Falsafadda Dhaqaale ee Islaamka

Marka hannaanka dhaqaalaha la joogo, waxa dunida soo maray afar falsafadood oo mid kastaa islahayd qaabkan ayaa dhaqaalaha lagu kobcin karaa:

1. Falsafadda Dhul-goosadka; falsafaddani waxa ay diiradda saaraysay keysada/khayraadka dhulka. Yurub ayaa laga dhaqangeliyay. Hal mid ayuu ku fashilan yahay oo shaqada ma uusan danayn. Dhul bilaa tacab ah ayay falsafaddani xoogga saartay. Waa taa arladii la kala seeraystay! (Mararka qaar nidaamkan dhulgoosadka waxa la hoos geeyaa habkan Hati-goosadka).

2. Falsafadda Hanti-goosadka; falsafaddan raasamaaliga ahi waxa ay xoogga saaraysay oo keli ah raasamaalka. Hannaankani, sidii kii hore oo kale, ayuu iska yaraystay shaqada. Nin kastaa in uu hanti aanu u dhididin hantiyo ayaa uu jid kasta u maray. Yurub iyo Galbeedka ayaa lagaga dhaqmayay, badi. Waxa uu adhaxda kaga jabay marba haddii uu meesha ka saaray in ruuxa dheef doonayaa uu u dhidido oo uu shaqaysto.
Khadka waxa ka sii saaray markii ribada naf la mooday.

3. Falsafadda Hanti-wadaagga; falsafaddan shuuciyadda oo lagaga dhaqmayay arladii uu gaadhay nidaamkii shuucigu, waxa ay labadii hore ku ahayd lid. Haddii dhulgoosadka iyo raasamaalku aanay danaynayn shaqada, shuuciyaddu waxa ay dananaynaysay KELIYAATA shaqada. Hannaankan waxba kama gelin hababka iyo dariiqyada waxsoosaarku. Shaqo waa shaqo. Wax la kala leeyahayna ma jirto. Hal mid baa dhicisnimadiisa u wacan habkan; shaqadii ayuu qeexay, ee wixii laga shaqayn lahaa ma uusan qeexin, wixii loo shaqayn lahaana isaga daa!

Nidaamyadaa iyo falsafadahaas saddexda ahi waxa ay u muuqdaan in ay afweynta goosteen/goosanayaan. Ma sii jiri karaan, oo mid kasta sababaha aynu intaa yar ka sheegnay ayaa laba-dibleeyay/diblaynaya.

Falsafadda afraad, oo ah ta aan u aqoonsanahay in ay xal u tahay kacaa-kufka dhaqaalaha ee waddamadii laga fuliyay saddexdaa falsafadood ee kore, waa falsafad ay ku tilmaamaan:
4. Falsafadda Hanti-dhaxlidda (Istikhlaaf); Qur’aanku waxa suuradda al-Xadiid:7 ku sheegayaa in xooluhu yihiin hanti Eebbe oo uu u wakiishay dadka – dadka oo dhan – kolkaa ayna ahayn in ay isa siiyaan, ama ay iska maanacaan, ama ay fishaan in uu fadhiga u yimaaddo, ama ay isku adkeeyaan bixintiisa. Waa falsafad aan ka tegin qayb yar oo ka mid ah hannaanka dhaqaale-kobcinta. Faca is bedbeddalaya ayay hantidu isaga gudubtaa,  waana hannaan sawiraya in hantidu tahay wax facu kalo dhaxlo, waana sababta aynu “Hanti-dhaxlid” ula baxnay.

Iyaga oo qiraya in hannaankan Islaamku jeexay iyo aragtidiisani tahay mid ku habboon in loo dhug yeesho lana dabbaqo, ayaa ay reer Galbeedku ka marag kaceen waqtiyo kala geddisan.

– Dabayaaqadii gu’gii 2008 ayuu warsidaha ‘Challenges’ ee dalka Faransa ka soo baxaa qoray: “Intii aynu akhriyi lahayn nusuusta Baabawiga ah, waa in aynu akhrinnaa Qur’aanka. Taas oo ay sababteedu tahay in shareecada Islaamka iyo mabda’eeda muqaddaska ah ee odhanaya ‘Lacagta lacag lagama dhaliyo’ (ee qof baa ku adeega) tahay xalka rabshadda maaliyadeed ee dunidu maanta marayso”.

– Baadariga Vatican-ka ayaa horraantii 2009 waxa uu qiray in ‘baridda akhlaaqda ee uu nidaamka maaliyadeed ee Islaamku xoogga saarayaa yahay waddo lagu soo celin karo kalsoonida hannaanka maaliyadeed ee dunida’.

Haddaba, bal aynu yara ballaadhinno qaybtii u danbeysay.

Aragtidan aynu leennahay waa Hanti-dhaxlid waxa ay salka ku haysaa in Eebbe dadka ugu talogalay in ay noqdaan wakiilkiisa dunida. Waa falsafad dib ugu noqonaysa bilawgii aadanaha iyo sababtii loo abuuray. Waa tu ka soo duulaysa kolkii uu Alle malaa’igta ugu jawaabay in uu dhulka geyn doono ‘khaliif‘ ama dad dhaxlay dhulka; oo ka arrimiya.

