Kala-duwanaanshaha Aragtiyeed: U-dhalasho mise Iska-dhigid?

Gogol-dhig (Abstract)

Asalka bannaanba dadku ma kala duwan yihiin? In qofi qof kale ka aragti duwanaado, isla jeerkaasna haddii la doodu diido in uu ka tanaasulo, iskuna sii dhejiyo, maxaa sababa? Miyaa loo dhashaa, mise waa la iska dhigdhigaa oo wuxu waaba iska yeelyeel? Waa qallays ka mid ah wayddiimaha aan qoraalkan ku fadhiisin doono. Waxa aan ku doodi doonaa in asalka aadanuhu isku mid yahay, balse habfekerkiisa iyo habdhaqankiisu kala duwan yihiin. Waxa aan si badheedh ah isu taagi doonaa garabna siin doonaa doodda ah, in aragtiyaha kala-duwanaanta fekereed yahay, inta u badan, u-dhalasho. Waxa aan xoogga saari doonaa sharraxa aqoomeed ee loo heli karo farqigan. Waxa marjac ii noqon doonaa saddex aaladood; Tacliimaadka diinta Islaamka, Falsafadda iyo Kasmo-nafeedda (Psychology). Abuurka qofka, Biology ahaan, in aanu saami fiican ku lahayn, ayaan taageeri doonaa. Isyeelyeelku in uu keliya yahay shiidaal uu ku tamiriyo asalkii iskhtilaaf, ayaan xusi doonaa. Waxa aan kala caddayn doonaa in xaqiiqada jirtaa hal mid uun tahay, ee sida loo arkaa ay tahay waxa kala-duwanaantu ku dhacaysaa. Gunaanadkana, in laga takhallusi karo kala-duwanaantaas iyo in kale ayaynu isla eegi doonnaa. Sida loo wada noolaan karo, xal ahaan, ayaa aan ku soo afjari doonaa. Shifo ku afsaar!

BILAWGII AADAMAHA:

Marka la eego qaabdhismeedka iyo afafka dadka maanta nool xidhiidhka ka dhexeeya, ilaa hidda-sidahooda, waxa cad in abuur ahaan dadku hal asal leeyahay. Aadam iyo Xaawa in ay yihiin asalku ayaa ay ina baraysaa diinta Islaamku. Qofku waa uu dhashaa isaga oo samaha u janjeedha. Waa xaashi cad oo aan wasakh; shar, lahayn. Duniduu la falgalaa. Haadkiisii ayuu sii haystaa, ama wuu leexdaa, hadhow. Asalkaa isku midka ah iyada oo la leeyahay, ayaa haddaba waxa iswayddiin mudan waxa keenay in aragtiyihii lagu kala duwanaado, haddiiba la isla eegana, natiijo la isla gaadhi waayo. Bal aynu jalleecno.

Kala-duwanaantii fekereed ee u horraysay, inta Qur’aanku soo tebinayo, waxa ay dib inoogu celinaysaa bilaabankii nolosha dadka. Ibliis iyo malaa’igtii ayuu ka dhex qarxay. Amarkii u horreeyay ee ahaa in sujuud xushmadeed ay u sujuudaan nebi Aadam ayaa la isku khilaafay. Malaa’igtu waa ay oggolaatay. Shaydaanku waa uu diiday. Haddaba, maxaa keenay farqigaa ilaa sidaa u fog? Haddii aynu kan meel ku tiirinno, waxa aan qiyaasayaa in aynu nolosheenna kalana fahamno.
Su’aashaa Alle ayaa inooga jawaabay. Asalka ibliis in uu sharlow ahaa ayayna ku ururtay. Sababaha marka uu Ilaahay sheegayay waxa uu xusay astaamo uu shaydaanku lahaa. ﴾ وَاسْتَكْبَرَ ﴿ – Waa uu is-weynaysiiyay [as-Saad:74],﴾ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ ﴿ – (awelba) gaalada ayuu ka mid ahaa [al-Kahf:50], ﴾ كَانَ مِنَ الْجِنِّ ﴿ – Jinka ayuu (markiisii horaba) ka mid ahaa [al-Baqrah:34]. Shaydaanka cilmi-nafsi ahaantiisa iyo waxa uu aaminsan yahay ayaa ay iskugu soo biyo-shubatay. Kasmo-nafeed ahaan, ibliis waxa uu ahaa danayste iyo kibraani. Rumayn ahaanna, lid buu ku ahaa malaa’igta; gaal ayuu ahaa. Ii xasuusnoow in malaa’igta Alle ku sifeeyay in ay yihiin kuwo aan isla-weyni lahayn, Isagana ay caabudaan [al-Acraaf:206].

