Sidii Berigii …!

Taariikhdu waynoo misbaax, maanka caawima e
Adoo male gudaayaad yaqiin, marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa in aad taqaan, meelba waxa yaal e

~ Abwaan X. A. Afqallooc.

Nin reer Cadmeed ahaa ayaa dalkii ku soo laabtay. Dhankaa iyo Hawd ayuu is dhigay. Midhadh halo ah ayaa uu kaga sii tegey beesha jiiddaa ka foofta. Waa tiro halo ah oo aanay sekaduba ka baxaynin. Tobankii gu’ iyo jarjarkii uu maqnaa ayay laba neef ka dhinteen xoolihii maganta ahaa ee uu ninku lahaa. Markii uu soo noqday ayaa lagu taabtay in sidaasi dhacday; laba neef baxeen wax tarmayna aan lagu ogayn! Ninkii baa ku tiraabay odhaah tacajab iyo u-qaadan-waa ka muuqdo oo wuxuu yidhi baa la yidhi “Toddobadaydii halaad wax dhintay mooyee wax dhalay maxaa u diiday?”!

Waxa aan uga socdaa dhacdadaa bal dalkeennan in dib loo soo noqdo mooyee maxaa horusocod uga dhaartay?

***

Gu’gii 1884 ayaa la sheegaa in uu dalka soo galay ninkii saanta caddaa ee Ingiriis si uu u guumaysto. Afar sanno isaga oo jooga waa kuwii. isaga iyo Faransiis, wada saxeexeen unkidda soohdinta Soomaalilaan iyo Jabbuuti. 1894 ayaa haddana waxa dhacay heshiiskii Anglo-Italian Protocol oo lagu bud dhigay xadkii Soomaalilaan iyo Soomaaliya. 1897 ayuu haddana Ingiriis Xabashi la dhigtay is af garadkii, Anglo-Ethiopian treaty, oo ahaa xad u samaynta Soomaalilaan iyo Itoobiya. (Samatar, 2015).

Gumaysigu danaha uu doono ha lahaadee muddo ayuu lahaa dhammaysayna. Oo waa tii sanadkii 1960 aynnu qaadannay wax lagu tilmaami karayay “Gobonnimo”. Waa tii sidii bilaa miyirka ahayd ee qiiradu dabada iyo gafuurkaba ka jirtay loola midoobay Soomaaliya. Ha la yagleelo dawladdii Jamhuuriyadda Soomaalida. Ileen awelkiiba gasiinka ‘midnimada’ sannuunaddii ayaa ka maqnayd e waa tii la biyo diiday, ha la diido ma xumee waa tii dhiig la daadiyay. Waa tii wixii xilka lahaa dhacay. Waana tii ‘sharkii’ ‘shar’ kale lagala hor tegey! Waa tii sharku sharka ka badiyay! Waa tii halkaa Burco 1991’kii lagaga dhawaaqay dib-u-dhalashadii Soomaalilaan.

Anigu haddaba umaan socon, umana socdo, in aan ka sheekeeyo waqtiyadaa iyo sooyaalkaas oo sidaa aan u soo kookoobayaa iga sal ah e aan diiradda u duwo dhankii tiriiggu iiga ifayay oo ah hannaan-maamulka Soomaalilaan siiba ‘sidee ayuu madaxweynuhu xilka ku imanayaa?”, tan iyo xilligaa.

***

Ammintaa guumaystaha ka hor Soomaalidu ‘Soomaali’ ayay ahayd. “Soomaali ayay ahayd” waxa aan ka wadaa “Ma uu jirin xad siyaasadeed oo ciidan ilaaliyo” iyo dawlado kala qoqobani, balse waxa jiray oo aan indhaha laga qarsan karin nidaam is maamul oo deegaannada u kala duwanaa. Tolal ayaa loo degenaa. Habka suldaan doorashada ayaa lagu dhaqmi jiray.

