Nafta iyo Sharka Maxaa ka Dhexeeya?!

Gogoldhig

Qoraalkan waxa aynu foolka ku saari doonnaa nafta iyo sharka waxa ka dhexeeya; xidhiidh iyo xurguftan, sababta uu u jiro iyo guud ahaan aragtiyaha iyo falsafadaha ay falsafadyahannadu ka leeyihiin/lahaayeen asalka aadanaha; ma mid sharka u janjeedha baa mise waa ku wanaagga iyo khayrka xaggiisa jira? Waxa aynu ugu danbaynta qormadeennan isku deyi doonnaa in aynu doodaha baabkan khuseeya wax ku darsanno, inta aynu kala hufno gorfayn dabadeed.

Gunaanadka qoraalkan waxa akhristaha laga filayaa in uu ugu yaraan feker iyo weji kale oo naftiisa ahi u muuqdaan. Haddii ruuxa akhrisanayaa helo xagal iyo xog kale oo naftiisa iyo sharka ku saabsan, waxa loo qaddarinayaa in ujeedkii qoraalku gudbay guulaystayna.

Marjaca Qoraalka:

Qoraalkan xogaha iyo doodaha aynu ku soo bandhigayno marka aynu kala reebayno, kala hufaynana, beegaalka aynu adeegsanaynaa waa saddex:

  1. Kasmanafeedda (Psychology)
  2. Tacliimaatka Islaamka
  3. Maangalka (Logic)

Hordhac Guud: Nafta iyo Aragtiyaha ku Gedaaman

Falfadyahanka dunida soo maray waxa ay ku kala duwanaayeen qeexidda nafta iyo sidoo kale asalka aadanaha.

Qaar ka mid ahi waxa ay ku sheegeen in qofku qof uun yahay mar kasta. Wax kasta oo dhaca, dhib iyo dheefba, aadanuhu waa aadane. Mar kastana ama khayr ayuu faraha ayuu faraha kula jiraa, ama shar.

Kuwaa waxa ay u arkeen in kala duwanaanshaha dhaqan ee dadku; shar iyo khayr, uu ku salaysan yahay qofka laftarkiisa. Oo ruuxa ayaa markiisa hore wanaag u samaysan ama xume u samaysan ayay ku tageen.

Kuwo kale ayaa u arkay in dabeecaddiisa jidh ahaaneed qofka ay ku riixdo in uu shar sameeyo, oo uu bahalnimo ku dhaqmo, oo isku dayana in uu baahiyihiisa iyo hawadiisa ka fuudhyeelo, awood wuxuu leeyahayna isugu geeyo!

Sidee ayuu hawadiisa u dhergin karaa?

Waxa ay dhaheen qofku sharwade ayaa uu noqonayaa waxii u ahaada sameeya, isaga oo aanu wax xidhaa jirin. Laakiin dabeecaddiisa gudeed, mabda’yadiisa, iyo dhaqannada bulshadiisa ayaa u riixaya xagga wanaagga.

Kuwo kale waxa ay u tixgeliyeen caqligu in uu yahay mashiinka sharka iyo khayrka, waxa ayna ka dhigeen garsooraha; kan wax faraya kana reebaya ee xukumaya qofka dabeecad ahaan. Kolkaa wixii uu shar uu u arko ayaa ah shar!

Badh baaba la yimi jadh kale; waxa ay dhaheen qofku shar ama wanaag ayuu ku dhashaa, waayo waa uu dhaxlaa. Hidda-side sharka ama khayrka qaada ayaa jira!

Koox kale ayaa deegaanka u tiirisay sharka qofi ku kaco ama wanaagga.

Kuwo kalana dhaxlidda iyo deegaanka ayay isku dareen, una aaneeyeen sharlow ama khayrwade ka uu soo baxayo qofku.

Dulmarkaa marka aynu ka soo gudubno aynu soo kicinno odayadii caanka ahaa ee falsafadda iyo waxa ay qabeen, innaga oo u eegayna beegaalladii aynu kor ku soo sheegnay.

Aragtiyaha Faylasuufyadii Galbeedka

Aragtida 1aad

Socrates, Stoics, Jean-Jacques Rousseau, René Descartes iyo inta ku waafaqsaniba waxa ay qabeen in dadku asal ahaan ehlu khayr yihiin, balse ay sharwadayaal noqdaan marka ay la fadhiistaan ehlu sharka; ayna u leexdaan hawadooda iyada oo qofku uu waddo kasta iyo xeelad kasta uu u maro si uu u fushado hawadiisa. Isaga oo aan eegayn saxnimada marrinka iyo khaladnimadiisa!

Waxa ay u eegtahay in ay leeyihiin: in nafta aadanuhu dabeecad iyo asalnimo khayr ah leedahay, balse sharku uu weerar ku soo qaado fidraddiisa iyo dhalashadiisaa khayr ah, dibaddana uu kaga yimaaddo.

Rousseau waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo dhug lahaado dabeecadda ilmaha yar, la ixtiraamo lagana dhawro dhexgalka bulshada. Waxa uu yidhi: “Wax kastaa inta ay ku jiraan gacanta dabeecadda waa ay bedqabayaan, marba haddii se ay galaan gacanta aadanaha waa ay kharaabayaan!” [Sarxan, 1978, 50].

