Cilmibaadhista iyo Caalamka

Cilmibaadhistu dunida muhiimad gaar ah ayay u leedahay. Waxaaba la aaminsan yahay in dalba dalka uu uga dhaw yahay maalgelinta cilmibaadhisyada, uu uga dhaw yahay horumarka.

Dalalka “horumaray” waxa ay celcelis ahaan ku bixiyaan cilmibaadhisyo keli ah 2.1% dakhligooda guud. Taas oo u dhiganta 536 (shan boqol, soddon iyo lix) bilyan oo doollar. Waxa waaxaha cilmibaadhiseed oo qudh ah ka shaqeeya dunida 3.4 milyan oo cilmibaadhe. Tani waxa ay u dhigantaa in xoogagga shaqeeya 1.3 ka mid ahi yihiin cilmibaadhayaal!

Maraykanka, Jabbaan iyo Midawga Yurub oo keli ahi waxa ay cilmibaadhista ku maalgeliyaan 3/4 (afar meeloodoow saddex meelood) miisaaniyadda dunida oo dhani u qoondayso majaalkaas. Waxa ay la micno tahay in ay bixiyaan 417 (afar boqol, toban iyo toddobo) bilyan oo doollar. Maraykanka oo qudh ahi waxa uu u huraa cilmibaadhista 168 (boqol, lixdan iyo siddeed) bilyan oo doollar; oo u dhiganta 32% maalgelinta adduunka oo dhani ku bixiyo isla cilmibaadhistaa. Jabbaan oo ku soo xigtaa waxa ay ku bixisaa wax ka badan 24% dhaqaalaha dunidu dul dhigto maalgelinta cilmibaadhista. Si kale u dhig, 130 (boqol iyo soddon) bilyan oo doollar ayaa ay Jabbaan keligeed u qorshaysaa cilmibaadhisyada.

Maraykan iyo Jabbaan, waxa ku soo xigaya, Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga, dabadeedna Kanada. Toddobadaa dali waxa ay wadar ahaan cilmibaadhista ugu talogalaan 420 (afar boqol iyo labaatan) bilyan oo doollar. Toddobadan waddan waxa ka hawlgala, wadar ahaan, 2, 265, 000 (laba milyan iyo laba boqol lixdan iyo shan kun) oo cilmibaadhe– taas micnaheedu waxa weeye in ay toddobadaa dal ka shaqeeyaan 66% cilmibaadhayaasha dunida oo idil ka hawlwadaa. Cilmibaadhe kasta waxa ku baxa sannadkii 185, 000 (boqol, siddeetan iyo shan kun) oo doollar.

Dalalka Iskandaneefiyanka (Scandinavian) ka tirsani, laftarkoodu waxa ay bixiyaan kharash fiican oo cilmibaadhista loo cayimay. Sidan hoose ayaa ay u kala badan yihiin.
Sweden: 4.27%
Finland: 3.51%
Denmark: 2.6%.

Dalka Bolan (Poland) waxa uu galay kaalinta u hoosaysa ee liiska Yurubta maalgelinta fiican ku bixisa cilmibaadhista. Waxa uu bixiyaa 0.59% dakhliga guud ee dalka.

Waddamada kuu soo hadhay ee dunida (oo dabcan kuwii Muslimiintu u badnaayeenna ku jiraan) waxa maalgelintoodu ku wareegtaa wax aan wax naf leh ka badnayn 116 (boqol, toban iyo lix) bilyan oo doollar. Dalalka Carabtu waxa ay tiradaa ku leeyihiin keli ah 535 (shan boqol, soddon iyo shan) milyan oo doollar– tan oo u dhiganta 11/1000 (kun dalool marka loo qaybiyo dakhligooda guud, toban iyo kow god oo keli ah)!

Bal u fiirso dalalkan Muslimiintu u badan yihiin iyo heerka ay ka gaadhsiisan yihiin maalgashiga cilmibaadhista (fadlan ha i wayddiin kaalinta Soomaalida!).

Imaaraadka: 0.6%
Kuwayd: 0.2%
Urdun: 0.3%
Tuunis: 0.3%
Suuriya: 0.2%
Masar: 0.2%!

[Haddii aad dareentay, dalkii u miisaaniyaddiisa cilmibaadhistu u badnayd Carabta, iyo waxa isle’eg dalkii miisaaniyaddiisa cilmibaadhistu u yarayd dalalka Yurub– Imaaraadka iyo Bolan!]

Dadka cilmibaadhayaasha ah ee waddamadan Muslimiintu ku badan yihiin ma dhafaan 16, 000 (toban iyo lix kun) oo qof. Sannadkiiba min cilmibaadhe waxa kaga baxa wax ka yar 36, 000 (soddon iyo lix kun) oo doollar.

Tirakood ay Jaamacadda Carabtu samaysay 2006 ayaa lagu sheegay in milyankii Carab ee meel taaganba, 318 (saddex boqol, toban iyo siddeed) cilmibaadhe ku soo hagaagayaan, isla waqtigaasna dalalka Galbeedka halkii milyanba waxa ku soo beegmayay 4, 500 (afar kun iyo shan boqol) oo cilmibaadhe!

Dawladda Israa’iil waxa ay cilmibaadhista ku bixisaa 1.774 bilyan oo doollar (1 bilyan, toddoba boqol, toddaatan iyo afar milyan oo doollar). Tani waxa ay saddex jeer ka badan tahay wadarta guud ee dalalka Carabtu ku bixiso cilmibaadhista. Kulli! Lacagtaas Yuhuuddu ku bixiso cilmibaadhista, waxa ay jeebkooda qaran ka tahay 2.5%. 2004, ayaa ay aad u kordhisay oo ay gaadhsiisay 4.7% dakhliga guud ee dalka. Isla Israa’iil waxa ay 30.6% miisaaniyaddeeda guud gelisaa cilmibaadhista iyo horumarinta shacabka. 162, 000 (boqol, lixdan iyo laban kun) oo doollar ayaa gu’gii kaga baxa dawladda Yuhuudda cilmibaadhis [waxa ay tani ka badan tahay afar laab, wadarta guud ee dalalka Carabtu arrintaa ku bixiso!]

Waxa hoos ku lifaaqan jaantus muujinaya tirakoobyadii u danbeeyay ee waddamada ugu horreeyay dhanka maalgelinta cilmibaadhista iyo horumarinta. Sannadka iyo boqollayda dalalku uga qoondeeyaan mashruucaas tacabka guud ee dalalkooda (GDP) ayaa is-hoosyaalla. Liiskan waxba aad ha u sii eegeegin, waayo kuma jiro waddan Muslimiini u badan tahay iyo xataa dal Carbeed toona. Afrikaanna daa hadalkooda!

© https://data.oecd.org/rd/researchers.htm#indicator-chart
 Jaantus muujinaya waddamada dunida ee lagu yaqaanno maalgelinta cilmibaadhista iyo horumarinta. (c) https://data.oecd.org/rd/researchers.htm#indicator-chart

 

 

 

Isha xogta:

  1. Al-Xaarithi, Dr. Fahad (2010) Al-Macrifatu Quwah.. Wal xuriyatu aydhan. b. 193.
  2. Warsidaha Al-MAJALLAH, June 2008, b. 38.

 

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s