“Halkani Waa…” [1]

Q1: Halkani Waa… Burco!

Burco weli waa Burco

Horta magaalada Burco iskiin bari maayo akhriste, balse qiimayn qofeed oo aan sameeyay dhurta ka soo baxday ayaa aan idinku jalbeebinayaa ee shifo ku il saar oo shar kuuma leh,

***

 Dhallinta magaalda Burci iskuma xidhna. Waana xanuun ay la qabaan guud ahaan dhallinyarada dalka oo dhan. Inta ku doodaysa in ay isku xidhan yihiin, ama ay isku soo xidhmayaan, waxa iska khaldan isku-xidhnaanta iyo is-garashada. Da’yartu waa ay is-yaqaanniin, ama waa ay isa soo baranayaan, balse iskuma xidhna! Xariiqyo-beeneedyo xushmad loo hayo ayaa kala xadeeya xooggii facaas kankoonsan! Ninba intii uu hayay cidla ciirsi la’ ayaa uu la yuururaa, kolkaa in uu gadhoodho ayuun baa la filanayaa!

Quwadda intaasi le’eg waxyaabaha u fududeeya in ay midawdo waxa ka mid ah goobo ay fekerrada ku wadaagaan kuna kala haadiyaan. Ma leh magaaladu.

Waxa ka mid ah isu-tag iyo/ama madal isu keenta badi awooddaa dihin, u hadasha, in iyaga loo baahan yahayna dadka hor dhigta. Ma leh magaaladu!

Meesha u weyn ee asxaabtu isku soo horfadhiisataa waa maqaaxiyaha; oo qudhoodu aad magaalada ugu yar! Waa goobihii hadda ay ahayd in laga xereeyo lagana mashquuliyo dhallinta, ee waqtiga lumin jiray! “Dameer dabadii nin isku qariyay, meel u dhaanta ayuu waayay” ayay maahmaahi ahayd. Ninka dameerkaa dabadiisa gabbaadka ka dhigtay, ee dimbaabidhyadiisu u tahay hoyga, bal qiyaas oo meesha uu iska qarinayaa waa meel side ah? Xaalad sidaa ah ayay ku sugan yihiin jiilkii magaalada iyo dalkaba u soo kacayay!

Maayir Muraad in uu magaalada ka muraadsaday ayaa judhaba kuu muuqanaysa!

Xarumaha dawladda ee ay ahayd in ay shaqeeyaan waqtigii loo asteeyay; siddeed saacadood, waxa guul u ah arooryada wajahaddooda qashinka tuulan laga xaadho!

Burco weli waa Burco!

Taws ka jirta geyiga oo idil ayaa aan saamixin Burcana; akhris-xumi. Amateedkii akhrista ayaa ka xidhan! Laguma oga magaalada rugo wax-akhris. Ururro hafar ah, oo in aan kula talin lahaa in ay albaabbada xidhaan, ayaa magaalada ka dhisan!

Dabayshii qoraal ee aagga ku dhabatay ayaa aan dhaafin Burcana. Buugaag tirada malab ah tayadana dacar ah ayaa buuxdhaafiyay maktabahada. Waa buug ciddii ku doodi jirtay “Soomaalidu wax dhadhan iyo dhusur leh ma qorto” u noqonaya xujo xooggan. Dalka oo idili ma laha, oo waa run, xafiis taya-hubineed oo buugta qaabilsan, balse Burco waa ay ka sii xagjirtaa! Qolyaha isku sheega in ay qoraalka iyo akhriska horumarintiisa u taagan yihiin buugta ay qoraan ayaaba qaadhaanka u weyn kaga qayb qaata nicidda buugta af Soomaaliga ku qoran. Goobaha wax daabaca ayaa iyaguna la’ damiirkii ay ku kala shaandhay lahaayeen, iyo dee mooyi in ay qaddaadiicda eeganayaan! Adigu si kale wax kuma garatid e, halkan gurmad ayaa looga baahan yahay!

Ganacsatadii iyo hantiillaydii magaalada ee wax yar dacalka ku guntadaaba waxa uu ka soo jeestaa meel ay Hargeysi u soo sokayso! Garaadkiisu ma siiyo, waaba haddii uu leeyahay e, magaaladaada iyo gobolkaagan ku horumari, ileen waxbixintu guriga ayay ka bilaabantaaye!

Waxbarashada magaaladu, aniga oo ka xun, AAD ayaa ay u liidataa! Waxa caado aan la jarin noqotay, dhaydana ka caddaatay, in ruuxii aqoon-raadis ahi ka huleelo gobolka, oo xaggaa iyo arlada ay Hargeysi u soo dhawdahayna afka saaro! Hadda waa Hargeysada reer Hargeysi qawadsan yihiin!

Roob yaraan aan lagu aqoon ayaa magaalada ku soo asbaxay! Inta u badan maalmaha cirku waa uu isu eegyahay. Toggii dheeraa ee gobolka ee aan kala go’i iska daaye garbooyinka jabsan jiray, haddeer waa engeg!

