Cinwaanka Eebbe!

Dadka Muslimiinta ah waxa ku dhex faafay fadhiidnimo feker oo aad u qaabdaran. Waxa ay gaadhsiisay heer ay camal ka dhigtaan ku-mashquulka iyo ka-sheekaynta shuqul aanay waxba ka istafiidayn. Malahayga ‘daal’ uun bay ka faa’idaan! Waxa qarniyo danbe soo ifbaxay doodo waaweyn oo maalka iyo waqtiga galay, ka danbe badnaa.

Dooduhu bilawga waxa ay ka askunmeen meelo dhawdhaw. Aakhirkii baa la gaadhay in foofka lagu fogaado oo la iswayddiiyo waxyaabo ku saabsan Ilaahay. Waa Ilaah ay wada rumaysan yihiin jiritaankiisa dhinacyada ka doodayaa. Ilaahay sidee ayaa uu u eg yahay? Maxaa uu sidaa ugu eekaaday? Halkee ayaa uu joogaa? Maxaa uu halkaa u joogaa? Eebbe gacan, af, indho, iyo xubno kale ma leeyahay? Maxaa ay yihiin xubnaha ku dhigan Qur’aanku? Wayddiimahaa waxa ku kala baydhay Muslimiintii. Qolo caqligii ayaa ay aad u soo xidhxidhay, oo quful aan malahayga weli ka jabin ku illawday dhiraandhirintii maanka. Qolo kale iyagu caqligii ayaa ay seetada ka qaadeen, oo ay kaynta keligii oo aan muxrin wadan u sii daayeen, dannigaygana aanay weli soo dabbaalin. Kuwa hore inta ay oggolaadeen in la fasiro sifaadka iyo halka Eebbe uu joogo, ayaa ay misana diideen in la sii raacraaco oo la isa sii wayddiiyo, ee sidaa lagu liqa! Sida lagu liqayo iyada oo aan xataa la sheegin ayaa ay isla qaateen in la liqo! Qoladani waxa ay la baxday magacyo uu ka mid yahay, “Xigtadii Jidka Nebi iyo Wadajirka.” Jidkii nebiga ee dadka ka dhexeeyay iyo wadarjirkii ummadda in ay ilaalinayaan, sidaas ka-aamuska badhaxa-la’na ay tahay, ayaa ay ku tageen. Qolada labaad waxa ay diideen sifo kasta oo Alle la siiyay, dabadeedna waxa ay Ilaahay ka dhigeen halxidhaale aan loogu talagelin in la fahmo; oo haddana waxa ay isla qirsanaayeen in ay tahay in la aamino! Qoladani in ay ka dhex baxday wadajirkii ayaa lagu tiriyay, balse iyagu in ay ra’yigii qummanaa hayaan, oo keligood saxan yihiin, ayaa ay isku qanciyeen. Laba dhanba waa ay isgaalaysiiyeen. Qolooyin kale ayaa jiray, balse labadani waa madaxya-weyntii.

Waxan la isku haysto muddo dheer baa loo malaynayay in ay tahay arrin asal ah oo weyn! Taas ayaa keentay in qofku aanu saldhigan karin ilaa uu meel uun iska dhiibo, oo uu qabsado haad uun. Dabadeedna waxa la arkayay Muslimiintii oo ku faraxsan in ay farxaddii midnimada lumiyaan!

In badan markii aan akhriyay, si akhris-gorfayn ahna u baadhay sooyaalka doodahaas, waxa aan ku qancay in doodaha jaadkan ahi ahaayeen, welina yihiin, ‘gacma-daalis’ iyo Muran Mindi-mindi-ku-taag ah. Waayo? Sideedaba arrinta laga doodayo waa in ay jirto ujeeddo la rabo in la xaqiijiyo, iyo natiijo la filanayaaba. Waxa innaga badan in aynu iswayddiinno, maxaa ay tahay ujeedka iyo xikmadda ka danbaysa in la ogaado cinwaanka Eebbe iyo suuraddiisa? Maxaa ay se tahay natiijada ka dhalanaysa, iyo waxa iska beddelaya iminka sida Eebbe looga fekero haddii la ogaado labadaas?

Ma waxa jira qof raba in uu la soo kulmo Ilaahay, dabadeedna u baahday Cinwaanka Eebbe (the Address of God)?! Ma waxa jira qof ka cabsanaya in Ilaahay ka khaldamo, dabadeedna u baahday in uu meel ku qorto sida uu u eeg yahay, si aanay u kala lumin?! Cinwaanka iyo caynka uu u eg yahay waxa aad rumaysan tahay ma shardi baa in aad ogaataa? Oo haddaa ogsajiintu sidee ayaa ay u eg tahay, xaggee se innaga xigtaa, waa tan oo waa aynu rumaysannahay in aynaan la’aanteed noolaanayn e, mise iyana dood baynu ka furnaa?!

