Alla Hooyo Antoonow Maxaad Diimo isku Khaldaysaa?!

 Antoni (Anthony) Hooyadii ayaa ugu timi isaga oo maqaaxi fadhiya. Sida la werinayo, wiilku nin Muslim ah ayaa uu hilib xalaal ah la cunayay. Duqdii inta oo ay si huruufid ah u eegtay ayaa ay wayddiisay waxa uu meesha ka qabanayo. Waa uu u sheegay. Kolkaas ayaa ay ku tidhi odhaah. Waa weedha cinwaanka inoo ah. “Alla Hooyo Antoonow maxaad diimo isku khaldaysaa?!”

Xaaladda Soomaalida ee haatan marka aad u fiirsatid dhawr wax ayaa kugu kulmaya. Mar waxa aad la yaabaysaa qaabka ay u habaysan yihiin waxa u habeeyay iyo sida ay ugu habaysmeen. Mar kale qaabkan ay u habaysan yihiin ka hor sida ay u habaysnaayen ayaa aad isywaddiinaysaa. Jeer kale, waa adigaa mustaqbalka sida ay sii ahaanayaan waqti ku qaatay. Dheri saddex dhinac ka gubanaya ayaa aad noqonaysaa. Horta dheri saddex dhinac ka gubanaya weli ma ragtay? Waa adiga iyo marka aad ka fekertid xaaladda Soomaalida iminka.

Dhawr xaglood ayaa malahayga laga eegi karaa arrinta taagan. Maxaa sababay horta in aynu sidan ahaanno? Sidee ayaa aynu nahay? Soomaalinnimadiina waa laga yimi, shisheeyannimana lama gaadhin. Fasir ma u heli karnaa ammuurtaa?

Cilmiga bulshada Soomaalidu laba goor ayaa uu caynwareegay, sida aan qabo. Miyiga iyada oo la joogo ayaa si “bilaa tabaabusho ah” loo soo galay magaalada. Magaalawgii (urbanization) ayaa dhacay. Falsafaddii iyo qaab-dhismeedkii bulshada ee baadiyaha ku habboonayd lama soo wada qaadan (saa maba ay ahayn in la soo walwaashee), lagamana wada iman—tii magaaladana lama wada qaadan. Si naqaysi ah (selective) ayaa noloshii miyiga loola dhaqmay. Gurigii dhisnaa ee aqal-soomaaliga ahaa lama soo qaadan injineernimadii dhistay iyo ilbaxnimadaas laxaadka leh e waxa la soo qaatay kijada agabkii yaallay—xaabadii. Waa adiga arkaya in magaalada markii la soo galay guri weyn oo “bangalo” lagu sheegayo haddana kijadiisa dhuxul lagu karsanayo! Waa guri marmar ah oo aanad lahayn xirfadda dhismihiisa, haddana xaabo aad ku dhex holcinayso oo aad geedkii wax ku karsanayso! Khaladkaasi waa kii koowaad.

Markii magaala-galku dhacay, iyada oo aan baadiyihii iyo bendarkii midna lagu sifaysnayn, ayaa la isku deyay in dunida lala qabsado. Waa taa lala falgalay carro-edagaysanka (globalization). Markan labaadna waxa laga tegey noloshii magaalada ee dhawaanta la soo galay, lamana haleelin nolosha “casriga” ah ee loo hanqaltaagayay. Dameerkiina jar baa laga tuuray, awrkii cirkana lama gaadhin! Waa adigaa arkaya ummad dhan oo ku doodaysa in loo fekero si “caalami” ah– haddana aan dabada boodhka ka biisan karin!

Xaggee loo socdaa ma leh!
Xaggee laga socdaa ma leh
Maxaa loo socdaa ma leh
Maxaa lala socdaa ma leh
Maxaa lagu socdaa ma leh!

Xaalku waa: Jaantaa rogan; Lax dhukani col ma og iyo; Hortaa bannaan — Hadday doontana, dabadaa bannaan!

