Cusboonaysiinta Aqoonta Diinta

Hordhac

Xilli kasta iyo xaalad kasta oo ay ummadi nooshahay waxa caws jiilaal u ah in ay la kulanto is beddelo nololeed oo saamayntiisa aan la iska indho tiri karin. Gedgeddoonka waqtigu gadhwadeenka ka yahay ee bulsho la soo gudboonaadaa waxa uu dooriyaa hannaankii hu’eed, cunteed, isgaadhsiineed, horumarineed, fekereed, aammineed iyo guud ahaan kii nololeed ee dadyawgaasi ku naaloonayeen. Kolka is beddelkaasi yimaaddo waxa isna lagama maarmaan ah in dadku la yimaaddaan ama uu diyaar usii ahaado wax sababa in is doorintaasi keenin in ummaddii wax u noqoto.

Bulshadan aynnu leennahay is beddelbaa soo foodsaarayaa waa bulsho aan meel cidlaa iska taagnayne leh saldhig adag oo dhaqan iyo diin ah. Sida loo arkayo in ay ku bedqabaan labadaniba kama badbaadaan is beddelka dhacay. Innagu haddaynu nahay bulsho Muslim ah waxa dhaqan iyo diin inoo ah Islaamka. Deegaan kastaana waxa uu leeyahay dhaqankiisa gaar ahaaneed; oo Soomaalida Muslimka ahi waxa ay yeelanaysaa dhaqan-Soomaali, Carabta Muslimka ahi ku carbeed, Hindida Muslimka ahi kii Hindida. Diintaa Islaamka ee soo taxnayd ilaa bilawgii noloshu waa tan keliya ee xagga Eebbe laga oggol yahay. Diinta Islaamka kitaabkii u danbeeyay ee soo degaa waa kan ku soo degay Maxamed Bin Cabdillaahi, NNKH, oo ahaa eragaygii Eebbe. Farriin-side kasta marka la soo diro waxa loo soo dhiibi jiray diin wadata magac gaara iyada oo aan laga tegayn ee lagu ladhayo magacii guud ee Islaam, Ciise; Injiil, Daa’uud; Sabuur, Muuse; Tawraat Maxamedna Furqaan. Furqaan ayaa u danbaysey diin soo degta. Maxamed ayaana u danbeeyay ergay farriin ka keena dhanka Eebbe. Maqaalkan meel kasta oo danbe oo aan ku adeegsado erayga “Diinta Islaam” ii ogsoonoow waxa aan ula jeedaa Furqaan e.

Aqoonta loo leeyahay diinta Islaamka fahanka laga qaato farriimaha ay gudbinaysaa kulli ma aha mid neg. Is beddelkii aynnu sheegaynnay haddii ay bulshadu waajahdana kama badbaadayso ee wuu saamaynayaa. Waxaana loo baahanayaa in sebenka taagan lala falgeliyo diinta, si taasi u timaaddana waa in aqoontii diinta loo lahaa korodhaa. Fadlan mid ii gunud waxa aan ka hadlayaa ma aha diinta laftarkeeda ee waa aqoonta iyo fahanka loo yeesho. Intaanna hordhac ii dheh.

Maxaynnu ka wadnaa ‘Cusboonaysiinta aqoonta diinta’?

Ergadii Maxamed ka horraysay iyo buugtii Qur’aanka ka horreeyay waxa ay ahaayeen kuwo ku kooban deegaan keliya lehna ammin cayiman. Diinba diinta ay ka danbayso, rasuulba rasuulkuu ka danbeeyo, ayuu ama nasakhayay ama casriyaynayay. Wax ka beddel ayay isku samaynayeen diimahaas kala danbeeyay, oo markaa ma jirin wax keenaya in laga werwero ciddii waqtigan is beddelaya diinta fahankeeda waafajin lahayd maaddaama uu nebi kale iman doono oo sixi doono wixii la saluugsanaa. Haddaba diintan Islaamku mar haddii ay noqotay tii u danbaysay ee soo degta, lona soo dejiyay dunida guud ahaan, Maxamedna uu noqday ergaygii u danbeeyay ee la soo diro, waxa daruuri noqonaysa in ay diintani yeelato qodobbo xeel dheer oo ka dhigaya mid ku munaasib ah goor kasta iyo goob kasta.

