Akhriska iyo Guusha Maxaa ka Dhexeeya?

Qoraalkani waa muxaaddaro aan ka jeediyay Jaamacadda Simad, Muqdisho

Hordhac: Waa Maxay Akhris?

Xubnaha qofku ka helo dareenku waa lix. Shan ayaa se u caansan. Dhegta oo maqalka qaabbilsan. Isha oo aragga u qaybsan. Carrabka oo dhadhanka lagu og yahay. Dubka oo taabashada ku filan. Iyo, sanka oo urinta ka adag.

Dhegtu waa ay ka da’ weyn tahay, ayaa la yidhaahdaa, isha.

Sidee?

Dhegtu waxa ay heshaa oo ay soo werisaa warar iyo xogo aanay ishu arag, ama aanay suuragalba ahayn in ay joogto.

Tusaale ahaan:

Mudane Magan awoowgiisa labaatanaad waa Cismaan. Taariikhda awoowgii waxa u soo weriyay oo uga sheekeeya Aabbihii. Xilliga uu dhashay, cidda dhashay, xilliga uu aqal galay, cidda uu dhalay, ilaa dhacdooyinkii nolosha oday Cismaan ugu waaweynaa ayaa looga sheekeeyay. Haye? Waa kaas isaguna sii faafiyay oo ka warramay taariikhda sidaa u fog ee aanu xaaddirka ahayn… maxaa u saamaxay? Dhegta ayaa warkaa soo gudbisay saw ma aha?

Haddaba waxa aad ka warrantaa haddii taariikhdaa awoowgii aan looga sheekayn mudane Magan e, la qori lahaa. Magan Aabbihii ayaa qoray taariikhdii oday Cismaan. Haye? Magan baa buuggii arkay. Waa uu akhristay. Ka dibna waxa uu helay xog buuxda oo le’eg tii aynu ku soo marnay markii qoraalku aanu jirin.

Labada goorba waxa uu Magan helay xogta xilli aanu noolayn, shakhsiyad noolayd.

Maxaa ka dhalanaya tusaalahaas oo kale?

Waxa aynu ku doodi karnaa in akhrisku yahay…

“Habka isha looga dhigo mid dhegta la cimri ah.”

Aqoon ahaan, akhrisku waa hab dheegasho ah oo uu akhristuhu erayada qoran ka dheegayo macne buuxa, oo haddii ay erayadaa midba goonidiisa u qornaan lahaa aanay suura gasheen in akhristuhu helo macnaha uu damacsanaa qoruhu inuu soo gudbiyo ee uu helay marka uu isla akhriyay.

Akhrinta waxaa lagu tiriyaa hababka ugu fiican ee lagu qiimayn karo xaaladda qof ilaa tan qaran. Oo haddii ay akhrintu liidato waxay inay siinaysaa awood ah inaynu ku xukunno qofkaa/qarankaa, in horumari uu ka dheer yahay, sida kalena awaa run.

Ujeeddada ku qarsoon akhrisku waa in lagu dhaqmo oo la adeegsado murtida buugga ee qoruhu hanbada uga tegay. Oo akhrinta buug waa la hadalka qalbi uu jidhkiisii qarni hore galbaday, ama aanu kuu dhawayn.

Hordhac: Guusha aynu ka Hadlaynaa Waa Maxay?

Maxaa guul ah, maxaa wanaag ah, maxaa xumo ah, maxaa qurux ah, maxaa foolxumo ah… iyo wayddiimaha la jaadka ah la iskuma waafaqsana aadame ahaan.

Tusaale,

Laba nin ayaa isdagaalay. B iyo T. Garsoorihii ayaa ku dhawaaqay: “Mudane T ayaa raayay.” Dirirtaa dhacday, waxa loo fasiri karaa laba hab.

  • Dagaalkii waxa uu ku soo dhammaaday guul u soo hoyatay mudane T.

