Dugsi Weeye Noloshu!

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomali]

  1. Waxa aan fahmay in noloshu dugsi tahay. Dhibtu se waa in dad yari arday run ah u noqdaan iskuulkan. Tiro badan oo dadkaa ka tirsani ayaa hadhaw macmiil u noqda dugsiga. Dabcanna “macmiilka” iyo “ardaygu” waa ay kala geddisan yihiin; oo macmiilka [noloshu] waxa uu u sameeyaa wax hore loo sameeyay, balse ardaygu wax cusub ayaa uu la yimaaddaa. Waa sida farqiga u dhexeeya addoonka iyo ardayga oo kale; oo addoonku, sida Yuusuf Qardaawi xusay, lama doodo haystihiisa, balse ardaygu waa uu la doodaa barihiisa.
  1. Waxa aan fahmay in wax badan oo aynu akhrinnaa aanu u qalmin in la akhriyo. Buugaag badan ayaa cadaadis iyo caga-juglayn lagu qoray, oo si caaddifaysan oo caqliga ka fog u hadlaya. Buug kale waxa loo qoray si shilimaad loogu doorsado. Qaar kalana waaqicaba ma khuseeyaan! Markaa suuragal ma aha in aynu wax kasta iska akhrinno, sida aanay macquul u ahayn in aynu iska diidno wax kasta. Waxa [halkaa] yaalla jirrabaad adag oo feker; waana meesha ay ku qarsoon tahay fariidnimada doorasho ee qofku.
  1. Waxa aan fahmay in fekradaha waaweyni soo ifbaxaan xilliyada adag. [Tusaale ahaan,] fekerkii Maarkisigu waxa uu soo baxay xilli xaasaasi ah oo taariikhda bulshooyinku maraysay. Sidaas oo kale ayaa uu Xasan Al-Banna u soo baxay goor ay isgeddiyaysay nolosha Muslimiintu, oo fekradihii hore ee waaweynaa isu beddeli gaadheen sanamyo iyo taallooyin [loo go’o]. Xilliyo kale ayaa aynu arkaynaa oo dadku ku mintidayaan fekradaha waaweyn — khayrkuna sidaa kuma jiro. Balse [khayrku waxa uu ku jiraa] in aan la mintidin e, deraasayn xeel dheer la sameeyo, oo mashaariic la hirgeliyo dib loogu noqonayo fekradaha si dhumuc leh; markaas ayaa aynu ka badbaadaynaa halista [ay innagu hayso] la-noolaanshaha tagtadu, oo aynu u tabaabushaysanaynaa mustaqbal aynu ku samayno fekrado ku habboon xaaladda lagu jiro.
  1. Waxa aan fahmay in meel keli ah oo lagu xidhxidhnaadaa aanay ku geyaysiinayn warcelinta qanaacada leh. Xaqiiqada ayaa aad ka arki kartaa gees keli ah. Waa bartan meesha dadka fekera uga baahan in ay ka xoroobaan dabarka juquraafiyadeed iyo taariikhda oo caqliga loogu soo bandhigo qaab soohdingudub ah. Waxa ceeb kuu ah in aad sheegato in aad heshay siraha nolasha adiga oo u afduuban aragti keli ah! Sidaa darteed ayaa aad ula yaabaysaa marka aad akhridid fatwooyin ay soo saareen wadaaddo ka fatwoonaya wax kasta, iyaga oo iska fadhiya guryahooda ku yaalla dalalka dib-u-dhacay. Oo waaba sababta aan u arkay dhallinyaro baraarugsan oo jooga waddamada horumaray, oo aan ka hoosqaadin fatwooyinka ay soo saaraan wadaaddo miisaan ku leh Muslimiinta dhexdooda; iyaga oo ku eedaynaya in aanay la socon dunidan casriga ah iyo siraheedaba!
  1. Waxa aan fahmay in kacdoonnada fekerku in badan ka wanaagsan yihiin kacdoonnada siyaasadeed; kuwo siyaasadeedna ay in badan dhaamaan kacdoonnada milateri ee ay kaarayaashu horkacaan. [Waxa kale oo aan fahmay in] wanaajinta siyaasadeed ee gosha ku sidata mashruucyo fekereed iyo kuwo dhaqaale ay ka roon tahay kacdoonnada siyaasadeed iyo kuwa milateri, labadaba . Waa waxa ay ku kala duwan yihiin kacdoonkii Islaamaysnaa ee Iiraan iyo kii Suudaan. Ka hore waxa uu la yimi xoogay horumarin ah, waloow uu feker ka madhnaa, waayo aakhirkii waxa uu noqday kacdoon koox gaar ahi leedahay. Kacdoonka Islaamaysnaa ee Suudaan se lama uu iman wax horumarin dhaqaale ah, xataa dawlad xaqsoor ku dhisan ma ay samayn e; waxa ayba ka mid noqotay dawladaha askarta ee mandiqadda. Shaki kuma jirin in dhigaalku ka fogaaday seefta, Suudaan. Waa markii ay ciidanka iyo isqabteen At-turaabi. Dhigaalkii iyo fekerkiiba waxa uu raacay Turaabi. Awooddiina waxa ay u hadhay askartii. Suudaanna waxa ay sidaa ugu noqotay xilliyadeedii hore! Halkan ayaa uu gefku ka dhacay. Wax wanaag ahi kama soo naasa-cadda siyaasi gashan lebbis ciidan oo u talinaya dawlad maddani ah. Waa halka ay ku qarsoon tahay xariifnimada dimuqraadiyadda Turkiga ee xilligani.
  1. Waxa aan fahmay in loolanka ka jira dalalka Muslimiinta/Carabtu u badan tahay ee u dhexeeya cilmaaniyiinta iyo islaamiyiintu uu yahay dheeldheel aan wax macno ah lahayn. Cilmaaniyiinta qaarkood ayaa raba dawlad aan sawrac lahayn, oo islaamiyiinta qaarkood waxa ay rabaan dawlad aan la jaanqaadayn xilligan cusub, [halka] bulshooyinka Carabta iyo Muslimka ahina ay ka rabaan dawlad xaqsoor iyo karti leh. Madmadaw kuma jiro in sawracu mudnaan u leeyahay dhammaan bulshooyinka. Cidina danni kama qabto Carabnimada iyo Islaamnimada Tuunis, tusaale ahaan. Balse sida oo kale shaki kuma jiro dawladda [Tuunis], in kasta oo ay karti u yeelatay in ay waarto, misana in ay ka gaabisay u-gacanfurnaanta dhammaan dhinacyada, iyada oo aan loo eegayn diin iyo dun midna.

