Ramadaan: Fursad Mar-la-arag ah oo aad Fekerrada ku Beddeli Kartid (1)

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

1. Nolol ma jirto haddii aanay jirin bini-aadantinnimo muuqataa. Bini-aadantinnimadaasina ma jirto haddii aanay jirin diini. Diintuna waa huritaan iyo bes. Halka diintu ka tamarisaa waa ruuxda. Ruuxduna waxa ay ku xeraysan tahay qafaska jidhka. Loolanka runta ahi kama jiro bannaanka [jidhka] aadanaha e, waxa uu dhex jiifaa gudihiisa.

2. Nolol aan wax xeerinayni nolol ma aha. Xeerimaad aan farriin wadanina xeerimaad ma aha. Farriintuna waxa ay dhadhan yeelataa marka ay xagga Samada ka timaaddo. Farriintaasi waxba ma dhaanto riyo haddii aanay isu beddelin waaqic lala noolaan karo. Geesinnimadu kuma jirto qiimaha farriinta e waxa ay ku jirtaa heerka dadkeeda loogu raro qiyam iyo xeerimaad lala noolaan karo.

3. Mucda diintu waa awood ruuxeed. Qofka dhumucdiisuna waa ruux iyo baabah. Fekerrada dadku dejistaan waxa ay la hadlaan oogada qofka. Balse diintu waxa ay la hadashaa duunka hoose ee qofka. Diin ma aha diinta mudnaanta kowaad siisa muuqaalka kore ee qofka, aakhirkana waxa ay isu beddeshaaba feker dad dejistay! Waana meesha ay ku kala hadheen diinta iyo aragtiyada aadanuhu.

4. Diinta waxa ku jira warar halxidhaale ku dhaw. Fekerkana waxa ku jira warar qummanaan kara, qaldanaan karana. Balse sidee ayaa aynu u fahamnaa halxidhaalayaasha diinta? Sidee se u kala garan kartaa qummanaanta iyo qaldanaanta fekerka? Taasi waa mid adiga ku khusaysa. Waxa innaga ina saarani waxa weeye in isbeddelku ku xidhan yahay feker-beddelidda. Nolosha aadanuhu waxa ay isbeddeshaa marka afkaartoodu isbeddesho uun.

5. Cibaadaysiga Islaamku waa waa fahmidda ujeedka, iyo ogaalka guud. Sidaana waxa qabey Razi, Ghazali iyo badi Mutakallimiintii. Salaaddu waxa ay reebtaa afxumada iyo dhaqanxumada. Waxbixintu qofka ayay u tahay isdaahirin, bulshadana waxa ay u tahay xanaftir. Xajku waxa uu ummadda u yahay dheef guud marka loo eego dhan iskuxidh ruuxeed iyo mid fekereedba. Soonkuna waxa uu gaashaan ka yahay haabadka fekereed iyo midka edebeed. Xukunnada Sharciga dhayaldhayal mood!

6. Isbeddelku waa falsafad Islaamku leeyahay e ma aha falsafad Galbeedku leeyahay, sida ay u maleeyaan qaar ka mid ah waxmagaratada Muslimiintu. Laakiin mafhuumkaasi waxa uu noqday mid galbeedoobay, oo galbeedoobay! Waxa loo aanayn karaana waa in ummaddii [Muslimiinta ahayd] ka soo tallawday toobiyihii hanuunka, una soo gudubtay toobiyihii iyo jidkii mooganaanta. Waxa ayba noqotay sidii oo ayna ahaynba Ummaddii Suuradda Danabka [Suuratu Racd]: (Ilaa ay is-doorshaan, Rabbi qawm ma dooriyo). Nolol hagaagsan oo aan mashruuc wehelini ma jirto. Mashruuc aan falsafad lahayna guuli ka dheer. Falsafad kawni ah oo jiraalka khusaysa misana aan mashruuceedu ahayn isbeddelna falsafad ma aha!

7. Ramadaan waa fursad weyn oo dib la isku xasuusiyo qiimaha weyn ee aadanaha: (Waydun dhawrsami doontaa e — لعلكم تتقون ). Dhawrsamiduna waxa ay fiqhiga nebinnimada ka tahay awood gudeed. Ma se aha awood debadeed. Oo ma aha muuqaal debadeed. Xidhiidhna lama laha qaabka uu aadanuhu u eg yahay. [Xadiis baa ahaa:] “Ilaahay qiime lama laha suuraddiinna iyo jidhkiinna midna, balse waxa agtiisa qiime ka leh qalbiyadiinna.” Xadiis kale ayaa ahaa, “Dhawrsamidu waa halkan.” Isaga oo nebigu uu laabtiisa tilmaamayay saddex goor. Ula jeeddo xeeldheer ayaa aynu ka qaadan karnaa labadaa xadiis. Itaalka aadanuhu kuma xidhna waxa uu mulkiyay sida uu qabo Hantiwadaaggu; kumana xidhna waxa uu sameeyo sida ay qabaan hadallada carroogga dhulalka Kiristanka iyo midka Muslimiintuba.

