Maalmahaygii Muqdisho

Qoraalka oo PDF ah halkan kala deg.”

Faylasuufkii la dhihi jiray St. August ayaa mar yidhi, “Dunidu waa sida buug oo kale. Qofka aan in badan socon, oo aan dhulal badan marini, waxa uu la mid yahay qof buugga ka akhriyay bogga u horreeya uun.” Oo horta haddii buug dhan laga daalacdo boggiisa u horreeya maxaa la faa’idayaa aan ka ahayn magaca buuggaa? Waa sidaas oo qofka aan soconina, waxa uu qaybayaa magacyada dhulalka ee khariirradaha ku yaalla, balse wax uu ka yaqaan oo run ahi ma jiri doono.

Ilaa mar aan garaadsaday, oo aan bilaabay in aan socdo, waxa aan ku tashaday in aan ugu horrayn arko meel aan ahayn dhulkii aan ku dhashay. Waa aa ay ii rumawday. Deegaamo badan ayaa aan cagta dhigay. Balse weli saw anigan dhex taagan dad ugu yaraan aannu iswada garanayno. Waa aan qawaday. Sebtembar, 2015, ayaa aan gaadhay meeshii iigu durugsanayd intii aan gudaha Soomaalilaan dhex socday. Laascaanood. Waxa aan dareemay nefisaad aan xad lahayn. Magaalo la iiga sheekayn jiray waa anigaa dhex lugaynaya. Wax badan oo la iiga sheegi jiray waa anigaa soo arkay in waxna ka jiraan, wax badan oo kalana aanay ka jirin. Waa anigaa qoray Halkani Waa… Laascaanood!

Abriil 29, 2016, waxa ii rumoobay ballanqaad kale oo aan naftayda ka qaaday. Waa in aan mar uun indhahayga ka soo qaado Muqdisho. Dhaaxaa war la iiga soo gudbiyay. Mid weriye ah iyo mid welwaale ahiba, war waa iiga soo rareen. Oo saw anigan dhex mushaaxaya, miyaanan ka raaynin?

May 11, 2016, ayaa aan ka soo laabtay Muqdisho. Muqdisho waa ay weyn tahay, muddada aan joogayna waa taas oo waa ay yar tahay. Sidaas darteed, wax ayaa aan isku daalac-naasilayaaye, sidaa aynu ula soconno.

Garoonka dayuuradaha ee Aadam-cadde markii ay sidaa u soo fadhiisatay dayuuraddii aannu la soconnay, waxa sankaygu uriyay hawo aanu weligii dareemin. Duqdii ayaa aan noqon gaadhay dhulka u soo xiistay e, “dhuloow.” tidhi “kaama fuqo!”

Markii aan bannaanka uga soo baxay garoonka, waxyaabaha judhadaba aan arkay waxa kow ka ah rag aan muuqtebiyaasha uun ka arki jiray. Waa AMISOM. Fadhiisimo ayaa ay meesha ku leeyihiin. Awelkii hore waa aan maqli jiray, oo aan daawan jiray uun e, hadda waa aan arkayaa! Garoonka idilkii, iyo Muqdisho halbawlayaasheedaba, waxa aad maamulkiisa leh Turki. In ay wax ka tareen waa la arkaa e, ma hubo in ay aanu jirin warka sheegaya in ay waxna ka tireen!

In badan waxa aan isku deyay in aan dhex galo dadka, siiba dhallinyarta. Waa aan la sheekaystay. Doodo la wadaagay. Kulamo dadweyne isugu nimi, oo aan u dhabbo-galay. Waxa aan ogaaday in dhallinyartu aad u baraarugsan tahay, balse ay abaabul la’dahay. Dadka magaalada waxa aad arkaysaa in furfurnaan badani ka muuqato, oo aan weji xun lagugu qaabbilayn, haddana weli fudayd baa jira!