DHIRAANDHIRIN:

Haddaba, asalka kala-duwanaantu, waxa aynu ku doodi karnaa, waa wax la xidhiidha u-dhalasho. Saamayn waxa ku leh aaminaadda. Isla jeerkaasna, waxa sabab u ah astaanta kasmo-nafeedyahanku dhahaan egoism – danaysannimo. Marka hore qofku shay ayuu wax ka aaminayaa. Kooda u wanaagsanina inta uu baadhid sameeyo ayuu ku sii qancayaa. Waxa dhici karta in muddo aad u badan uu ku jiro deegaan aan su’aal ka keenin wixii uu rumaysnaa. Ibliisba in badan ayuu isu haystay noole la doortay. Waxa shaydaan uqaadanwaa ku noqotay in Aadam laga doortay. Qofkii sidaa uu Ibliis sameeyay oo kale ayuu isku deyi doonaa in uu ku andacoodo in uu fadli dheer yahay, garna aanay ahayn in laga xayuubiyo fekerkiisii. Xasuuso in Ibliis ku dooday in uu ka dun wanaagsan yahay nebi Aadam. Muhiim ma aha, halkan marka aynu marayno, in aragtida debedda kaga timi wixii uu ruuxu aaminsanaa tahay sax ama khalad, balse waxa muhiimka inoo ah ayaa ah sida uu uga falceliyo. Waxa uu u qaadanayaa in la soo weeraray. Qof la soo hujuumaynay, sida caadiga ah, waa in uu isdifaacaa!

Bilawga hore in uu ka mayiigo doodba ayaa la arkaa. Haddiiba uu aqbalo in wax la isla eegana, waxa dhacda in xaqiiqada laga doodayaa caddaato. Agabyada maangalnimada leh, ee dood-dhisidda leh, ee afmeerka lihina ay xaaddir yihiin. Haddana, waxa dhacda in labada garab ee dooddu dhex maraysaa tanaasul la iman waayaan. Ninba kan kale ayuu ku adkaynayaa. Ma rabo in uu maqlo in laga adkaaday aragtidiisii. Kii markiisa hore wax aaminsanaana ma rabo in la liqsiiyo wax cusub. Kan waxa cusub wadaana ma doonayo in uu ku fashilmo iskudaygiisa. Hiriggoo. Ha la kala baxo waa kaas e.

Nebi Aadam iyo nebi Nuux waxa u dhexaysay muddo lagu qiyaaso laba qarni. Dadku isku diin iyo isku aaminaad ayay ahaayeen. Ul iyo diirkeed. Balse ismaandhaaf ayaa dhacay. Dareenkii egoism-ka ayaa fufay. Qof kastaa waxa uu daneeyay in uu isagu noqdo kan amar-ku-taaglaynta caqiido iyo tan camalba horkaca. Waa tii la kala firdhaday, feker ahaan. Kala-duwanaanshihii halkaa ka soo bilaabmay, ayuu Eebbe xusay, waa ka ilaa Qiyaamaha soconaya [al-Baqrah:213]. Tanina waxa ay sii xoojinaysaa damaca iyo ciriqa xoog-sheegtaha ah ee qofku cuskanayo.

disagreement2
Kala-duwanaanshaha aragtiyeed waxa is-hirdiyaa waa maskaxaha.