8. Ramadaannada qofka Muslimka ahi wax kasta oo aan naftiisa ahayn waa uu beddelaa. Xilliyadii cuntaynta, jedwalkii hurdada iyo soo-tooska, shaqooyinkii joogtada u ahaa shirkadaha iyo dalalka qaarkood. Xataa nooca dhuuni ee uu cunayo. Dadka badh ayaaba lebbiskana beddela, oo sida Khaliijka u lebbista iyaga oo u malaynaya in dharkaasi diinta ka tirsan yahay. Kuwo kale ayaaba laga yaabaa in ay isa sii ad-adkeeyaan oo ay dhar-hindi isku jufaan. Jabkuba waa halkan. Waxa isbeddelayaa waa uun wax debadeed. Muslimiintuna diinta si shishe uma fahamsana. Alla! maxaa ka fudud in qofku muuqaalkiisa sare beddelo, oo maxaa ka adag in xaaladda gudaha la taabto! Waa wax u baahan awood ruuxeed iyo jirrido hoose oo bini-aadantinnimo.

Toloow, ma fahmay qofka Muslimka ahi waxa dadku kaga duwan yihiin xayawaanka? Badankeennu waxa ay [wayddiintaa] kaga warcelinayaa in farqiga labadaa u dhexeeyaa yahay garashada iyo garaadka. Taasina gebi ahaan sax ma aha! Waa sababta uu fekeraagii faylasuufka ahaa, Mu’minkana ahaa, ee Alija Izetbegović u yidhi, “Kala-dunaanshaha aadanaha iyo xayawaanku waxa uu ku qarsoon yahay inta aynu ka arkayno fallaagoobidda aadanaha. Xayawaanku kama fallaagoobo asalnimadiisa xayawaannimo e waa aadanaha oo keli ah kan fallaagoobaa. [Aadanuhu] waa xayawaanka keli ah ee diiddan in uu xayawaan yahay!”

Waxa aynu nolosheenna ku arki karnaa qof diin ku abtirsada misana akhlaaq ka arradan, iyo qof Alle-diid ah misana asluub leh. Dhibtu kuma jirto sida macluumaadka diimeed loo kala hayo. Balse mushkiladdu waxa ay ku jirtaa sida macluumaadkaa loogu geddiyo habdhaqan. Waa sababta aynu maanta u hayno Dhaqan Ramadaaneed, balse aynaan u haynin Habdhaqan Ramadaaneed. Dhibtu waxa ay mar kale ku jirtaa ka soo raridda diinta laga soo raro xaalad kacdooneed, lana keeno xaalad fadiidnimo. Diintu waxa ay ku noolaataa ruuxda, fadhiidnimadana waa ay ku dhimataa. Halkan marka aynu marayno, ayaa aynu soo garwaaqsanaynaa weynaanta ku jirtay xadiiskii nebiga ee ahaa, “Ummaddan boqolkii sannaba mar ayaa loo soo saarayaa cid u cusboonaysiisa fahamkeeda diimeed.”

9. Bisha Ramadaan waa kansho iyo fursad isbeddel. Isbeddelkuna waa caadada oo laga fallaagoobo. Dhibaatada jiraalka aadanuhuna waxa uu ku jiraa haysashada haad keli ah. Si aad nolosha u cusboonaysiisid, waa in aad istaagtaa isna wayddiisaa, “Jidkan maxay ayaan u hayaa? Ma jidkii saxda ahaa baa? Toobiye kale maxaan u qaadi waayay? Ma caqligayga ayaa ii dooray jidkan? Mise, qof kale ayaa ii dooray? Maxay ayuu iigu dooray? Oo xaggeen jiray markii qofka kale ii dookhayay jidkayga? Yaa se siiyay awoodda dooridda? Aniga se yaa iga siibay awooddii doorashada?”

Waayidda la waayo ka-fallaagoobidda caadooyinka waxa ku luma bini-aadantinnimada, waxaana ka soo baxa doorashada noqoshada xayawaan aan isbeddelayn. Qofka isagu ka gaabiya diin-barashada xeesha dheeri, waxa uu ka caajisan yahay fallaagoobidda. Badankeennu waxa aynu bilawga Ramadaannada isla soo taagnaa wayddiimo fiqhi ah oo caado iska noqday, horana looga jawaabay. Waxa aynu doonaynaa Soomid Xayawaan ee ma rabno Soomid Aadane. Ruuxna ma doonayo in uu naftiisa raadiyo xilliga Ramadaanta, balse wax uu ku afuro ayuun buu raadinayaa!

