Jamhuuriyadda Guudcadde!

U fiirso waa dal dhan e. Waa dal aan iimaanka la’ayn, dhanka kalana aan bilaa abateed ahayn. Jamhuuriyaddayda ayaa aan iskiin barayaa.

Qarnigii 20aad oo lix sano ka dhiman tahay ayaa dalkan la aas-aasay. Waxa uu ku guulaystay in uu muddo ilbidhiqsiyo ah kaga soo gudbo dunida aan arrimin ilaa uu soo gaadhay dunida arrimisa. Waxa uu ka soo go’ay laba dal, sagaal bilood iyo qadaadiic ka horreysay ayuu xornimadiisa u soo halgamayay. Aakhrikii calankiisii ayuu taagtay.

Xarunta jamhuuriyadda:

Xarunta dalku waa dhulka. Ma aaminsana dalkani xad iyo soohdin maaddi ah oo dalalka kala xadaysaa in ay lama-taabtaan yihiin! “Xariiqyo-beenaaddo” ayuu u aqoonsan yahay. Xad maaddi ah weeye ka uu dalku diiddan yahay, balse waa uu aqoonsan yahay in uu jiri karo soohdinno dhaqaneed, diineed, fekereed, iyo kuwo macnawi ahiba; waanu ixtiraamayaa.

Qaabdhismeedka Jamhuuriyadda:

Jamhuuriyaddani waxa ay ku dhisan tahay, oo aaminsan tahay, nidaam la dhaho ‘Jaadgooni’. Waa dal dunida aanu ka jirin dal ay isku si u hawlgalaani. Waa waddan ka madaxbannaan canjilidda iyo minguurinta aydhiyoloojiyadaha dalalka kale. Waa dal ku faana, una dabbaaldega daqiiqad kasta, jaadgooniga uu yahay. Baahi uma qabo caawimo iyo deeq shisheeye. Waxsoosaarka ka soo go’da beerta u weyn ee dalkani leeyahay oo la dhaho ‘Maskaxda’ ayaa dalka kafaysa. ‘Iskufilnaanshiyihii’ dawladuhu sheegi jireen ayuu gacanta ku dhigay. Keligii ayuu dalkani arrinsadaa, socdaa, fadhiistaa, isu-roonaadaa, fekeraa, isla jeerkaana waxdoortaa. Maaddaama uu aaminsan yahay in aanu jirin dal kale oo khayraadkiisa dabiiciga ah soo hunguriyaynayaa, baahiba uma qabo in uu daba-ka-yaabnimo ku noolaadaayi.

Madaxweynaha dalka oo “Caqli” la yidhaahdaa waa xubinta ugu sharfan qaabdhismeedka dalka. Dalkani iimaanka ma la’a oo madaxweyne keliya ayaa ka jira, ma rababa in doorooshooyin xor ah iyo kuwo xaaraan ah toona, marba haddii muwaadiniintu nabad ku nool yihiin, heerka shaqa-la’aantuna eber tahay; oo dalkaa dhan muwaadin bilaa camal ah laguma oga! Waa dal shiidaal aan haysan, balse caqli wax shiila leh oo kaasi u ruqaamiyo dhanka badhaadhaha. Garsooraha guud oo la yidhaahdo Qalbi ayaan isaguna haykalka dawladnimo ka maqnayn. Waa ninka kala go’aamiya go’aannada masiiriga ah ee dalkani qaadanayo, isaga oo adeegsanaya qalab heersare ah oo la yidhaahdo “Iimaan”.

Ciidanka taraafigga ee Indho ayaa iyagu u ah dalkan rukun adag. Waxa ay amarka ka qaataan xarunta madaxtooyada ee dhakada ku taalla oo ma eegaan wax aan loo diran.

Wasiirka warfaafinta mudane Af iyo la-taliyayaashiisa, ilko, carrab iyo daan, waxa ay jamhuuriyadda u qaabilsan yihiin ku eedaanka waxa dalkani rumaysan yahay, iyo difaaciisa. Sidoo kalana waa dhabbada loo maro si loola xidhiidho waddama deriska ah iyo kuwa shisheeyaba. Wasiirkani maandheyt uma haysto in uu sheegsheego wax aanu golaha sare farin, isaga oo wax xeerinaya ayuuna hadlaa.