Qolooyinkani waxa ay ku tageen in asalka aadanahu uu ka kooban yahay jidh iskii u taagan iyo caqli ama ruux iskood u taagan.

Descartes waxa uu aaminsan yahay in shaqada ruuxdu tahay gaadhidda aqoonta iyada oo loo sii marayo hannaanka u-fiirsashada ee caqliga ah, halka kan camaliga ahna tahay martabad soke oo ku tiirsan jidhka ugu horrayntaba. Shaqada tarbiyadduna waa xoojinta dhanka ruuxiga ah uun; la xidhiidha ruuxda, si uu qofku uga gacan sarreeyo hawooyinkiisa! (Descartes, 1650).

Aragtidan Descartes waxa ay meesha ka saaraysaa, oo xaqiraysaa, muhiimadda farsoomiyinka gacanta, makaanikada iyo hawlahaa birmaalidda ah. Iyada oo loo arkayo dadka waxaas ku shaqaystay Dabaqadda Hoose ee Dadka. Taasna ay ka dhalato kala-durugga dabaqadaha dadweynaha ku yimaadda; marba haddii dadka ruuxda uun kobciya loo arkayo in ay dabaqad sare yihiin!

Aragtidani, haddaba, waa marka kowaad e ma aha mid la wada qaadan karo. Waayo dadka waxa laga abuuray macdanaha carrada dhulku ka kooban tahay, ee kala geddisan; mid wanaagsan iyo mid xunba waa laga helayaa. Haddii xataa qofku aanu rumaysnayn in aadanaha halkaa laga abuuray, ma dafiri karo in uu jiro kala-duwanaansho.

Eebbana Isaga oo taas caddaynaya ayaa uu Qur’aanka ku yidhi:

[ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ] – “Nin iyo camalkii, waa nin iyo caynaddii.” Al-Isra’ : 84.

Waxa uu nebi Maxamed, NNKH, xadiis ku yidhi isaguna:

«الناس معادن كمعادن الذهب والفضة، خيارهم في الجاهلية خيارهم في الإسلام إذا فقِهوا» — “Dadku waa macdano (kala duwan) sida macdanaha dahabka iyo fiddada, koodii wanaagsanaa Islaamka hortii waa kooda wanaagsan Islaamka dabadii; haddii uu fahmo.” Bushaari [3383]; Muslin [2638].

Mar labaadna ma shaqaynayso aragtidani oo waxa iswayddiin mudan haddii ay dhaheen raggani: qofku waa ehlu khayr inta aanu ku dhex qasmin ehlu sharka, waa kuwama ehlu sharkan meesha sii fadhfadhiya ee qaadsiinaya qofka khayrlaha ah sharku? Iyaga yaa ehlu shar ka dhigay? Asalka qofku haddii uu khayr uun yahay, maxay ahaayeen dadkan sharka qaybinayaa? Xaggay ka keeneen? Iyo wayddiimo la naas-nuuga ayaa hor yaalla culimadan!

Haddii dadku asal ahaan ehlu khayr ahaan lahaayeen shar ma yimaaddeen, dad xunxun oo sharka safriyaana ma jireen, balse waxa ay dunidu iska ahaan lahayn janno yar iyo maqaam karaamaysan, dadka ku noolina malaa’igta waxba kama ay dhaceen!

Aragtida 2aad

Plato (Afladon), Sigmund Freud, Charles Darwin, Plotinus (Falodiin), Raggii Kiniisadda — (السوعيون ) Siyuuciyuun, (الينسيون ) Yunsiyuun — iyo intoodii ku raacday fekerkuba waxa ay ku tageen in dadku dabeecad ahaan sharka u janjeedhaan. Waxa ayna u arkayeen in dadku uu ku dhasho isaga oo  dhaxlay denbigii uu galay Aabbihii aadanaha; Aadam. Tan waxa ka dhalanaysa in sida keli ah ee nafta loo dahirin karaa ay tahay in la ciqaabo, ruuxdana laga siibo nafta!

Waa taa sababta ay u jideeyeen in qofku is-jidh-dilo oo jidhkiisa garaacid kala daalo, isaga oo aaminsan in falkaas dartii gefkii uu kaga ba’ayo! Aakhirka tani waxa ay sunne ka dhigtay in ubadka la rukaaso, oo huudha loo qoro! Iyada oo la rumaysan yahay in inta ay yar yihiin carruurtu la sii nadiifiyo!

Plato waxa uu yidhi: Dabeecadda dadku waxa ay ka kooban tahay naf caaqil ah, naf cadho-dhaw iyo naf shahwo jecel! [al-Hashimi, 1984, 53]. Freud waxa uu cabbiray in “shahwada, jeclaanshiyaha iyo galmadu” yihiin mishiinka aas-aaska ah ee dhaqaajiya qofka iyo falalkiisa oo idil ee ay ka mid yihiin jeclaanshiyihiisa waalidkii iyo cibaadada Rabbigii.

Darwin waxa uu ku tegey in “aadanahu yahay dhammaadka silsilado isbeddello (evolution series) oo soo dhacayay!” [Idriis, 1982, 67]. Dabcan ma uu sheegin sababta isbeddelladii u joogsadeen oo aadanuhu u noqday kii u danbeeyay.