Waxa aynu rabnaa dawlad xaqsoor leh, isla markaana leh karti. Waayo waxa loo soo joogay dawlado karti u leh in ay sii waaraan, balse sabool ka ahaa inta u yar ee madba’ xaqsoor ah; iyo dawlad xaqsoor leh, balse karti iyo awood ka arradan.

  1. Waxa aan fahmay in dardargelinta aqoonta Ujeeddada Shareecadu ay tahay daruuri xilligan. Muddo badan ayaa aynu la soo noolayn xilliyo ay ina hadheeyeen fahanno iyo xogo khaldani. Aqoontani waa in ay seeto u noqotaa fahanka, falkana wanaajisaa, isuna dheellitirtaa naska iyo ujeedkiisa oo meel ah, iyo waaqica iyo filashada oo meel ah.

Aqoonyahankii reer Marooko ee Dr. Axmed Ar-raysuuni waa kii cusboonaysiin ula dhaqaaqay jidkii Shaaddibi iyo aragtidiisii fahmidda Ujeeddada Shareecada. Waa taa aynu aragno in ninkaa culusi u soo baxay aqoontaa sii baabba’aysay ee uu maansheeyay fahanka xarfiga ah ee diinta. Waxa uu Dr. Ar-raysuuni la yimi fekradihiisii u dhawaa kuwa Qardaawi, balse dheeraa, ee uu ka buuxay, dhadhanka Maqribiga ah ee siiyay deraasaynta nafsad xeeldheer. Sidaa darteed ayaa aynu aragnaa in aanay suuragal ahayn in la fahmo noloshan isgedgeddiyaysa iyada oo laga fara-madhan yahay aqoontaa [Ujeeddada Shareecada].

  1. Waxa aan fahmay in nolol bilaa xorriyad ahi aanay nolol ahayn, oo xorriyad bilaa dhaqan isxorayn wata ahina aanay xorriyad ahayn. Waxa inoo yaalla mashruuc feker oo heer sare ah, balse dadku aanu dhaadsanayn. Waa mashruuca Maalik bin Nebi. Waxa uu wataa wax qofka ka dhigaya mid fal la yimaadda, waxsoosaarna leh. Iyada oo taasi jirto ayaa haddana dhallinyarta [badankood] aanay akhriyin; oo waxaa kala dhex galay sababo fekereed iyo kuwo nidaam. Waxa la-yaab sii leh in dhallinyaradii baraaruggu ay la noolaadeen akhrinta ‘wargeys-akhriska’ ah, oo waxa ay ku dul kogeen qoraallo iyo buugaag degdeg loo soo saaray. Tani innama tusayso haawasho ogaal oo keli ah e sida oo kale waxa ay ina tusinaysaa dib-u-dhac dhaqan oo argagax leh, si safmar ahna u saameeyay bulshada.

