Soo-gelooti; Fekrad iyo Falsafad

Hordhac

Waxa la sheegaa in islaan soomaaliyeed oo miyiga xayn adhi ah ku raacaysa ay u yimaaddeen culimo Tabliiqiyiin ah, dabadeedna ay u sheegeen in ay u socdaan sidii ay u bari lahaayeen micnaha kelmadda tawxiidka ee “Laa illaaha illa laah”. Islaantii aqbalkay ugu duugtay, wayna ka oggolaatay in ay dhegaysato. Wadaadkii gadh’wadeenka ka ahaa kooxda ayaa bilaabay hadalkii, waxa uuna ku yidhi habartii “Micnaha eraygani waa ‘Illaah xaq lagu caabudo, illaahay mooyee, illaah kale ma jiro’”. Islaantii inta oo ay sidaa u eegtay ayay ku tidhi “Oo Hooyo ma anaa mid kaleba aqaannay, waa ii afkaagee”!

Dhacdadaasi waxa ay ina tusaysaa in Soomaalideennii hore, aqoontu ha ku yaraatee, ay ku naaloonayeen kalsooni soohdin’dhaaf ah oo ay ku qabeen diinta Eebbe iyo Eebbe laftarkiisa jiritaankiisaba. Diintu agtooda qiimaha u sarreeya ayay ku lahayd. Ma ay oggolaan jirin in diinta iyo cidda u adeegaysa, wadaadka, il xun lagu eego ama af xun lagu jeediyo. Aqoonta diimeed ee ay wadaaddadu lahaayeen waa iska koobnayd, haddana kalsoonida lagu qabay lagama sheekeeyaan ayay ahayd. Maahmaahyada soomaalida ayaaba laga dareemi karaa kaalinta sarraysa ee wadaadku u sarreeyay. Soomalidu waa ta tidhi: Saddex lagama kaco:
1. Wadar qodaxdeed
2. Waalid habaarkii,
iyo
3. Wadaad jalleecadii.  

Mar kale ayay tidhi, “Sooryo wadaad sebi laguma halleeyo”. Oo dadka waaweyn, ragga, ayaa wadaadka si meeqaam sarraysa u sooryayn jiray.

(Fadlan halkan ka sii akhri)

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s