Marka la isku xooriyo, kooxdani waxa ay qabtaa in “aadanuhu dhalasho ahaan yahay mid sharka u xagliya, sharkuna yahay dabeecadda nafta ee qofka iyo abuurkiisa,” sidoo kalana in qofku wanaagga uu ku helo barasho iyo waaya-aragnimo!

Claudius Galenus (130 – 200 C.E.)  oo u jawaabaya qolyaha aaminsan aragtidaa ayaa yidhi: “Haddii qof kastaa yahay sharlow, dabeecad ahaan, khayrkana barasho keli ah ay ku heli karaan, yaa baraya? Haddii jawaabtu noqoto in dad kale barayaan, dadkaa kale markaa waa dad khayr ah dabeecad ahaan! Sidaa darteed dadka oo DHANI ma aha kuwo sharku yahay asalkooda, dabeecad ahaan!

Mar kale ayaynu ka jawaabi karnaa aragtidoodaa ay leeyihiin dadka OO DHANI waa kuwo shar ku soo dhasha, halka ay hadhow KA BARAN KARAAN khayrka. Qofka dabci ahaan xumaha u janjeedha ee dariiqaa doortay, wacyigelin, waano, talo, digniin iyo xataa aayado lagu dul akhriyaa waa ay ku adkaan doontaa, waqti iyo dedaal dheeri ahna dalban doontaa, in tubta toosan lagu soo rido.

Eebbe waxa uu Qur’aanka ku yidhi:

[إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُواْ سَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لاَ يُؤْمِنُونَ] – “Gaalada waxa isugu mid ah haddii aad u digtid iyo haddii aanad u digin; laba gooraalaba ma rumaynayaan”. Al-Baqra:6

[وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا] – “Qur’aanka waxa aannu wax ka mid ah u soo dejinnay kiiyoo uu ugu sugan yahay caafimaad iyo naxariis dadka rumeeyay, kuwa dulmiga sameeyay (ee aan rumaynna) waxba uma kordhinayo.” al-Isra’:82

Waxa aad xasuusta dib ugu celisaa oo aad halkan dhaw keensataa saddexdan odhaahyood:

Nin hurda ayaa la toosiyaa!
– Maahmaah Soomaaliyeed
Waa ay adag tahay in aad toosisid ruux is-nabaya.
– Maahmaah Ingiriis
Waa ay adag tahay in aad doqmaha ka xoraysid silsilado ay xushmad u hayaan.
– Voltaire

Haddii ruuxaa dhalad ahaanta gurran wacdi lagu dul akhriyo, balse uu jidkaa jeexday, waxba kama beddelayso taasi. Markaa sheekada ah wanaagga in qofku bannaanka ka barto, isaga oo asalkiisii shar yahay, miyay soconaysaa?

Aragtida 3aad

Aristotle, John Locke (1756), David Hartley (1757), David Hume (1776), Immanuel Kant (1804), Herbert Spencer (1903) iyo intii la qabtay Aragtida Habdhaqan ee Kasmo-nafeeddu, (Behavioural Theory in Psychology), waxa ay ku tageen ubadku marka uu dhasho ilaa laga soo gaadho da’ qeexan oo meel dhexe ah in aanu haadna haysan, khayr iyo shar toona; saa waaba sabi e, ayay ku doodeen.

Haddii si kale loo dhigo: odayadani waxa ay qabaan in dabeecadda aadanuhu tahay mid DHEXDHEXAAD AH!

Saw ma aanad maqli jirin carruurnimadii heestan?
Ninna maaha
Naagna maaha
Waa naanaabad!

Haddaba falsafadyahannadani waxa ay taagan yihiin: asalnimada qofku khayrna ma aha sharna ma aha ee waa yacyacood!

Buuggiisa ‘Hordhaca Kasmo-nafeedda Bulsheed – Introduction to Social Psychology” ee soo baxay 1908-dii ayuu William McDougall isku deyay in uu ku lafa-guro meelna ku tiiriyo qaabka ay u samaysanto fidrada qofku iyo hannaanka ay isu-qaabayso marka la habaynayo shakhsiyadda qofka iyo muhiimadda ay u leedahay ciriq (qariisah) kasta oo qofku leeyahay ladnaanta bushada. Aragti uu lahaa Aristotle oo uu ku andacoonayay in dadku leeyihiin ciriqyo iyo agabyo fidri ah, ayaa uu McDougall isku deyay in uu balballaadhiyo.

Waxa uu McDougall ku sheegay in ciriqaasi yahay kan tiirarka dabeecadeed ee ruuxa, uuna sidoo kale yahay mishiinka kowaad ee shiidaaliya firfircoonida naf ahaaneed iyo tan jidheedba. Noolahanna isaga ayaa siinaya, ayaa uu yidhi, awoodda uu ku tamarinayo, waxa ay kale oo u qeexdaa yoolashiisa. Waxa uu McDouggal ku sheegay in qofku leeyahay 12 ciriq; mid kastaana waxa uu leeyahay muhiimaddiisa, firfircoonaantiisa. Shaqada uu qabtaana waa tu cad oo si cad u caddaynaysa in dabeecadda aadanuhu tahay tu DHEXDHEXAAD AH.  [Sari&Jaalkii, 2000, 17]

Aragtidani waa mid luudaysa, dalbo badan oo muuqdana leh. Fahanka tan lagala baxayaa waa tu ku aaddan in tarbiyadda, ama barbaaritu, tahay qodob u muhiim ah aragtidan, iyada oo ay tahay tarbiyaddu tu soo saari karta ama qof wanaagsan ama ku xun. Taas oo micnaheedu yahay in in waxa aynu ugu yeedhno khayrku; ee run leh, ee mahadcelin leh, ee badhaxtirnaan leh, ee xaqiiqo-jeclaan lehi aanu ahayn khayr qofka agtiisa, sidoo kalana waxa shar loogu yeedhaa aanu agtiisa shar ahayn. Saa waaba qof dhexdhexaad ah e!

