Itoobbiya iyo Suurtagalnimada in ay Marxalad Cusub u Gudubto!

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

Itoobbiya waxa lagu sheegaa in ay tahay dawlad xuddun iyo muhiimba u ah Geeska Afrika. Dadweyne ahaan iyada ayaa u cufan. Dhul ahaanna iyada ayaa u baaxan weyn, marka Suudaan laga yimaaddo. Kala-duwanaanshaha dadka ee u caqiibsan ayaa ay leedahay, oo 80 ciriq ayaa ay ku midaysan. Waxa ay deris yihiin lix dal oo Geeska Afrika ah. Galbeed iyo waqooyi Suudaan baa ka xiga; Eritariya iyo Jabbuuti oo bari ah; Keeniya oo koonfurta ka xigta; iyo Soomaaliya oo kaga beegan koonfur iyo koonfur-bari.

Wakaaladda dhexe ee tirakoobka dalku waxa ay sheegtay in tirada dadweynaha Itoobbiya gu’gii 2015 kor u dhaaftay 90 milyan. Dadka u badani waxa ay ku nool yihiin miyiga. 19% dadka ayaa dhulka magaalada ah ku nool sida ay tibaaxayso wakaaladda tirakoobku. Bangiga Adduunku waxa uu xusay in kobaca dimuqraafi ee dalku uu 15-ka gu’ ee soo socda gaadhi doono 4.2%. Cimriga muwaaddiniintuna celcelis ahaan kama badna 50 gu’.

Dawladdani waxa ay qarnigii tegay ilaa hadda soo martay tijaabooyin xukun oo saddex ah. [Ka soo bilaw] marxaladdii boqornimada badhaxa la’ ee Amxaaradu erayga u danbeeya keli ku ahaayeen. 1974 ayaa ay marxaladdani soo idlaatay markii waddanka ay afgenbi guulaystay kula wareegeen askartu. Taladii ayaa ka soo gudubtay gacanta qoyskii muqaddaska ahaa oo timi [gacanta] ciidanka. Balse weli xukunku Amxaarada ayaa uu ku sii hadhay, iyada oo loo dhigay qaab Shuuciyad ah. 1991 ayaa nidaamkii Shuuciga ahaa gebagebaysmay, markii uu guulaystay kacdoonkii ay horkacaysay jabhaddii xorriyad-doonka ahayd ee Tigreegu. Xilligaa wixii ka danbeeyay waxa dhalatay Itoobbiya cusub oo dastuurkeeda qoraal ahaan wanaagsani aqoonsaday xuquuqaha bulshooyinkii dulmanaa. Balse shacabka qaarkii ayaa habdhaqan ahaan u arka in xukunkii uu u kala gooshay Amxaaradii talinaysa ilaa Tigreegan hadda talada haya!

Marxaladaha isa soo beddelayay waxa ay ahaayeen kuwo waqti qaatay. Balse waxa biya-kama-dhibcaan ah in Itoobbiya aanay u qaabaysnayn mid dunta. Isbeddel gudeed ayaa jira. Qawmiyad weyn ayaa afka goosan karta, mid kale oo aan la baaxad ahayn Amxaaraduna waa ay kobci kartaa, oo xuddunta la wareegi kartaa.

Itoobbiya: Dawlad Galbeed Taageero

Inkaar ma ay ahayn in nidaamkii Soomaaliya dumo 1991-dii markii ay jabhadahada dimuqraadiyad- iyo xuquuq-aadame-doonka ahaa la galeen [nidaamka] dagaallo dhiig ku daatay. Balse waxa natiijo noqday in Soomaaliya ka tirtirantay khariiradda siyaasadeed, jabhadahiina aanay gaadhin mashruucii ay rabeen. Waxa dhammaaday mashruucii dawladnimo, waxaana dooriyay mashaariic kale oo badan! Halka dawladdii Itoobbiya ay ka dhex baxday dabinnadii. Waana halkan meesha lagama-boodaanka ah ee ku jirta khariiradda siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Dad baa ku dooda in Soomaaliya aanay taageeradii la filayay ka helin saaxiibbadeed iyo walaalaheed… waaba haddii ay saaxiibbo iyo lahayd walaalo e! Halka taageerada Galbeedku ay qorshaysay in Mingiste Xayla Maryan meesha [xukunka Itoobbiya] uga baxo si shiddo yar. Sidaas ayaana dhacday. Dagaalladii waa ay ka samata-baxday Itoobbiya. Fasakhanna lama kulmin sidii ka dhacday Soomaaliya!