Waxa kale oo isna jira mashruuc kaa hore ka salballaadhan, dhanka qaabderaasaynta; kana waasacsan dhanka tirada buug iyo qoraal. Waa waxqabadka abwaanka caalamiga ah ee Cabdiwahaab Al-masiiri. Laakiin maxay kuugu taallaa, dadkan Carbta iyo Muslimka ahi waxa ay xiiseeyaan akhriska bilawga ah ee fudud. Iyo buugta lagu daabacay xaashiyaha fiicfiican, xataa haddii ay gudaha ka madhan yihiin!

Waxqabadkiisa kuwooda ugu tunka weyn waxa ka mid ah labada buug ee,  ( العلمانية الشاملة ) iyo ( العلمانية الجزئية ). Waa laba buug oo caqiibo leh. Dadka in yar oo dunidan cusub fahansan uun baana wax ka taransaday. Dadkaa waxa ka mid ah Raashid Al-qanuushi [hoggaanka xisbiga Al-Nahda, Tuunis] iyo xertiisa, iyo Erdogan [hoggaanka Turkiga] iyo xisbigiisa.

Ummadda waxa kale oo diyaar u ah mashruuca fiqhi ee Yuusuf Al-qardaawi. Waxa aan, ilaa heer, ku qanacsanahay in ummadeennu aanay sidii la rabay uga faa’idaysan waxqabadyadan iyo mashruucyadan.

  1. Waxa aan fahmay in xorriyaddu aanay ka soo bilaabmin tinta sare ee shacabka, balse ay ka soo unkanto cidhibta hoose ee qofka. Xorriyadda qofkuna waxa ay ku xidhan tahay heerka uu wacyigiisu gaadhsiisan yahay; oo xorriyad ma laha qof bilaa wacyi ahi.

Salmaan Buu-Nucmaan, cilmibaadhe reer Marooko ah, ayaa xusay in jaadka mashruuc ee ummaddu ay sugaysaa uu yahay mid ka bilaabma xorraynta aadanaha, karaamayntiisa, dabadeedna dhaqaajintiisa. Ma guulaysto mashruuc aadanaha ka dulboodaa, waayo aadanuhu waa yoolka uu abbaarayay dhanbaalka Islaamku. Sida oo kalana waa jidka kowaad una muhiimsan ee lagu keeni karo isbeddel.

Mashruuca guulaystaa waa kan isugu xiga, xorayn » karaamayn » dhaqaajin. Waa sababta dad badani ugu doodaan in isusoobbixii 18-ka malyan ee Masaarida ahi waddooyinka isugu soo baxeen in uu ahaa kadlo iyo orod uun e aanu ahayn kacdoon. Waayo kacdoonnada qiiradu ma samayso e, falqabadka ayaa sameeya. Falkaa la qabanayaana waxa uu u baahan yahay wacyi. Wacyiguna waxa uu ka arradnaa dhaqan wax dhaqaajiya. Shacabka ku raadooba wixii dhegta loo saaraa, kacdoon ma keeno.

  1. Waxa aan aad u fahmay in tagtadii aanay soo noqonayn, taagantuna aanay ku taagnayn lugo ad-adag, timaaddaduna ay mugdi ku jirto. Uma murugoonayo wixii tegay, waayo ummaddaba isaga ayaa u darnaa, oo ummadduba waxa ay ka maqnayd noloshii; taasina waxa ay natiijo u ahayd markii ummaddu lumisay astaantii dhaqaajin lahayd. Sida oo kale raalli kama ahi taaganta iyo sida uu u socdaba, inta aan karana waa aan beddeli. Cabsi baa se iga haysa mustaqbalka dhaw ee dalalkeenna, waayo hawshii isbeddelku u baahnaa sidii la rabay uma socoto.

***

Waa taa sida aan nolosha u akhriyaa, jeclahayna in aan u akhriyo weligay. Kuma dhex xidhxidhni riyooyinta basaliga (wardiga) ah. Sida oo kalana waaqici heerkii la rabay ka badan ma ahi. Waxa aan doorbidaa in aan sida wax yihiin u eego, aniga oo aan yaraysanayn arrimaha halista leh, oo aan weynaynayn arrimaha sahlan. Run ahaan noloshu waa dugsi mudan in arday daacad ah loo noqdo, oo laga barto casharro badan.

Aynu fekerrada u akhrinno si aynu u korno, oo aynu ka gudubno akhrinta dhacdooyinka iyo shakhsiyadaha, oo aynu ka gudubno marxaladdan dhallinyarnimada [fekereed ah] ee ina daashatay!

Advertisements

One comment

  1. Thanks bro,, waa maqaal aad u qima badan runti.. manta umadenu waxay u bahanthy waa aqoon iyo wacyigalin..aqonta manta taala waa mid ka aradan fikir iyo aragti qoto dheer..oo aynu ku dorano.hogamiye,..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s