Aragtidan dhexdhexaadnimadu waxa ay qofkii ka dhigaysaa sida agabyada. Tusaale ahaan mindidu waa agab, iyadu ma dareento xabuubta lagu jarjarayo jarjariddeeda ama haddii jiinjad lagu kala goynayo goynteeda; waa mindidii uun ama hilib ku jar ama harag ku jar!. Sidaas oo kale ayaa ay nafta qofku noqonaysaa, sida aragtidani qabto, mid sharka iyo khayrkuba la kulmayaan haddana midina aanu saamaynayn!

Waxa aragtidan lagula kaftami karaa in ay tahay: “Aragtida Mindiyaynta Nafta”!

Aragtidan ubadka ka dhigaysa kuwo aan foolna haysanin waxa ay ka madhan tahay daliillada sharciga ah iyo kuwa caqliga ahba. Eebbe waxa uu Qur’aanka ku yidhi, isaga oo ka warramaya wiilkii yaraa ee uu dilay Ninkii ay nebi Muuse is-heleen:

وَأَمَّا الْغُلَامُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤْمِنَيْنِ فَخَشِينَا أَنْ يُرْهِقَهُمَا طُغْيَانًا وَكُفْرًا(80)
فَأَرَدْنَا أَنْ يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًا مِنْهُ زَكَاةً وَأَقْرَبَ رُحْمًا   (81)
Al-Kahf: 80-81. Aayaddan waxa ku cad in ilmaha berri-ka-maalin u dhalan doona qoyskaasi noqon karo mid khayr ku soo dhasha, oo sidaa loo rejaynayo.

Mar kale waxa uu Eebbe Isaga oo inoo soo gudbinaya ducadii uu ku ducaystay nebi Nuux yidhi:

وَقَالَ نُوحٌ رَّبِّ لَا تَذَرْ عَلَى الْأَرْضِ مِنَ الْكَافِرِينَ دَيَّارًا (26) إِنَّكَ إِن تَذَرْهُمْ يُضِلُّوا عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوا إِلَّا فَاجِرًا كَفَّارًا (27)
al-Nuux: 26-27. Aayaddan iyadana waxa ka cad in nebi Nuux ubadka u dhalan doona gaalada uu sii arkayay in ay shar ku sii sifaysnaan doonnaan (sababtuna aanay ahayn kuwiiyoo shar ku dhashay balse ay tahay in iyaga oo aan gaadhin da’dii ay odayada aragtidani qabeen ay carruurtaasi noqon doonto kuwo sharwadayaal ah, sababta oo ah deegaan shar ah ayaa ay ku nool yihiin).

Sida inoo cad ilmuhu “biyo” ma noqon karo; dhexdhexaad. (Biyuhu aashitana ma aha, alkalaayna ma aha e waxa ay leeyihiin pH 7 ah; dhexdhexaad)! Qofku ama haadkaa midigta ayuu qabsan, ama kaa bidixda – mana jiri doono baabuur waddada badhtankeeda iska jibaaxayaa!

Sidee ayaa uu haddaba ruuxa aan waxaasba wax ka garanayn ugu qancin karaa naftiisa in waxanina khayr yahay; oo ay tahay in uu sameeyo, waxanina uu shar yahay; oo ay tahay in uu ka fogaado? Maxaa beegaal u noqonaya? Sidee ayay ciriqyadani qofka ugu simi karaan in uu kasbado wanaaag? Maxaa sababay in qofkii yacyacoodka iska ahaa mar keli ah khayr ama shar dhan ka raaco? Sidii uu ku dhashay muxuu uga aag-wareegayaa? Haddii aad tidhaahdo: sidan danbe ayaa u wacan oo ruuxii waa uu bislaanayaa, maxaa ugu horrayntaba uu ugu dhalan waayay waxan uu iminka noqonayo, ee bisaylka ah? Iyo wayddiimo la noocad ah ayaa horyaalla culimadan!

Aragtiyaha Aqoonyahankii Muslimiinta

Waxa ay isku waafaqsan yihiin aqoonyahanka Muslimiintu in asalnimada qofku tahay mid khayrka ah; inta aanu dhalan. Balse waxa ay ku kala duwan yihiin sida uu u dhaco sharka ama khayrku; dhalashada ka dib, iyo habka uu maro aqbalaadda midkood!

1. Raqib al-Asfahaani waxa uu yidhi: qofka waxa loo dhib-yareeyay labada dhabbo ee wanaagga iyo kan khayrka, hadba ka uu doortana weeye. Haddii aad qof uun aragtidna, midkood ayaa uu ku sugan yahay. [Behnasi, 1987, 33].

