Ramadaan: Fursad Mar-la-arag ah oo aad Fekerrada ku Beddeli Kartid (2)

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

1. Ilbaxnimo bilaa feker ahi ilbaxnimo ma aha. Feker farriinla’aan ahina feker ma aha. Ilbaxnimo kasta oo meel ka hirgashay waxa ay dabada ku haysay feker qeexan. Feker kasta oo in uun fiday, guulaystana waxa wehelinayay farriin cad. Xaddaaradda reer Galbeed ee maantu waxa ay ku dhisantay fekerkii walxaysiga [materialism], ee doodihiisa watay. Farriinta fekerkaa ka danbaysayna waxa ay ahayd mid ku suntan in aadanaha Galbeediga ahi hayo wax ay tahay in uu dadka ku biirsado. Waa sababta aynu maanta u arkayno aragtida Galbeedka udubdhexaadka ka dhigta. [Dhanka kale] ilbaxnimada Muslimiintu waxa ay ku tiirsanayd feker ay kala soo baxaysay waxyiga. Farriinta fekerkaasina waxa ay daarranayd in aadanaha Musliminka ahi uu hayo wax ay tahay in uu dadka ku biirsado oo wanaag idilkii ah.

2. Feker bilaa dad [fuliye ahi] feker ma aha. Dad aan firfirxoonaan la tiicaynina ha kaa dhinto. Firfircoonidaasna ma heli doono jeer oo uu raynrayn iyo guul isla helo mar keli ah. Dadka maantu waa afar jaad.

– Jaadka kowaadi waxa uu ka arradan yahay raynrayn iyo guul labadaba; waana kuwa u liita.

– Jaadka labaadi waxa uu hayaa raynrayntii & farxaddii, balse guushii ayaa ka maqan; waxaana u badan kuwa isdiimeeya.

– Jaadka saddexaad waxa uu hayaa guushii, balse waa weji-gabax oo farxadi ka dheer; badi cilmaaniyiinta iyo Alle-diidka ayaa sifahan leh.

– Jaadkeenna u danbeeyaana waa mid labadaba isla helay, guulaystay faraxsanna; waxaana ku jira sheekada kuwii guulaystay. Waa laga yaabaa in ay tiro ahaan aad u yaraayeen, balse tiradoodaa yar ayaa aynu ka dhigan karnaa mid innagu qaadda fallaagoobid iyo isballaadhin.

3. Guushu waa in la hanto xirfad, dabadeedna [xirfaddii] loola dhaqmo si xallad leh, hadafkana xaggiisa loo socdo iyada oo aan laga laba-labaynayn. Tanina uma gooni aha fac gaar ah iyo dad leh aqoon cayiman. Waa loo dhex.

Raynrayntuna waa dareen gudeed oo qofka ka dhigaysa mid naftiisa ku raalli ah, ku kalsoon, Rabbigii talada u dhiibta, dadka kalana si togan ula xidhiidha. Sidaas darteed, badi dadka sidaa sameeyaa waxa ay gaadhaan yoolalkooda nololeed ee weerarka iyo weerar-celiska ku dhisan.

4. Toban gu’ ka hor ayaa aan akhriyay buug muhiim u ah horumarinta nafta oo uu qoray baraha tababbaraha ah ee Stephen Covey. Waa buugga, “7 Balwadood oo Dadka Waxtarka sare lehi leeyihiin.” Isla ninkaa ayaa haddana qoray buug kale oo horumarinta gudaha u muhiim ah, lana yidhaahdo, “Maamulidda Hormaynaha: Ka ugu mudan ugu horrayn.” Haddana waxa uu soo saaray buug saddexaad oo uu u baxshay, “Guulo Waaweyn oo Maalinle ah.” Maalmo ka horna waxa aan akhriyay buuggiisii afraad ee “Baddiilka Saddexaad.” Buuggiisaa saddexaad waxa ku jira aragti heer sare ah oo ku aroorta xal-u-helidda dhibaatooyinka iyo loollamada ugu adag.

Waxa aan qoraagan ka faa’iday wax badan oo ku saabsan fahmidda nafta aadanaha, horumarinta nafta iyada oo loo marayo hab isu dheelitiran, iyo horusocod aan dibusocod lahayn. Balse maaddaama aan ahay akhriste Muslim ah oo Alle dartii u baaqaya, waxa ay iila eekoonaatay in aan ugu horrayntaba abbaaro aqoonta ka dhinbiil-qaadata waxyiga. Markaas ayaa aan arkay Qur’aankii oo tusinaya in Ramadaanta [ay tahay in] lagu diyaariyo shakhsiyad guulaysatay oo raynraynsan. Marka loo eego erayada uu Qur’aanku adeegsado ee ” الفلاح والفوز.”

