FIRXAD!

Qarni ka Dib iyo Qalaalasaha Bariga Dhexe

Bisha May 15, 2016, waxa ku beegan qarni buure ah ka dib markii la gaadhay is-afgaradkii burburiyay is-afgaradka. Waa heshiiskii Sykes-Picot. Waa 1916. Waa heshiiskii lagu mijo-xaabiyay dawladdii Cusmaaniyiinta. Haddii Afrika lagu qaybsaday heshiiskii Berliin, 1884, dalalka Carbeedna waxa lagu kala goostay heshiiskaa Sykes-Picot. Dawladaha Faransiiska, Ingiriiska iyo Ruushka ayaa isu kaashaday sidii heshiiskaasi u fuli lahaa. Dabcan caado-qaatayaal Carbeedna waa ay ku kaalmeeyeen. Muslimiintu waxa ay la kulmeen jab aad u qadhaadh oo dantu tidhi “oggolaada” heshiiskaa dabadii.

Waxa lagu doodi karaa in dhacdadani ahayd tii u laxaadka weynayd ee dareensiisay Muslimiinta in sarrayntu xagga kale jirto, oo dunida rag kula nool yihiin. Waxa ay labaysaa soo-geliddii uu Napoleon Banoparte soo galay Masar bilawga qarnigii 19-aad. Laakiin heshiiskani hilfaha ayaa uu u qaaday.

Maxaa dhacay heshiiskaa ka dib?

Muslimiintu, waa run oo, waxa ay noqdeen col jabay. Dabadeedna waxa uu cajalkii kaga dhegay, “Beri ayaa aannu buuraha jiidhi jirnay,” “Rooma iyo Faaris annaga ayaa furannay,” “Hebel, Hebel, Heblaayo iyo Heblaayo ayaa naga dhashay…,” iyo weedho “naflacaaridnimo” ka muuqato. Arrinta ugu sii yaabka lehi waa in maanta Muslimiintu geedkii iniintiisu bislaataba ay sheegtaan in iyaga laga soo dheegtay. Ileen waa firxad e, halkaas ayaa ay farxad ka eegayaan! Firxadkuna waa ciidanka laga adkaaday hadhaaga ka soo hadhay ee kaarihii meel lagu gubayba, sheegta. “Annaga ayaa sii jiidhnay!” Tabtaas miyaa la innaga gartaa!

Waa sababta aad u arkaysid Muslimiin badan oo arrintii aqoonyahanno sayniseed ama kuwo taariikheed ogaadaanba, kaga falceliya, “Waxan 15 qarni ka hor ayaa na loo sii sheegay!” Waxa ay Muslimiintii noqotay maqal-haye aan xisaabta garanayn!

Waxa la wada ogsoon yahay in dunida loo samaystay qaab-nidaamsan cusub (New World Order). Qaab-nidaamsankaasi waa ka soo saaray degelsiyaasadeedkan “Bariga Dhexe” loo bixiyay. Galaangal iyo farafarayn baaxad leh ayuu Galbeedku ku yeeshay gobolkaa. Carabta oo awelba xin hoose u qabtay Turkida Cusmaaniyiinta u badnayd, ayaa la maalgashaday, oo waa tii la siraaday qawmidaysankaa, ee la yidhi, “Ma idinka oo ashraaftii ah ayaa Turki idin maamuli!?!” “Maya” inta ay yidhaahdeen, waa kuwii ku kacay! Wixii dhacay baa ka dhacay!

Dhibta dhulalkaa “Bariga Dhexe” waxa ay ka bilaabantaa kuna dhammaataa, abqaalka Israa’iil. Waa xaqiiqo. Sida oo kale arrinta Falastiin ee mandiqaddaasi waa ammuur qawmiyad Carbeed u taalla, ee ma aha arrin Muslimka ka dhaxaysa. Tanina waa xaqiiqo kale, oo malaha tii hore ka yara qadhaadh. Xalku waxa uu ku jiraa in qaab Carbeed loo galo, ee ma aha in la diimeeyo danaha Yuhuud-Carbeedka ah, oo “jihaad” loo eekaysiiyo.

Maanta waxa jira dedaalka samaynta wax la dhaho “Bariga Dhexe ee WeynThe Greater Middle East.” Ma aha wax sahlan. Waa qorshe qarniyo qaatay. Haddii markii hore Israa’iil cadawga Carabta looga dhigay, maanta siyaasaddan cusubi waxa ay beegsanaysaa in Shiicada iyo Sunniga cadaw la isaga dhigo. Dabcanna wax baa ka fulay.

Qarni ka dib, dad badan ayaa rumaysan in heshiiskii Sykes-Picot uu fool kale yeeshay. Waa weji kale oo cusub. Qolo ayaa tidhaahda “Sykes-Picot2” weeye, qaar kalana waxa ay ku doodaan in “Kerry-Lavrov” uu yahay. John Kerry, Xoghayaha Debedda ee Maraykanka, iyo Sergie Lavrov, dhiggiisa Ruushku in ay hoos ka xidhiidhsan yihiin ayaa ay u badan tahay. Si kale u dhig, Faransiiskii iyo Ingiriiskii qarni ka hor ka adeegey degelka, haddeer waxa beddelay Maraykan iyo Ruush. Oo saw tii la ogaa in ay galeen labadan dali heshiis u suurad ekaa kii habardugaag, oo ay dhaheen “diyaarradaha inoo kala ilaaliya.” Waa markii Suuriya lagu dul loollamayay. Waa ay iska caddahay waxa meesha ka socdaa in dhagari aanay ka maqnayn.

Gunaanadkii, inta Carabtu isku deyayso in ay khasaaraha dad kale kula galgalato, Muslimiinta kalana qiirada iyo jibbada isla qaadayaan e, “Jihaad yaa Mu’miniin,” iyo “Quddus baan ku soo tukanaynaa,” isku maaweelinayaan, xalku waa uu dheer yahay, xarkuna waa dhaw yahay!

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s