 2. Abi-Xaamid al-Qasali (g. 505H/1111M) isna waxa uu buuggiisa (المنقذ من الضلال) ku xusay in ubadka Kiristanka ahi kiristan u noqdaan markii la nasraaneeyay, ubadka yuhuudda ahina markii la yuhuudeeyay, balse uu qofku fidro ku dhasho; asal ahaan uu hagaagsan yahay ilmuhu. Isaga oo Qasali maanka ku hayay xadiiskii nebiga ee ahaa:
ما من مولود إلا يولد على الفطرة فأبواه يهودانه أو ينصرانه أو يمجسانه

3. Cadbirahmaan Ibn Khaldun (g. 809H) ayaa isaguna waafaqay Qasali, waxa uuna buuggiisa caanka ah ee “Hordhaca – المقدمة” ku soo qaaday: Marba haddii naftu markeeda hore ay tahay tu ku sugan fidraddii hore waxa ay u diyaar tahay in ay aqbasho wixii u soo gala, lana falgala ee ama khayr ah ama shar. [Ibn Khaldun, 1983, 85].

4. Sh. Maxamed Cabdoh, waxa uu isagu qabaa in asalka qofka, dabeecaddiisu, shar iyo khayrba u diyaar tahay (in ay aqbasho), balse xagga khayrka ayay u dhaw dahay. “Qofku uma baahna in khayrka loo tilmaamo, ama lagu kallifo (xeerar loo dejiyo), waayo dabciga ruuxa ayaaba u qaabaysan mid khayrka aqbali-og”, ayuu yidhi sheekhu.

Sheekha aragtidiisaas isma waafaqayaan aayado aad u badan oo xusaya in dadka intiisa u badani sharka iyo xumaha u janjeedhaan:

1- فلا تك في مرية منه إنه الحق من ربك ولكن أكثر الناس لا يؤمنون
2- وما أكثر الناس ولو حرصت بمؤمنين
3- والذي أنزل إليك من ربك الحق ولكن أكثر الناس لا يؤمنون
4- إن في ذلك لآية وما كان أكثرهم مؤمنين
5- لقد حق القول على أكثرهم فهم لا يؤمنون.
6. ولقد صرفنا في هذا القرآن للناس من كل مثل وكان الإنسان أكثر شيء جدلا
7. وما وجدنا لأكثرهم من عهد وإن وجدنا أكثرهم لفاسقين
8. كتاب فصلت آياته قرآنا عربيا لقوم يعلمون * بشيرا ونذيرا فأعرض أكثرهم فهم لا يسمعون
9.ولكن أكثر الناس لا يشكرون

Xagal-daaca u weyn ee doodda Sheekh Cabdo leedahay waxa weeye in aragtidiisu ka hor imanayso maan-galka. Ilmaha u yar ee dugsi-Qur’aan markaa uun galay ayaa yaqaana in Eebbe yidhi: Mahad waxa iska leh Allaha caalamyada. Ma uusan odhan: Allaha dadka gefa, ama dadka khaladka ku sugan ee gurmadka hanuunka u baahan, balse caalamyada oo idil Ayuu dhahay: mid gef dhex maquurtay iyo ku wanaag ku hagoogtayba.

Xeerku dadka saxan, waaba haddii ay jiraan e, iyo dadka aan saxnaynba waa u muhiim; kuwa saxanna waa uu badhi-taaraa, kuwa khaldanna waa uu badbaadiyaa. Kee ayaa ka maarmaya kolkaa?

5. Abu-Cusmaan al-Jaaxid waxa uu isagu qabaa in sharka iyo khayrkuba leeyihiin muhiimad. Oo waxa uu ku doodayaa in aanu dadku ogaadeen waxtarka khayrka haddii aanu dareemin waxtirka sharka. Sidaas darteed, ayuu leeyahay, jiirtaanka sharka iyo in uu xaadir ahaadaa waa caws-jiilaal. Dabeecadda qofkuna waa tu is-doorin-og, ayaa uu leeyahay.

6. Abu-Xayan at-Tawxiidi, waxa uu isagu aaminsan yahay in loolan adagi ka dhexeeyo fidrada iyo xeerarka bulshada. Bulsho kastaa waxa ay leedahay wax ay xeeriso iyo wax ay ka khashaafto, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara, kuna yeeshaba, sidii uu ilmuhu ku dhashay.

***

Aragtida Qoraha

Marka aynu ka soo gudubno aragtiyahaas iyo guud-markaa aynu ku soo gaalaa-bixinnay culimadii Galbeedka iyo kuwii Muslimiintuba waxa ay ka dhaheen mawduucan, waxa aynu isku deyi doonnaa in aynu si degdeg ah, oo kooban, u guud-cararno aragtida uu qoraha qoraalkani ka leeyahay waxa ka dhexeeya nafta iyo sharka.

BILAWGII NOLASHA

Amarkii u horreeyay ee Eebbe bixiyay, inta Qur’aanka ku cad, waxa weeye kii Uu ku amray in nebi Aadam loogu sujuudo; sujuud ixtiraam.
[ فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ]

Falcelintii u horreysay ee amarkaa ciddii la siiyay; malaa’ig iyo ibliis, ka bixiyeenna waxa ay ahayd:

“[فَسَجَدَ الْمَلَائِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ] – Idil ahaan malaa’igtii waa ay sujuudeen.” Markaas ayaa uu Eebbe sheegay in ay jirtay cid jawaab taa lid ku ah bixisay; aan sujuudin, oo amarka la siiyay: “[ إِلَّا إِبْلِيسَ اسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنْ الْكَافِرِينَ] – Ibliis oo is-kibriyay gaaladana ka mid ahaa marka laga reebo.”  [Suuradda as-Saad: 72-74).

