Doodda Shiicada iyo Sunniga: Diin god goray gal, gorayna god diin gal!

Anaa mudan anaa midho ku dheer, lay hormari maayo;

Waa waxa manaamnuhu uu ka dhacay maalinti hore!

– Faarax Nuur.

In la kala aragti duwanaadaa waa wax abuur ah. Dhalad. In kala-duwanaantaas la isku ixtiraamaana waa wax wanaagsan. Gobonnimo. In kala-duwanaantaas la isku colaadiyaase waa wax xun. Gunnimo.

Taariikhdu waa iskaatusta laga fiirsado meesha laga yimi iyo meesha lagu socdo xidhiidhka ka dhexeeya. Saw kii Xaaji Afqallooc lahaaba,

Taariikhdu waa inoo misbaax maanka caawima e,

Adoo male gudaayaad xyqiin marar ku gaadhaaye,

Makaankaaga waa in aad taqaan meelba waxa yaal e!”

Waa runtii Xaajiga, oo muhiimadda intaa le’eg ayay tagtadu u leedahay fahmidda waaqica taagan iyo diyaarinta qorshaha berri.

Innaga oo taa maanka ku hayna aynu ku noqonno taariikhda ay soo mareen qulqullada feker ee Islaamka ku abtirsadaa. Cali ina abi-Daalib iyo Mucaawi ina Sufyaan, midkoodna shiici iyo sunni toona ma ahayn. Mid kastaa Muslimnimada waxa u raacday in uu yahay asxaabi sharfan. Calina in uu ahaa hoggaankii ummadda ayuu dheeraa Mucaawiye oo ahaa shicibkiisii. Wax ugub ah ma aha. Oo in yar ka horba isla Cali waxa uu ka mid ahaa shicibka hoos yimaadda talada Cusmaan ina Cafaan. Eebbe idilkood raalli ka ahaado e.

Taariikhuhu inta badan waa laba. Taariikhaha bulsho. Midi waa taariikh weyn midina waa taariikh yar. Taariikhda yari waxa ay diiradda saartaa nolosha aqalka madaxtooyada ee bulshadaa, qaabka ay u noolaayeen xubnaha qoyska madaxtooyada/boqortooyadu iyo dhacdooyinkaa ku hareeraysan go’aannadii ama/iyo dhaqdhaqaaqyadii shakhsiga ahaa ee ay sameeyeen siyaasiyiintu. Taariikhda weyni waxa ay diiradda saartaa nolosha bulsheed ee min sees ilaa saqaf. Akhlaaqiyaatka iyo qiyamka ay xeeriyaan ummaddaasi. Nolosha suuqa iyo sariibbadaha taalla. Aqal-aqal. Marka la rabo in been laga faafiyo qaabnololeedkii dad beri dhaqnaa, waxa la buunbuuniyaa taariikhdoodii yarayd. Sida oo kale, marka la rabo in bulsho loo xilqariyo oo aan run ahaanteedii la ogaan, waxa cinwaannada waaweyn loo doortaa taariikhdoodii yarayd. Musuqa ragaadiyay dal boqortooyo ah si lagaaga qariyo, waa in lagugu dhego-barjeeyo tirada reer boqor, inta guurdoonka ah, intooda guursatay, carruurta u soo biirtay, xaflladaha ay samaystaan iyo wax la naas-nuuga. Waa tusaale muujinaya dad la rabo in taariikhdoodii weynayd tooshka laga qariyo si aan loo fahmin. Waa taa laguu kala dhigdhigay taariikhdoodii yariiska ahayd!