Cadawga koowaad ee dalkani leeyahay waa jahliga iyo ku-dayashada-aragga-la’ ee dalalka kale. Qaab nololeedkooda iyo waxa ay ku xalistaan dhibaatooyinkooda. Si dhawrtaas la isaga rawo, dalku waxa uu horumariyay tabobbaro sarana siiyay ciidanka difaaca iyo weerarka ee dalka. Sunta qadka iyo sumaca qalinka ayaa uu dalkani hub ahaan u adeegsadaa. Indhaha, dhegaha, maanka iyo faraha ayaa mar keliya albaabbada laga soo furaa haddii xaalku xumaado.

Hay’adda sirdoonka waa sir. Dareenka lixaadna waa uu shaqeeyaa jamhuuriyadda.

Dalkan lagama seexdo wax badan. Waxa laga aaminsan yahay in 3 ilaa 5 saac 24ka saacadood ay ku filan yihiin shaqaalaha dawladda hurdadooda. Hawl baa sugaysa, kolka hurdo waa debedda.

Muxuu dalkani rabaa?

Waxa uu rabaa in uu abuuro ilbaxnimo dadka dalkiisu ka faa’idaystaan, ka dibna dalalka kale u gudba oo ay wax ka taransadaan. Laabta waxa kaga xardhan: “Keligay ayaan dhashay, keligay ayaanan dhimanayaa, kolkaa waa in aan keligay noolaadaa”. Xaddaradda dalkan laga dhisayo lama dammaana-qaadi karo in la dhammaystiri doono, iyo muddadaba, balse waxa la hubaa in aan la hagranayn waxba.

Dalkani keligii uun iskama fekero, balse danaha dadyawga iyo waddamada kalaba wuu ka shaqeeyaa. Wuxuu ku dhiirrigeliyaa in ay khayraadkooda garwaaqsadaan, ka bacdina ay habsami isticmaalaan si toganna uga faa’idaystaan.

Dalkani waxa uu rabaa in uu arko, ama la arko, dalalka dunida oo nabad ku wada nool. Isla jeerkaasna dal kastaa aaminsan yahay in uu yahay jaadgooni. Ma aha in uu u baqo waddan X in naftiisa uu ka qaadayo waddan Y. Waayo dunidan ma jiro qof ay naftu ku yar tahay oo laba nafood u baahani! Sidaa in loo fekero, iyo si ka sii sarraysa, ayay jamhuuriyaddani rabtaa.

Dalkani Ictiraaf ma haystaa?

Dhammaan muwaadiniinta dalkani waa ay aqoonsan yihiin, aaminsan yihiin kuna uurfayoow yihiin dalkooda. In dali u baahan yahay aqoonsiga dal kale, halkan lagama aaminsana. Shacabkiisa ayaa dalka ku filan.

Siyaasadda dalka:

Siyaasadda guud ee dalku waa tu ku dhisan maslaxad. Qabyaalad wax la yidhaahdaa kumaba jirto qaamuusyada laga daabaco dalka gudihiisa; kuwo dalalka dibaddiisa laga soo daabacaa maba soo galaan dalka. Xubinna xubin kale kama muhiimsana; midna lagama maarmi karo. Caddaaladduna waa muush. Xeer-ilaalintii waa xaadir. Siyaasadda halkani kolka ma taqaan kala sarraynta. Kala sarraynta ku dhisan asalka qofka. Oo iminka beerku kama hooseeyo caqliga, marka sababtu tahay caqliga ayaa ka asal wanaagsan beerka. Maya. Balse beerku waa uu ka meeqaam hooseeyaa caqliga, marka sababayntu tahay caqligu wuu ka shaqo iyo mas’uuliyad badan yahay beerka. Haa. Nidaamkaas ayaa halkan laga dheelaa.