Cilmibaadhayaasha qaar ayaa u arka in Itoobbiya leedahay astaamo ka dhigaya dawlad cagaha ku taagan. Waxa astaamahaas ka mid ah xeeldheerida fekerka qofka Itoobbiyaanka ahi ka haysto dawladnimada. Itoobbiya kama soo dheegan Dawladnimada debadda e waxa ay ka dhalatay gudaha Itoobbiyaanka. Sababtaa ayaa ay Itoobbiya u ahayd dawladda Afrikaan ee keli ah ee ka qaybgashay shirkii guumaystayaasha ee Afrika caddaanku uu ku qaybsaday [oo ay cadkeedii ka soo goosatay]. Taasina haddii ay in uun wax muujinayso, waxa ay muujinaysaa sida fekradda dawladnimadu ugu weyn tahay qofka Itoobbiyaanka ah. Taariikh ahaanna waa la ogsoon yahay in ay [Itoobbiya] tahay dalka keli ah ee aan Afrika laga guumaysan, gu’yaal yar ma ogi e. intaas oo jeer marna ma ay goosan afweynta. Balse hore ayaa uu u ruqaansanayay.

Kama boodi karno guntinnada u waaweyn ee keena khilaafka gudaha oo ah diimaha. Loollan lafta gaadhay ayaa ka soo dhexeeyay Kiristanka iyo Islaamka. Loollanka caynkan ahina weligii ma uu noqon mid diini tan kale ka sarrayso. Masiixiyiintu waxa ay mandiqadda u noqdeen awood istaraataji ah oo gacanta ku dhigtay kaalmo kayd ah oo Galbeedku dhulkan muhiimka ah ula yahay diyaar. Halka Muslimiintu ay gudaha  u hantiyeen si istaraataji ah.

Waxa jira dad rumaysan in Itoobbiya leedahay awood iyo agabyo sii waarin kara. Waxa ka mid ah dhulka ballaadhan ee dadka kala jaadka ahi ku nool yihiin, dabeecad ahaan kala geddisan; Cuftaanta dadweyne ee dalka ka dhigaysa waddamada ugu xoogga weyn qaaradda; Ciidanka hore loo dhisay ee haysta fududeeyayaal badan oo saanad iyo tiraba leh; aqoonta iyo ogaalka badan ee dalka lagu beeray, iyada oo la dhisay mac-haddo iyo jaamacado si weyn ugu baahsan khariiradda [dalka]; iyo taageerada caalamiga ah dalku helayo.

Cilmibaadhaha reer Qatar ee Jaasim Suldaan ayaa xusay in dawladnimada casriga ahi ay u baahan tahay saddex arrin [oo aanay la’aantood tamarin karin]: jiritaan, deganaan  iyo koboc. Jiritaanku waxa uu isna u baahan yahay labo shay: jiritaan dabiici ah iyo jiritaan qaanuun oo metelaya aqoonsiga caalamiga ah. Deganaanshuhuna waxa uu u baahan yahay labo qodob: is-afgarad daleed [oo muwaaddiniinta dhex mara] iyo in la karo daboolidda baahiyaha aas-aasiga ah. Kobocu isaguna waxa uu u baahan yahay labo arrin: suuraysashada qorshihii lagaga bixi lahaa dhiillooyinka (crisis) iyo in uu diyaar yahay khayraadkii lagaga samata-bixi lahaa dhiillo kasta oo la suuraysto.

Waxa aan shaki ku jirin in Itoobbiya dheefsato ilaalo caalami ah. Sidaas darteed ayaa aynu qalinka ugu adkaynaynaa si kasta oo ay u marto xaalado xanuun badan, in ay taariikhdeedu ka halis badnayd. Waxa iyana muhiim ah in la sheego in saaxiibbadeed aanay sinnaba u oggaalan doonin in ay dunto.

Marka aynu arrintan akhrinayno waxa aynu u baahanaynaa labo wax: in dhacdooyinka si guud oo deggan loo akhriyo, iyo in laga fogaado luuqadda caaddifadda ee aynu ku arkayno baraha bulshada ee kala duwan. Akhriskan caaddifiga ahi waxa uu ku sumaysan yahay weydayn [yaraysasho] iyo weynayn [buunbuunin], lid ayaana ay ku tahay akhrinta aqoomaysan ee mawduuciga ah, aadkana isu dhawrta.