Hayeehsee Burco, marka caasimadda loo eego, waa ay ka biyo wanaagsan tahayl; xagga helidda. “Biyo la’aan” wax lagu tilmaami karaa kama ay jiraan magaalada. Waxaana loo aanaynayaa tirada dadka magaalada u oo yar iyo biyaha oo badan. Heerkulkii magaalada ayaa isbeddelay se, xagga kulka ayaanu u sii ruqaansaday!

Magaaladu waa ay dhismaysaa; daaro ahaan. Waase dumaysaa; dad ahaan! Aafadaas oo dalka guud ahaantii ka jirta ayuun bay Burci saamigeeda qaadatay!

Meelaha suuqoodu xaammiga yahay, si la mid ah sida waddanka oo idil ka jirta, waa dhakhtarrada. Ummadduba waa ay buktaa! Magacyada shisheeye ee lagu qadhaabsanayo ayaa kaaga daran. Cisbitalka Masaarida iyo kan Jarmalka ayaa ka mid ah shebaagta dadka maatida ah lagu bililiqaysto!

Marka aan jeedaaliso aad u dhug yeelatid, una dhabbo-geshid si qoto dheer, waxa kuu baxaya in dhibtuba ka shishayso intan muuqata. Caafimaadkii dadka magaalada iyo nadiifnimadii hawada waxa liddi ku ah, oo xaafadihii magaaladana ka dhex taagan, biraha isgaadhsiinta, “Towers”. Kabadhayaal ‘dhiigmiirato’ ah oo wax cun mooyee wax caawi aan garanayn, ama isdiidsiinaysa, ayaa magaalada sidii ay doonaan ugu galgashay, yeelyeeshayna! Cid “ka ridaay” dhahdana laguma oga! Waa runtaa haddii aad igula dooddid ‘geyiga oo dhan ayay qolyahaasi isugu joogsadeen”!

Haddii Hargeysa laga cabanayo dugsiyo sare iyo ‘jaamacado’ baayacmushtar ahaan loo furtay, Burco waxa laga dheelaa malcaamado iyo dugsiyo Qur’aan ‘furasho’ loo furtay! Ubadka oo qalqaali ah awgeed, waalidku waxa uu ‘xabsi’ ahaan ugu ‘taxaabaan’ madarisado lix-ilaa-ka-lix ah, “Boarding”, oo degmada ina Daan weyne ka ah!

Bulshada qaybaheeda kala geddisan, waxa Burco boqollayda u yar ka ah dhallinyarta. Badh xaqiiqada ka baxsaday (tahriibay), badh dal shisheeye qaab aan suuddalid ahayn ku aaday iyo badh magaalooyinka kale ee dalka tacliin ama tamaraysi u tegey ayay isugu jiraan tirada aan tebeyaa!

Waxa laga yaabaa akhriste in waxa u weyn ee aad ka dhex raadinaysid qoraalkaygani yahay qabyaaladdii iyo labadii suuq! Soo ma aha? Haddaba, war nabad ah lagu sii. Waxa iigu cabsida yar ayaa aan ku tiriyay qolo-qolodaas, markii aan qiimeeyay xaaladda ii muuqatay! Jugun baa yidhi: “Xasan Jigin bikh”!

Masiibooyinka magaalada haddii aan laga moosin maanshayn doona, qabyaaladdu kuraas yar ayay ku leedahay! Balse waxa ka cidhiidhsaday booskii kala-qaybsanaan fekereed oo badi ku dhisan “yaan lagaa horrayn, magacaaga hoostiisa wax ha lagu wado, adigu hagaha gacanta ku dhig meesha aad rabtidna u jeedi, …”!

Waxa kaa farxinaya, dhanka kale, marka aad la kulantid dhallinyaro aan u fekerayn sidii reer Burco lagu yaqiin! Waa koox leh aragti ka duwan tii laga filayay dad xaalka caynkaas ah ku nool. Bar-bulsheedka Feysbuug ayaa leh sababta in aannu innamadaas isbaranno.

Waa dhallin u qalanta in la dhiirrigeliyo, qablaayadda laga cuudiyo lagana diin-saaro, isla jeerkaasna la taageero.

***

Maxay ayaa aan xal u arkaa?

Waxa aan hoos ku tixi qodobbada aan u arkay in ay yihiin kuwa ugu yaraan wax-ka-beddel dhanka togan ah keeni kara. Waa isku-day ee adigu akhriste sii kaashkaash.

Xalku, sida aan arko, meel dheer ma jiro waxa aanan ku soo koobayaa:

  1. Midnimo; dhallintu haddii ay midawdo, adduunyadu waa ay isla qirsan tahay in ay waxkasta oo qofi samayn karo ay samayn karaan. Cidda aan leeyahay ha midawdo waa kooxahan ururrada ku kala safan, ee qolaba la daalaa-dhacayso bixinta kirada, laydhka iyo biyaha qolka yar ee ay ku jiraan. Waa aan ogahay oo suuragal uma muuqanayso, sawir ayayna ahaanaysaa, fekraddan ah midaynta ‘urur’ ku sheegyadu. Waanan ogahay sida oo kale in dalka guud ahaantii looga baahan yahay midnimada fekereed. Haddana, wax waliba hal mar ayaa ay bilaabmaan. Waan qirsanahay in in waliba markii ay qolkooda aas-aasayeen u unkeen in ay iyagu magaalada u fekeraan isla markaana waxa ay ku fekereen ay fuliyaan! Taas oo aan meerahan aynnu ku nool nahay maangal ka ahayn. Qof “Fekere” noqday, oo dee u fekeray dan-guud, marnaba “Fuliye” ma noqon karo! Fulinta fekraddu waa ay ka weyn tahay wax hal qof amah al isu-imaad fuliyo. Soo-jeedintaydu waxa ay tahay:

 –  Tufa oo isa soo dhaafiya ciriqan caloosheenna ku maqan ee ah “muuqo.” Adiga haddii ujeedkaaga u weyni yahay in dhagaxan hortaada yaalla koonaha kale la dhigo, ka dibna aad u fekertid, xalkuna kuu soo baxo in la jiido si halkoo loo gaadhsiiyo, adiga waxa kuu cad in aad aragtid maalin uun dhagaxii oo kaari-koonahaa kale yaalla. Muhiim kuuma aha ‘yaa geeyay?’. Waxa muhiim kuu ah se ‘ma la geeyay?’. Sidaa darteed waxa aan idinka rabaa dhallintaay in haddii aad u taagan tahay tiriridda cayda, tusaale ahaan, oo aan aniga oo aan ku jirin ururkaagu ku guulaysto in aan baabiiyo caytankii, in aanad ii arag in aan ku soo duulay hawshii aad haysay ee aad ii aragtid in aan fuliyay fekraddaadii, faafiyayna farriintaadii, sidaa darteed uu ururkaagii guulaystay. Balse haddii aad u qaadatid in aan ku soo weeraray oo aan mashruucaagii kaa galaaftay, wacad Alle sal ma lihid!

–  Inta aan isu timaaddaan ururradiinu oo aad bal wada fadhiisataan, isla kolkaana foodda is gelisaan, waxa aad qorataan mabda’yo idin mideeya, ileen waa ay jiraan e. Tiirarkaa marka aad taagtaan waxa aad dejisaan qorshe leh ujeeddo iyo ammin qeexan. Yool cad oo ay tahay in yoom cad la gaadho samaysaan, kala qaybsada hawsha. Oo tusaale ahaan arrintii ku saabsan akhris iyo qoraal koox heblaayo ha kaga soo fara-xalato muddadaas, arrintii qabyaalad-la-dirir ah isu-tag hebel ha ka soo dhalaalo isaga oo haysta waqti go’an, arrintii horumarin-bulsheed ah ee dhanka dhaqaale ama dhan kale uun ciddii u taagnayd ha ka soo jeesato iyada oo ku xisaabtamaysa xilliga la siiyay, sidaa u wada, oo laamo ha noqdaan waxan oo urur-beenaad ahi, iyada oo lagu hawlgelayo hiigsiga aad wada dhigateen, lana marayo jidka aad wada jeexateen.

–   Inta aad isla-qabsanaysaan muhiim ma aha in aad samaysataa urur magac leh oo guud, sababta oo ah waxa aan ogahay in mid kasta oo idinka mid ahi jecel yahay in uu isagu guddoomiyo ururkaas, sidaa darteed waxa aad suubisaan kuna shaqaysaan qorshe cusub, oo ah in aad hoos hadhsataan mabda’a aad qorateen iyada oo ay laan waliba u madax-bannaanayso hawsha qaybta loo siiyay, haddana aanay ka tallaabsanayn, xeerinaysa se, xidhaha guud ee aad isku xeerteen.

  1. Isku-xidhnaan iyo Isdhexgal; waxa aynnu ka wada war haynaa in dhallinyartu aanay ahayn intan ururrada ku jirta oo keliya, balse ay kala baahsan yihiin. Haddii xaafaddiinu tahay Hodan, isku day in aad yeelatid dhiirranaanta aad ku soo caweynayn lahayd Siirooga, aniga ayaa kuu ballan qaadaya oo wallaahay malaggu aaggaa kuma badna e. Haddii gurigiinu ku yaallo Afgooye, bal hadda habeen-habeen Baarsiigo u shaah doono, wallay ka tahay oo waxba ma yaallaan baasi e! Saaxiibbada aad yeelaysid waa in aad isku daydaa in ay u bataan kuwa aydaan isku xaafadda ahayn ee aad hadhiyo-habeen is aragtaan. Kooxdiinii ururraduna isku daya in xaruumihiinu noqdaan suuqa badhtanka ah, ee ninka guddoomiyaha ah ama ciddii yagleeshay xaafaddooda yaanu aha.
  1. Horukac; marka la helo qodobbadaa, waxa aan ku hanweynahay in aayar xagga togan loogu ruqaansan doono. Tanaad dhammaystiranna loo turaanturoon doono. Awooddaa dhallinta oo la mideeyo, la isdhexgeliyana ayuun baa innaga xiga horukaca.

***

Hadal waxa uu ku soo afmeermayaa, Burco reer Burco ayaa iska leh, iyaga ayaana hagaajisan kara ama hallayn kara!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s