Hadimadii Turqayaasha?!

(Aragti maxay ah ayaa ka danbaysa buugga
Halgankii Tukayaasha’?)

Marka qofi wax qoro, waa lagu farxaa. Marka uu afkiisa ku qorana, waa lagu sii farxaa. Marka uu wax dadkiisa khuseeya ka hadlana, waa lagu sii farxaa. Marka uu qaab aragtiyeed u soo bandhigo ee aanu sheeko quluuluxinna, waa lagu sii farxaa. Marka uu dood abuurana, waa lagu sii farxaa. Marka uu dood uu isagu leeyahay doodda ka dhigo ee aanu mid uu soo dheegtay ama loo soo yeedhiyay dadka ka iibininna, waa lagu wada farxaa!

51xHyM92egL._SX350_BO1,204,203,200_
Buugga “Halgankii Tukeyaasha: Carabtu Sidee u Jileen Madawga” ee uu Cabdi-saciid Cabdi Ismaaciil qoray, (muuqaalkiisana aad bidix ku aragtaan), ayaa aan nasiib u yeeshay in aan akhriyo.

Hawl weyn iyo xil waasac ah ayuu iska saaray sidii buuggaasi ugu soo biiri lahaa khaannadaha buugta af Soomaaliga ku qoran. Hambalyo.

Af Soomaaliga in afkaar lagu qoro, heer buug, Cabdi-saciid mar kale waa ku ammaanan yahay in uu qayb ka qaadanayo. Hadda ka hor ayuu “Saboolnimada Sidee looga Baxaa?” iyo “Xadka Riddada Maxaa ka Run ah?” isla Cabdi-saciid buugaag ka qoray. Kama hadlayo saxnimada ama khaladnimada fekerrada la qorayo, balse in ugu yaraan buugteennu dhaafaan xayndaabka “Sheekada” waa wax loo guuxi karo! Mar kale hambalyo Cabdi ayaan leeyahay.

Qoraalkan aad akhrisanaysaa, ilaa dhammaadkiisa, waxa uu daaran yahay dhurta/natiijada ka soo baxday akhriskaygaas oo ay fahmid aan fahmayo ujeedkuna ku lammaanayd iyo aragtida ugu tunka weyn ee lagu tuhmi karo in buuggu wado.

Waqti kuma bixinayno ka faalloodka jeldiga iyo jaaha xaanshiyaha loo adeegsaday buugga, balse taa beddelkeeda aragtida iyo aydhaloojiyadda qoraaga ka dhex guuxaysay inta uu halkan ku waddacay ayaynu isdul taagi, saa tan ayaa u qalanta e!

“Aragtida guud” ee buugga laba mid uun u badi:

  1. In Cabdi-saciid uu ina xasuusinayo, haddii aynu nahay dadka madaw ee Soomaalida ah, fekraddii “foosha-xumayd” ee ay dadkii Carabta ahaa ka haysteen, kana fidinayeen, dadkii gibilka madoobaa. Waa fekraddii keentay in ay “tuke waxtar-laawe ah oo maangaaban” ku sifeeyaan, (Tukuhuna agtooda noolayaasha Liiska Mugdiga ah ‘Black List’ uu ugu soo horreeyay), iyo halgankii ay kaga falceliyeen raggaa madawga ahaa ee la yasayay. Ama,
  2. In Cabdi-saciid uu ina nacsiinayo Carabta maanta, oo uu ina leeyahay “Sida ay Carabta berigaasiba Madawgii berigaas u xaqiri jireen, ee ay u dullaynayeen beentana ay ka faafinayeen ayay, Carabta hadduna Madawgeennaa hadda u yasayaan”, uuna xataa ina dhiilo-gelinayo oo uu cod dheer innagu leeyahay: “Waar ragga (Carabta) sida Madawga waagaasiba difaaca uga galay, Madawgiinna haatanuna difaac uga gala”! Oo malaha uu Cabdi diiddan yahay, ama rabo in gabbalkiisu dhaco, dareenkan muxibbada ah ee ay Soomaalidu u hayso Carabta; waxa uu rabo ha ku salaysnaadee!

