Akhriska Midha-dhalka ah

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

1. Dhawr gu’ ka hor ayaa aan akhriyay buug uu qoray fekeraaga [reer Suuriya] ee Dr. Cabdikariim Bakaar oo wata cinwaankaa [Akhriska Midha-dhalka ah]. Waxa aanan filayaa in uu heersare ahaa. Waxa kala jira akhris waxtar leh, mid xeeldheeri leh iyo akhris dheeldheel ah. Garaadka habboonina waa uu kala gartaa jaadadka kala geddisan ee akhris jira si aanu ugu dagmin khuraafaadka. Fekerrada khuraafaadkuna waxa uu ku fidaa ragga diinta [wadaaddada] xariifiinta ku ah in ay caqliga u qoraan wax aan la jaanqaadayn naska qumman iyo caqliga qaabsan.

2. Horukac iyo horumar ma jiro haddii aanu ogaal jirin; ogaalna ma jirayo haddii aanu jirin waxbarasho wacani; waxbarasho wacanina jiri mayso haddii aanu jirin manhaj taabud ah oo aqoonhelid togan ah. Jidadka lagu dhiso manhajka caynkaa ahna waxa ka mid ah waxa ku jira wax-akhriska ballaadhan iyo deraasaynta quusidda ah ee fekerrada iyo soojeedinnaha la deraaseeyo. Sidaa darteed ayaa uu u ahaa, welina u yahay, akhrisku sahayda u roon ee soo saarta dhaqanyahan aqoonyahan ah. Haddii la helo dhaqan-aqoonyahankaana, noloshu hanuun iyo waxa ay korodhsan hodontinnimo.

3. Cabsi ma leh akhrisku si kasta oo uu ula tago qofka. Balse waxan cabsida cabsideed lehi waa in sarraynta aqoondarradu keento ogaalkii oo laga baqo. Qofka aan waxba akhriyini, waxba ma oga/ado. Waddada loo maro ogaalka xeesha dheer ee nolosha waxa kaa xiga deraaysan iyana xeeldheer oo manhajaysan. Dabcan akhriska ayaa markanna wax badan ka taraya.

4. Dhulalkeenna waxa ka jira [ayaa laga yaabaa] wax-akhris badan. Balse jab waxa uu ka joogaa, maxaa la akhriyaa?! Waxa jiro kuwo akhriya fekerka Galbeediga ah iyaga oo aan lahayn wax manhaj ah, una qaba in taariikhda aadanuhuba halkaa [Galbeedka] ka soo bilaabanto! Ciyaalnimada basharnimo waxa ay dadkaa ugu sawiran tahay taariikhda Galbeedka. Waa taa oo aynu aragno in taageerayaasha fekerka Galbeedku uu si xawli ah u soo bulaalayo. Waxa [kale oo] aynu haynaa fac dhan oo la dhacsan fekerkii Islaamiga ahaa ee Qarniyadii Dhexe. Waa fac waajahaya fekerrada ka soo kala burqanayay kooxaha Muslimiinta. Fekradahaas uma akhriyo [facani] in ay ahaayeen aragtiyo la qabey oo muddaysnaa, balse waxa uu u arkaaba fekerradii kama-danbaysta oo bulshooyinka oo idili isku raaceen [muqaddasna ah], taariikhda oo dhamina ka maragkacayso. Markaas ayaa aynu garawsanaynaa in aynu ku jirno tashuush innagaga furan, “maxaynu akhrinnaa?!”

5. Wax-akhriska Galbeedku waa mashruuc barbaarineed oo oodihiisii wata. Ababinta hore ilaa heerarka sare ee tacliinta. Balse innaga xaggeenna wuxuba waa mashruuc dhaqan oo kale. Qof baa wax u akhriyaya in uu jecel yahay dartii; mid kalana waxba uma akhriyayo in aanu jeclayn dartii. [Wixiiba waa dookh]! Waxa yaabka lehi waa in ay jiraan qaar dacwadfidiyaal ah oo arrin weyn oo baadhid iyo buugaag badan oo la akhriyo u baahnaa isku qaadaya. Mar internetka ayaa uu soo qooraansan, marna cajalad sheekh beri duubay ayaa uu dhegaysan. Markaa ayaa uu dubbaha ku dhufan arrintii culayskeeda lahayd. Markaas ayaa uu cilmaaniyiinta siin fursad ay ugu jeesjeesaan; waayo waxa uu ka ilhelay oo uu u haystaa taarabbuun aan ogaal xeeldheer u lahayn nolosha.