5. Ramadaanta waxa aynu ku arkaynaa ammuuro dhawr ah oo ku wareegaya guul & raynrayn, iyo dhanka kale horumarinta nafta guulaysata. Balse waxaas ma helayo qof aan aayadaha iyo xadiisyada weelayn. Oo aan fahmid xeeldheer ula tegin gunta nusuusta. Iskuna deyin in uu waaqica keeno si loo gaadho horumarka la rabo.

Guul yool la’aan ahi guul ma aha. Yool aan hormayn wadanina yool ma aha. Hormaynahaas oo aanu wehelin la-dhaqan dhumuc leh oo sebenka lala dhaqmaana, hormayno ma aha. Qodobbadani waxa ay noqdeen higaadda looga bilaabo dadka la siinayo tababbarka horumarinta nafta. Waxa aynu Suuradda Saca (Suuratu al-baqarah) ka helaynaa ujeeddada soomidda laga leeyahay: “Waydun dhawrsami e —  ( لعلكم تتقون ) ” Si xooggan ayaa uu ujeedku u cad yahay. Kaaga daranta waxa mudnaan la siiyay, [laguna sheegay] in ay yihiin, “Maalmo kooban.” Maalmuhu ma aha tusbax furan, balse waxa ay ku xaddidan yihiin ayaamo iyo cabbaaro [saacado]. Falalka la innaga rabaana, hormayn ahaan, waa ay cad yihiin oo waa “af-xidhasho iyo ib-xidhasho.” Iyo [sida qoraagu qabo] Taraawiixda oo la iska xaaddiriyo si toos looga dhegaysto hadalkii Eebbe imaamka oo akhrinaya. Marka loo eego aqoonta horumarinta nafta, camalka sidan u gaarka ah waxa la yidhaahdaa “Gaar-ka-dhigid.” Taas oo u dhiganta salaad walba in waqtigeeda la tukado, oodaha dhacameedna sida ay u kala sarreeyaan loo kala qaado, oo hawl kasta loo sameeyo xilli gaar ah. Si aanay hawlina hawl kale ugu wareegin, waqtina waqti kale ugu wareegin. Haddii uu sidaa sameeyana, qofku waa uu guulaysan. Run ayaa uu sheegay Abubakarkii Runta badnaa markii uu yidhi, “Waxa jira fal uu Alle habeenkii aqbalo oo aanu maalintii aqbalin, iyo mid uu maalintii aqbalo oo aannu habeenkii oggolaan.”

6. Qof aan lahayn mashruuc qabyo-tiran [oo nololeed] naftiisa ma horumarin karo. Badhkeen ayaa xagga hadafyada u yaaca, iyaga oo qorshe-la’aan ah. Qaar kale ayaa lagaa yaabaa in ay iska niyaystaan in ay dunida ku noqdaan tiro tigtigan, oo aqalkooda iska joogaan kuraastoona iskaga fadhiistaan. Waxaaba dhici karta in kuwo innaga mid ahi iska jeclaadaan in ay aqoonyahan iyo fiqhi-yaqaan iska noqdaan iyaga oo aan dedaal iyo waxqabad la iman. Tanina xeerarka koonka waa ay ka soo horjeeddaa. Ramadaantana waxa laga soo helayaa wax la maso ah micnahaa. Dadka guusha ka soo hooya noloshu waxa ay nafta ula dedaalaan si awood weyn leh. Waxa [kale] oo ay leeyihiin qorshayn istaraatajiyadeed oo mustaqbalka fog ah.

Waxa aan akhriyay toban iyo dheeraad gu’ ka hor buugaag saddex ah oo kala ahaa, “Werwerka Jooji; Noloshana Bilaw,” oo uu qoray Deil Carnegie. “Toddobada Balwadood,” ee uu qoray Stephen Covey. Iyo “Tobanka Balwadood ee Qofnimada Guulaysata,” oo uu qoraa u yahay Dr. Ibraahim al-Caqiid.