 IYO

  • Dagaalkii waxa uu ku soo dhammaaday guuldarro u soo hoyatay mudane B.

Waa hal dhacdo. (Scenario). Haddana, waa taa labada fasir la saaray.

Yeelkeed e, “GUUL” waxa aynu halkan uga jeednaa:

“Habka uu qofi uga soo gudbo marxalad uu ku sugnaa wax dhib u ahaa—ha dareensanaado dhibtaa ama yaanu dareensanaan e– ee uu ugu gudbo marxalad ay dheefi ugu jirto– ha dareensanaado dheeftaa ama yaanu dareensanaan e.”

Akhriska iyo Guusha

Diinta Islaamka aynu ka bilawno geeddigeenna.

Qur’aanku waxa uu inoogu bushaaraynayaa in uu wado guusha dhabta ah. Isla Qur’aankaa bushaaraadaa wada ayuu Alle u doortay in uu ku bilaabo erayga “Akhri – إقرأ.”

Waxa isku xidhan, si ama si kale, guusha uu Qur’aanku wado ee bushaarada ah, iyo akhrinta Qur’aanku wado ee amarka ah.

Guulaystayaasha iyo Akhristayaasha maxaa ka dhexeeya?

Haddii aynu helno astaamo ay wadaagaan akhristayaasha runta ah iyo guulaystayaasha dhabta ahi, waxa aynu ku doodi karnaa, in xidhiidhka akhriska iyo guushu yahay mid jira oo mudnaantiisa leh. Aynu taxno tiraba toban sifo oo labada qolo wadaagaan.

  1. 1. Diiraddoodu ma leexleexato

Dadka guulaystaa inta badan waxa ay xoogga saaraan hawl gaar ah muddo cayiman. Waa ay ka soo dhalaalaan. Ilaa ay dhammeeyaanna, ma libiqsadaan. Oo qabyada waa ay neceb yihiin. Sidan oo kale ayaa lagu arkaa akhristayaasha wanwanaagsan. Qofka buug akhriyayay, ee doonaya in uu akhriyaa, inta uu kala furo kama tago isaga oo aan dhammayn, oo midka kale iskama bilaabo. Mawduuca ayuu xoonsanaanta saaraa. Halkan ayuu ku sii tabobbartaaba.

  1. Yoolal ayay dhigtaan

Iyaga oo diiradda adkaynaya, ayaa haddana akhristayaashu ay dejistaan hadafyo mar kasta oo ay wax-akhris u fadhiistaan. Waxa aynu ka hadlaynaa akhristaha gaasa-baxay, ee wanaagsan. Inta buug ee uu akhrinayo, inta bog ee uu fadhigii kasta akhrinayo, iyo faahfaahinnada la midka ahi waa ay u qoran yihiin. Sidan oo kale ayaa lagu yaqaan guulaystayaashana. Qof aan qorshe dhiganini ma guulaysto, qof aan guulaysaninna qorshe muu dhigan. Hadafyadaas la dhiganayaa, ee guulaystayaashu dejistaan, ma aha mid maalinle ah oo keli ah, xataa hadafyo nololeed ayay leeyihiin. Qofku akhrista ayuu ku tabobbaran karaa.

  1. Waqtiga waa ay ka faa’idaystaan

Dadka akhrisyaasha ah waqtigu waa u muhiim. Ama in uu muhiim u noqdo weeye. Ma jiro waqti “firaaqo” ah oo laga helo qaamuuska qofka akhristaha wanaagsan ah. Sidaas oo kale guulaystuhu waa uu ka faa’idaystaa waqtigiisa. Ma lumiyo daqiiqadna. Si uu u xaqiijiyo hadafkiisii. In aad noqoto akhriste wanaagsan, ayaa kaa dhigi karta waqti-maamule wanaagsan. In aad noqoto waqti-maamule wanaagsanina waxa ay kaa dhigi kartaa guulayste wanaagsan.