Shakhsi ahaan, kan danbe ayaa aan ku qancay in Cabdi-saciid uu isu hawlay. Waayo “xasuusin taariikh dhacday” oo aanay falsafad iyo fekradi ka danbayn ma ay jirto, haddii ay jirtana ma aha tu nin sida Cabdi-saciid u qaro weyn laga filan karo.

Marka laga yimaaddo heerka runnimo ee sooyaalka uu dabada ka gelayo qoraagu, waxa in la isdul taago, indho qudhaanjana lagu eego, mudan sababta. Haa, sababta Cabdi-saciidkii “Xadka Riddada” runnimadeeda sii socday ku soo celisay mawduuc sida kan u weyd ah; in uu ka dhex shaqeeyo Soomaalida iyo Carabta (Soomaalidu waa madawga keli ah ee afka buuggu ku qoran yahay fahmi kara)! Maxaa keenay ninkii la lahaa Dayrtan ha guursado in uu like qoto?!

Wayddiimahaas iyo kuwa la ayniga ahiba waa kuwa igu riixaya in aan qof ahaan qaato in Cabdi-saciid markan u soo wayso-biyaystay ku baraarujinta Soomaalida in ay iska jiraan Carabta sidaa dadnimada ka baxsan ula macaamilayay dadkoodii madoobaa ee xilligaas noolaa.

Qiyaastii waa iskuday falsafadeed oo meesha u sokaysa ee ay hiigsanaysaa ay tahay in “Soomaalidu Carabta aanay sidii hore ugu hagaagin“!

Haddii qofi bukoodo, oo dhakhtarkii dabiibayay uu iraab khaldan ku turqo, hadhowna halkii dawayn laga filayay uu ruuxii sii sakaraado, dabcan danbaysada marka la cabbirayo waxa sababay in qofkii ay ahayd in uu bugsadaa u sii bukooday waxa la dhihi: “Turqayaashii (Kuwii wax turqayay ama mudayay) ayaa hadimo u horseeday miskiinka”! Waa halkan barta aan ka leeyahay buuggan “Halkankii Tukayaasha” ee isku deyaayay in uu wax daweeyo dawooyin khaldan ayuu ku turqay akhristihii, qofkii akhristaana waxa uu ku calaacali: “Hadimadii Turqayaasha ayaa i soo lug-gooyay”! (Aragtiyihii aan lahaa iraab qumman ayay kugu turqi, ayaa hadimo ii horkacay oo waa taa sinihii i bararay”!

Waxa aynu leennahay waa “dawooyin khaldan” ma aha in madawgii isxoraynayay taariikhdooda oo la soo raraa tahay khalad, ama in cawaannimadii dadka aan madoobayn, Carabta gaar ahaan (marka buugga la joogo), kula kacayeen dadka madaw ka sheekaynteedu khalad tahay! Xaasha’! Balse maaddaama dhacdo kasta oo dhacda dhadhan lagala hadho, maxay tahay ma-hadhada uu Cabdi-saciid inooga reebayay taariikhdaa diiwaannada gashay ee uu naqlinteeda qalinka u qaatay?

Ma qaadanayo Cabdi bilaa ujeeddo ayuu buugga u qoray, yool la’aan ayuu taariikhdaa u soo gudbiyay, ama “wuu iska qoray”! Ha ka yaabin!

Cabdi-saciid ilaa hadda hal qodob ayuu ina dareensiiyay: in raggaa Carabtu madawga u darnaayeen, ilaa haddana u daran yihiin, sidaa darteed layska ilaaliyo!

Ma yahay dawo sax ah? Mise waxa ay noqon hadimo ay keeneen aragtiyihii uu buuggu akhristaha ku turqay?

Anigu Cabdi-saciid waa aan la qabaa, haddii aananba ka badsan, in Islaamka iyo Carabtu kala duwan yihiin, fal kasta oo Carabi samaysaana ka wada turjumayn Islaamka, diin ahaan. Waa runtii. Gogol-dhigga ayuuna intaa si xanfar ah uu ugu qoray, balse ilaa gudaha qalbigayga ayaa aan midhkaa anigu ku haystaa, waanan ku ayidayaa Cabdi.