Waxa aan buugga [Dr. Ibraahim al-Caqiid, fekeraaga Sacuudiyaanka ah] ku arkay laba wax oo caqiibo leh: Gaar-noqoshada oo loo dedaalo iyo qorshe-dejisashada. Isla labadii qodob ayaa aan haddana Ramadaanta ku arkay.  Ramadaanta qof kasta oo innaga tirsani waxa uu u dedaalaa sidii uu wax uun gaar ula noqon lahaa. Hoorta midkeenna cibaadada bisha Ramadaan gaar uma noqdo. Balse, midkeen baa jecel in uu cibaadada gaar ku noqda. Midkeen baa jecel in uu waxbixinta gaar ku noqda. Midkeen waxa uu rabaa  in uu gaar ku noqdo Qur’aanka akhrintiisa iyo weelaynta aayadihiisa. Gaar-noqoshada jaadkaa ahina waxa ay u baahan tahay, sida uu qabo fekeraagaa Sacuudiyaanka ahi, saddex shardi: Rumayn, xirfad iyo xidhiidh. Natiijo ahaanna waxa ay qofka u dhashaa raalli ahaansho, guul iyo farxadgelinta dadka kale. [Taasi waa gaar-noqoshadii].

Socdaalkan Ramadaanlaha ahi waxa kale oo uu qofka u saamaxaa in uu arrintii kale la yimaaddo qorshe-dejisashadii. [Waayo] Ramadaanta waxa aynu haysannaa yool ay tahay in aynu gaadhno, Dhawrsami – “التقوي.” Balse waxa innala gudboon in aynu hadafkaa weyn u kala dhigdhigno yoolal kumeelgaadho ah ah. Oo innagu wada simaya gaadhidda yoolka weyn ee loo soomayo Ramadaanka. Hadafka guulaystaa, ayuu leeyahay fekeraaga Sacuudiga ahi, waxa uu leeyahay shan astaamod.

– In uu cad yahay.

– In la awaali (qiyaasi) karo.

– In fal loo rogi karo [Practical, camali].

– In doonisi weheliso.

– Waqtiga la qabanayaa go’an yahay.

Miyaanay xilkasnimo-darro inteedii le’eg ahayn in aynu sannad kasta soomno, haddana aynu layliskaa Rabbaaniga ah kala huleeli wayno wax natiijo la taaban kara ah, oo aynu gu’ kasta fara-madhnaan xoogsanno?!

7. Soomiddu waa fal ka duwan falalka kale ee Islaamka ku jira. Duuduub ahaanna waa fal togan. “Soom” waa iska dhaafid iyo iska dayn. Waxa ku jirta awood gudeed. Waxa uuna [soonku] saamayn kaga tagaa fekerka iyo habdhaqankaba. Barbaarintuna waa laba. Barbaarinta ubadka oo ah canqarin. Iyo barbaarinta dadka waaweyn oo ah geda-barid. Soonku waa barbaarin dadka waaweyn loogu talagalay. Waana sababta loogu faralyeelay qaangaadhka miyirka qaba, ee bedqabka ah. Waa cibaado ee ma aha caado. Laakiin marka lagu celceliyo waxa uu isu dooriyaa caado. [Halkan erayga] “caado” ugama jeedno macnihiisii tabnaa. Balse ujeedkiisii tognaa ayaa aynu uga jeednaa. Ku-celcelinta hagaagsani waxa ay wixii adkaa u rogtaa wax lala qabsado (oo caado noqda). Waa sababta aad u arkaysid reer Galbeedka oo la yaabban Muslimiintan muddada dheer sooman.

Waxyaabaha naftu jeceshahay oo looga tanaasulo si loo gaadho ujeedka weyn iyo yoolalka sare waxa ay keentaa in [qofku ka soo gudbo] adduunkii xayawaannimada una gudbo adduunka aadannimada. [in uu ka soo gudbo] adduunka waxqaadashada, una gudbo adduunka waxbixinta. [in uu ka soo gudbo] caalamka qabka iyo islaweynida (ee ANIGA ku dhisan) una gudbo caalamka wadajirka iyo iskaashiga (ee INNAGA ku dhisan).

8. Waxa aan akhriyay buug uu qoray Sh. Abi-Ismaaciil al-Harawi oo la dhaho, “منازل السائرين.” Markaas ayaa aan ku darsaday sharraxa uu saaray Ibn Qayim, ee uu u bixiyay “مدارج السالكين بين منازل إياك نعبد وإياك نستعين.” Saa buugguba waa deraasaynta nafta aadanaha, waxaana ku jira safar dhalandhool ah balse qurux badan oo gudaha aadanaha lagu marayo. Dadkuna, sidii aynu soo xusnayba, waxa ay ku dhex dawakheen raynraynta iyo guusha. Sh. Ibn Qayim isagu waxaaba uu baabkaa raynraynta iyo guusha ka hadlay in door ah. Waa ninka leh buugta ay ka mid yihiin,
“نور البصائر ، حياة القلوب ، لذة النفوس ، حادي الأرواح إلي بلاد الأفراح.”