Sidaa darteed ayuu Eebbe u waxyooday nebigiisa in uu inooga tago xadiis qiimo leh oo micnihiisu yahay “Eebbe waxa uu ummaddan qarnigii kasta u soo saaraa cid cusboonaysiin ugu samaysa diintooda”, erayga xadiisku adeegsaday waa “Tajdiid – تجديد” micnihiisa af ahaanna waa cusboonaysiinta ama casriyaynta shay, waxa uuna ka soo horjeedaa duug ama qadiim. [Eeg: Ibnu Manduur Al-ifriiqi, Lisaanul Carab 2/202; iyo Raasi, Maxamed Bin Abi-Abibakar, Mukhtaar As-saxaax, bogga 95]. Si kale haddii loo dhigo, haddii shay qaab ahaa wax beddelaa ku yimaaddaan kana dhigaan shay kale oo sidii hore ka kharaabsan, oo awood kale inta ay u timaaddo shaygii la dooriyay ay ku soo celiso sidiisii hore ee uu ahaa, waxa la yidhaahdaa shaygii dib baa loo cusboonaysiiyay. [Eeg: Sacad, Basdaami Maxamed, Mafhuumu tajdiidu-diin, bogga 15]. Si aad u fiirisid xadiiska saxadiisa iyo xadiisyada ay isa shabbahaan waxa aan kugula talinayaa in aad eegtid tixraacan: Dr. Cadnaan Maxamed, At-tajdiid fii fikril Islaami, bogagga 52 – 66.

Xadiiska waxa lagala soo dhex bixi karaa in diintan Islaamku haysato dammaano qaad ah ilaalin abadiya ah. Sidoo kalena ay jirayaan jiri doonaanna dad u diran una heellan ka takhallusidda wixii la isku dayo diinta in lagu soo kordhiyo, sidoo kalana cusboonaysiiya aqoonta iyo fahanka diinta laga haysto iyadoo waaqica la waafajinayo.

Guud ahaan diinta meelaha u baahan fahanku waa laba; kuwo la dhaho Ma doorsoomayaal, ثوابت (Waa meelaha fahankooda dadka dhexdiisa aan lagu kala duwanayn, si cadna Qur’aanka ama Sunnada looga soo helayo) iyo kuwo la dhaho Doorsoomayaal, متغيرات (Waxa ay leeyihiin astaamo kuwii hore ku lid ah). Kuwa hore waa lama taabtaan, muqaddiskii la sheegi jiray waa iyaga. Ciddii taabata ee isku dayda in ay af ama adin wax kaga beddeshaana way ku guban. Kuwan danbe ayaa ah kuwa u baahan in il gooniya lagu eego, doorsoomayaasha. Goobaha doorsooma ee diinta ka mid ah waxan ku sababaya in ay doorsoomid u diyaar ahadaan waa ahaanshiyaha ay yihiin qaar is beddelka waqtiga iyo goobta u nugul, saamayntooda ayay ku haftaan, kolkaa waa in si joogta ah loo cusboonaysiiyaa.

Ruuxa tajdiidinta la imanayaa ma keenayo wax dool ah oo diinta bidco ku ah taban ee waxa uu qabanayaa laba shaqo; qaybta doorsoonta isagu mar kasta waxa uu diyaar u ahaanayaa in uu waafajiyo waaqaca oo uu beddelo fahankii laga haysta mas’alada ama uu fahan cusub u keeno, qaybtii ma doorsoomaha ahaydna waxa uu ka qabanayaa oo keliya in uu ka tirtiro idil ahaanba wixii bidco iyo khuraafo ah ee la isku dayo in lagu soo kordhiyo. Waa taa shaqadiisu. [Eeg: Yuusuf Al-qardaawi, Shariicatul Islaam, bogga 13; iyo Ibnu Xasmi, Al-ixkaam fii Usuulil Axkaam, 5/711, 774].

Meelehee u baahan is beddelka?

–  Wada tashi ayuu Eebbe u jideeyay ummadda markii uu yidhi:

[وأمرهم شورى بينهم]الشورى:38- “Arrinkoodu dhexdooda waa u wada tashi.”

 [وشاورهم في ألأمر]آل عمران:159- “Ka talo geli arrinka.”

Aayadahani waxa ay ina fareen uun talo wadaag in la yeesho, balse meelaha u baahan in lagu ijtihaadaa waa habka wada tashiga loo gelayo, xilliyada aanba loo baahanayn wada tashi, aayaduhuna waa ay ka tageen oo may sheegin maaddaama ay tahay wax ku xidhan xaaladda iyo xilliga Muslimiinta.

– Eebbe waxa uu ina farayaa xilliga garsoorka in caddaalad la sameeyo, waxa uuna ka digayaa dulmiga iyo duudsiga marka uu yidhi:

[وإذا حَكمتم بين الناس أن َحكموا بالعدل]النساء:85-  “Haddii aad xukun samaysaanna in aad xukun caddaalad ku dhisan samaysaan (ayuu Eebbe idin farayaa).” Balse lama caddayn hannaanka caddaaladdaa lagu oogayo, iyo tirada garsoorayaasha; oo waxa bannaan in uu hal garsoore garta qaado, iyo in koox gar-yaqaan ahi garta qaadaan xilliga iyo xaaladda ayaanay sidoo kale ku xidhan tahay.