Itoobbiya: Fursadaha Waaridda iyo Halisaha Waayidda

Itoobbiya waxa ay haysataa fursado badan oo u saamaxaya in ay sii waarto. Waana labo:

  1. Fursado Caalami ah: Dawladda Maraykanka iyo Midawga Yurub, oo shuraako ku ah dhisidda dhaqaale ee waddanku, marna ma oggolaan doonaan in Itoobbiya afka goosato. Oo Itoobbiya waxaaba ay u arkaan wax ka weyn shariig dhaqaale; saa waa dawlad mandiqadda ugu metesha diin ahaan iyo istaraataji ahaanba e! Sidaas oo kale ayaa Shiinaha, oo ah kan dalka ugu midha-dhalinta badan, aanu u oggolaan doonin dumidda Itoobbiya, oo ay ku biirto dunida guuldarraysatay. Sidaas ayaa maslaxadaha ka dhexeeya [Itoobbiya iyo] dawladaha waaweyni u goynayaan ilaalo caalami ah.
  2. Fursado Gudeed: Waa kuwo badan. Waxa ka mid ah in shacabka muddada ku soo hoos jiray qaxarka Amxaaradu uu diidi doono in uu dib u laabto – oo uu ka gudbo kacaa-kufka dawladnimo una gudbo kaacaa-kufka dawladla’aan! Sida oo kale koboca dhaqaale ee Bandiga Adduunku ku tilmaamay “Ruclayntii Weynayd” ee dalku muddada yar ku sameeyay ayaa caqabad ku noqonaya in uu guulaysto mashruuca dumitaanka dalku. Intaa [iyo ina kale oo isbiirsaday] ayaa fursad weyn oo ilaalo u ah in dawladdu aanay dumin, sida lagu arki karo maqaallada qaar ee lagu faafiyay degallada.

Intaasi waa dhankii ifayay. Balse waxa aynu arki karnaa dhinac mugdi ah oo haliso miidhan ah, goshana ku sidata fayrasyada waayidda [la waayo dawladda Itoobbiya]. Waxa ay tanina u kala baxaysaa labo:

  1. Haliso Caalami ah: Itoobbiya markii hore waxa ay la-hayste u ahayd Maraykanka. Ra’iisal-wasaarihii hore, Males Senaawi, ayaa qafaskaa dalka ka soo saaray, si dalku si uun ugu madaxbannaanaado go’aamadiisa dhaqaale. Kolkaas ayaa uu dhaqaala-wadaag weyn la yeeshay dalka Shiinaha, ilaa uu noqday midha-dhaliyaha ugu muhiimsan ee Itoobbiya yeelatay. Sababtiisana dadka qaar Itoobbiyada cusub u bixiyeen, “Dubayda (Dubai) Afrika.” Waxa la arkayay lacagta weyn ee Shiinuhu gashanayo Itoobbiya. Shirkad Shiinays ah ayaa ku bixisay labo bilyan oo dollar dhisidda wershado kabaha sanceeya. Xukuumadda hadda ee Xayla Maryan waxa ay heshiis $300m (saddex boqol oo milyan oo dollar) la gashay shirkad Shiinays ah [oo kale] si ay u cusboonaysiiso gegida dayuuradaha ee magaala-madaxda [Addis Ababa]. Shirkad kale oo isla Shiinays ah ayaa ka dhisaysa biya-xidheen ku kacaya 365 milyan oo dollar webiga Tekezé. Intaas uun ma ah e waxa uu bangiga horumarinta ee Shiinuhu ku dhawaaqay in uu taageero adduun la garabtaagan yahay shirkadaha Shiinayska ah si uu ugu dhiirrigeliyo maalgeshiga xadiidka, iyo sibidhka. Madaxa bangigaasi waxa uu sheegay in Itoobbiya u tahay Shiinaha shariig muhiim ah oo uu ku leeyahay Afrika. Ganacsiga debadeed ee labada dal waxa uu kor u kacay 55%, isaga oo gaadhay 3.4 bilyan oo dollar gu’gii 2015.

Isdoorintan istaraatajiyadeed ee Maraykanka lagaga gacansiibtay, madaxbannaanina loo helay go’aamada maaliyadeed, ee xataa lagu helay saaxiibka istaraatajiyadeed ee Shiinaha – oo ah dawlad soo koraysa oo diyaar u ah in ay la wareegto gu’yaasha soo socda awoodda kowaad ee dhaqaalaha dunidu – si fudud ugama daadegi doonto Maraykanka!

  1. Halisaha Gudeed: Gudaha halis baqa-gelin wadata ayaa ka jira oo badan. Waxa u muhiimsan baraarugga geeltoosiyaha dalku (Oramada) kaga toosay mooggaanaantii. Waa wax ka badan 40% dadka dalka deggan. Qalbigii dawladda ayaa ay fadhiyaan. Dhul-biyoodkii ugu muhiimsanaa, ee carra-santa lahaa, ayaa ayna leeyihiin.