Caqliga aadanuhu waxa uu awood u leeyahay in uu fahmo waxa hadhaw qalbigu rumaysto. Waxa aan ogaaday saabsanaha doodahaasi ku wareegayeen in uu asal noqdo iska daa e, aanu xataa farac faraciis, falladh ka sii ahayn. Waayo si qalbigu u rumeeyo Ilaahay, waxa ku filan in qofku caqligiisa u bandhigo weelaynta iyo fahmidda abuurta Eebbe iyo saamayntiisa uu ku leeyahay adduunkan.

Ilaahay in xiiso loo qaado, oo iyada oo loo soo rubadgo’ay la-kulankiisa qiyaamaha la isku shubo ayaa dhadhan leh e, maxaa ay micno samaynaysaa haddii ifka lagu sii ogaado run ahaan sida uu yahay iyo halka laga helo ee cinwaanka u ah?! Ilaah aad taqaannay sida uu u eg yahay iyo meesha uu run ahaan joogay, maxaa uu kaga beddelnaanayaa saaxiibkaaga aad casarkii wada shaahaysaan?! Mustaqbalka qiyaamaha waxa keenay in loo shaqaystaa waa iyada oo aan si dhab ah loo ogayn xisaabta iyo Xisaabiyaha, natiijada iyo habka wax u dhici doonaan. Markaa haddii midkood ifka lagu sii ogaado, xiiso ma yeelan doono maalintaa qiyaame!

Nebiga nin baa u yimi. Waxa uu ninku wayddiistay weedh keli ah in uu diinta Islaamka uga sheego, weedhaas oo aanu cid aan isaga ahayn uga baahan. Nebigu isma lurin e waa uu siiyay. “Ilaahay rumee, dabadeedna sidaa ku toos,” ayaa uu ku yidhi. Iimaan iyo iimaansasho ayaa meesha uu nebigu ku kulmiyay. In Eebbe la rumeeyo, oo iimaan lala yimaaddo, dabadeedna iimaankaa la iimaansado oo lagu sii tooso dabagalka iyo weelaynta ciddaa la rumeeyay, ayaa uu noqday nuxurku. Si loo weeleeyana kama dhigna in la isku waalo cinwaankiisa e, saamayntiisa, abuurtiisa iyo weedhiisa ayaa innagu filan.
Haddii ku-mashquulka Cinwaanka Eebbe iyo sawirkiisu xikmad leedahay, kama tageen nebigu e, judhaba waa uu soo qaban lahaa, ninka gurmadka soo bidayna kama qariyeen!

Nafaheenna inta aynu ka naqaanno, adduunkii dhamaa ee ay ahayd in aynu cammirno inta aynu ka naqaanno, iyo noolayaasha aynu koonka wadaagno inta aynu naqaanno ayaaba iska yar e, haddii camal laga dhigto Ilaahay meesha uu joogo iyo sida uu u eg yahay in aynu wax ka baranno, saw uma eekaanayso in lagu baaqayo marba haddii socodkii laga daalay in la ordo! Mise toloow waxaaba laga dhigmayaa duqdii xaabada qaadi kari wayday ee dalbatay in loo soo kordhiyo?!

Dad baa laga yaabaa in ay qoraalkan ku eedeeyaan in uu cabudhinayo caqliga. Awooddaa ma lehi, cabudhinna ma wado oo anigaa ugu jecel in caqliga la adeegsado e, bilaa-camalnimada ka daaya caqliga ayaa aan leeyahay. Caqliga ma caddilayo e waxa aan diidayaa in la casilo! Waayo meeshan laga hay-hayo waxba kama soo taransanayo oo ‘la ogaayoo gorayo haad bay noqotay!’

Koonkan in aynu jirrabaad ku marno ayaa aynu u joognaa, markaa suuragal ma aha inta aad ku dhex jirto qolka imtixaanaadka in aad ka sheekayso, ama aad iswayddiiso qofkan imtixaanka soo diyaariyay sida uu u eekaa iyo halka uu joogo midna. Waxa ku khuseeyaa waa in aad imtixaankaaga ka shaqaysato. Haddii se aad sidaa samaysid, oo aad iswayddiisid cinwaanka imtixaan-diyaariyaha iyo suuraddiisaba, ogobeey waqtigii ayaa aad iska ridday, labadii midna ma aanad helin!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s