Sida oo kale guumaysiga iyo guud ahaan addoonsigu, ciddii doontaa ha geysato ciddii la rabana ha loo geystee, in aanay ahayn falal dadnimada iyo daliillada diintuba aqbalayaan. Bahalnimo iyo baastarnimana tahay in dullayn iyo yasid lagula kaco dad aadame ah oo Hooyadood iyaga oo xor ah ay dhashay, midhkanna waa aan la qabaa buuggan. Oo fahanka u fudud ee qofka aan weligii baabkan wax ka akhriyini ka qaadanayo ayaa ah in dhiganahani sida fiinta uga qaylinayo, uuna “yur” ku leeyahay dhaqanka dugaagnimada ah ee “Addoonsiga”.

Balse saaxiibkay Cabdi-saciid iyo buuggiisa lama qabo in aragtida lagala soo dhex bixi karo dhacdooyinkaas is-addoonsiga ah ee soo taxnaa, madawguna dhibbanaha u ahaa, ay tahay in nacayb iyo cuqdad ay kuwii loo geystay u qaadaan kuwii geystay!

Haddii aan sidaa sameeyo, waxa ay aragtidaydu ku biiraysaa aragtiyaha Aabbaha u ah: Hadimadii Turqayaasha!

Taa mid ka duwan ayaa aan ka dhex urin karayaa dhacdooyinkaa foosha xumaa ee dhaaxo badan soo dhacaayay. Waa aragtida ah in wax badan laga barto qaabkii, qawlkii iyo qalabkii ay adeegsadeen dadkii la addoonsanayay si ay uga dhex baxaan badweyntaa bahalaha ah. Haa, oo waqtiga ha lagu qaato dersidda iyo dhuuxidda xirfadihii iyo xataa xikmadihii dadkii xoroobay, halkii waqtiga lagu lumin lahaa diirad-saaridda ciddii wax addoonsanaysay.

Sababma? In qofku khalad sameeyo, addoonsigu ka mid yahay, waa wax dhaca, bal e waa wax la isku wada raaco oo cod dhiilo leh lagu dhaho: “Waa uu khaldanaa”! Gaal iyo Muslim toona maanta qof addoonsigii lib iyo liibaan u arkaa ma jiro, haddii uu jirana in uu khaldan yahay ayaa isagana loo arkaa! Kolkaa halkan wax fekrado ah iyo wax falsafado ah oo aan ka ahayn kuwaa buuggeennan “Halgankii Tukayaashu” ku guulaystay in uu soo raro lagama soo dhex dhanbali karo, ee ah in nacayb loo kaydiyo dadkii falkaa geystay!

Si taa ka geddisan qof la guumaystay, la addoonsaday, si ka baxsan, kana liidata, meeqaamka aadanaha la gaadhsiiyay loona dhaqmay, sida uu ruuxaasi inta uu u gartay in uu cagta hoosteeda ka baxo, u gaadhay heer uu gobannimadiisii sange u fuulo, dhugasho iyo dhagar tuu ku hanan karana maray, nasasho iyo nacfi u diiday ee u halgamay sidii uu sharaftiisii bini-aadannimo u soo ceshan lahaa, miyaanay cashar ku sugnayn?

Faylasuufkii Plato ayaa mar yidhi: “Haddii cirku roob xornimo ah di’i lahaa, waxa la sii arki lahaa dad dallaayad raadsada si ay uga jirsadaan roobkaa“!

Waa aragti muujinaysa in qof la dhufaanay garaadkiisu sida uu ku soo baraarugi karaa ay adag tahay, balse haddana raggaa madoobaa waxa ay galeen halgankaa uu Cabdi-saciid u bixiyay “Halgankii Tukayaasha”, ee maxaa u diiday saaxiibkeen Cabdi-saciid in uu falsafado inooga soo dhex faruuro marrinnadii ay u mareen sidii ay u halgameen ‘tukayaashaasi’, halka uu 265-ta bog ugu qarash-gareeyay sidii aannu u nici lahayn kuwii falkaa addoonsiga ahaa keenay; Carabtii?