Arrimaha kale ee ay tahay in loo dhug lahaadaa waa in tiradii tayo ku darsantay. Xukunnadii hore waxa ay [Oramada] cadaadis ugu hayeen aqoondarrada iyo ogaal-la’aanta, kacdoon aqoomayn ah ayaa se ku dhex faafay deegaamada Oramada, taas oo awooddoodii wax ku biirinaysa xilligan. Waxa intaa dheer qawmiyadda qawmiyadaha; Amxaarada, oo kayd cilmiyeed u leh goljilicda dawladda, waaya-aragnimo guun ahna u leh arrinta Itoobbiya. Oo waaba qawmiyadda ugu waaya-aragsan, uguna aqoon badan Itoobbiya. Waayo waxa ay dawladda soo xukumaysay wax ka badan qarni iyo badh; waa taa bilawday iyana in ay ka gilgilato kooxda xukunka haysa. Ha illaawin in badh ka mid ah shacabka Soomaaliyeed (Ogaadeen) uu aaminsan yahay in dawladdu aanay toodii ahayn, ee ayba u tahay badankooda guumaysi, ayna u dedaalayaan ka-xoroobiddeeda. Shacabka Canfartuna raalli kama aha waxa ka dhacaya gobolkiisa ee fara-gelin xukuumadeed ah!

Dawladda Itoobbiya waxa ay ku dul fadhidaa fulkaane kulul, sida dadka badhkii rumaysan yahay; oo jabhadda dalka taladiisa qabatay kuma guulaysan in ay ka takhallusto halisaha aan joogsamayn oo dalka gaadhsiiyaan is-oggolaysiin dhex marta dhinacyada muhiimka ah. Waana taas halisaha handidaya dawladda Itoobbiya.

Itoobbiya: Mustaqbal Caynkee ah ayaa Sugaya?

Aragtidayda, Itoobbiya ma dumi-oga. Waayo nidaamyada caalamku sinnaba uma oggola in ay itimaalkan marag u noqdaan, shacabka Itoobbiyana badankiisna dhankaa uma socdo. Balse waxa ina hor yaalla saddex suurtagalnimo oo uu u dhici karo mustaqbalka Itoobbiya sugayaa.

  1. Itimaalka kowaad: dheeha oo isbeddela iyo gudaha oo sii jira. Waana sida ugu macquulsan in ay dhacayso, oo caalamkuna aad u soo dhawayn doono mabda’ ahaan. Isbeddelkani waxa uu keeni karaa isdoorin ku timaadda haykalka guud iyo hay’adaha dalka. Waxa uu sida oo kale keeni karaa isbeddel ka dhasha isu-tanaasul ka dhex dhaca qawmiyaha saamaynta ku leh go’aanka Itoobbiya (Oramada, Amxaarada iyo Tigreega), si loo helo qaybsasho keegga loo qaybsado qaab ay wada oggol yihiin dhinacyada muhiimka ahi. Itimaalkanina waxa uu u baahan yahay labo arrin: fara-gelin debadeed, siiba quwadaha saamaynta leh ee Midawga Yurub iyo Maraykan; iyo xilkasnimo siyaasadeed oo gudaha ah, siiba mid ka timaadda awoodda Masiixiyiinta ee qawmiyadaha saddexda ahba.

Itimaalkani dawo uma noqon doono xididka dhibaatooyinka, balse waxa uu noqon karaa xal kaalmaati ah oo wax kala dejiya, sida oo kalana caawiya ka-gudbidda mashaakilka hadda taagan. Sidaas darteed ayaa uu u yahay xal xeeladaysan, balse gudaha ku sita dhulgariir judhaba dillaacaya, waayo dhibta Itoobbiya ugu horrayntaba waa mid siyaasadeed, waxa ayna ku tiirsan tahay qaabka dawlad-dhisid, iyo jaadka is-afgarad siyaasadeedka loo baahan yahay.

  1. Itimaalka labaad: Isbeddel ku dhaca wajahadda siyaasadda, iyo dhiig badan oo daata. Itimaalkani waxa uu haystaa suuragalnimo uu ku dhaco. Waayo Oramadu hore ayaa ayba u kacday, Amxaaradiina ku darsantay. Qawmiyado kalana sheedda ayaa ay ka soo qooraansanayaan. Dalabaadka kacdoonwadayaashu waxa uu isugu soo biya-shubtay tegidda kooxdan xukunka haysa. Taasina waxa ay muujinaysaa dhiilladu heerka ay gaadhsiisan tahay, oo lagaba yaabo in aanay ku qaboobin wax aan ka ahayn kooxda xukunka haysa oo huleesha.