6. Geeska Afrika waxa ka jira horukac aqooneed oo fiican. Soomaaliyada Koonfureed iyo Soomaalilaanba waa laga soo helayaa; Jabbuutidaa iyo Itoobbiyana kama madhna. Dalalkaas oo dhan waxa aynu ka soo helaynaa jaamacado badan oo dhulka ku baahaya. Iyo xataa tartan dhankaa ah. Shakina igagama jiro in xilligan tiradu ka badan tahay tayada. Waana sunne nololeed in sidaasi dhacdo. Waxaana hadda la soo gaadhay ammintii hoos loogu dhaadhici lahaa. Caqliyada ka soo baxaya jaamacadahani waa kuwa berri-ka-maalin hoggaanka nolosha la wareegaya. Sidaa darteed waa lagama-maarmaan in aynu ku baraarugsanaanno in aqoonyahan-ismoodku ka khatarsan yahay jaahilka, marka nolol la abuurayo. Waayo kan danbe waa ogsoon yahay in uu jaahil yahay, balse ka hore waxa uu ismoodayaa aqoonyahan, waana uu moog yahay in aanu caalin ahayn. Jaamacadaha taagtay ee dalalka horumarayna ma soo saaraan mutacallimiin e waxa ay soo saaraan dad tacliinta raadsha. Haddii aad ogaato in aanad waxba aqoon, wax baad baratay. Waana midkii uu gaadhay Imaam Shaafici xilligii Ilbaxnimada Islaamka. Maanta waxa inoo soo baxay ciidan badan oo jaamacadaha ka soo garaadda-gooyay oo u oomman aqoon iyo ogaal.

7. Geeska Afrika dhawr wax ayaa looga baahan yahay:

– In la fidiyo dhaqanka wax-akhriska, oo laga dhigo mashruuc barbaarineed oo iska dhan. Oo waa in ay xididdada u aasaan, mashruuc ummadeed ahaan, wasaarradaha kala duwani, ([sida] Wasaaradda Barbaarinta iyo Baridda, Wasaaradda Dhaqanka & Wasaaradda Warfaafinta).

– In buugga laga dhigo qayb qoyska ka tirsan oo u ah muhiim. Alla wacnaan lahaydaa! haddii buuggu qayb ka ahaan lahaa miisaaniyadda qoyska, oo sida caloosha loogu roon yahay, caqligana loogu roonaan lahaa!

– In tartanno akhriska la xidhiidha la qabto. Sida aynu u aragno tartanka Boqoradda Quruxda, wacnaan lahaydaa in aynu u helno Boqor(ka)/adda Caqliga! Ummaduna [badi] waxa ay weli addoon u sii tahay shaadhka iyo sheeladda, [oo waxa ayba ku sugan yihiin] tii nebigu uga digay! Bulshooyinkuna meesha ay ka tisqaadaan waa garaadka e, jidhka oo keli ah ma aha!

– In la bilaabo barnaamijyo baaha oo faaqida qalinka & qoraaga iyo fekerka & fekeraaga; waayo tani waxa ay muwaaddinka siinaysaa awood uu kula xidho buugta. Sidaana waxa aynu uga qaybqaadanaynaa fidinta dhaqanka wax-akhrinta, oo tallaabo kaalmaati ah ogaaldhisidda u ah.

8. Waxa la soo gaadhay xilligii la samayn lahaa akhrinta wadata gorfaynta. Akhrin-gorfayntu waa manhaj wanaagsan oo lagu kala garto waxa ka qumman iyo waxa ka qallooca wixii aynu akhrinnay. Balse [nasiibdarro], Muslimiin ahaan, waxa aynu dadka u barbaarinnaa si ay wax ugu daydaan e uma barbaarinno si ay u lafa-guraan. Qofkii sheekhiisa lafa-guraa, [xaggeenna] waa anbaday! Qofkii barihiisa lid ku noqdaana, waa khilaafay edebtii loola dhaqmi jiray dadka waaweyn! Sidaas ayaa aynu ku abuurnay KELITALISNIMO FEKER oo manhajka barbaarineed la socota, innaga oo macluumaadka ku dirqiyayna maskaxaha, una diidayna in ay iska shaandhayso.

Horumar ma imanayo jeeroo afkaaraha la akhrin-gorfeeyo. Tisqaadna ha sugin inta ay furmayso falanqayntu. Innaga ayaa ugu horraynay cid akhrida hadalka Eebbe ee ah, “U bushaaree cibaadaystayaashayda hadalka maqla, dabadeedna qaata intiisa wanaagsan.” Muslimku cid kasta waa uu akhriyaa [oo dadka qaar kama cabsado], feker kastana waa uu dhegaystaa; balse macdan wax kala shaandhaysa ayaa caqligiisu leeyahay, oo wixii qummanna qaadata, wixii qallooca ka takhallusta. Wayddiinta tashuushka kugu furaysaa [haddaba] waa, sidee ayaa aad waxa qumman uga garan waxa qallooca? Maxaa uu yahay manhajka aad raacayso si aad u kala saartid?