Inta aynaan qodobkan ka bixin waxa aan rabaa in aynnu ku baraarugsanaanno in aanay doorsoomi karin waxa caddaalad la yidhaahdaa; maxaa caddaalad ah? Ee ay ahaanayso wixii sharcigu caddaalad ku sheegay. Waa caddaalad shayga ay diintu caddaalad ku sheegtay xataa haddii uu khilaafo caqliga doqonka ah ee aadanaha, waana dulmi wixii ay diintu dulmi ku sheegtaa xataa haddii caqliga doqonka ah ee aadanaha agtiisa uu caddaalad ula muuqdo. Markaa halkan cusboonaysiintu ma gelayso.

–  Xilliga dagaalka, waxa uu Qur’aanku ina amrayaa in aynnu isu diyaarinno dagaal:

[وأعدُّوا لهم مَّاستطعتم مِّن قوة]الأنفال:60-“Waxa aad isu diyaarisaan (cadawga) hadba inta aad kartaan ee awood ah”.

Aayaddu keli ah waxa ay faraysaan diyaargarow balse waa ay ka tagtay habka loo diyaargaroobayo, iyo nooca awoodeed ee la diyaarinayo; maaddaama ay xilliga iyo xaaladda ku xidhan tahay.

– Xilliga wax kala iibsiga waxa ay diintu jidaysay in uu ahaado mid aan baadil ku dhisnayn isla markaana u ahaado mid raali laga wada yahay:

[ولى تأكلوا أموالم بينكم بالباطل]البقرة: 188 – “Xoolihiina si baadil ah ha u kala cunina.”

Ergaygii Eebbena, waxa uu yidhi [إنما البيع عن تراض] – “Kala iibsigu waa kala raali ahaansho.” Balse lama caddayn noocyada cunista baadilka iyo qaabka raalida la isaga noqonayo maaddaama uu ku xidhan yahay dhaqanka iyo caadooyinka dadka, balse bil shardi waa in dhaqankaasi shareecada aanu ka hor imanaynin.

Waa uun tusaalayaal intani. Ee waa baddaa aqoonta u baahan in waaqica la qabadsiiyaa.

Gebagabo

Waxa aan rabaa in aan akhriste kaaga tago, hawlaha ina sugayaa waa ay ka ballaadhan yihiin muran jaafaa-jiriq ah oo aan waxba dhalayn. Iyo in aynnu si indho la’aan ah u soo sharaabno afkaar shisheeye ama si indho la’aan ah, iyada lafteedu, u diidno afkaartaas.

Diinta baro adiga oo aan niyadda ku hayn ajar keli ah ku hel ee maanka ku haya in aad noqon kartid Mujaddidka ummaddani sugayso. Weliba adiga oo adeegsanaya indho yo garaad nool qarnigan 21aad ee aan adeegsanayn indho iyo garaad mayti ah.

Maalinkaa maanta ah wax ay ummadda Muslimka ahi uga baahi badan tahay isbeddel diimeed oo dhanka fahanka ahi ma jiro. Waa in uu dhammaadaa xilligii lo garba duubnaan lahaa Mujtahid noolaa qarni aad u fogaa oo gebi ahaanba ka duwan xaaladda iyo waaqica maanta. Waa in la helaa mar uun iyada oo laga xorooway iskooxaysiga, mabda’a uu doono ha ku dhisnaadee. Waa in bulshada loo jiheeyaa dhan kale. Dhan kale oo aanay ku qasbanaanayn in ay diintooda u fahmaan sidii uu u fahmay sheekh dedaalay oo xilli noolaa.

Waa in dhaqanka Yurub ee falsafadihiisa iyo ooddiisa cagaha ku sita laga xoroowaa si la mid ah sida looga xoroowayo dhaqanka carbeed ee diinta inoogu soo dhex dhuumanaya. Horumarka la inagama xigo, diintana la inagama xigo. Horumarka reer Yurub ma laha, diintana Carabi ma laha. Cilmaani uma baahnin si aynnu u horumarno, wadaadna uma baahnin si aynnu u horumarno, ee horumarka waxa qudh ah ee innaga hor taagani waa fahanka aynnu diinta ka qaadanno oo maanta liita — waaba haddii aynu ka qaadanno e! Diinta aynnu baranno una baranno si aynnu dunida u badbaadinno, ee yaynaan u baran oo KELI AH si aynnu nafaheenna u badbaadinno. Waa in aynu ka baxnaan xaaladdan qallafsan ee indhooluhu uu hagayo indhoolaha kale!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s