Cabdi-saciid kama asmacayo in inta uu igu turqay dawooyin aan ahayn kuwii ay ahayd in uu igu duro, uu hadhowna igaga tago wax u eg: ha kugu taagnaato!

“Mudac mudac ku taaga” miyuu qoraagu ina leeyahay? Nacaybkii dadka kale guud ahaan, Carabta gaar ahaan, u qabeen kana faafiyeen madawga in aynu nacayb kaga jawaabno miyuu innagu guubaabinayaa? Waar buuggu miyuu ina dagaal-gelinayaa?!

Waxa isukay qaban wayday in qoraagu mar inoo sheego in ay wanaagsan tahay, ayna socotaba, xidhiidh-soo-celinta Afrikaanka iyo Carabta, mar kalana uu si dadban inoogu faydo si waaddix ahna inoogu muujiyo nacaybka “ay mutaysteen” Carabtaasi!

Saw kii Martin Luther King yidhi: “Mugdigu mugdi ma saari karo, iftiinka uun baa saari kara; nacaybkuna nacayb ma saari karo, jacayl uun baa saari kara”! Nelson Mandela ma waanu iska cafin, una caddaalad samayn, caddaankii xabsiga ‘ku illaaway’? Frederick Douglas saw kii ma aha addoonnimadii iska xoreeyay, wax nacayb ahna aan qaadin. Cantar bin Shidaad miyuu ina yidhi: naca dadkaa sida xun inoo jilay? Bilaal bin Rabaax miyuu marna innagula taliyay in aynu xumaan u qaadno Qurayshigii dhadhaabka beerka ka saarayay? Rosa Park xornima-doonkii dabadeed miyay jidaysay sunne nacaybshinyo ah? Mise tolow wax dadkaa dhibta addoonsiga iyo yasidda soo arkay ka qarsoonaa ayaa qoraageenna daaqad laga tusay?! Si walba filo!!!

Sida qoraaga Cabdiraxmaan (Ibn Khaldun) uu qabo taariikhdu waxa ay u qalantaa in ay ka mid noqoto, loona tixgeliyo, falsafad ahaan; taariikh la sheegyaaba, falsafadi ka danbaysaa [Falsafatu-taariikh cinda Ibn Khaldun]. Haddaba Cabdi-saciid farriinta iyo falsafadda uu taariikhdan u soo waariday maxay tahay? Haddiiba uu ina yidhaahdo: waar sinji-nacayb uma aan jeedin, waayahay e maxaa uu u jeedaa?

Waxa uu Cabdi-saciid sii ogaa, malahayga, in su’aashani imanayso. Waxa uuna ku yidhi buugga: “Dhegahaygu waxa ay maqlayaan akhristayaal badan oo isweydiinaya: maxay tahay xikmadda ku jirta in laga hadlo dhacdooyinkaas waqtiga dheeri ka soo wareegay, baalasha taariikhduna diiwaan-geliyee?” (Bogga XIV).

Sababihii ayuu galay. Judhaba waxa uu sheegay in uu akhriyay maqaallo uu qoray Maxamuud Tarawri oo ah, sida uu u dhigay, “… Sacuudi asal ahaan ka soo jeeda Afrikada Madoo[w]…” Bogga XV ayuuna gebagebadiisa ku sheegayaa in markii uu dhammeeyay maqaalkii labaad ee Tarawri uu Cabdi-saciid ahaan iswayddiiyay “… [A]abbooyow Taraawri ma halgankii tukeyaasha buu dib u soo noolaynayaa?”!

Alla maxay Cabdi-saciid ku wacnaan lahayd in “halgankaasi” uu soo noolaado!