Galbeedka waxa ka jira manhaj gorfayneed oo dhammaystiran, balse mus-danbeedkiisu yahay Galbeedi. Innagu se ma lihin manhaj gorfayneed iyo marjac ilbaxnimo oo aynu u iilanno. Sidaas darteed ayaa aynu ugu dhex gubanaynaa saddex dhadhaar oo dhamac ah:
– Fekerka Galbeediga ah oo si bilaa shaandhayn ah loo raaco,
– Fekerka canjilaadda (taqliidiga) ah oo loo raaco si bilaa tirtirid ah; iyo
– In kab iyo xaarkeed la isla tuuro oo labada fekerba loo diido si bilaa manhaj ah.

9. Jabbaan maktabaduhu boosteejada basaska ayaa ay ka dhisan yihiin. Dheenmaarigna rugaha akhrisku waxa ay u cammiran yihiin sida hudheellada. Fiinlaanna booqashadu kama istaagto maktabadaha si loo ogaado soosaarisihii u danbeeyay. Maraykanka waxa lagu hoobtaa buugta ay soo saaraan siyaasiyiinta, xiddigaha iyo fanaaniintu. Kanada waxa aad loo caashaqsan yahay ogaalka iyo akhriska. Waana taa aad arkaysid oo [dalalkaasi] waxa ay ku baratamayaan waxsoosaarka, cuntada fayadhawrka leh, caafimaadka, magaalooyinka saxarka-la’ iyo wixii la naasnuuga.
Dalalkeennana waxa ka jira tartan la-yaab leh oo loo kala dheereeyo baabuurba baabuurka uu ka lambar danbeeyay ee Maraykanka laga soo saaray, ama saacaddii u danbaysay ee Iswiisarlaan lagu soo farsameeyay, ama sidii loo heli lahaa shaadhka iyo cadarka u danbeeya ee Faransiiska lagu sanceeyo. Ama sidii loo tegi lahaa hudheellada ugu cajiibsan Talyaaniga si biitsa looga soo cuno wanaagsan! Sababtaa ayaa aynu ilaa hadda uga mid nahay waddamada marka loo tudhayo ee loo naxariisanayo loogu yeedho, “Dunida Saddexaad!”

10. Qur’aanka waxa ku jirta aayad ina amraysa wax-akhrinta. Oo innaga caawinaysa waxa aynu akhrinayno, oo kala ah, “Koonka, aadanaha iyo nolosha;” ( باسم ربك الذي خلق . خلق الإنسان من علق)

Haddana mar labaad ayaa uu amarkii soo laabanayaa. Markan se waxa uu ina barayaa laba wax oo kale:
– In akhrisku yahay jidka keli ah ee loo maro helidda maamuuska Rabbi; ( إقرأ وربك الأكرم ) .
– Wax-akhrisku ma jiro haddii aanay wax-qorisi jirin. Oo xidhiidh doodeed baa ka dhexeeye akhriska iyo qoridda; ( الذي علم بالقلم ).

Marka uu wax akhriyo, waxna qoro, qofku waxa uu ogaadaa waxyaabo aanu hore u ogayn. Sidaas ayaana lagu gaadhaa horumarka ogaal iyo aqoonba. Oo horumar waa ka dheer yahay aadane aan wax akhriyin; ( علم الإنسان ما لم يعلم ).

Intii aan akhrinayay buugta furfuridda Qur’aanka, weli kuma arag cid ka badheedhaysa in akhrisku yahay faral iyo waajib sharci ah. Amarkaa Rabbaanniga ah [ee “Akhri,] waa waajib. Wax waajibnimadiisaa ka kaxaynayana ma aragno. Waa ashqaraarka dhaxaldiimeedkeennu leeyahay. Haddiiba fekeriddu tahay waajib sharci ah, sidee ayaa uu Muslinku u fekeri karaa haddii aanu lahayn akhris manhajaysan?

Shaki igagama jiro in akhrisku yahay waajib iyo faral, waana sababta aayaddii u horraysay u ahayd “Akhri.” Waxa ay tani muujinaysaa in ummaddii Carbeed ee aan wax akhriyi jirini ay kacdoonkaa ogaal dartii ku noqotay mid hoggaaminaysa ilbaxnimadii aadanaha.

Ma karnaa in aynu qiranno in aynu feker iyo dhaqan ahaanba gaabis noqonnay, oo ay taasi tahay waxa halkaa ina dhigay? Ma awoodaan wadaaddada iyo kuwa fatwoodaa in ay qrtaan in ay dadka u sheegi waayeen in akhrisku yahay faral iyo waajib, sida amarrada kale ee sharciba? Ma ku dhacaan dhallinyarteennu in ay u soo baxaan Suuqa Aqoonta iyaga oo aan oggolaansho ka sugayn qofna?

Akhriska midha-dhalka ah, ee ujeedka iyo yoolkaba leh, ayaa aynu ku kala go’aansan karnaa in ay wax jira ahaanno, ama aynu idlaanno! Doorashadu waa xaggeenna. Mana aha qasab!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s