Suldaanka qoyskaa leh, doorashadana qabiilkaa leh” ayaa ka mid ah maahmaahyaha muujinaya in qoys keliyii dadka isugu darsan jirin suldaankii iyo suldaamayntiiba; caleemo-saarkii. Oo ninka qoyska ka dhaqaaqaya qabiilka ayaa dooran jiray. Teeda kale inta uu odayga madaxa ahi nool yahay ayuu sii diyaarin jiray ciddii beddeli lahayd, ummaddiisana lagu dhex arki karayay, waa tii aynnu dhihi jirnay “Suldaannimo waa inta saantu qoyan tahay”. Geed-joogayal duqay la dhihi jiray oo ilaa sulo soo talin jiray oo garta daw marinteeda, guddoominta reerka, guluf kicinta iyo colaad demintaba loo daba fadhiisto ayaa talada gacanta ku hayay. “Tol waa tolane” ayaa wax la xeeriyo u ahaa oo si caawinta, isu soo gurmadka, iyo iska war hayntu agtooda dhumuc bay ku lahayd. Halkaa waxa ka muuqata in xilligaa aynnu “Odayaal” ku noolayn dhanka siyaasadda iyo maamulka.

Guumaystihii ayaa yimi, xagal 180 ah ayay wax waliba isu rogeen. Ingiriisku, siyaasad ahaan, waxa uu adeegsan jiray nidaamkii la dhihi jiray “Qaybi oo Qabbaan ka dhigo – Divide and Rule System”. Ma uu samayn jirin, sida Faransiiska, ku milmid iyo isku day qaawan oo dhaqan doorin ah, balse maamulkii jiray ayuunbuu dusha ka sii fuuli jiray. Isaga ayuu adeegsan jiray tarmin jiray oo tayo beelin jiray. Sidii ayuu dalka ku sameeyay. Wax la yidhaahdo “Jiif Caaqil” ayuu aftaxay. Gumayn garaadeed oo aan laxaad yarayn ayaa dadkii ku habsaday, ama lagu habsiiyay. Ingiriis qol yar oo uu leeyahay ayaynnu soo baxnay; Ingiriisna nidaamkiisa maamul wuxuu ahaa Imbaraadooriyad ama boqortooyo xooggan. Waa tii la dhihi jiray Boqortooyada Iglan calankeeda cadceeddu kama dhacdo oo ay ka duulayeen xaqiiqada ah in uu ahaa Guumaystihii u weynaa ee xilligii guumaysiga; dalalka u badan ee dunida, oo Soomaalilaan iyo Maraykanba ku jiraan, ayuu qabsaday. Ciidankeennuna wuu u dagaalamayay Ingiriis. Halkanna waxa ka muuqata in aynnu soo noqonnay ummad Imbaaradooriyad ka mid ah.

1960 ayaa hadlay. Waa sanadkii yidhi ‘guumaysi dhuleed oo danbe ma sii jiri doono’. Soomaalilaan 26 Juun ee sanadkaa ayay ku biirtay dalalkii inta nidaamkoodii la fadareeyay oo la fara fareeyay haddana la yidhi “Waa taas e hooya” ama iyagu soo dhacsaday. ‘Gobonnimadii’ la qaaday. Lama hakan bee xaggaa iyo Muqdisho oo iyana siddeed caano maal uun ka dib ‘xor’ noqotay ayaa la isku shubay. Waa tii la ‘midoobay’. Hannaan aan ahayn labadii hore midna ayaa la isku qaaday. Dimuqraadiyad ayaa la yidhi aynnu isku xukunno. Madaxweyne Aadan Cadde waa kii noqday hoggaamiyihii u horreeyay ee xilka wareejiyay markii laga helay, lana maray hab la yidhi waa ‘Dimuqraadiyad’. Madaxweyne Cabdirashiid Sharma’arke ayaa dalka qabsaday; Jamhuuriyaddii Soomaalida. Yoolka hore ee ‘midnimaduna’ waxa uu ahaa, sida loo fasiray, raadinta shantii Soomaaliyeed; Hargeysa, Jabbuuti, Diridhaba, Wajeer iyo Muqdisho iyo isu soo dabbaaliddooda. Dawladdaa ‘rayidka’ ahayd dadku waa ka biyo diideen. Dadkii reer Soomaalilaan oo uu u baxay magac cusub; “Waqooyi”, waxa ay iyagu bilaabeen muujinta diidmada 1961’kii markii ay isku dayeen afgenbi dhicisoobay. Wixii ‘midawga’ keenay in uu caadifad ahaa ayuu astaan u noqday. Aadan Cadde in aan lagu qanacsanayn waxa u daliilkii ah isaga oo aan xilkiiba wareejin ayay soo baxeen ku farxid in uu dhaafay dalka ninkaasi. Abwaan Soomaaliyeed ayaa lahaa:

“[…] Nabad iyo Naq roob baa beddelay, Nayla-jaliyiiye
Nacabkii Ilaah naga kaxee, naaqiska ahaaye
Nasiib baannu leenahay haddaan, Aadan soo noqon e

Niiddii xareedbaa ka timi, Naannida ahayd e
Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh, nugul ka soo doogye
Nataaqadi na gaadhiyo lugtii, nalaga naafeeyey

Waxa Nacalla-qabihii na baday, waa ka noollahaye
Nabsigii wax badan loo dhursugay, nacasti soo gaadhye
Nooleba mar uun buu samaha, Nacam yidhaahdaaye
[…]” ~ A. I. D. Qaasim, Naxariis, 1969.

Ra’iisal wasaare Cigaal, oo Soomaalilaan ka soo jeeday, ayaan xataa waxba loo reeban. Abwaan Qaasim, EHU, waxa uu u tiriyay ra’iisal wasaaraha gabay uu ugu magac daray “Ina Cigaal”, oo ay ka mid ahaayeen tuducyadani:

[…] Tabtaa ina Cigaalow waddaan, tacab qasaar uun dheh
Tartan meelna aan gaadhiniyo, turuqyo daaluun dheh
Tamashlaha aan meel looga dhalan, tookh u socodkeeda
Toddobaad waxaan gaadhiniyo, tuhumo beenaad dheh
[…]

Madaxweyne Cabdirashiid iyo Dimuqraadiyadduba way dedaashay. Balse iyada lafteeda laguma qancin. Dawlad ‘rayid’ ahba lama maqashiin karaynin dadka. Qushigeede muddadaa sagaalka sannadoon ah, 1960 – 1969, waxa dalka ka dhisnaa dawlado dimuqraadi ah. Halkanna waxa ka muuqata in aynnu soo noqonnay dimuqraaddi.

Aktoobar labaatan iyo kowdeedii 1969 ayay askartii dalka qabsadeen, ka gadaal dilkii madaxweyne Sharma’arke. Waa loo riyaaqay oo ‘tawrad barakaysan’ in ay tahay ayaa loo aqoonsaday. In Aadan Cadde, Cabdirashiid iyo Dimuqraadiyaddiiba la jidh diiddanaa waxa caddaynaya dareen dadweyne oo uu ka mid ahaa geeraarkii Abwaan Timacadde, EHU, ee ahaa:

“[…] Sagaalkii sannadoodeey
Sifo dawlad u eegiyo
Sawirkeedba ma oollin e
Calanku wayska sudhnaa!
[…]”