Marka la derso Moral Philosophy iyo Moral Psychology, (Falsafadda mooralka iyo kasma-nafeedda mooralka la xidhiidha), aqoonyahanku waa ku kala tageen sababta keentay in dadku kala duwanaandaan, feker ahaan. Oo horta ma waxa aynu filaynay in isku si loo fekero? ayaa la iswayddiiyay. Waxa la suuraystay tusaale. Qof baa caawinaya qof kale. Horta bataatanba sababma ayuu u caawinayaa? ayaa la iswarsaday. Haddii tan la fahmo, in la saadin karo sababta uu qofi ugu muuqdo in uu caawimo u socdo oo fekerkan uu wadaa yahay kii badbaadinayay darafka kale, ayaa la istusay. Culimo uu horboodayo Thomas Hobbes (1588-1679) ayaa ku dooday in waxa sababaa yahay egoism. Sharrax haddii lagu kabana, qofku waxa uu isu haysan doonaa in uu yahay mid xor ah, ilaa heer. Waxa dhalanaysa in xornimadiisaasi keensato mas’uuliyad moral ahaaaneed. Iswaafajinta labadaasna waxa ka soo baxa wax loo bixiyay, Compatibilism. Wax kale ma aha, waa isku sargo’naan ka dhalata aaminaaddan uu qofku isu haysto in uu saxan yahay, xor yahay, isla jeerkaasna mas’uul moral ahaaneed ka yahay dadka aan haysan fekerkiisa.
Dayga ba’ay badbaado ayuu u socdaa. Wuu saxnaan karaa, wuuna khaldanaan karaa, mana aha ta aynu ka hadlayno. Kii loo yimina, keeb-la-yuururnimo ayuu nafta ku aaminaa. Qofku, nafsi ahaan, waxa uu iska jecel yahay in ummadduba isaga la aragti noqoto. Si kale u dhig, in waxa uu aaminsan yahay ay aaminaan. Haddii taasi dhacdana, waxa uu dareemaa xasilooni gudeed. Intaas ayay ugu dhan tahay. Aragtidaa Hobbes waxa dogobyo sii saaray niman ay ka mid yihiin Bentham, J.S. Mill iyo Nietzsche.

Rag kale oo ay ku jiraan David Hume, Rousseau & Adam Smith, ayaa iyaguna carrabka ku adkeeyay in xisaabta bal lagu darsado in mararka qaar, ugu yaraan, ay iman karto in sababta tani u dhici kartaa tahay Altruism – Danayn. Qofka caawinta u socdaa waxa dhaci karta, ayay ku doodeen, in uu DHAB ahaan daacad ka yahay oo uu itaalka danaynayo in uu u kaco. Aragtidani waxa ay, si-araggayga, ku guuldarraysatay in ay ka jawaabto sida loo garan karo in uu lillaahi yahay ruuxu, maaddaama cilmiyadii kale isku raaceen in badanka sababtu ku aroorto nafiifinta nafta.

Marba haddii aynu isla arkayno in sharraxa loo heli karo arrintana ay ku udban tahay aqoomaha falsafadda iyo kasmo-nafeedda, waxa la iska wada garan karaa in meesha aanu soo geli karin wax la xidhiidha Biology. Hidda-sidaha, qaab-dhismeedka jidhka iyo xataa qaab-shaqaynta jidhku waa meelaha laga uriyo isku-mid-ahaanshaha asalka abuur ee dadka, ee ma aha, dood ahaan, meelo uu geli karo farqi.