Nolosha magaaladu waa laba heer oo kala-duwanaanshahooda sida dabka loo dareemayo. Shaati ayaa meherad la igu yidhi waa $56 (konton iyo lix doollar) sicirkiisu, meherad kalana $6 (lix doollar)! Guryaha qaar ayaa saddex boqol oo doollar ($300) lagu kireeyaa, halka xaafadaha qaar ijaarka guryuhu ka taagan yihiin ilaa laba kun oo doollar ($2 000)! Waxa aan dabagal dabadeed ogaaday in xaafadaha sidaa u qaaliga ah, gunnada dadka deggani qaataanna aad u badan tahay. Waa ay isceliyaan. Si kale haddii loo dhigo, dadka hantida fiican shaqaysta ayaa ku xoonsan. Waxa iyana muhiim ah in la xuso, xaafadahan qaaliga ah waxa la iibinayaa ma aha alaabta ee waa amniga. Qofka xil haya ama xoolaba hayaa, waa uu ka cabsanayaa in uu wax ka soo gato Xamarweyne iyo Bakaaraha. Baqdintaas ayaa keenaysa in timo laba doollar lagu jaro uu isagu soddon doollar ku xiirto!

Amni ahaan, waxa isku si ilaalladu uga muuqataa madaxtooyada iyo meheradda hudheelka ah. Dhanka kale, madaarka Muqdisho waxa iiga muuqday habacsanaan dhanka sugidda amniga ah. Hubinta walxaha iyo dadka rakaabka ahi waa ay qumman yihiin. Balse, waxa kalsooni aan soohdin lahayn lagu qabaa shaqaalaha iyo dadka bukaanka ah. Qofkuba haddii uu dirays wato, ama uu kaadh aqoonsi sito, ama uu shaadh gaar ah gashan yahay, isaga oo aan la baadhin ayaa daakhilka loo fasaxayaa. Sida oo kale, dadka kursi-curyaanka lagu sido ee la sheegayo in ay xanuunsanayaan, waa la sahashanayaa. Dabcan waa lala caaddifadoonayaa, oo lala damqanayaa qofkan sariir-yaalka ah. Balse, ogobeey caaddifaddu waa ku cadaw amniga. Mashiinka la mariyo agabyada ay boorsooyinku ka mid yihiin oo kale in loo sameeyo qofka buka ee gaadhi-gacanka lagu wado ayay ahayd. Haddii aad ku dooddid in soojeedintani bilaa naxariis u tahay bukaanka, oo horta in amniga bukaanka la sugo, oo wixii dhib ku ah laga ilaaliyo ma naxariis ka weyn ayaa jirta?!

Yaa dammaanad qaadaya in qofkan xanuunsanaya lagu soo dhex qarsaday wax si uun u dhaawacaaya, amaba u qudh-jaraya, amniga?! Qofkan shaqaalaha ah, dhanka kale, maxaa u dammaanad ah in uu cid cadaw ah u shaqaynayo? Waa la fudaydsaday.

Marka aad u fiirsatid, guud ahaan magaalada, waxa aad arkaysaa in ay deggan tahay, balse dhanka kale ay dagan tahay!

Goobaha ganacsi, maqaaxiyaha gaar ahaan, ee weerar lagu soo qaado, waxa la ii sheegay in wax yar ka dibba la shido oo aanay tiiba ahayn. Isdhiibid la’aan aan soohdin lahayn ayaa ka muuqata. Balse dhanka kale, midnimo la’aan aan iyaba xad lahayn ayaa ka muuqata ganacsatada, iyo badi dadka isku dhanka ahba!

Qofka aan weligii Muqdisho arag. Aan arag oo keli ah ma aha e, aan warbaahintu wararka naxdinta leh ee ay soo waaridaan ma ogi e khabar kale ka helin. Qofkaasi marka uu indhaha, lugaha iyo dhegahaba u fasaxo magaalada, ee uu dhex mushaaxo, waxa uu xasuusan doonaa sheeko caan ahayd.

