmi jiray sifo gurran, taas oo aan dhaqankii ka turjumayn. Indhahana lagama qarsan karo muhiimadda ay Soomaalidu maahmaahyaheeda iyo suugaanteedaba ugu qirtay in ay dumarku leeyihiin. Soomaalidu waxa ay gabadha u yaqaaneen “Safaarad” isku xidha xididka iyo gacalka. Maahmaahyahan bal u fiirso: “Geyi aanad lahayn gabadh baa lagu degaa”, “Gabadhi waa gal biyo ah oo goob abaar ah ku yaal”.. IQK.

QIIMAHA HAWEENKU KU DHEX LEEYIHIIN ISLAAMKA

Diinta Islaamku waa diin loo soo wada dejiyay idil ahaan bulshada adduunka, yar iyo weyn, lab iyo dheddig iyo gaal iyo Muslimba. Nebi Muxamed markii uu waxyigu kusoo degay ruuxii u horreeyay ee qaatay waxan uu sheegayaa in uu diin yahay waxa uu ahaa Khadiija bintu Khuwaylat (Xaaskii Nebiga). Waxa uu ergaygii Eebbe xadiis ku yidhi رواه الترمذي[إنما النساء شقائق الرجال]  – “Dumarka iyo raggu waa ay isu dhigmaan”, xadiisku waxa uu tilmaamayaa, sida uu kusoo warismayna tahay, in dumarku kala siman yihiin ragga dhanka waajibaadka diiniga ah, haddii ay denbi galaan ciqaabtiisa, iyo amuuraha guud ahaan cibaadada ku saabsan. Waxa ay is waafaqayaan aayadaha badan ee uu Eebbe ku sheegayo in ruuxu waxa uu shaqaysto uun uu leeyahay, rag iyo dumar kuu doona ha ahaadee, ee ay ka mid yihiin:

[وَمَنْ يَعْمَلْ مِنَ الصَّالِحَاتِ مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُولَئِكَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ نَقِيراً]النساء:124
[مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُ حَيَاةً طَيِّبَةً وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُمْ بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ]النحل:97
[مَنْ عَمِلَ سَيِّئَةً فَلَا يُجْزَى إِلَّا مِثْلَهَا وَمَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُولَئِكَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ يُرْزَقُونَ فِيهَا بِغَيْرِ حِسَابٍ]غافر:40

Waxa uu Nebigu ishaarayaa haddii wax la is dheeraan lahaa uu dumarka u xukumi lahaa dheeraanshiyaha:
[ساووا بين أولادكم في العطية، فلو كنت مفضلا أحدا لفضلت النساء] – “Ubadkiina xagga wax siinta ka sima, haddii aan cid dheeraad u amri lahaa, haweenka ayaan u amri lahaaye”.

Diinta Islaamku waxa ay haweennayda nafaqaynteeda, hu’geeda, hoygeeda  iyo biilinteedaba guudka u saartay kuna waajibisay ninka ee ma aha haweenayda. Xataa gabadha laguma sandullayn in ay wax kariso, kijada ka shaqayso, balse waa fadli ay ragga dheeryihiin oo deeqsinnimadooda ayaa gaadhsiisay heerkaas ah in waajibkoodii ku daraan siyaadadaa. Waxa diinniyan la isku waafaqsan yahay in aanay ninka u bannaanayn in uu xaaska ku qasbo in ay kijada u gasho oo ay wax u kariso, ama ay dharka u dhaqdo. Laba shaqo oo kala duwan ayay leeyihiin ragga iyo dumarku. Waxa aad ka soo qaaddaa laba ruux oo midkood ka shaqeeyo xafiiska Maaliyadda midka kalena xafiiska warfaafinta. Labadaa qof waxa ay hayaan laba shaqo oo gebi ahaanba kala duwan, la isma barbar dhigi karo si loo helo ka shaqo wanaagsan, waayo waxa dhici karta in xafiiskanina u baahan yahay shaqo badan, kan kalena hawl yar. Markaa, ma odhan kartid “Kan shaqada yar qabanaya ayaa ka liita kaa hawsha dhabar jabka ah haya.” Oo waayo midkoodba waxa uu hayaa shaqo ka duwan tan kale. Sidaas oo kale weeye hawlaha ay kala hayaan nimanka iyo haweenku. Mid kastaa waa ka soocantahay tan kale, iskeed ayaanay u tahay mid muhiim ah. Sidaa darteed la iskuma qasi karo. Ninkana nafaqa, haweenaydana nuujinta iyo daryeelka! Waa ay kala xadaysan yihiin shaqooyinku. Haweenayda marna kuma waajib aha, ninkeedii oo soo taaganna uma qalanto in ay shaqo tagto. Islaamku qofta dumarka ah waxa uu ka dhigay mid loo adeego, ee kama uusan dhigin mid lagu adeegto!