Labadaa qodob aan sharraxaad saaro.

  1. Magaalaw: Soomaalida boqollayda u badan—sida la rumaysan yahay—waa dad dhaqankoodu xoolo-raacato yahay. Ilaa xilli fog. Qofka reer guuraaga ahi waxa uu u gooshayay xagga shishe ee xuduudda. Xayndaabyada dalalka waa uu gooyaa. Saa waxa keli ah ee uu yaqaan waa biyo iyo baad e. Tani waxa ay keentaa in uu wax uu maqlo u jeclaado deegaan aan hore loo degin oo aan oollin ahayn. Si kale u dhig, deegaan cusub. Daaq iyo durduro aan hortii la taaban wax uu ka jecel yahay ma jirto (haddii ay jirtana waa dhul-daaqsimeed inta ka badan uun). Waxa halkaa laga dhadhansan karaa dhiraandhirin aanan hubin in la ila qaadan karo iyo in kale oo ah in ay tahay jeclaanshiyahaa uu qofka Soomaaliga ahi jeclaa dhulka cusubi isha ay ka soo burqanayso nuglaansha uu u nuglaaday dhaqammada iyo qaab-noolaanshaha cusub ee sidaa oo dhan u geddisan. Wixii cusubba caalamkaa jecel, ayaa aynu nidhaahnaa, balse waxa aan ku dooday in wixii cusubba ‘inagu aad u jecel nahay!’Waa tii magaalada sida baahsan loo soo galay. Iyada oo la xiisaynayo nolosha cusub. Miyigii lagama wada iman ee waxa la soo qaatay agabkii iyo aragtiyihii halkoodaa ku wanaagsanaa. Lamana soo wada rujisan oo waxa laga yimi agabkii iyo aragtiyihii ugu qaayaha badnaa. Waa taa aad arkaysid in—sida in badan laguba dooday—falsafaddii meesiyada xoolaha lala yimi madaxtooyada, sida oo kalana dhuxushii iyo xaabadii la isdaba sido! Waa gurrac weyn oo gurran. Leexashada halkaa ka soo bilaabantay waxa ay keentay in dadkii magaalada soo galay caqliga iyo camalkaba ay reer miyi ka noqdaan, dadkii baadiyaha lagaga yimina ay garaadka iyo guudkaba reer magaal casilan ka noqdaan oo jaadku halkaa ku gaadho, telefankana ay kaa qoranayaan ragga hawd guntii geela la joogaa! Iswaydaarka intaa le’egi waxa uu keenay in labada dhinacba aanay noqon wax sooc ah. Reer magaal miidh ahina ka jiro, natiijo ahaan, reer baadiye badhaxtiranina ma uu jiro!Qodobkani waxa, dood ahaan, uu xoojinayaa in gefkii koowaad ee Soomaalida noloshooda ka dhacay ay iyagu ka danbeeyeen. Iyaga ayaa isla iyaga kula kacay.