Siyaad Barre ayaa dalkii u baxay. Ladhkii “Madaxweyne” ayaanu qaatay. Hannaan wixii horeba ka duwan ayuu la yimi. Yaan odhanin hannaan ee aan dhaho dhawr hannaan. Sababtoo ah waxa uu meel isugu keenay Shuuciyad iyo Jiitaannimo, “Communist Dictatorship”. Wax dadku u sacabbo tumaan, biqid iyo badhitaar ka ay doonto ha ka ahaatee, aakhirkii dalkii waa isla oogsaday. “Ka kacaay oo ku kacaay” ayaa ka dhacday. Halkaa waxa innaga soo galay nidaamka “Kacdoonka – Revolution”. Urruro iyo jabhado aynaan iminka u jeedin ujeeddadooda ayaa sida Furuqa u dillaacay dawladdiina sida Ayaxa ugu degay. Naf kagamay kicin oo dalkii iyo badi dadkiiba af weyntay u dhaceen. Qushigiisa, ha la mahadiyo ama yaan la jeclaysan e, halkanna waxa ka muuqata in aynnu soo noqonnay dawlad shuuci keli-talisnnimo weheliso ah isla jeerkaasna kacdoon soo galay.

Hudheelkii waa laga fara xashay! Af maris baan oollin se!

1991 Soomaalilaan dhankeedaa ayay ka hillaacday. War ma haysid e Waqooyi hillaac ayaa ka dhacday. (Ma hubo in odhaahdaasi sida aan u adeegsaday ku soo baxday). Xamarna dib looma soo eegin. Dawladnimo ayay ku dhawaaqeen, Soomaalilaan. Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ayaa taladii qabtay. Ku simid muddo laba gu’ ah ayay ahayd oo jabhaddii SNM in ay dalka dawladnimo u diyaariso ay ahayd. 1993 magaalada Boorama ayaa lagu doortay madaxweyne Maxamed Cigaal. “Odayaal” ayaa doorashada hagayay awoodna loo siiyay. Halkanna waxa ka muuqata in aynnu dib ugu soo noqonnay hannaankeennii guumaysiga ka hor ee ‘Odayaasha’ laga danbaynayay!

2001 ayaa la yidhi dalku “Dimuqraaddi” ha noqdo! “Distuur” ayaa la ‘ansixiyay’. 97% dadkii xilligaa noolaa ayaa HAA yidhi.  Ilaa maalinkaa maanta ah ee 2015 taariikhdu marayso waxa la foolcelinayaa hannaankaa Dimuqraadiyadda ah. Fure Bajaaj ayaa la rabaa in Candho-maydle lagu istaadho! Dawacadii tallaabadeediina ka tagtay tii nebigana aan gaadhin ayaa laga dhigmay. Dimuqraadiyad ha la qaataba e doorashooyinka, oo la yidhi waa u tiir nidaamkan, “sidee ayaynnu ku nahay?” ayaa iswaydiin ah. Digada ayaynnu ku nahay iyo weliba danbaska. 2008 iyo 2015 laba doorasho madaxweyne ayaa baaqday, ama la baajiyay. 2010 iyo 2015 laba doorasho baarlamaan oo dhici lahaa ayaa cirka loo calaamadiyay. 2007 doorashooyinkii gole deegaan ee la qaban lahaa waa laga dhex saaray meesha oo 2012 ayuun baa la qabtay oo weliba tii ka dhacday la ogaa! In aynnu wax qasbaynno ayaa cad. Abwaanku mar kasta wuu hadlaa, hadal miisaan leh balse dhego weeleeya la’ ayaa ka soo baxa afkiisa. Maxamed I. Hadwaari ayaa ka mid ah abwaannada haddii maansooyinkooda in uun loo dhug yeelan lahaa, wax laga taransan lahaa. Wuxuu yidhi:

[…] Dildilo rogan baad tihiin
Sidaad isu doorataan
Ayaad isu doorisaan
[…]”  ~ Hadraawi, Dabahuwan, 1995.

Halkanna waxa ka muuqata in aynnu hadda ku jirno xaalad “Heehaab” ah, oo aynaan nidaam qaamuuska dunida ku jira, maamul ahaan, ku dhaqmaynin.