Waxa ay diintu ruuxa dumarka ah siisay madax bannaani maaliyadeed oo buuxda, waxa uu Eebbe yidhi:
النساء:40 [وَآَتُوا النِّسَاءَ صَدُقَاتِهِنَّ نِحْلَةً فَإِنْ طِبْنَ لَكُمْ عَنْ شَيْءٍ مِنْهُ نَفْسًا فَكُلُوهُ هَنِيئًا مَرِيئًا] – “Dumarka siiya meherkooda isaga oo idinku waajib ah (Aan la idinka baryayn). Haddii ay iyagu waxoogay idiin gartaanna, iska cuna”.

Waxa aynnu wada xasuusannaa xadiiskii caanka ahaa ee tilmaamayay qiimaha ay Hooyadu leedahay ee u dhignaa sidan:    (جاء رجل فقال: يا رسول الله من أحقُّ الناس بحسن صحابتي ؟؟ قال: أُمُّك قال: ثم مَنْ قال: أمك قال: ثم مَنْ ؟؟ قال أُمُّك قال ثم مَنْ قال: أبوك).      Waxa uu xadiisku muujinayaa in xaqa Hooyadu yahay 75%, halka kan Aabbuhu ka yahay keliyaata 25%. Kaas micnihiisu ma aha in xaqa Aabbaha la dayaci karo ama la yaraysan karo, balse waxa weeye in labada xaqba si kala madax bannaan ay tahay in uu ubadku u guto.

Waxa uu Ergaygii Eebbe ka digayaa in haweenayda gacanta loola tago, oo si arxan darro ah loo dharbaaxo, waxa uu xadiis ku yidhi Nebigu: (أى رجل لطم امرأته لطمة أمر الله عز وجل خازن النيران فيلطمه على حر وجهه سبعين لطمة من نار جهنم). – “Nin kasta oo dharbaaxsha haween, waxa uu Eebbe ku amraa Khasnad’hayaha naartu in uu dharbaaxadii uga jaro, markaas ayuu wejiga kulayl ku dharbaaxaa 70 jeer, kulaylkaasoo ka mid ah naarta Jahannama!”. Nasiib darro maalinkaa maanta ah ragga Soomaalida ahi waxa ay wax lagu faano u yaqaaniin rukaasidda afooyinkooda ama hablahooda. Waana dhaqan edeb-darnaa oo soo jiray intii ay Soomaali jirtay. Waa dhaqan ay tahay in aynnu ogaanno in aannu diinta ka mid ahayn sidaa darteedna ayna ahayn in aynnu ku dhaqanno.

Haweenaydu waxa ay diinta Islaamka ku dhex leedahay sharaf, sarrayn, qiime iyo kaalin ixtiraam oo aanay ka helayn dhammaanba wixii ka soo hadhay diinta.

KAALINTA HAWEENAYDA EE HORUMARKA:

Gabadhu waxa ay ku leedahay kaalin weyn horumarka bulshada; oo haddii ay metesho kala badh mujtamacii, kala badhka kalena raadayn bay ku leedahay. Haddii ay haweenadu hagaagto, waxa hagaagay saygeedii, haddii saygeedii hagaagayna waxa hagaagay qoys dhan oo Muslim ah, haddii qoys dhan oo Muslim ahi hagaagsamayna, bulshadii oo idili hagaagtay! Markaa, waxa aan indhaha laga qarsan karin sida uu wanaagga haweenaydu u yahay caws jiilaal.

