Saadaasha Sayniska

Markii aan dugsiga hoose/dhexe ku jiray ayaa ay soo bilaabantay danaynta aan u hayo saynisku. Aad ayaa aan u xiisayn jiray. Maaddada sayniskuna waxa ay ahayd ta kaalinta koowaad iigu jirta. Dugsigii sare markii la soo gaadhay, xiisahayga saynisku kor ayaa uu u sii socday. Waaba tan sababta aan u doorbiday ku-biiridda qulqulka ardayda sayniska, halkii aan ka mid noqon lahaa ardayda aartiska.

Xasuusta aan dib ugu celiyo iskuulkaygii hoose iyo waayihii sayniska aanu isla soo marnay. Bare maaddadan noo dhigi jiray oo Maxamuud la odhan jiray, oo “Maxamuud-dheere” ay ardaydu ugu yeedhi jirtay, ayaa maalin su’aal na wayddiiyay. Waxa uu na yidhi, “ilayska iyo kulka xaggee ayaynu ka helnaa?” Mar qudh ah ayaa la isla oogsaday, “qorraxda – isha tamarta nolosha.” In aanu saxsannahay ayuu noo sheegay. Waxa uu noo raaciyay wayddiin kale. “Cadceeddu, haddaba, xaggee ayay iyaduna ka heshaa ilayskaa iyo kulkaa?” Waa la is wada eegay! “Dee Ilaahay ayaa siiya,” ayaa lagu jikaaray. Cidda siisa in aanu na wayddiin ee sida ay ku hesho iyo xagga uu uga yimaaddo uu na warsaday ayuu nagula gartamay. Waa la guuxay. Shaqo-guri ayaa loo qaatay. Waa la soo dhaqaajin waayay. Raggayagii sayniska in aanu naqaanno isu haysannay, ayaa shibta u baxay. Waa la isu soo noqday. Fadha-madhnaan. In uu imtixaanka noogu soo dari doono isla su’aashaa ayuu nagaga naxsaday. Fasalka toddobaad ayaa laga gudbayaa. Arday da’dooda iyo cilmigoodu toona aanu gaadhsiisnayn ilaa qorraxda ayaannu nahay. Balse, manjahkaa na ciilay. Waa la baadidoonay. Adaaba sheegaya. Afafka shisheeye ee wax lagu baadhaana waa nagu yaraa. Xataa meelaha wax laga baadhayo ayaaba nagu yaraa!

Maalmihii danbe ayuu macallinkii noo sharxay. Waxa uu ugu horraynta noo sheegay in aanay dood ahayn, “Ilaahay ayaa siiya,” oo KELI ahi. Sababta iyo sida ay u dhacaan ashyaa’duna muhiim tahay. Mar danbe oo aan korayna, waxa aan iskula yaabayba, jawaabta aan ka bixinnay su’aashii hore ee ahayd, “ilayska iyo kulka xaggee aynu ka helnaa?” Waa tii aanu nidhi, “qorraxda.” Hadda ma aanu odhan, “Ilaaahay ayaa na siiya!” Caqli-celintaa markii uu nagu waaniyay ayuu wayddiintii ka warceliyay. Cadceedda iyo waxa ay ka samaysan tahay ayuu galay. Falgal-bu’eedka (Nuclear Reaction) ka dhex dhaca ayuu taabtay. Aysatoobyada Haydarojiintu in ay dhanballan-bu’eed sameeyaan, oo maxsuul ahaan soo saaraan Hilyam ayuu carra-baabay. Falgalkaa dhacay dhexdiisa qaraxa ka dhasha in tamari ka soo dhex baxdo ayuu taabtay. Tamartaa ayaa qaybi habka ilayska inagu soo gaadhaa, qayb kalana habka kulka, ayuu ku soo gunaanaday. Maalintani waxa ay ahayd ayaan kale oo igu sii dhiirrigelisay in aan bal sayniska wax badan ka sii ogaado.

Falgalka ay Hydrogen ugu dhanballanto Helium iyo tamarta ka dhalata.
Falgalka ay Hydrogen ugu dhanballanto Helium iyo tamarta ka dhalata.