Waxa aad u fiirsataa, adiga oo intaa garaadka ku haya, wixii dhacay xilligii Cali ina abi-Daalib iyo Mucaawiye ina abi-Sufyaan. Taariikhaha dugsiyada lagu barto, sunni iyo shiiciba, waxa diiradda la saaraa oo laga dhammaan waayaa laba dagaal oo isxigay, dhex marayna Dawladdii sharciga ahayd ee Cali hoggaaminayay iyo kooxdii Mucaawiye iyo Caa’isha ina abi-Bakar (Eebbe raalli ha ka wada noqdo e). Dagaalkii Awrka ayaa in badan, meelo badan iyo waqtiyo badan lagu tiiqtiiqsadaa. Taariikh aad u yar weeye. Uma ay qalmin buunbuuninta maanta lagu sameeyo. Weli ma aan baran wax badan oo ka mid ah waxqabadkii khilaafadii Cali. Mucaawiye gebigiisaba waxa la soo shaacsaaray taariikhdaa yar. Badhasaab dhan ayaa uu ka ahaa meel dhan oo muhiim ah e, maxaa taariikhdii waxqabadkiisa loo qaadqaadi waayay?  Sidaas oo kale ayuu Mucaawiye ka mid ahaa raggii tirada yaraa ee waxyiga qori jiray. Lama sheego badiyaa haddana. Maxaa loo xusi waayaa dhacdooyinka waaweyn ee Mucaawiye guulaha ka gaadhay—intii uu ka hoos dagaalamayay khulafadii hore iyo muddadii uu isaguba amiirka ahaa? Miyaanu ahayn ninkii aas-aasay ciidamadii badda ee u horreeyay Muslimiinta? Waar taarikhaha sidan u waaweyn maxaa loo sheegi waayaa? Cali ina abi-Daalib maxaa loogu soo koobay dhawrka ismaandhaaf ee caadiga ah ee dhex maray isaga iyo saxaabadaa kale? Muddo-xileedkiisii waxa u weyn ee innagu soo dhacayaa waa in uu dagaallo sokeeye wajahay. Xilligiisii intee dhul ayaa laga xoreeyay mugdiyadii, intee deegaan ayaa ay gaadhay nabadgelyada Islaamku? Maxaa baas e loogu xoomay arrintaa labada nin ee walaalaha ah soo kala dhex martay ee weliba aan siyaasadda ku salaysnayn, ee keliya salka ku haysay waar dhiiggii Cusmaan aynu meel saarno ka dibna aannu baycada kula galno iyo maya e horta geyiga aynu xaaladdan kala-guurka ah ka saarno oo aynu dawladda dhisanno, ka dibna arrintii Cusmaan aynu u gudubno?

Haddii aanay ahayn taariikh yar oo la buunbuuniyay, anigu magac kale uma hayo.

Waxa maalinkaa maanta ah ka dhacaya dalalka Carbeed, siiba Waddamada Khaliijka, waa arrimo siyaasadeed. Diin shaqo ay ku leeyihiin waa eber, haddiiba aanay ka yarayn eberkaba! Iiraan iyo Sacuudiga mid kastaa waxa uu maanta ka talinayaa sidii uu ugu soo hadhi lahaa mandaqadda. Mid kastaa waxa uu u baratamayaa la-saaxiibidda dalalka Galbeedka. Waa dano siyaasadeed. Xukuumadda Riyaad waxa ay taageersanayd Xuusiyiinta Yaman ka dirirta berigii hore. Maalin uun bay istustay in haddii quwaddaasi ku fiddo, loo yaabi doono Jasiiraddii Shiidaalka. Waa tii ku kicisay Duufaantii Gunaanadka, weerarkii ay ugu magacdareen.

Mahdi Xasan oo ka tirsan gacanka wararka ee Aljazeera ayaa barnaamijkiisa UpFront ku waraystay ergayga Sacuudiga u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay, mudane Cabdalla al-Mucallami. Mahdi waxa uu Mucallam wayddiinayaa su’aalo diirdirran. Waxa uu ka qabanayo Yaman dalka Sacuudigu ayuu judhaba ku bilaabayaa. Ergaygu waxa uu isku difaacayaa in ay halkaa u joogaan si ay u ilaaliyaan xukuumadda la aqoonsan yahay ee Cabdi-rabbi. Oo waa sax e Suuriyana maxaad ka doonteen, ayuu warsanayaa. Halkaana ma dawlad sharci ah ayaad daafacaysaan? Inta uu naxo, oo malahaygana hoosta ka dhidido, (waaba haddii hoosta laga dhidido e), ayuu odhanayaa, “Shacabka Suuriya doonistooda iyo dimuqraadiyadda Suuriya lala maaggan yahay ayaannu taageero u muuinaynaa.” Mahdi Xasan markan waxa uu la helayaa fursad fiican. “Dimuqraadiyadda aad Suuriya la rabtaan maxaad Sacuudiga uga hirgelin waydeen?” ayuu kaga naxsanayaa. Dabcan markan kor iyo hoosba waa ka dhididay! Jawaabta uu bixinayo ergaygu ma aha wax loo garaabo. Orodoo dadka reer Sacuudi soo wayddii su’aashaa iyo hadallo la mid ahi muran ay u badan yihiin ayuu bilaabayaa. Maxaan uga socdaa? Ma jirto ujeeddo diimeed oo ay boqortooyada Riyaad u gashay Yaman, haddana isugu diyaarinayso in ay u gasho Suuriyada sideedii kale u shidan, ee la tiicaysa shiicada iyo sunniga murankoodii. Sida aanay u jirin ujeeddo diimeed oo Iiraan u daafacayso xaaduqa Bashaar iyo xukuumaddiisa boolida ah, iyo ururka Xuusiyiinta ee ka qaybta ah gumaadka dadka Yamaniyiinta ah ee masaakiinta u badan.