Waxa buugga aad ku arkaysaa in aragtida uu wado iyo erayada xaanshiyihiisa qaarkood ku qorani sinnaba isu lahayn. Dhammaadka qaybta “Gogol-dhigga” ayuu qoraagu bogga XIX ku yidhi: “… [U]jeeddada qoraalku marna ma aha in uu nacayb abuuro…”, haddana waxa uu soo faqayaa ciilkii madawga la baday buugga dhani, qoraa ahaanna waxa uu qaab ah su’aasha ay dhahaan “Alla may dhacdo” ama “tamanni” isu wayddiinayaa: “… Taraawri ma halgankii tukeyaasha buu soo noolaynayaa?”. Isqabadsiiya!

Waxa uu Cabdi isla boggaa XIX, isaga oo sheegaya ujeeddada qoridda buugga, ku yidhi: “… [U]jeeddadu waa in xog la helo, dabadeedna iyada oo xog lagu hubaysan yahay, uunka Alle oo dhan loola dhaqmo si qumman laakiin aan quursi lahayn”.

Haddana isla Cabdi ayaa bogga 263 ee qaybta “Gunaanadka” ku leh: “Buuggani wuxuu isku dayey inuu akhristaha Soomaaliyeed u soo bandhigo wax yar oo ka mid sawirka dhaqanka iyo aqoonta Carbeed ee kala duwani (af, suugaan, caafimaad, jogoraafi iyo dhulmareennimo, taariikh, xiddigis, … iwm) ay ka bixiyeen dadka iyo dhulka Afrikada madaw.”!

Xogtii uu gogol-dhigga ku soo sheegay saaxiibkay Cabdi ma waxa weeye in la isku dul akhriyo sida Carabtu u jileen ama uga faalloodeen dadka madaw? Kaba dhig, maxaa ay tahay muhiimadda ay u leedahay si aan uunka kale, ee Carabtu ku jirto, ula dhaqmo qaab “qumman oo aan quursi ahayn”? Waxa aan isku hubaynayaa saw ma aha in raggaasi sidaa ii geli jireen, ay tahayna in aan ula dhaqmo samo samo ayaa lagu gudaa, saana saan?! Cabdi-saciid markii uu dhammaadka gunaanadka qorayay ma waanu u warhayn in uu hadal kale oo xidhiidh la leh kan uu bilawgii na siiyay? Mise tolow “isku-xidhkii” ayaa ka maqan ayuu akhristaha ka filanayay? Ka ay tahayba nacayb in uu gudbinayo buuggu, isna burinayo, ayuu Cabdi-saciid ku caddeeyay isla Cabdi-saciid!

Cabdi-saciid isaga oo giddiga warqadaha buugga ku soo qaadaa-dhigayay “dhaqanka xun” ee Carabta, ayuu haddana iska illaaway, ama is-illawsiiyay, in uu sidaas falay, oo waxa uu bogga 264 ku yidhi: “Isku soo duuboo, ujeeddada qoraalkani ma ah in dhaqanka Carabta la eedeeyo…”! Bal yaabkan iyo yo’go’iddan eega; waa yahay e muxuu Cabdi-saciid u yaqaannaa “eedayn”?

– Buuggu waa uu eedeeyay addoonsiga oo ay Carabtu dhaqan xun ka bixisay.
– Buuggu waa uu eedeeyay dhaqanka “jilidda ah – sawir ka bixinta xun” ee Carabtu in ay caan ku ahayd uu sheegay.
– Buuggu waa uu eedeeyay in dhaqankii Carabta ahaa uu dheg jalaq u siin waayay karaamayntii Islaamku saaray dadka guud ahaan.
– Buuggu waa uu eedeeyay in Carabtu dadka cajamta ah uga faa’idaysato in ay dhaqanka Carbeed iyo diinta Islaamka isugu soo soohdo.

Haddana waxa uu ina leeyahay ujeeddadu ma aha in la eedeeyo dhaqanka Carabta (bogga 264)! Maxaa lagu tilmaami karaa muuqaalkaa?

Hal faa’ido uun baynu ka haynaa buuggan, waa waxtarka ah in xogta taariikhdaas ee afafka kale lagu helayay uu afkeenna inoogu soo tebiyay, waa uu ku mahadsan yahay, balse ujeeddada uu buugga u qoray tolow ma intaas ayay ahayd? Tacab khasaar!