Ramdaanta waxa aynu la noolaannaa Qur’aanka. Dhegaysi, qaybid iyo akhrinba. Xilliyadan barakaysan ee mar-la-aragga ah, Qur’aanku waxa uu noqon karaa nolol-sameeye, Muslimkuna wax auu geli karaa safar nooceed oo maalin badhkeed ah, misana uu soo marayo boosteejada masjidka. Isaga oo la dhaqmaya hadalka Alle; isaga oo isku deyaya in uu fahmo waxna kala soo dhex baxo.

Buuggii “Tobbanka Balwadood ee Qofnimada Guulaysata,” waxa ku jira balwad muhiim ah. Waa “diirad-saarid – tarkiiz.” Guuli ma timaaddo haddii aanay diirad-saaridi jirin. Ramadaantuna waxa ay qofka Muslimka ah baraysaa balwaddaa. Qur’aanka ayaa aynu qaabad diiradi la socoto u akhriyaynaa. Nolosheenna in aynu ilaalinno ayaa aynu isugu deyaynaa si diiraddu saaran tahay. Dadka guulaysta markii loo firsadayna waxa laga helay balwaddan oo ku xooggan.

9. Shakhsiyadda guulaysataa waa mid falkeedu isu dheelitiran yahay, oo habdhaqanakeedu isu dheelitiran yahay, hadalkeedu isu dheelitiran yahay. Xataa cuntadeeda, cabbitaankeeda iyo falalkiisa oo dhami isu dheelitiran yihiin. Sidaas ayaa uu isudheelitirku u noqday sarrayn ay leeyihiin dadka guulaystaa. Ramadaantana waxa aynu ku arkaynaa isudheelitirkaas oo qaababkiisii u wacnaa u yaalla. Maalintii afka waa ta la xidho, habeenkii wixii Alle banneeyay la quuto misana qiyaamulaylkii la adkeeyo.

Hadda bal ila dhugo hadalka Alle ee Suuradda Saca ku jira, “Habeenka Soonka waa la idiin banneeyay in aad xaasaskiinna u tagtaan. Dugsi ayaa ay idiin yihiin, idinna dugsi baad u tihiin. Eebbe waa uu og yahay in aad nafihiinna khiyaamaynaysaan, kolkaana waa uu idinka dhaafay. Hadda u raaxeeya, wixii Alle idin siiyayna raadsada. Cuna oo cabba inta waagu ka guduudanayo. Kaddibna soonka ilaa habeenkii ku sima. [Dumarkiinna] ha u raaxaynina idinka oo masjidka deggan [ku ictikaafsan].” Waa aslid aad u qurxoon. Bal waxa aad suuraysataa xaaladda Muslimka Rabbaaniga ah ee aah Rahbaaniga ahayn. Innagu waxa aynu nahay ummad Rabbaani ah, ee ma nihin ummad Rahbaani ah. Waxa aynu kulminnaa cibaadada gaarka loola baxo, iyo ta la wadaago. Ilaahay gurigiisa ayaynu isu diyaarinnaa in aynu ku kulanno. Haddana nolosheennii xaasnimo isma taagto e waa aynu wadannaa. Waa isudheelitirka keena horumarinta nafta si ay u diyaarsanto shakhsiyadda guulaysataa.

10. Gebagabadii, horumar aan isbeddel lahayni horumar ma aha. Isbeddel kastaana mashruuc ayaa uu wataa. Waxa innala gudboon in aynu Ramadaanta sannadkan (1437) uga faa’idaysanno horumarinta nafteenna si waafaqsan sawraceenna ilbaxnimadeed. Taasina suuragal inooma aha haddii aynaan nafaheenna, iyo gudaheenna, beddelin. Isbeddelku isaga ayaa ka horreeya kana danbeeya horumarka. Innaga oo run sheegayna ayaa aynu soo nidhi, Ramadaantu waa fursad qaali ah oo feker-beddelid; sababta oo ah fekerku waa seeska isbeddel oo idil. Waa sababta Qur’aanka loo soo dejiyay bisha Ramadaan. Qur’aankiinna waa isha inoo qaabaynaysa fekerka, inoona samaynaysa mashruuca qabyada la’ ee isbeddel-yagleelidda. Isbeddelkuna wax dhadhan ah ma yeelaynayo haddiiba aanu keensanayn dhisidda gudaha nafta Muslimka ah iyo horumarkeeda. Kolkaas ayaa uu isbeddelku micno samaynayaa.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s