Gabadh yara weynaatay, oo guur la’aanna ku raagtay, intaasna ay u weheliso xaalad maskaxeed, ayaa la soo weriyaa. Haweenayda in madaxa looga jiro waxa u dheeraa in cid calaf ka dayda ay wayday. Xan ayay ku maqashay in meel Oodweyne la yidhaahdo ay ka heli karto webiyadii ay ku oon bixi lahayd. “Abshir” inta ay tidhi, waa ta ilaa goobtii tagtay. Aqal buul ah waa ta dhisatay. Iridda inta ay furtay oo ballaqday waa ta sugtay in bal wax nin ahi u soo galo. Qoftu malaha ma ay waalnaynba! In cabbaar ah waa ta meeshii jiiftay. Rag iska dhaaf e, xataa ri’ geeso la’ oo seenyo ahi kama soo ag dhawaan. Waa ta xanaaq dartii ismadaxmartay. Inta ay soo baxday, iyada oo buuftaamaysa ayaa ay bannaanka u soo dhaqaaqday. Bannaanka ooddeedii iyo Oodweynaba! Weedh ayaa ay ka tagtay. “Oodweyne ayaa la isku kudaana, ha iga hadho,” ayay ku sii tiraabtay.

Qofkii ku sugnaa xaaladdii aynu soo sheegnay, inta uu sheekadaa soo xasuusto, ayuu isla tooxi, “Muqdishaa kayn bahalo muuqaal bini-aadam ahi ka ugaadhsadaan wada ahi, ha iga hadho!” Mise waxa uu odhanba, “Muqdishaay, ma sidaan ku moodayay!” oo Cigaal-shiidaad ayaa uu halkaana ka jili!

Halkan marka aynu marayno, waxa i hor yimi xaaladdii ay ku sugnayd Mary Harper markii ay qoraysay buuggeedii, “Getting Somalia Wrong.” Waa buugga ay ku kasbatay ammaanta Soomaali badan, oo aan ku jiro. Waa buugga soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in la istaago, oo la daawado, dariishadda aan burbursanayn ee Muqdisho, iyo Soomaaliya guud ahaanteed. Waxa aan ogaaday in cadawga kowaad ee Muqdisho ka fadhiisan la’dahay yahay Warbaahinta! Sida oo kale waxa aan yaqiinsaday in rejada u weyn ee ay leedahay magaaladu ay tahay warbaahintaa oo u hagaagta!

Haddii Hargeysa wargeysyadu tiro iyo tayaba beeleen, waxa Muqdisho la meeqaam ah idaacadaha. Tiro badanaa, oo tolow tiradooda iyo tayadoodu ma isle’eg yihiin?!

Taallada Daljirka Dahsoon.
Taallada Daljirka Dahsoon.

Dhismayaasha taariikhiga ah ee magaalada waxa ku habsaday ayax gaajoonaya. Waa isla ayaxii dalka oo dhan afweynta u gooyay. Marka laga reebo taallada Daljirka Dahsoon oo iyada la badhqabtay (eeg sawirka), idil ahaan taallooyinkii kale waxa ay isugu jiraan in burbursan iyo in bilicdii iyo sumaddiiba laga xayuubiyay. Taallada Axmed-guray oo Nambar Afar ku taalla, waxa laga fujistay astaantii u taagnayd Axmed-guray. Beddelkiisa waxa ku sii simaya magaca ALLAH oo af Carbeed ah. Qofka aan hore u ogayn in meeshan taalladii Axmed-guray ku taallayna, waxa uu u qaadanayaa in ay tahay taallo Ilaahay lagu maamuusay!

Kaydkii (Madxafkii) Qaranka, Maktabaddii Qaranka iyo Tiyaatarkii Qarankuba qalfooftooda ayaa sii muuqata. Waxa hor dhooban ciidan. Waxa aad ogaanaysaa in laga fekerayo sidii aanay cid kale u hantiyi lahayn… dayactirkoodu ha joogo e! Barlaamankii hore xataa deyr laguma soo xayndaabin e, kharaabad koollada ay ku nuugaan xabaglayaashu ayaa uu noqday.