  1. Carro-edagayn: Arrintani tii hore waa ka kagnaan doontaa. Fahamkeedu. Aan u jilciyo sida ugu maangalsan. Markii hore waxa dhacay magaalo-gal. Safarku waxa uu ahaa ka miyiga cammiran, ku magaalada cidlo ah. Magaalada in la deegaameeyay maanka ku hay. Dadkii magaalada soo galay waxa aynu ku soo sheegnay in ay noqdeen dad caynba-cayn ah. Xaggii iyo xaggan toona aan haysan. Dhanna reer magaal ilbax ah (haddiiba la ii oggolaado in aan eraygaa adeegsado) ayaad moodaysaa, dhanka kalana geeljire isa soo kallifay iyo Cabdi soo lug-go’ay Xataa qofka Soomaaliga ah ee waashaa dilaa la iska ilaaliyo oo fara-laab uun sita ayaa uu noqdaa. Weli miyaad maqashay nin Ruush ah oo waalan oo carruur eryanaya, ama mid Maraykanba, xataa mid Shiine ah, ama dheh mid Yurub u dhashayba? Mise duulku dad waashaba ma leh? Dee kollayba laga yaabaa in qaarkiin, akhristayaal, ku nool yihiin dhulalkaas e bal nala soo socodsiiya haddii uu jiro qof dalalkaa u dhashay oo inta oo uu waashay biro iyo budhadhna sita, suryada uu ka soo laabtana laga fiigo.Maxaa Soomaalida sidaa oo dhan gaarka ka dhigay? Waa dhaqanka feddereeshanka ah ee magaala-galku keenay. Haddaba dadkaa magaalada soo galay, ee caynaddaas ah, ayaa wadh kale la yimi. Dunida kale ayaa loo tashaday in lala xidho. Habkan sida xawliga ah u saameeyay dalalka soo koraya ee Afriki u weyn tahay ee carra-edagaynta, (oo aan qabo in uu yahay waxa lugaha kaga dheggan Afrika kor-u-kaceeda[I]), ayaa lala falgalay.Hannaankan waxa ka dhashay raadad badan. Qof aan saani u wada reer magaaloobin ayaa damcay in uu caalamiyoobo! Gefkan labaad waxa uu beddelid laxaad leh ku keenay qaabdhismeedkii ummaddeennii magaalada soo gashay—iyo xataa kuwii miyiga lagaga yimiMarkan waxa meesha soo galay gacan labaad. Dhaqannada u badan ee wax isbidaa waxa ay ku dhaqmaan wax culimada aqoonta aadanuhu u taqaan Ethnocentrism (af Soomaali kuma hayo). Sida uu ku qeexay Wilyam Samnar[II] (William Sumner), habkani waxa uu dhacaa marka dhaqan kilkiladiisa ursaday uu farta ugu yeedho iskuna dayo in uu dhaqannada kale hoos keeno kiisa. Waa qaab maquunis oo kale ah—balse xeelad iyo xoogba isugu dara. Oo dhaqankan wax isbidaya ayaa laga dhigtaa, ugu danbaynta, beegaal lagu qiyaaso horumarka iyo dibudhaca. Waxa aad akhrin kartaa waxan loo yaqaan “kooke-ku-guumaysiga (coco-colonization),” “Maraykanaynta (Americanization)” iyo/ama “Galbeedaynta (occidentalization).” Dhammidood waa tusaalaayaal muujinaya sida uu u guulaystay mid ka mid ah dhaqamada dunidu—kan Maraykan iyo reer Galbeed.
    Aqoontii dunida lagama dheefsan ee waa la isku dhaawacay!
    Aqoontii dunida lagama dheefsan ee waa la isku dhaawacay!

