“Halkani Waa…” [2]

Q2: Halkani Waa … Laascaanood!

Horta in aynaan magaalo-is-baris ku jirin maanka ayaa aad iigu haysaa saw ma aha? Qoraalladeennan taxanaha ah waxa aynnu ku eegaynnay uun xaaladda goobtaa abbaartu tahay, innaga oo ka weerarayna xaglo qeexan, sida laga dhandhansan karo qormadeennii koowaad ee aynnu Burco kaga soo hadalnay!

***

Laascaanood, gobolkii Sool iyo gudihii Nugaal ayaa aynnu ka hadlaynaa hadda, waa magaalo fac ahaan iyo fagaare ahaanba weyn. Gudaha marka aad u soo gasho waxa aad dareemi in ay tahay bendar aad u dhismaya dhul ahaan. Waddooyin ilaa heer lagu diirsado gaadhay ayaa laga jeexay. Cid dhistayba, in dadku badi mahadiyeen ayaa muuqanaysa. Buuraley in ay tahay ayaa ka caawisay magaalada in xilliga roobabowga qurux soo baxdo, walow aan ku soo beegmay ammin cirku gadoodsan yahay, haddana maalmihii koobnaa ee roobku nagu helay magaalada ayaa awood loo lahaa in la oddoroso taas oo xilli-roobaad ku jirtana! Cimilo-gooreedkeedu, sida la ii sheegay, ma ay kululaan jirin, balse haddeer xagga baylka ayaa ay u xaglisay. In aan saxsanahay ayaa aan isu haysanayaa haddii aan ku doodo in geyigu gibil-doorsanka la qabo!

Noloshii cadka iyo caanaha lagu tiirsanaa ayaa ku sii daba-yar magaalada. Qadada aan hilib, weliba ku geel, wadanini qado halkan kama aha. Dadkeedu waa dad gurmad u baahan balse ilaa heer gob ah. Si la mid ah sida xagalo-cunistu ugu sii baaqida tahay, ayaa ay marti-xeerintuna ugu sii hadhay. Inta aan ka arkay, waa gob gobi keentay oo martisoorka, soodhawaynta iyo siidhawayntaba milgaheeda yaqaan, marinkeedana marsha!

“Gurmad” in ay u baahan yihiin ayaa aan xusay, haddii uu carrabkaagu dareemay. Xaq ayaa aan ku taagnahay haddii aan ku sii adkaysto adeegsiga eraygaa, sabab? Sidii laga filayay magaalo Soomaali degto, Laasku waxa uu saammigiisii uga xaadiray soohdinta akhris-xumada, amateedkaasi waa awdan yahay! Rug waxakhris oo madaxbannaan soo hadalqaadkeeda ayaa wax weyn ka ah halkan. Ururro hawlgal ah oo shuqulkan qaabilsanna magaaladu waa ka arradan tahay. Laba maktabadood, inta la ii sheegay, ay leedahay magaaladu. Maya, magaaladu ma laha ee jaamacadaha magaalada ayaa leh! Waa qoon qalliin u baahan. Waayo jaamacadda waxa laga filanayaa buug-manhajeed ay ardaydu isku kaabto, waana dhisma gaar ah oo cid u xidhan, xaqna looguma laha in loo yeedhiyo nooca dhigane iyo xilliga furitaankaba, sidaa darteed iyagu xisaabta inooguma jiraan.

“Gurmad” ayaa ay u baahan tahay, oo dhallinyartii magaalada wax dabar ah oo xooggan isla jeerkaasna xooggagaa mideeyaayi ma jiro. Horta da’yar naf lehi magaalka ma joogaan iswayddii! Facaa dhexe waa ka haawanaysaa magaaladu. Ama aan eedda anigu lahaado, oo ha la i dhaho adiga ayaan wada gaadhin e ama si kale wax u dhacaan e, dhallinyarta feker midayn karo ee ishaydu qabatay, ama uu miis na mideeyay waa midhadh! Goobo midhadhkaa la isugu keeno ayaa aan xataa jirin, haddii ay jiraan aan buurnayn.

Jaamacaddii u horreysay ee magaaladu yeelato; Jaamacadda Nugaal, raacii lixaad ee ka baxa xaflad loo qabtay ayaa aan nasiib u helay in aan ka qaybgalo. Jaamacaddu waxa ay furnayd tan iyo 2004, waxaana gu’gan ka qalinjeliyay tiradii u badnayn; 174 arday, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha jaamacadda mudane Lafoole. Awelkii hore madi ayaa ay ku ahayd magaalada, balse sebankaa maanta ah waxa lammaaneeyay jaamacaddii Golis laanteeda Laaska iyo dugsigii Ilays ee Laascaanood jaamacad uu furtay oo isla magaca wadata. Madasha loo goleeyay bartayaasha oo aan goobjooge ka ahaa, yididdiilo, aanan hubin in ay waarayso, ayaa iskay tustay!

Haa, waa runtaa haddii aad ka fekeraysid in kooxihii ganacsatada ahaa magaaladanna ka botorinayaan. Waabay isugu joogsadeen, dadka magaaladuna kooxahaa gaarka ah magacyo gaar ah oo la isla yaqaano ayaa ay ula baxeenba. Shufto oo kale ayaa ku yihiin magaalada, maciishadduna in ay shareeran tahay ayaa ay ii sheegeen dadka deegaanku. Waa geddood, layaabna iguma aysan noqon, oo waan ka filanaya bahalnimada nimankaa ganacsatada ah.

Weli waxa magaalada ka shaqaysa shilin Soomaaligii, reer Burco Filibbiin ayaa ay u yaqaanneen, waa tii kunkunka iyo shanshanta boqol ahayd. Haddii aanay wax iska beddelin intii aan ka soo jeeday, marka aan qoraalkan qorayo, shanta boqol ee shilin laanta ahi waxa uu u dhigmaa 1 500 – 2 000 oo Filibbiin ah. Qofka lacagtaas ku cusub ee weligii Hargeysa iyo intii ka galbeedaysa ku sugnaa waa uu ku dawakhi xaqiiqa Maka!

Marka si guud loo hadlo, Laascaanood sida qofka aan weligii aragi ka haysto iyo sida ay dhab ahaan tahay waa bari iyo bogox inta isu jirtaa! Magaalo wada mooryaan ah, magaalo dhiigya-cab ah, magaalo dibudhac weyn ku habsaday oo aan hinqanayn, magaalo aan magaalo ahayn, waa aragtiyaha dadka caadiga ah ee aan deggenayni ka haystaan, ayna iigu sheegeen, balse xaqiiqadu waa dhanka kale ee saacadda. Xagal 180 garaaddo ah ayaa ay tahay in aad wareegtid si aad u heshid runta biyo-kama-dhibcaanka ah.

Magaalo kobcaysa, haddii loo dedaalo, dadkeeduna gacmaha isqabsadaan meel durugsan iyo timaaddo ifaysa heli doonta weeye Laascaanood.

Nimco waliba nusqaanteed leh e, qaadku waa mid ka mid ah xamaha ku rumooba Laaska! Raamsiga geedkaa adhaxjebiyaha ahi waa ka ugu tunka weyn qodobbada ciirada ku kicinaya mustaqbalka dadka magaalada.

Gunanadkii, haddii dadka reer Laascaanood horumarka ku indha-kuushaan, isagana daafacaan, waxyaabaha agtooda laga ciseeyana ay ku daraan, waxa aan arkaa magaaladaa oo caasimadda baro dhaafisay!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s