Fahanka u horreeya (The first concept) ee hantida marka laga soo dhanbalo Qur’aanku waa tu aad u dhumuc weyn, waxaana aynu u kala qaadi karnaa laba weji:

1. Mar uu Eebbe xoolaha iyo hantida sheegay in ay tahay mid xaggiisa ka timi, oo uu Isagu leeyahay. Fiiri aayadahan:
Alxadiid:7 [آمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَأَنْفِقُوا مِمَّا جَعَلَكُمْ مُسْتَخْلَفِينَ فِيهِ]
Alnuur:33 [وَآتُوهُمْ مِنْ مَالِ اللَّهِ الَّذِي آتَاكُمْ ]

Markan waxa uu Eebbe inna dareensiinayaa in xoolaha aan la isa siinin, hanti-goosad iyo dhul-goosadkaba si ka duwan, waxa uu sidoo kale Alle innagu baraarujinayaa in fahanka koowaad laga dhigto in ugu horrayntaba hantidani tu Alle tahay, maaddaama dhulka loogu yimi, dabcanna dhulku uu ka horreeyay abuuritaankii aadanaha, sidaa darteed aadanahu uu u arko in jiil ilaa ka jiil hantidani ay isaga gudbayso. Innagana inoo wakiishay ilaalinta iyo ku adeegidda hantidan, iyo sidoo kale u gudbinta faca danbe.

2. Mar kalana uu Eebbe dadka u nisbaynayo hantida. Waa marka uu leeyahay:
Albaqara:188 [وَلَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ ]
An-nisaa:5 [وَلَا تُؤْتُوا السُّفَهَاءَ أَمْوَالَكُمُ الَّتِي جَعَلَ اللَّهُ لَكُمْ قِيَامًا ]

Markan waxa uu Alle innoo sheegayaa in maalku dhexdeenna yaallo, waa fahanka labaad ee u mudan in hantida laga qaato. Waxa uu fahankani xusayaa in maalka iyo xoolaha cidi yeelan karto, ciddaasna ay tahay in ay marto xeer uu ka mid yahay in aanay si fasaad ah oo baadil u badan dhexdooda ku cunin, laaluushka tusaale ahaan, iyo in aanay dadka waxmagaratada ah ee aan lahayn awood maarayneed ku wareejin hantidooda. Halkan waxa ka cad in diintu oggoshahay in dadku, iyada oo dedaalkooda ay ku xidhan tahay, ay yeelan karaan maal ay iyagu danbaabaan. Waxa bartan meesha lagaga saarayaa falsafaddii hanti-wadaagga, taas oo dadka dheefta iyo dhibtaba ka simaysay.
Waxa ka cad aayadda 188 ee suuradda Albaqra qaybteeda labaad ee ka bilaabmaysa: [وَتُدْلُوا بِهَا إِلَى الْحُكَّامِ ] in la diidayo in hantida guud ee dadku gacanta inta u wada gasho ay ka dibna si gaar ah uga faa’idaystaan xukuummaduhu, sida hantiwadaagga dhacda, taas oo halis dhaqaaale ku ah dawladda iyo dadka leh hantida gaarka ah.

Halkan waxa kale oo uu Eebbe raaciyay in cidda hantida qof hantisiisaa tahay Ilaahay oo keli ah, marka uu dedaal la yimaaddo; التي جعل الله لكم قياما ayuu Eebbe raaciyay. Xoolahan Eebbe idiin gacan geliyay.

***

Labadaa fahan ee aas-aasiga u ah hantida marka la joogo Falsafadda Islaamka ah ee Dhaqaalaha waa aad ila fahantay ayaa aan filayaa.

Sheekh Maxamed Shaltoot (1310-1383H/ 1893-1963M), oo ka mid ahaa wadaaddada Falsafadda Maaliyadeed ee Islaamka wax ka yidhi ayaa yidhi: ‘Waxtarka maaliyaddu waa in ay gaadho qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay u buuxiso baahiyahooda iyo kaabayaashooda nololeed ee aas-aasiga ah’. Sheekhu waxa uu halkan kaga hadlayaa in ujeeddada laga leeyahay fahanka guud ee Falsafadda hanti-qulqulka/Hanti-dhaxliddu tahay in la daboolo baahiyaha koowaad ee dadka, sida caafimaadka, aqoonta iyo amniga.

Dr. Maxamed Cammaarah (1350H/1931M – Ilaa hadda), oo ka mid ah khubarada muslimiinta ah ee mawduucan wax badan ka qoray, in bandanna ka hadlay, ayaa ku andacooday in dhexdhexdaadnimada falsafaddan dhaqaale ee Islaamku leeyahay tahay astaan kale oo muujinaysa in ummadda muslimiintu yihiin kuwo ‘DHEX – الوسطية’ ah. Waxa ay dhex u yihiin Hanti-goosadka xagjirka ah iyo Hanti-wadaagga mintidka ah ee gudcurka gudaya. (Fiiri buugga al-xallul Islaamiyi li azmatil Ra’salmaaliyatil Caalamiya, ee uu qoray Dr. Maxamed Cammaarah).

Waa aan dareensanahay in mawduucani yahay mid ka sino ballaadhan intan, anna waxa aan u socday uun in aan inna tusiyo in Muslimiin ahaan aynu leennahay hannaan iyo fekrado dhaqaale oo ka sarreeya kuwa ciddii dhoobdhoobatay ay qawadday.

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com
aragtixora.wordpress.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s