    Waxa dhici karta in loo arko carro-edagaynta mid aqoonta heliddiisii fududeeyay. Haba sahlo e maxaa laga istafiiday? Aqoontii dunida lagama dheefsan ee waa la isku dhaawacay! Tawsta haysa ummadda waxa saami badan ku leh qof aqoonyahan isu haysta oo afaf qalaad ku hadlaya, ka dibna halkii ay ahayd in uu cilmigiisa Soomaaliyeeyo oo waaqica qabadsiiyo, isagii shisheeyoobay oo laga gacan sarreeyay– mise isdhiibayba?! Ilbaxnimadu horta ma waxaagii oo aad daadisid wax kalana u wareetid baa, mise waa waxaagii oo aad kaydsatid, wixii cusubna intii kaa anfacda ka qaadatid?

    Waxa aad garwaaqsan doontaa in gooladdaa laga soo laabay lagu jiidhay naf muhiim ahayd. Waa naftii Soomaalinnimada. Mar labaad, carro-edagayntu marka ay dhacaysay lagama wada iman dhaqankii magaaladii dhawaanta la soo galay oo feker “caalami” ah lama dabbaqin. Lagamana soo wada tegin. Xataa aydhiyoolajaddii miyiga ayaa aad arkaysaa iyada oo lagu faaqidayo ammuuro dunida ka dhacaya! Waa sayn inagu taal oo aan ilaa hadda inaga go’in in aynu ku fekerno caqliyaddii miyiga. Sababta haddii aad iswayddiisidna, anigu kollayba waxa aan u hayaa in sababta caqliyaddaa looga tanaasuli la’yahay ku aroorayso xaqiiqda ah in aanay jirin caqliyad inoo beddesha oo la loolami karta middaa—ilaa hadda!

Marka aad u fiirsatid labada qodob, (jirtoo aynu sharraxaad kooban saarnay), waxa aad is-arkaysaa adiga oo madaxa ruxaya, qabyaaladda iyo waxyaabaha dhibaatooyinka loo yaqaan ee la hadal hayana ku odhanaya, “Jugun waa kii yidhi, ‘Xasan Jigin bikh!’” Waloow aan aaminsanahay in qabyaaladda Soomaalida oo loola hadlo sida hadda looga hadlaa madhalays tahay[III], haddana kama suulayo in aan aaminsanaado in isla qabyaaladdaasi qaadhaan ku darsatay qaabdhismeedka bulsheed ee dadka Soomaalida.

Labadaa dhacdo ee dhaynaamigga ahi waxa ay beddeleen sidii Soomaalidu nafahooda u arkaysay. Ka dibna waxa halkaa ka dhashay dad badan oo aan dhanna haysan, ee meel cidlo ah isxakaminaya. Haddii la fahmo dhibaatadu halka ay salka ku hayso, waxa aan isku qanciyay in xalku soo dhawaanayo.

Halkaa marka aad maraysid ma xasuusatay Antoni oo ay Hooyadii canaananayso? Horta maxaa ay ku haysatay? Waxa uu cunayay hilib aan looga baran. Waa tii ku celcelinaysay, “Alla Hooyo Antoonow maxaad diimo isku khaldaysaa?!” Alla, haddaba, yaa islaantaa u taga oo ku yidhaahda, “Ummu-Antoniyeey, bartaa ‘Hooyo Antoonow’ waxa aad iigu beddeshaa ‘dadkaygoow’?!”

 

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com
WordPress Blog: www.aragtixora.worpress.com

 

Hoosdhigyo:

[I] Guudcadde, A. (NA) Africa’s Major Enemy: Globalization and its Negative Impacts on the Dark Continent – (unpublished paper).

[II] Robert King Merton (1996). Piotr Sztompka, ed. On social structure and science. University of Chicago Press. b. 248.

[III] Guudcadde, C (2015) Istaraatajiyadda Ismiidaynta. Laa faafiyay Sept 7, 2015. URL: http://www.somalilandpost.net/?p=43895

Advertisements

2 comments

  1. isbadaladaas aad carabowday waxay si toos ah kaaga dhex muuqanayaan jiilalka bulshada ee is badalaya waxaad arkaysaa colaad xoogan oo ka aloosan labo jiil oo ay ahayd in ay dhaxal iswaydaarsadaan, dayacaasi waxaa inoogu wacan waa dadkeena oo ah asal ma dooriye jiilka aynu ka mid nahayna waxaan hada la tacaalaynaa cudurka Caro-edagaysan(Globalization) oo adhaxda ina jaray kolkaan nolosha u soo hinqanay, koleey inooma fududa in aad Ebar 0, ka soo bilawno een hada miyigii u laabano, waxaanse awoodnaa in aan culuumta dunida aan Soomaaligarayno, wixii dhaxalee laga helo dadkii horana aan ku milno si hayaanka Sadexaad iyo kacdoonka kan xigaayi uusan inooga darin

  2. meel loo iyo meel laga yimi toona malaha waxad moodaa in aynu saaranaya gaadhi bilaa indho ku socda jiheeyihiina uu ka khaldamay,,allaw baabuurka noo hagaaji

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s