Falcelintii u horraysay maxay noqotay? Yeelid iyo khayr. Falcelintii kalana? Diidmo iyo shar!

Waxa dabci iska ah marka qofi xumaan sameeyo in sababta uu sidaa u sameeyay la wayddiiyo. Balse aan la wayddiin, waqtina lagu lumiin, marka uu wanaag sameeyo sababta uu sameeyay. “Maxaad salaadda u tukan wayday?” ayaa lagu wayddiinayaa, balse arki maysid cid ku warsanaysa “Maxaad salaadda u tukanaysaa?” “Maxaad beenta u sheegtay?”, ayaa lagu wayddiin, balse “Maxaad runta u sheegtay/beenta u sheegi wayday?”, qofna kuma wayddiisanayo…

Fiiri. Eebbe ma uusan sheegin sababta malaa’igtu amarka u qaateen, balse, taa beddelkeeda, waxa uu dhawr aayadood ku sheegay sababta uu Iblays u diiday amarka:

إِلَّا إِبْلِيسَ اسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنْ الْكَافِرِينَ ﴾   ص74 .1

إِلَّا إِبْلِيسَ  كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ[الكهف: 50].2

 إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَى وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ ﴾ [البقرة: 34].3

Waxa kuu muuqda in uu Alle sheegayay, weliba dhawr jeer, in shaydaanku uu awelkiisii horaba xumaa, xumaantaa iyo xiqdigaa ku gaamurayna uu sababay in uu u sujuudi waayo Aadam.

Halkani waa bar aynu wax ka bilaabi karno.

﴿ وَاسْتَكْبَرَ ﴾Waa uu is-weynaysiiyay, ﴿ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ ﴾… (awelba) gaalada ayuu ka mid ahaa, ﴿   كَانَ مِنَ الْجِنِّ  ﴾Jinka ayuu (awelkii horaba) ka mid ahaa. Weelaynta adiga ayaa aan kaaga tegey!

Nebi Aadam iyo Xaawaa markii uu Eebbe Beerta ku dhex noolaysiiyay, ee uu halkaa ku arsaaqay, aaggaas oo dhan wixii dhuuni yaalay hal geed uu ka mamnuucay shaydaankii sharka miidhan ahaa waa kii ka daba yimi, ee wanaaggii Eebbe ku amray in ay sameeyaan; Geedkaa in aanay cunin, waa kii ka waswaasiyay ee ku riday xume; in ay geedkii cunaan.

Xaggee ayuu ka soo maray shaydaan Aadam iyo Xaawaa si uu ugu rido gefka?

  هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ الْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَىٰ ﴾ [طه : 120] .1﴿
د ﴿فدلاهما بغرور ﴾  [ الأعراف : 22 ]  .2

﴿ و ﴿وقاسمهما إني لكما لمن الناصحين  ﴾ [ الأعراف : 21 ]   .3

Aad ugu fiiro-lahaw xeeladaha uu adeegsaday Ibliis. Waxa ay isugu soo ururayaan in uu xataa dhaar u gaadhsiiyay si uu u dago; uguna hoosaasiyo isaga oo ka soo maraya waxa naftu jeceshayahay! Nafta ayaa uu abbaaray.

In kasta oo nebi Aadam iyo Xaawaa ay gef galeen, haddana gefkii waa ay ka toobad-keeneen, Eebbana waa ka aqbalay. Mana gaadhsiin heer ubadkoodii loo qabsado denbigii ay galeen Aabbayaashood, sida ay qabaan qolyihii aaminsanaa Aragtidii 2aad, ee raggii Kiniisaddu ka midka ahaayeen.ثُمَّ اجْتَبَاهُ رَبُّهُ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَىٰ   [طه : 122]

Maxaa shar ah?

Qofka waxa uu samaynayo marna isaga oo u haysta in uu shar yahay ma sameeyo. Nafsi ahaan ayaa uu u aaminsan yahay in uu waddadii saxda ahayd ku taagan yahay. “Qummanihiisa ayaa qoorta u sudhan” ruux kasta, oo dan iyo deero toona kama galo waxan aad shubaysid ee aad leedahay: waad khaldan tahay ee ka joog. Haddii aan si kale u dhigo, dadka samaynaya iyo dadka aan samaynaynin iskuma waafaqsana maxaa shar ah!

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ قَالُوا إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ   [البقرة : 11] -“Haddii lagu yidhaahdo: dhulka ha hallaynina, waxa ay ku odhan: (ma hallaynayno) ee waannu hagaajinaynaa.

 قُلْ هَلْ نُنَبِّئُكُمْ بِالأخْسَرِينَ أَعْمَالا (103) الَّذِينَ ضَلَّ سَعْيُهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَهُمْ يَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ يُحْسِنُونَ صُنْعًا (104)  [الكهف : 103-104] – “Waxa aad ku dhahdaa ma idiinka warramnaa ku camal ahaan khasaaray * Waa kuwa uu lumay dedaalkooda adduunyo haddana isu haysta in ay wax san falayaan.” Aayadahani waxa ay inoo geli karaan maragga, marka aynu xoojinayno dooddeenna.