Xog taariikheed oo mudh-iyo-gacan ah dhiraandhirinna ka madhan haddii uu inoo gartay qoraageennu, waxa aannu leennahay: qoraa aragtiyahaasi waa qabad!

Aragtida nacaybka ku salaysan ee addoonsiga sababtay haddii uu diiddanaa saaxiibkay, sidee ayay u dhacday in uu necbaanshiyaha dadkii addoonsiga waday nagu ababiyo?!

Cabdi-saciid waa uu ku saxan yahay in uu soo bandhigo taariikhdaa iyo addoonsigaa “Saxaraha mari jiray – Trans-Saharan Slavery Trade”, balse kuma saxna in uu ujeeddada si xeeladaysan, oo qofkii indho qudhaanjo iyo dareen Gooddir lihi uun dareemi karo, u dhigo; in uu innagu xara-dhaamiyo bilaabidda “Halgankii Tukayaasha” qaybtiisii labaad!

Bal aan naftayda ku noqdo, waar ma laga yaabaa in heerka fahankaygu hooseeyo, oo qoraageennu halka uu u foofiyay afkaaraha meel ka sokaysa aan gawda ku hayo? Bal aan qoraalka soo khatimo, una dhaafo akhristayaasha kale waqti ay kula qaataan buugga si ay iila soo eegaan, hoostana aan ka xarriiqo in aanan odhan, odhan dooninna, ‘Buuggan guba’!

Aan hadalka kaga tago murti uu qoraaga laftarkiisu adeegsaday, soomaaliduna isticmaasho, oo aan cod khushuuc leh ku idhaahdo: Eebboow aqoonna ha nooga tegin, eexna ha nagu cadaabin!

***

Qoraalka oo PDF ah halkan kala deg.

Advertisements

4 comments

  1. Waa naqdis aad farshaxanimo ugu dheehantahay.

    Waxaan se ku talin lahaa in xoogaa jahada laga weerarayo borobagaandada noocan ah ee ku taxaluqda nacaybka carabta ka dhanka ah ee loogu cudur daarayo in carabtu madawga necebtay ama necbaan jirtay in ay noqoto mid Morale ah. Micnaha in lagu dhaleeceeyo cunsuriyad iyo isir nacayb. Sidoo kale in lagu doodo in aan qalad qalad lagu sixi karin, xataa hadii qaar carabta ah madawga necebtahay in aan loogu marmarsiiyoon in carabta oo dhan isku mid tahay oo dabteeto nacayb ka mudantahay soomalida.

  2. Borobagaandada noocan ah hore ayaa dunida muslinka loogu soo arkay, dawladii cusmaaniyada markii la burburniyay ingiriisku waxay soo diri jireen calooshood u shaqaystayaal aqoon yahan isku sheega oo fidiya qoraalo carabta iyo turkida lagu kala dilayo oo af turki iyo carabi labadaba ku qoran. Dhanka hindiya iyo dhamaan gobaladii dawladii cusmaaniyiinta sidaasay ka yeeli jireen ingriisku, waxaad arki kartaa wixii la odhan jiray kacaankii carabta ee ka dhanka ahaa turkida kaas oo uu horkacayay T.E Laurence of Arabia iyo Sharrif Hussein kii makka.

  3. In badan mahadsanid walaal Khaledmohamoud.

    Ceeb maba laha haddii la yidhaahdo taariikh baannu soo faagaynaa, balse waxa cawska jiilaal ah ayaa ah in la sidaa la isu taxallujiyay soo ururinta taariikhda la isugu taxallujiyo caddaynta ujeedka. Waa qodxo ay caado u lahaayeen in ay daadiyaan dadkii la odhan jiray Mushtashriqiintu. Edward Saciid ayaa buuggiisa “Orientalism” ku soo qaadanaya dhawr dhacdo oo sidaas ah. Walaal wax lagu sheegi karo “isku day dhutinaya” weeye falalkan nacayn-abuurka ahi. Anigu ma garanayo caqliga i siinaya aargudo, aniga oo haddana xumaan ka ordaya in aan xumaan u ordo!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s