Jabhadda talada haysaa run ahaan ma aha qawmiyad keli ah. Tigreegu ha ahaadaan kuwa shookaanta haya, balse waxa jira qawmiyado kale oo iyada la xidhiidhsan oo nidaamka oo sii jooga ka dhex aragta danteeda, balse aan la itaal ahayn qawmiyadaha cartamaya. Sida oo kale waxa aynu u jeednaa dawladda xeesha dheer ee jirtay labaatameeyada gu’, ee baroosinka aasatay. Bartan ayaa ay ka dhalanaysaa cabsida laga qabo in dagaal sokeeye dilaaco, oo ay soo butaacdo halis aan dhukhdukhdaa ku istaagayn.

Itimaalkani waxa uu, sidii aynu soo sheegnayba, leeyahay fursad uu ku dhici karo. Waxaana sii xoojinaya qaybsanka ku dhacay qolada xukumaysa naf ahaanteeda; jiritaanka quwado shisheeye oo taageero la garabtaagan awoodaha isbeddelka raba qaarkood; iyo fadhiidnimada xukuumaddu ku waajahday dalabaadka shacabka tobaneeyadii gu’ ee u danbeeyay.

  1. Itimaalka saddexaad: Kala-daadasho ku dhacda Itoobbiya. Kala-duwanaansho weyn ayaana u dhexeeya dumidda iyo kala-daadashada. Waxa aynu ka warhaynaa in khariiradda siyaasadeed ee dawladuhu aanay ahayn adke aan kala daadan karayn.. Sida oo kalana ma aha kala-daadashadu wax u sahlan sida dadka qaar maqaalladooda ugu dhigayaan. Waxa aynu u soo joognay hadda ka hor dhammaadkii Midawgii Soofiyeet iyo dumiddii hantiwadaaggii ka hirgalay Yurubta bari. Sida oo kale waxa aynu arkaynaa in khariirad cusubi ka unkanmayso Bariga Dhexe. Sidaas baynu u maqlaynaa heshiisyo miis hoostii lagu gaadhay oo lagu qaybinayo khariiradda Bariga Dhexe mar kale— Geeska Afrika kama foga taas e— qaybna ka ah Bariga Dhexe ee Weyn. Waxa halkan [Geeska Afrika] ka dhacayaa waxba kagama duwana waxa ka dhacaya halkaa [Bariga Dhexe]. Intaa waxa raacda in dastuurka Itoobbiya qodobbo ku jiraa sheegayaan in xaqa gobollada ay ku jirto in ay goostaan isaga oo ku xidhaya shuruudo ad-adag. Balse xilliyada ad-adag, shuruudaha ad-adagi waxa ay isu dooriyaan kuwo fudud oo la fulin karo.

***

Waa kuwaa Saddexda itimaal (suuragalnimo), oo sida aan qabo dhammaantood dhici kara. Balse qaarkood ayaa ka suuragalsan kuwa kale, sida aynu soo tibaaxnay. Itimaal kastaana waxa uu sugayaa deegaankiisa shiidaalinaya. Haddii deegaanka saamaxaya kala-daadasho yahay mid weyn, itimaalka kala-daadashada ayaa fursadda u weyn yeelanaya. Haddii deegaanka caalamigi ah ee dhuljiifka ahi dhaqaaqo, oo laga arki karo canaanta warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa kambalka (maxalli) ahba, itimaalka kowaad ayaa u suuragashan. Haddii se uu gaabis noqdo fara-gelintu, ama uu guuldaraystaba, xukunkuna sii qallafsanaado, dhiigguna sii daato, itimaalka labaad ayaa nasiibku raaci doonaa.

Tixraacyo:

  1. Warsidaha Arabic News ee soo baxay Sebtember 14, 2015.
  2. Warbixin – “آفاق الإقتصاد الأفريقي لعام 2014م” ee uu qoray Ibraahin al-Qaydaani, Ogos 12, 2014.
  3. Maqaal lagu daabacay: “إثيوبيا تدخل 2016م من باب التحول الإقتصادي الصعب.” Soo baxay, Ogos 07, 2016.
  4. Maqaal lagu daabacay: “إثيوبيا تتجاوز 90 مليون نسمة منتصف العام” soo baxay, Feberwari 07, 2014.
Advertisements

One comment

  1. Tarjanaad dhaxal gala,ah , walaal salam kadib waan u boogay qaabka cilniyey San ee aadd usaray ee loo turjimay maqaalka sheykha cabduraxmaan bashiir
    Thanks

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s