Tan waxa afsaar u noqonaysa in shar uu noqonayo idil ahaan falalka, hadallada, fekerrada iyo xataa micnayaasha ruux sameeyo ee Eebbe u aqoonsan yahay shar. Xaqa ah in uu go’aamiyo waxa sharka ah waxa siinaya Allana waa Isaga oo ah Kan abuuray nafta uu sharku la falgelayo.

Dabci ahaan khayrka ayaa ka asalsan sharka balse sharka ayaa saamayn weyn innagu leh, kana hor fidi og khayrka.

Maahmaah Carbeed ayaa nuxurkeedu yahay, “Beenta sida fiican loo sheegay waxa ay iskaga gudubtaa Istaanbuul ilaa Baqdaad, iyada oo ay weli runtu sandhalkeeda raadsanayso””

Nafta iyo Ruuxda

Qur’aanka marka aad u fiirsatid, ee aad weelaysid, waxa kuu soo baxay wax cajiib ah oo khuseeya nafta iyo ruuxda. Ruuxda Eebbe Isaga ayaa isu nisbeeyay, halka naftana uu qofka u nisbeeyay. [وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي ] iyo [فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ]. Bal hadda u dhug yeelo!

Ruuxda uu Alle isu nisbeeyay shar in ay la xidhiidho ama ay cilaaqaad yeeshaan lama filan karo, balse nafta uu Ilaahay qofka u tiiriyay sharka iyo xumahaba, uu dilkaa uu ina Aadam sameeyay ka kowda yahay, in ay ku kacdo waa laga filan karaa! Lama filan karo oo keli ah e waaba la arkay! Haaheey.

Nafta qofka ku jirtaa saddex xaalo midkood ayay u jiri kartaa. “Is-ciilkaanbin – لوامة”, “Xasilnaan – المطمئنة ”, iyo “Xume-tashiilid – الأمارة بالسوء.” Waa saddex xaalo oo nafuhu maraan, ee ma aha, sida lagu khaldo, saddex qaybood oo nafaha dadku u kala baxaan. Haddii ay sida danbe noqon lahayd, waa tee nafta 100% xasilnaanta iskaga jirtaa? Ama tan 100% xumaha dhex baddaalanaysaa? Muslimka iyo gaalka? Haddii aad sidaa tidhaahdid, maxaynu ka yeelnaa nafta Muslimka ku jirta marka uu denbiga ku dhex jiro ee uu macsiyo la yimaaddo? Ha i odhan waa ay isbeddeshay naftii!! Hal naf iyo hal qof weeye saamigu. Oo gaalka berigii hore gaalka ahaa ee maanta soo muslimay isagana bal si dheh! “Shalayna waxa ku jirtay naf xuma-tashiishto ah, maantana naf xasilan”, miyaynu odhan karnaa?! Waar tii is-ciilkaanbiga miidhan ahayd iyada xaggeed geysay? Munaafaqa? Muslimku marka uu denbiga ku jiro ee uu is-xisaabinayo miyaa? Haa, oo markaa munaafaqii marka uu toobad keeno, ama uu gaalnimadaba caddaysto, ama marka muslimku toobad-keeno naftii haddana waa ay isdoorisay miyaa? Maya, xaaladaha nafta keli ahi ku jiri karto ayaa kala duwan, waana saddexdaa. Hagaag.

Maxaynu u samaynaa waxa aynu samaynno? Marka laga yimaaddo isku daygeenna u wanaagsan si aynu u ogaanno nafaheenna, xaqiiqadu waxa ay tahay in aynaan si cajiiba u aqoonin garaadkeenna, xataa si ka yar sida dadka kale u arkaan. Waxa uu mar xusay Charles Dickens, (qoraa Ingiriis ah), “Waxa jirta xaqiiqo la yaab leh oo soo noqnoqata; qof kasta oo nooli waxa uu u samaysan yahay hab, habkaas oo ka dhigaya mid ku dedaala in uu iska qariyo dadka kale noqdana mid agtooda garanwaa ka ah.

Waxa ay aqoonyahannada kasma-nafeeddu u dedaaleen sidii ay u daahfuri lahaayeen habka aynu dunida u aragno; adduun-araggeenna, iyo waxa dhiirrigeliya habdhaqankeenna, waxa aanay qaadeen tallaabooyin badan oo arrimahaas daaha ka faydaya. Marka lagu daro siinta shiidaalin isku dhafan wadasheekaysiga, qaar ka mid ah tijaabooyinkii cilmi-nafsiyeed ee la sameeyay qarnigii tegey (20aad) waxa ay xaydeen xaqiiqooyin caalami ah, runtiina la yaab ahaa, oo ku saabsan dabeecadda aadanaha. Tusaale waxa aynu u soo qaadanaynaa Deraasaddii Jeelka.

Tijaabo: Deraasaddii Jeelka: “Awood buu innagu leeyahay sharku idil ahaanteen

Waxa lagu doodi karaa tijaabadii ugu caansanayd dhanka kasmanafeeddu waa Deraasaddii Jeelka Stanford ee 1971. Waxa ay diiradda ku soo jeedisay sida xaaladaha bulsheed u saameeyaan habdhaqanka aadanaha.