  1. Xagal-araggoodu waa uu qaabaysan yahay

Qofka akhristaha ahi wax uun ma akhriyo, ee dhinacyo badan ayuu wax ka eegaa. Xog keli ah kuma kaaftoomo. Xagasha uu wax ka eegayaa, ma aha mid qudha oo uu isku koobo. Sidaas oo kale ayuu xagasha qoraaga uu akhrinayaa u saamaysaa oo uu weliba ka faa’idaystaa isaga oo gorfayn samaynaya. Guulaystayaashuba waa sidan oo kale. Meel keli ah inta oo uu wax ka eego, isma maqiiqo, ee wejiyada arrinta hor taalla oo idil, ama ugu badnaan, ayuu dheehdaa. Markan ayuu go’aan gaadhaa, dhaqaajiyaana. Waa mar kale oo haddana akhriskii noqday tabobbaraha guulaystaha.

  1. Waa laga arki karaa…

Qofka akhristaha ah waa laga arki karaa waxa uu akhristay, ee uu weliba ku raadoobay. Noloshiisuba waa ay qaabaysan tahay. Qofkii akhristaha ahaa marka uu xaglihii wax laga eegayay uu badsaday, waxa uu isku dayaa in uu ummaddana uga faa’ideeyo oo uu waxsoosaar yeesho. Guulaystuhuna miyuuna sidaas oo kale ahayn? Inta uu naftiisa dhiso, miyaanu hadhaw dadka wax ku soo celin? Alla isu eekaa! Waa tabobbarkii akhriska.

  1. Waa hadal iyo qorid-yaqaan

Khudbeeyayaasha dunida ugu caansani waxa ay ahaayeen dad akhrisku saameeyay, oo noloshooda uu ka muuqdo. Qofka qoraaga ah ee guulaysta, ama khudbeeyaha ah ee guulaystaa, waa qofba qofka uu akhriskiisu ka sarreeyo. Bal Abraham Lincoln eeg, bal Nelson Madela eeg. Dadkaasi, iyo kuwo kalaba, waxa ay noqdeen dad wax badan og. Qofku haddii uu wax badan og yahayna, wax badan ayuu sheegi karaa. Caqliyadii dunida soo maray ee iyaga ka horreeyay ayay akhristayaasha wanwanaagsani ka faa’idaystaan, markaas ayaa ay saameeyaan xirfaddoodii qoraal iyo toodii hadalba.

Haddii berigii baadiyaha, ninba ninka uu ka maahmaah iyo gabay-xifdin badan yahay, uu aftahan ka ahaa, maanta waxa hubaal ah in ninba ninka uu ka taariikh iyo ogaal badan yahay uu ka aftahansan yahay. Sida oo kale waxa hubaal ah in qofina aanu taariikhdaa iyo ogaalkaa helaynin, akhris la’aan. Akhriskii markanna waa tabobbare.

  1. Xasuustoodu waa ay sarraysaa

Akhristuhu waa qofka qudh ah ee yaqaan awoodda maskaxdu ay leedahay. Waxan uu akhriyayaa in ay maskax la mid ah ka soo baxday ayuu yaqiinsanayaa, ka dibna waxa uu isku deyayaa in uu tiisa ka shaqaysiiyo.

Dadka wax akhriyaa waxa ay buriyaan aragtidii Homer Simpson ee ahayd in “wixii cusub ee qofka ku soo kordhaa uu meesha ka saaro wax hore ugu jiray.” Iyaga oo aan luminayn waxyaabihii ay hore u hayeen, ayay wax cusubna bartaan.

Akhriskaagu haddiiba uu bato, aqoontaaduna badatay. Aqoontaadu haddiiba ay badatayna, muhiimadda aad leedahay waa taa badatay. Muhiimadda aad leedahay haddii ay badatayna, fursadda aad ku guulaysan kartaa waa ay badatay.