Waxa aan 02 May, 2016, booqasho ku tagnay Xeebta Jasiira oo 25 km Muqdisho koonfur-galbeed ka xigta. Waa dhul dalxiiska ku habboon. Waxa ka muuqda in aan maalgelin lagu samaysan. Oo aan loo soo jeedinba. Laakiin, haddii la dareemo muhiimadda ay leedahay meeshaasi, il dhaqaale oo muhiim ah ayaa ay noqon lahayd.

06 May, 2016, ayaa aan u kicitannay degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellada Hoose oo 30km Muqdisho kaga beegan dhanka koonfureed. Waxa muuqda in beeraha deegaankani u baahan yihiin horumarin. Dad shicib ah ayaa beeraha maalgashaday. Waana la iska fahmi karaa itaalka uu yeelan karo waxsoosaar dadweyne dhib ka soo kabanayaa maalgashadaan. Sidaas ayaa ay haddana khudaarta uga haqabtirtaa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeedaba.

Dhanka akhriska iyo qoraalka, waxa magaalada ku nool dhallinyaro maskax furan oo bisayl badanina ka muuqdo. Waxa haysta hiil la’aan uun! Maktabad kaafisa kama soo helaysid magaalada. Goob waxakhris oo madaxbannaanna, haba sheegin. “Madaxbannaan” marka aan leeyahay, waxa aan meesha ka saarayaa buugta manhaj ahaan jaamacaduhu qaataan ee maktabadaha jaamacadaha u yaalla. Dabaysha qoraalku waa ay ku daciifsan tahay halkan. Inta aan aqaano, waa ay yar yihiin da’yarta qorid samaysaa. Markii aan la fadhiistay, waxa aan ogaaday se in ay badan yihiin da’yarta wax akhridaa. Rag iyo dumar badan oo aan bartay, waa dad ehel u ah akhriska. Oo miyaa uu isqariyaa qofka reero akhris ahi?!

Dhallinyaro isu timi oo in ay maktabad-la’aanta wax ka qabtaan diyaar u ah, ayaa aan la soo kulmay.  Waxa ay qorshaynayaan, oo ay hawsheediiba bilaabeen, yagleelidda maktabad madaxbannaan. Kooxda Ifiye, si gaar ah ayaa aan ugu maamuusayaa qoraalkan.

Haddii aan soo koobo, heerka akhriska iyo qoraalka ee magaaladu waxa uu u dhexeeyaa laba webi. Webi waa mid engagan oo marka aad aragtid wacyiga guud ee dadweynahu ka haystaan akhriska ayaa aad dhex tegaysaa. Midina waa webi karkaarrada maraya, oo marka aad aragtid dhallinyaro sida kuwaa Ifiye u haysta jawharadda ka maqan dhallinyarta — abaabulka, ayaa aad isagana dhex imanaysaa. Labadaa webi waxa aan, qof ahaan, qabaa in uu haysto fursad badan ka danbe.

Siyaasadda xumi waa tan kala dishay Soomaalida. Dhallinyarta Muqdisho waxa ka muuqda in ay xaqiiqdaa ka warhayaan. Ruuxda Soomaalinnimadu dad ay shaqaynayso, oo wax kasta ka hor mariya taas, ayaa aan la fadhiisin noqday, oo aan la taagni noqday! Qofka la saaxiiba, ee maskaxahooda la sheekaysta, dhallinyarta caynkaa ahi waxa uu garwaaqsan doonaa in isaga iyo iyaga loo kala sheekayn jiray. Labada dhinacba waaya-aragnimo aanay kulankaa hortii haysan ayaa ay dhaxlayaan.

Gebagebadii, haddii Muqdisho lahayd taariikh weyn, sida oo kalana waxa ay yeelan kartaa mustaqbal weyn – haddii dadkeedu middaa ogaadaan!

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s