***

Mid ka mid ah waxyaabaha waaweyn ee jiritaanka Sooyaalka micno u yeelayaa waa in wax laga taransado. Iyada oo aanay ujeeddadu ahayn in lagu ag baroorto taariikhda oo lagu calaalayo laguna celceliyo “Sidaasaan ahaa, waxaasaa igu dhacay, …” balse faa’ido lagala soo dhex baxo. Waxtarkaa aynnu sheegaynno waxa u weyn in dabinnadii noloshu inoo soo dhigtay waqti hore, isla iyagii, aynaan gelin mar labaad oo timaaddada ka mid ah. Waa halka ay Soomaalidu ka lahayd “Mar i dage Alle ha dago, laba jeer i dage se anigaa is dagay”, nebiguna uu ka lahaa “Mu’minka laba goor isla hal god lagama wada qaniino”! Hadal iyo dhammaan “TAXADDIR ayaa laga dheefaa taariikhda”.

Sooyaalkaa aynnu fara guudkood ku soo dul marnay maxaynnu ka taransannay, dhanka maamulka? Waa waxba!

Aynu iswayddiinno “Waa maxay nidaamka maamul ee u mudan in Soomaalilaan lagu dhaqo?”.

Aan badheedhahayga furo, dooddaydana dhiibto e anigu waxa aan taagnahay in aynu dib ugu noqo soo noolayno oo naaxinno sidii berigii… Sidee?

Taariikhdeenna hore anigu waxa aan ayidsanaa, ayidsanahay, haddii wax dhaamaa aannu imanna sii ayidsanaan doonaa, hannaankii odayaasha ee guumaysiga ka hor. Taariikhdeenna cusubna hannaankii Madaxweyne Cigaal lagu doortay. Oo maxaan u taageeray? Sidaa aynnu isla soo wada aragnay hababkaa; Boqortooyo/Guumaysi, Dimuqraadiyad/Rayid, iyo Shuuciyad/Keli-talisnimo dhammidood waxa la isla soo wada qiray in iintooda iyo dhibtoodu ka badnayn itaalkooda iyo dheeftooda.

Sababma ayaan ku taageersanahay habkaa?

Aniga waxa ay ila tahay in doorashadii Cigaal ay koobsatay laba astaamood oo u muhiim ah, aragtidayda, doorasho in ay dhacdo; cidda wax dooranasay oo NADIIF ahayd iyo cidda la dooranayay oo NADIIF ahayd!

Haddii qabyaalad la inooga taag waayay bal ka warran haddii aynu qabyaaladda iyada si togan u adeegsanno? Sidee?

Qabiil walba haddii laga soo xulo ninka ka dhaqaaqaya ee nafta leh, ee aan la soo qaadan –sida iminka dhacda- ninba ninkuu ka hacoosan yahay, ka dibna la isugu keeni lahaa gole go’aanku ka fulo oo ay iyagana doortaan madaxweynaha, ileen aqoon iyo kartiba waa ay leeyihiin oo ninna nin kama itaal yaroo qabiil la isku maquuninayaa ma jiri doonee, waxa aan hubaa in aynnu dawlad lagu soo daba faylo oo iyadu kala badbaadda, hab sanna hawlaheedu u socdaan in aynnu ahaan lahayn.

Meeriskii ahaa “Qabiil waliba koodii xun buu soo kallihiyaaye”, oo xaqiiqada maanta ka turjumayay, ayaan taagnahay aynnu beddelno oo aynnu ka dhigno “Qabiil waliba koodii san wa inu soo kallihiyaa”! Bal maxaa ku jaban?

Haddii aan habkaa doortay micnaheedu ma aha in aan leeyahay hannaannada kale idilkood waa kharaab! Xaasha’. Waxa aan rumaysnahay in hannaankaasi yahay ka u qumman balse aannu ka maarmayn in wixii naaxin iyo kaashid ah ee waaqic-qabadsiinta loola jeedo looga soo ergisto nidaamkii ku dhaama. Saldhiggu ha inoo noqdo nidaamkaa, wixii badhi taarayana ha la raadsado. Waa taa dooddaydu.

***

(Qoraalka oo PDF ah halkan kala deg)

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s