  1. Caajis waa uu ka dheer yahay

Akhristayaasha wanaagsani waxa ay maskaxda u arkaan in ay tahay muruq ay tahay in uu shaqeeyo. Sida jimicsiga Gym-ku uu muruqyada gacmaha qofka uga dhigo kuwo giigsan, ayaa akhriskuna maskaxda uga dhigaa mid dhisan oo diyaar u ah in ay aqoon dheeraad ah qaaddo. Guulaystayaashu maskaxahooda ayaa ay si maalinle ah akhriska ugu jimicsiiyaan, si aanay u lumin firfircoonideedii. Waa adigaa arkay guulayste kastaa in uu yahay qof weli dhadhan u haya guusha, oo aan caajisin, ama — kaaga daranta– aan isdhiibin.

  1. Aqoon iyo ogaal badan ayaa ay hayaan

Guulaystayaasha waxa caawiyaa waa in ay wax barteen. Marka ay buug gacanta u qaadaan, uma bilaabaan si ay u dhammeeyaan oo keli ah e, waxa ay u bilaabaan si ay wax ugala hadhaan. Waxa akhrisku baraa in ay wax kasta oo ay la kulmaan, xog ama xaqiiq kala hadhaan. Akhriska buugi uma aha laylis iskuul oo ay tahay in ay ka soo shaqeeyaan e, waa fursad ay garaadkooda ku kobciyaan. Guulaystuhu buug kasta oo uu akhriyayo, xataa kuwa male-awaalka ah, casharro ayuu ka dhex uriyaa oo uu kala soo dhex baxaa.

  1. Fekerkooda ayaa ballaadha

Qofka akhristaha ahi waxa uu isku dayaa in uu furfuro halxidhaalayaasha la xidhay qarniyo ka hor. Maskaxaha beri hore fekeray ayuu la saaxiibaa, isaga oo waxqabadkoodii akhriyaya. Sida uu Rene Descartes yidhina, “akhrinta buugga wanaagsani waa sidii oo aad la doodaysid caqliyadii dunidan soo maray ee waxsoosaarka yeeshay.

Tani waxa ay u keentaa in uu noqdo qof feker ahaan xor ah oo aan u afduubnaan hadba qoraaga uu markaa la joogo. Maskaxdiisu akhristaha wanaagsan aad ayay u shaqaysaa. Waxyaabo badan oo wax laga yidhi, ayuu fahmaa, ka dibna raadiyaa xagal la banneeyay oo aan la iska taagin. Hal-abuurkiisa ayaa bata. Tani waxa ay u saamaxdaa in uu feker cusub la yimaaddo. Fekerkisaa ballaadhay waxa uu tabobbare u yahay guulaystaha. Qofi waxa uu qofafka kale guusha uga dhaw yahay inta uu hal-curinta (ibdaaca) uga dhaw yahay.

DAD AKHRISKU SAAMEEYAY:

  1. Imaam Shaafici– Maxamed bin Iddiris.

Isaga oo 13 jir ah ayaa uu damcay in uu waxbarasho u doonto Imaam Maalik oo Maddiina degganaa. Si uu u hanto qalbiga Imaamka, waxa uu wiilkaa yari sii akhristay, siina xifdiyay, kitaabkii Imaam Maalik ee “Mawdi’.” Af Carabida cad ee uu ku hadlayo, iyo maskax-furnaantiisa markii uu u bogay, ayaa uu oggolaaday in uu arday u noqdo. Sidaasna muddo 16 gu’ ah ayuu arday ugu ahaa, jeer oo Imaam Maalik geeriyooday.

  1. Tokiyo Osahiro

Waa ninka wax ka beddelay qaabka Jabbaan u taallo. Aas-aasihii matoorka Jabbaan. Waxa saameeyay akhris badan oo uu ku sameeyay sida reer Galbeedku u sameeyaan mashiinnada, iyo sida oo kale sida injiinku u shaqeeyo. Sirta u weyn ee Tokiyo xasuusqorkiisa ku xusay in ay caawisay waa akhris. Ka dibna dhaqangelin.