Baadhayayaasha, oo uu hoggaaminayay kasma-nafeedyahankii Philip Zimbardo, ayaa ku rakibay xabsi dabaqa hoose ee dhismaha dhimirka ee Stanford waxaanay xusheen 24 arday oo qalinjebisay (kuwaas oo aan wax denbi ah hore loogu haynin, maskax ahaanna la xaqiijiyay in ay fayoow yihiin) si ay u jilaan badhkoodna maxaabiis inta kalana waardiyayaal. Cilmi-baadhayayaashu waxa ay markaa kamarado qarsoon kala socdeen xaaladda maxaabiista (oo ay ahayd in 24-ka saacba gudaha ku dhex jiraan) iyo ilaallada (oo kala wareeg 8-dii saacadoodba mar samaynayay).

Hawlgalkan, oo loogu talagalay in uu socdo laba toddobaad, ayaa lagu soo afjaray lix cisho oo keli ah. Dhaqan xumada waashmaannada darteed – oo marmarka qaar xataa ku kacay jidhdil nafsi ah – iyo dareenkii soohdin-dhaafka ahaa ee werwerka iyo isku buuqa ahaa ee soo food saaray maxaabiistii!

“Caga-juglayntii ay ilaalladu ku haysay maxaabiista ayaa cirkaa isku shareertay, iyagoo mudh iyo gacan ah ayay ulaynayeen, xataa heer bay gaadhi gaadheen ay hawlqabaddo jinsiyeed oo dullayn ah, labakaclaynayana, ula tagaan,” sidaa waxa saynisyahannada Maraykanka u sheegay Zimbardo. “In aan muddo 6 maalmood ah ku joojiyo ayay noqotay, waayo faraha ayay ka baxday – habeenkii laba baal isumaan keeni karayn ilaa aan ka werwero waxa ay samayn doonaan.” [Halkan waraysigii lala yeeshay ka eeg: http://www.americanscientist.org/bookshelf/pub/philip-zimbardo ].

Baroobadan la sameeyay waxa ay caddaynaysaa in dhaqannada taban ee sharka ahi qofka ku soo degdegaan, ruuxuna qaadan og-yahay, saamayntoodana aanu ka badnaadin.

Gebagebo iyo Talo:

Ka gadaal marka aynu aragtiyahaas ku aaddan nafta iyo sharka gaalaa-bixis ku soo samaynnay, tafniidid intii aynu ka gaadhsiin karaynayna ka gaadhsiinnay, soo koobnayn aragtideenna mawduucakan, waxa akhristaha laga filayaa in uu helay ujeedkii qoraalka. Horumarinta fidrada, ballaadhinta wejiyada khayrka aad ku kasban kartid, isku hubaynta hababka hufidda sharka, kala-shaandhaynta falalka, hadallada, fekerrada iyo micnayaasha aad qabanaysid, iyo xoojinta xidhiidhka aad la leedahy naftaada, iyo Eebbe waa talada qormadeenann aynu ku soo khatimayno si qofku uga feejignaado saamaynta sharka, una xoojiyo asalkiisii ahaa wanaagga.

***

 

 

Tixraacyo iyo Akhris dheeraad ah:

  • Ibn Khaldun (1992) Muqaddamatul Ibn Khaldun. Maktabadda Lubnaan, Bayruut.
  • Idriis, Jacfar Sheikh (1982) At-taswiirul Islaamiyi Lil-insaan Asaasan Li-falsafatil Islaamit-tarbawiyi.
  • Behnasi, Maxamed C/ra’uuf (1987) Al-islaam wa Nuzcatul Fidrah. D2, Mu’asasatul Al-khaliijil Carabiyi, Qahira.
  • Anwar Al-Jundi (1982), At-tarbiyatul wa Binaa’ul Ajyaal fii Daw’il Islaam. Daarul Kitaabil-lubnaaniyi, Bayruut.
  • Ziyad bin Ali Al-jarxaani, Jadaliyatul Al-khayri wa-sharri fi-nafsil Insaanniyah… Deraasatun muqaaranah. (Deraasad ku soo baxday warsidaha Jaamicatul Khaliil Lil Buxuuth, majaladdii 4aad, tirsigii 2aad, bogagga 391-416).
Advertisements

One comment

  1. […] Tixraacyo: 1. Qur’aanka Sharafta leh; al-Kahf:50; al-Baqrah:34,213; al-Acraaf:206 & as-Saad:4. 2. Doris, John and Stich, Stephen. (2014) “Moral Psychology: Empirical Approaches”, The Stanford Encyclopedia of Philosophy (Fall 2014 Edition), Edward N. Zalta (ed.), URL = <http://plato.stanford.edu/…/fall20…/entries/moral-psych-emp/&gt;. 3. Oldenquist, Andrew (1980). “The Possibility of Selfishness.” American Philosophical Quarterly Vol. 17, No. 1, pp. 25–33. 4. Slote, Michael A. (1964). “An Empirical Basis for Psychological Egoism.” Journal of Philosophy Vol. 61, No. 18, pp. 530–537. 5. Philosophy News. (2013) Beyond Logic: Why Do We Disagree? URL: <http://www.philosophynews.com/…/Beyond-Logic-Why-Do-We-Disa…&gt; 6. Guudcadde, C. (2015) Nafta iyo Sharka Maxaa ka Dhexeeya? URL: https://aragtixora.wordpress.com/2015/11/27/nafta-iyo-sharka-maxaa-ka-dhexeeya/ […]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s