Maka iyo Maddiina waa magaalooyin barakaysan, laakiin Sacuudigu ma aha dal barakaysan. Sidaas oo kale, ayaa ay Karbali u tahay goob naxdin iyo murugo ina xasuusinaysa, oo xasuus mudan, balse aanay daruuri ahayn in dalka ay ku taallaa mudnaantaa oo kale yeesho. Gefafka Sacuudigu galay isaga oo metalaya—ayna dabcan raacsan yihiin badi—dadka Sunniga ah, waxa ay isku kefad saaran yihiin khaladaadka ay Faarisiyiintu galeen iyaga oo wakiil u ah Shiicada. Haddii maanta uu Sacuudiga dalalka Muslimiintu u badan tahay ee Yaman iyo Suuriya u xiniinyo-sheeganayo, isaga oo Sunniga hor boodaya, Shiicaduba waxa ay kun gu’ iyo siyaado ka hor ku kaceen fal khaldanaa. Waxa ay ahayd siddeedii bishii Dulxaja, 317 hijrada, markii kooxdii Qaraamidadu ku soo duuleen Maka ayna qaateen Dhagaxa Madaw ee kacbada. Waxa uu Dhagaxaasi agtooda yaallay 22 gu’, jeer oo ay soo celiyeen sannadkii 339 hijrada. Qaraamidadu waxa ay ahaayeen Shiico, weliba Ismaaciiliya ka sii ah. Mahdigii la sugayayba in uu agtooda ka soo baxay oo ay tahay in kacbada xaggooda loo raro ayaa ay rumaysnaayeen! Isla taariikhda ayaa loogu tegeyaa dad Carbeed oo “Sunni” sheeganaya oo haddana dabada ka qalqaalinaya heshiisyo lagu dibindaabyaynayo ummaddii Muslimiinta ahayd, oo uu ka mid yahay kii qarni ka hor dhacay ee Sykes-Picot, 1916.

Caqiido ahaan waa laga yaabaa in meelo iyo kooxo gaar ah laga soo helo Shiicada oo garab marsan sida sawaabka u dhaw, sida looga soo helayo Sunnigaba kooxo ammuuro waaweyn diida. Balse taasi kama dhigna in labada qolo midkood 100% saxan tahay, midina 100% khaldan tahay. Abadan. Wixii lagu khaldan yahay cidina ma aha in ay raacdo, anigu ma ayidsani, balse waxa aan ka hadlayaa waa isku-qaadka la Sunnigu isku xoorinayo wixii Shiico sheegta iyo dhiggiisa kala-reebid-la’aanta uu Shiicigu kula kacayo Sunniga.

Xilliyadii hore ee Soomaalida, carruurta miyiga ku dhaqan si looga baajiyo, oo loogu ababiyo in ay afarqaadka yareeyaan, waxa looga sheekayn jiray bahallo iyo noolayaal aanu jiritaankooda kan sheegayaa xataa garanayn. Waxa ka mid ahaa wax la yidhaahdo, “Geeljireraac.” Odhaah caan baxday ayaaba jirta oo la odhan jiray, “Geeljire-raac iyo carruur waa loo kala sheekeeyaa uun e, weligood isma ayna arag!” Waa runtood. Sidaas oo kale, Shiico iyo Sunniga waxa aad mooddaa in xaaladaha u badan loo kala sheekeeyo ee aanay is-aragba! Ubadka ninka sunniga ah waxa laga buuxiyaa nacaybka iyo u-baqo-gelinta dadka shiicada ah, sabab la’aan. Sidaas oo kale, ayaa ilmaha shiicigu dhalayna looga buuxiyaa barnaamijyo geeljire-raac u eg oo ka dhan ah ummadda suniiga ah.

Faa’ido kuma jirto in afka la isu buuro oo sidaa la isaga lusho tan iyo xaataa. Haddii qof kastaa samaysto beegaal iyo minqiyaas uu dadka Muslimiinta ah ku qiimeeyo oo aan dhaafsiisnayn Muslim ma yahay, waxa aan iska dhaadhiciyay in wax hagaagi lahaa. Waa in maanka lagu hayo, in sida loo sheego dad selefun saalix la yidhaahdo oo wanwanaagsanaa, ay u jiri karaan dad selefun qayru saalix ah oo aan wanwanaagsanayn. Dadkii hurinayay dabkii Cali iyo Mucaawiye ayaa kow ka noqonaya. Aynu isku noqonno. Iskiisadna la dhex galno buugaagta waaweyn ee aynu kala haysanno ee cadaawadda ina dhex dhigaya—waaba haddii markii hore qalin beensal lagu qoray e!

***

Qoraalka oo PDF ah halkan kala deg, (Doodda Shiicada iyo Sunniga)

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde

Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s