Maslaxadda uu dalkani ku dhaqmaa waa ku uu ku eegayo murraayado cad, kana eegayo xagal cad, una eegayo ujeeddo cad! Mabda’yo uu aaminsan yahay ayuu gaws danbeedka dhigaa isaga oo xeerinaya maslaxadda dalka uu la shawrayo.

Diintee ayaa dalkan laga rumaysan yahay?

Diin lagu tilmaami karo HAL; hal Ilaah, hal kitaab, hal nebi, hal xaqiiqo iyo hal waddo oo saxan.

Diintaa waa uu u dhimanayaa, ku dhimanayaa, kuna dhimanayaa. Islaam buura ah weeye. Wuu ku faanayaa weliba dalkani.

Dalkii diin kale wata, dalkani ma sasiyo, ma surjaro, mana sannifo bilaa ujeeddo.

Waxa uu qaddarin u hayaa waxa laga midaysan yahay, isaga oo aan waxa lagu kala taggan yahay maanka ka saarayn, ixtiraamayana.

Dalkan miyaa laga dhintaa?

Dalkan saddex qolo kama dhintaan:

 – Hanka

 – Hilinka

 – Hubka.

Hanka: ujeeddada iyo yoolka uu dalkaa dhani u dhisan yahay oo ah in uu waqtigan Abuuraha iyo Abuurtu aanay isu muuqan ka liibaano, waqtiga ay Abuuraha iyo abuurtu isu muuqan doonnana dhito sii dhigto anfacda. In dalkani horumaro, dalnimaduna kobocdo.

Hilinka: Jidka isku xidha yoolkaa iyo dalkan; dedaal, adkaysi iyo ka-go’naansho.

Hubka: Waran ma aha ee waa warqad, qunbulad ma aha ee waa qalin, caaddifad ma aha ee waa caqli, cawaannimo ma aha ee waa cilmi, wixii tabanba ma aha e waa wax togan.

In naf la jaro, in naf la badbaadiyo ayuu dalkani ka jecel yahay. In naf la jaray la aasana, in la naftii jartay lala aaso.

Dalkani muxuu waxsoosaar leeyahay?

Hadalkoo kooban aragtiyo iyo afkaarro ayuu soosaaraa dalkani ka duulaya garoon la dhaho “Iimaan”.

Dalalka kale muxuu talo siinayaa?

Jamhuuriyadda Guudcadde waxa ay kugula talinaysaa:

– Aamin oo ku faan in aad jaadgooni tahay.

 – Ku taagnow mabda’aaga, aad nafta ku waydidnee.

 – Baro maxlaxadda.

 – Yaqiinso in wax aanad qaban karinin in aanu ku soo mari karin. Marba haddii uu ku soo maro arrini, waa arrin aad qaban kartid ama wax ka qaban kartid.

 – Isku qalabee aqoon iyo akhris badan.

 – Ayidsanow oo la jir kooxda u janjeedha xaqa iyo xaqiiqada.

 – Ilaahay oo keliya ka baq, cid kale xaq uma laha in ay kaa bajiso.

 – Yoolal abbaaran nolol tan ka wanaagsan dejiso. Muddaysana.

 – Ku dhaqaaq fulinta hadaf kasta oo aad dhigatid.

 – Kaasho gaadiidka rafka iyo saxaraha jiidha ee nafhuridda ah si aad uga daafacdo waxa aad aaminsan tahay waxa ka khaldan.

 – Kala aragti duwanaansha ha ka dhgin, oo yuuna kuula muuqan dagaal iyo qolo is-haysa. Aamin oo ixtiraam.

 – In aad leedahay dal iska dhan horta bal rumayso. Liq baan ku idhi, liq! Ka dibna nidaami habmaamulka dalkaaga.

 – Waxa keli ah ee cadawga kuu ahi ha noqdo jaahilnimada iyo cidda wadata ama uu wato.

Jamhuuriyaddaadu waa jawharaddaada ee ka ilaali jaahwareerka iyo jahliga!

***

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde, mulkiilaha Jamhuuriyadda Guudcadde.
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

(Fadlan qoraalka oo PDF ah halkan kala deg)

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s