Xaqiiqada shay kastaa waa hal mid. Laba sifo oo isku lid ahi kuma kulmi karaan hal meel. Waad gaaban tahay ama waad dheer tahay. Nin ayaad tahay ama haweenay. Shaygaasi wuu jiraa ama ma jiro. Waa sidan. Laakiin, lama arki karo, wax jira oo haddana aan jirin. Wax gaaban haddana dheer! Tani waa taas. Waa xaqiiqada buuxda. Doodina ma geli karto, oo ruuxii qof dheer yidhaahda wuu gaaban yahay, waxa la ogsoon yahay in ama jaahilnimo ama isyeelyeel u keenayso arrintaa (waana labada qodob ee caawiya kala-duwanaantu in ay sino ballaadhato, aragti ahaan). Balse, waxa dooduhu galaan xaqiiqada kala-dhiman. Qofkii waxa laga yaabaa in aanu wada hayn xaqiiqada hal wax. Tusaale, waxa aad soo qaadatay shaxan sedjibake ah. Xisaab ahaan, sedbijabakuhu (cuboid) waxa uu ka kooban yahay lix dhinac, oo labadii iska soo horjeedaaba isle’eg yihiin. Qofna hal mar ma wada arki karo dhammaan dhinacyada shaxankaas. Isha aadanuhu in ay laba-dhinac uun aragto (2D), ee aanay 3D arag, ayay ku noqonaysaa tani. Markaa haddii qofi arko labada xagga waqooyi eegaya, qof kalana arko dhinacyada koonfur eegaya, oo ay hadhow ku doodaan, “laba dhinac oo waqooyi eegaya ayuu leeyahay. Iyo, maya e, laba koonfur eegaya weeye,” dooddaasi ma sii waari doonto. Wax loo garaabana ma ahaan doonto. Sababta oo ah aqoontii loo lahaa walaxda laga doodayo iyo xaqiiqadeedii ayaa ka kala dhiman doodayaasha. Marka uu Plato ku qeexay aqoontu in ay tahay, “aaminaad run ah oo caddayn loo hayo,” waa tii su’aalo la geliyay. Edmund Gettier, oo ahaa faylasuuf Amerikan ahi, waa kii mas’alooyinka keenay. Ragga u kacay aragtidii Plato ee shubahaadkii Gettier ka difaacay waxa ka mid ahaa Keith Kegrer iyo Thomas Paxdon oo gu’gii 1969-kii ku kabay qeexitaankii la hayay in aqoontu tahay, “Aaminaad run ah oo caddayn loo hayo ISLA JEERKAASNA AAN LA DURIN.” “Aan la durin,” waxa ay uga jeedeen aanu jirin wejiyo kale oo isla waxa aqoonta laga qaadanaya ah oo duri kara xaqiiqada laga haysto hadda. Waa kiiska shaxankan aynu tusaalaha u soo qaadannay; dhinacyada muuqda waxa duray dhinacyada maqan ee aan la arkin weli.

Gunaanadkii, waxa aan aaminsanahay in maaddaama kala-duwanaanta aragtiyeed aynu ku soo sheegnay mid inta u badan u-dhalasho ah, aan meesha laga saari karin. Balsa, qodobbada saamaynta ku leh oo uu abbaanduule u yahay, aqoonyarida, isyeelyeelka, mitidnimada iyo danaysashadu, ugu yaraan la yarayn karo. Aqoonta waxa laga doodayo oo la korodhsado, daacadnimada oo lagu dedaalo iyo heerka damaca nafta oo la xakameeyo, ayaana dawo kaalmaati ah noqon karta. Sida muuqeennu u kala duwan yahay in maankeennuna u kala duwan yahay oo laabta loo sii daayo, ayaa ku xigta. In maan dadeed mudacyo afkood yahay, oo sida keli ah ee loo midayn karaana tahay wada-noolaansho iyo is-ixtiraam inta wax la isla qaadanayo, ayaa iyadana xoogga la saari karaa.

***

Tixraacyo:
1. Qur’aanka Sharafta leh; al-Kahf:50; al-Baqrah:34,213; al-Acraaf:206 & as-Saad:4.
2. Doris, John and Stich, Stephen. (2014) “Moral Psychology: Empirical Approaches”, The Stanford Encyclopedia of Philosophy (Fall 2014 Edition), Edward N. Zalta (ed.), URL = <http://plato.stanford.edu/…/fall20…/entries/moral-psych-emp/&gt;.
3. Oldenquist, Andrew (1980). “The Possibility of Selfishness.” American Philosophical Quarterly Vol. 17, No. 1, pp. 25–33.
4. Slote, Michael A. (1964). “An Empirical Basis for Psychological Egoism.” Journal of Philosophy Vol. 61, No. 18, pp. 530–537.
5. Philosophy News. (2013) Beyond Logic: Why Do We Disagree? URL: <http://www.philosophynews.com/…/Beyond-Logic-Why-Do-We-Disa…&gt;
6. Guudcadde, C. (2015) Nafta iyo Sharka Maxaa ka Dhexeeya? URL: https://aragtixora.wordpress.com/2015/11/27/nafta-iyo-sharka-maxaa-ka-dhexeeya/

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s