Berigaa aan dugsi-galka ku jiray, waxa aan isku deyi jiray in aan aqoonta aan barto bal nolosha ku dabbaqo. Adeegsigeeda. Saynisyahannada qaarkood ayaa aad u bogaysay sida ay wax u dhigayaan. Waxa ay lahaayeen awood ay wax ku saadaalin karaan. Waxa ka mid ahaa Dmitri Mandeleev. Waa saynisyahankii reer Ruush ee qoray taxii kalgalka curiyayaasha (Periodic table of elements) ee u horreeyay. Gu’gii 1869 ayuu soo bandhigay. Waxa uu ku soo ururiyay tirada curiye ee xilligiisaa la daahfayday. Intaas oo keli ah ma aha. Waxa uu saadiyay curiyayaal aan xilligiisaa la helin, balse ula eekaa in la heli doono iyo sida ay noqn doonaan. “Sida iyo sidaas ayuu noqon doonaa,” ayuu sii yidhi. Waxa oddoroskiisa ku jiray afar curiye ee dhulka oogadiisa ku yar, waa ekaboron (Eb), ekaaluminium (Ea), ekamanganese (Em) iyo ekasilicon (Es). Astaamaha atameed ee uu siiyay markii la dersay, waxa la yaqiinsaday in ay buuxinayaan curiyaayaasha casrigan la wada yaqaan ee scandium, gallium, technetium iyo germanium (sida ay u soo kala horreeyaan.) Ekaaluminium oo uu 1871 sii saadiyay, waxa ay isyeesheen gallium oo 1875 uu helay Paul-Émile Lecoq de Boisbaudran.

Per
Taxa kalgalka curiyayaasha ee Madeleev

Run ahaantii, Mandeleev oo keli ah ma ay ahayn saynisyahannada saadaashii saynis ee ay sameeyeen waa danbe la ogaaday. Albert Einstein ayaa aan soo qaadan. Shalaytadan qoyan, February 11, 2016,  ayay saynisyahannadu u qireen Aynishteen in uu saxnaa. Waa saadaal uu istusay (hypothesized) Aynishteen 1916 uuna ku dhex xusay waxqabadkiisii Aragtida Sidkanaanta Guud (General Relativity). Waxa uu Aynishten sheegay in aragtiyihii Isaac Newton ee cufisjiidadku aanay ku sii shaqayn doonin barada sare (space). Halkan waxa looga baahan yahay, si loo fahmo, ayuu xusay, in ay jiraan wax uu u bixiyay “Hirarka cufisjiidadeed – gravitational waves.” Waxa dib loogu noqday aragtidiisaa qarniga jirsatay. Muuqaalka hoose ayaa muujinaya fahamka koowaad ee hirarkan.

.

Fiisigisyahan ka tirsan jaamacadda Columbia laguna magacaabo Marka ayaa xusay in daahfurkani inaga saacidi doono in dib loo eego aragtidii aan hore laga fahmi jirin ee Aynishteen. Waxa uu Marka ka mid ahaa khubarrada arrintan ka soo shaqaynayay tobanneeyadii gu’yaad ee u danbeeyay. Waa laba midkood, ayuu yidhi, “ama saynisyahannadu waa ay ku wada raaci Aynishteen aragtidiisii sidkanaanta, ama waxa ay noqon doontaa in ay aragtiyo cusub la yimaaddaan.” CNN waraysi uu siiyay ayuu sidan ku xusay

Hirar-cufisjiideed qaab laba dhinacle ah (2D) loo soo bandhigay.

Waxa gaarka kuu soo jiidanaya ayaa ah in saynisku marka uu halkan oo kale marayo la xidhiidho aamminaad. Macallinkayagii jawaabtii uu na siiyay waa rumayn uun. Qorraxda cid dul istaagtay oo soo ogaatay in ay waxaas ka kooban tahay ma ay jirto. Balse, qiyaaso la isu geegeeyay uun baa soo saaray go’aankaa in la gaadho. Sidaa si ku dhaw, aragtidan hirarka cufisjiidadeed waxa ay ku noqonaysaa goobta aan waxa badan laga aqoon ee dulalka madow – black holes. Waxa ay aragtidu ku fadhidaa in bilawgii hore, xilligii Qaraxii Weynaa, ay isgaleen laba dul oo madoobi. Isdhexgelkoodaa ayaa waxa ka dhashay kaah bu’eed xooggan oo cufisjiidad leh. Kaah bu’eedkii waxa uu dhaliyay hirar-cufisjiideedkan. Fekraddan Aynishteen ee hadda la garwaaqsadayna waxa ay, sida ay kooxdu sheegtay, fududayn doontaa in wax badan laga sii fahmo barada sare iyo dulalka madow. [U fiirso sawirkan dhaqdhaqaaqaya ee dhanka midig.]

***

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s