Xilli sii horraysay ayaa aan akhriyay buugga uu  Alija Izetbegović uu qoray ee “Islam: Min Bari Ilaa Galbeed.” Waxa uu qoraagu ku dhex odhanayaa, “Awoodda qofku kuma jirto samaynta falalka khayriga ah, balse waxa ay ku jirtaa doorashada. Qofkii yareeya, ama xadeeya, awooddiisaa doorashana waxa uu uu xannibay awooddiisa aadame.”

Meel kale ayaa uu ku yidhi, “Xayawaanku waxa uu u halis badan yahay marka uu gaajoonayo, ama ay khatari soo wajahdo. Balse qofku waxa uu u halis badan yahay marka uu dhergo ama uu awood helo. Gefaf waaweyn oo badanna waxa la galaa xilliga dheregga iyo dheesha.”

Labadaa odhaahood ee aynu soo garoocannay ayaa aynu ka fahmi karnaa Jabka Aadanaha. Alle-diidku waxa uu rabaa nolol diinla’aan ah, kan diimaysanina waxa uu rabaa diimayn aad bilaw u ah oo aan xeel dheerayn. Midkoodna kama jawaabi karo qaddiyadaha aadane. Isbeddel kasta oo run ahi waxa uu ka yimaaddaa isbeddel nafeed oo ka yimaadda gudaha qofka. Ka yimaadda iswayddiinaha xeesha dheer. Kana yimaadda fahmidda dhuuxa hoose ee cibaadada, ee aan ahayn keli ah ku-kaaftoomidda muuqaalka kore.

10. Beri ayaa ay Malaa’igtu u sujuudday aadanaha. Taasi in ay dhacana waxa u wacnaa wax gudaha aadanaha ku jira. Waxaasi ilaa hadda waa lama-gaadhaan, innaga qarsoon. “Wax aydaan aqoon ayaa aan garanayaa,” ayaa ay ahayd warcelintii Alle siiyay Malaa’igta markii ay wayddiin ka keeneen ujeeddada ka danbaysa abuuridda noolahan keliyaalaha ah. Aadanuhu waxa uu doonis u leeyahay in uu dallaco, oo horumaro, iyo in uu raadkiisa dib u guraba. Wanaag oo dhan waa uu shaqaysan karaa. Dhanka kalana, xumaan oo idil waa uu ku sifoobi karaa oo xayawaanoobi karaa!

Sir baa ku jirta Ramadaanta. Soomidda maalintii iyo salaad-u-istaagidda habeenkii. Qofkii Ramadaantiisa ka dhigta mashruuc uu isdhammaystiraa waxa uu daraf ka fahmay sirtii. Qofkii aan sidaa samaynin miyaa? Kaasi waxa uu bisha ula dhaqmayaa sidiisii iska caadada ahayd. Waxa uu raadin waxyaabaha afxidhka jebiya. Wayddiimo fiqhi oo weligeed la soo wadey ayuun buu iswayddiin. Maxaan cunnaa? Maxaa naga reebban? Waxa aadba mooddaa in uu ku jiro marxalad diyaargaraw ee aanu ku jirin marxalad oo ictikaafo oo naftiisa fahmo.

***

Ramadaanta waxa ku jira fursad weyn oo lagu fekeri karo. Balse, toloow, ma fekeri karnaa innaga oo weli hor fadhinna telefishankii xumaa ee jiritaankeenna xaday, iyo idil ahaan baraha bulshada ee kale? Iska daa waxaas oo, ma inoo suuragal baa in aynu fekerno innaga oo weli iska sii fadhinna fadhi-ku-dirirkii aan dhammaadka lahayn? Ma fahmi doonnaa sababta Qur’aanka loo soo dejiyay bishan Soon? Sababta ay Ramadaan u noqotay bil loo xannibo doonista amateed iyo midda galmeed? Sababta aynu bishan Ramadaan oo keli ah uga fallaagawno xayawaannimadii? Soo-degistii Qur’aanka ma ku jirtay sir adkaynaysa in aadanuhu ku keliyoobay fekeridda? Miyaanu Qur’aanku ahayn yeedhmo ku baaqaysa in laga gudbo kaabadda xayawaannimada loona tallaabo catabadda falka aynu rabno?

Waa meeshan barta ay ka soo muuqanayso weynaanta Aadanuhu. Isla meeshan ayaa aan ku soo xasuustay odhaah kale oo uu yidhi Alija Izetbegovićoo ahayd, “Aaduhu waa khayrfale ama waa sharfale, balse marna ma aha mid eedlaawe ah.”

Ramadaanta waxa ku jira fursad weyn oo lagu fekeri karo. Aadanaha meesha u muhiimka ahi waa gudaha ee ma aha muuqaalka debadda. Muuqaalka kore ee hu’ iyo hoy ah waxba ha beddelin, saa waxaasi isbeddel ma aha e. Balse waa nooc isqurxin ah uun! Laakiin isku day bal in aad wax uun gudaha ka beddeshid, markaas uun baynu socdaalkeenna Ramadaan bilaaban karnaa!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s