  1. Thomas Edison

Sannadguuradiisii tobnaad ee dhalashadiisa ayuu Aabbihii u keenay buug saynis ah oo ka hadlayay daahfuryadii iyo ikhtiraacyadii u waaweynaa ee dunida laga sameeyay. Waa buugga saameeyay. Wax badan oo muhiim u ah nolosha in la helay waa uu arkay. Sida oo kale waxa uu garwaaqsaday in wax kale oo iyaguna badan, muhiimaddooduna aanay yaran oo nolosha daruuri u ahi in ay maqan yihiin. Waa halka uu ka bilaabay geeddigiisa hal-curineed.

  1. Mahatir Mohamed

Wuxuu akhriyay oo baadhay horumarka dalalka kale. Jabbaan gaar ahaan. Baadhid dheer ka dib, waxa uu haddana dersay dalkiisa iyo xaaladda dadkiisa. 1970 isaga oo dhallinyaro ah ayuu soo saaray buuggiisii u horreeyay. Waa mid uu siyaasaddiisa ku caddaynayay. Xisbiga talada haya ayuu ku jiray. “Dhabarjabkii Malayga” ayuu ahaa micnaha cinwaanka buuggiisaasi. Guulaha waaweyn ee Mahatir gaadhsiiyay dalka Malaysia waa natiijada akhris sida horumarkaasi u ballaadhan yahay u ballaadhan iyo feker weyn oo uu la yimi.

Gunaanad

Waxa dhacda in dadka da’ ahaan u dhexeeya labaatan ilaa soddon, loo tixgeliyo dad weli iska carruur ah. Haddii qof xilligaa ku jiraa uu damco in uu hawl qabto, waxa lagala hor yimaaddaa erayo diidmo iyo niyadjebin u ah. “Waar waaba ciyaal e, muxuu isla dhibayaa! Oo muu iska nasto! Oo kaalay, waaba carruur wuxuye, maxaa dhayda ka lisay! Da’diisa ayuu ka dheereeyay kan yari! Horta soo barbaar markaas ayaanu wax kaa dhegaysan e…” iyo kuwo la naas-nuuga. Kaaga daranta, kooda dedaala ee muuqda, waxa lagu weeraraa su’aalo diidmo ka muuqato. “Adiga oo intan le’eg sidee ayay kuugu suuragashay in aad hawshaa qabatid? Shucuurtaada ka warran maaddaama aad adiga oo da’daan ah aad hawshaa qabatay…” tolow waa su’aal e, qofka labaataneeyada maraya, maxaa u hadhsan si uu qof weyn u noqdo?!

Dunida waxa wax ka beddelay, dad da’aaddaas ah. Waa kuwo diiday in ay isu arkaan carruur weli tafta Hooyadood sii haysta, oo laakiin go’aansaday in ay Hooyadood nolosheeda beddelaan.

Ma tihid qof yar. Da’ kuu hadhay oo qof weyn kaa dhigaysaana ma jirto. Ha yeelin in aad iska fadhiisatid, oo aad sugtid inta timuhu ku caddaanayaan, ee gacmuhu ku jarraynayaan.

Dhallinyarnimadu waa xoogga wax beddela. Noloshan aad ku nooshahay haddii aad qawadday oo aanad jeclaysan, ha sugin in cid kale kuu dooriso e, adigu u kac oo beddel.

Si aad beddelkaa u gaadhid, wax akhri. Wax akhri. Wax akhri.

Qofka wax akhriya, ee dhallinyarada ah weliba, waa qof ay saaran tahay waajib iyo mas’uuliyad bulsheed. Mas’uuliyaddaa haddii uu dhayalsadana, wuu ka shalayn; haddii uu ka soo dhalaalana, waa laga sheekayn.

Fadlan, ha sugin in noloshu wax kaa beddesho, ee adigu wax ka beddel.

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

Advertisements

2 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s