Horumarka dunidu guud ahaan, dunida Islaamkuna gaar ahaan, ka samaynaysey dhanka kaabayaasha nolosha ayaa ahaa mid saamayntiisa leh. 1980 – 1990’kii waxa hoos u dhac weyni ku yimi cunna xumada iyo carruurta miisaan lunku ku dhaco ee haysatay waddamada Islaamka, inta uu kasoodegay heer ahaa 37% ayuu yimi heer ah 27%. Isla muddadaa dhexdeeda ayaa waxa hoos u dhacay heerka dhimashada dhallaanka wax ku dhow 50%, oo iyada oo ay ahayd awelkii 168 dhimasho kunkiiba ayay timi 93 dhimasho kunkiiba! 1970 – 1999 waxa isna kor u kacay heerka dadka helayay biyaha saafiga ah ee caafimaad ahaan lasoo hubiyay ee ku dhaqan miyiga, waxaanay sameeyeen kor u kac sarreeya, oo halkii ay markii hore ka ahaayeen 13% ayay noqdeen 79%!

Dhanka waxbarashada, waxa dalalka soo koraya hoos u dhac xooggani ku yimi heerka wax qoris la’aanta, in ku dhaw boqolkiiba konton. Heerka akhriska iyo qoridda qaangaadhka ayaa isna 1970 horumar fiican sameeyay, isaga oo awelkii hore ahaa 72% ayuu isu rogay 50%. Waxa iyana korodhay tirada ardayda dugsiyada dhexe iyo sare is diiwaangeliyay, intii u dhaxaysey 1970 – 1998; 48% ilaa 72%! Dalka Masar, tusaale ahaan, tirada rasmiga ah ee ku jirta fasallada 1’aad iyo 2’aad ee dugsiga Hoose waxa ay kor uga soo kacday 75.12%; sanaddadii 1992/3 ilaa 86.81%; sanaddadii 1998/9. 1992/3 waxa ay ahaayeen tirada hablahuna 45.7% waxaanay isu beddeshay 1998/9 boqolley dhan 48%, tan micnaheeda ayaa ah in tirada dheddigga ee ku jira fasalka koowaadi ka ahaa 49% guud ahaan diiwaangelinta Masar sida ay muujinaysey madax-tiris la sameeyay 1996.  Hablaha qaangaadhka ah marka la eego, waxa heerkooda wax qoris iyo wax akhris la’aaneed sameeyay hoos u dhac cajaa’ib ah. Laga soo bilaabo sanadkii 1989’kii oo uu ahaa 61.8% ilaa 1999 oo uu noqday 43.4%.

Gu’gii 1998 Iiraan waxa ay ka mid noqotay toban (10) dal oo meesha ka saaray farqigii weynaa ee u dhaxeeyay waxbarashada iyo iskuul aadidda ee wiilasha iyo gabdhaha. Waxa aanay gaadhay boqolleyda hablaha ah ee dugsiyada Hoose/dhexe aadaa 95%. Gabdhaha jaamacada taga ayaa iyana gaadhay 40% tirada guud ee aadda waxbarashada sare.

Gudaha dalkeenna, waxa dugsigii u horreeyay ee ay hablo dhigtaan laga furay magaalada Burco, waxaana la dhihi jiray “Dugsiga gabdhaha ee Burco”, sannadku markii uu ahaa 1953. Dumarkii lagu bilaabay waxa aan kasoo qaadan karaa Aamina-Weris (Xaaska madaxweyne Siilaanyo), Deeqa Col-u-joog, Raaqiya Ducaale iyo Shukri X. Bandare (oo iminka wasiir ka ah Soomaalilaan). Runtii dedaal aad u ballaadhan oo la sameeyay ka dib weeye midhihii ka dhashay.

Tani waxa ay muujinaysaa in horumar ballaadhan laga samaynayo dabarjarka faquuqa haystay haweenka ee ay ka qatanaayeen fursadaha waxbarasho. Kanshadaa intaa le’eg ee ay haweenku u heleen in ay wax bartaan ayaa keentay in uu kobco doorkoodii horumarineed iyo mas’uuliyaddii ay ahayd in ay qaadaan.

Gunaanadkii, haweenaydu haddii ay garato in ay diinteeda  ku dhex haysato sharaf weyn oo aanay la’aanteed helayn, isla jeerkaasna ay garwaaqsato in bulshadeedu u baahan tahay iyada si ay u horumarto, bulshaduna qirto kaalinta ay gabadhu ku leedahay horumarka, waxa aan qabaa iyana way tanaadi, ummadduna way tisqaadi.

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s