Xaglinta Xilliga Xaglin-la’aanta!

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

1. Suufiyadu waa dugsi ruuxaaniyaad iyo mad-hab jiritaan. Waxaana ku biiray dad badan oo ummadda [Islaamka] ka mid ah. Dadka raacsanina waxa ay u haystaan taariikhiba in aanay ka danbayn. Balse waxa xaqiiqda taariikhdu inoo adkaynaysaa in [dugsigani] ahaa falcelin ka dhalatay feker- iyo dhaqan-xumo mar soo fuftay.

2. Salafiyadu waa dugsi caqiido iyo fagaare feker. Dad badan oo ummadda ka mid ah ayaana ku biiray. Waxa dadkeedaasina rumaysan yihiin in taariikhdii dacwadda iyo fekerkuba iyaga aanay ka danbayn. Balse waxa xaqiiqda taariikhdu inoo adkaynaysaa in [dugsigani isna] ahaa falcelin ka dhan ah masiibo [loo arkayay in ay] ku habsatay taariikhdii fiqhiga iyo fekerkaba.

3. Ashcarriyadu waa dugsi caqiido iyo mad-hab caqli. Badanka Xigtada Jid-nebiga iyo Wadajirka ayaana u xagliyay xaggeeda. Aqoonyahankeeduna waxa ay qabaan in caqiidadii saxda ahayd iyagu hayaan; oo tareenkii dedaalka fiqhiyeedba iyaga aanu soo dhaafin. Balse waxa xaqiiqda taariikhdu inoo adkaynaysaa in [dugsigan laftarkiisuna] ahaa falcelin ka dhan ah dhiillo feker oo soo ifbaxday markii caqligu ka awoodbadiyay naqliga [Qur’aanka/Xadiiska].

4. Mustasilannimadu (Istizaal) waa dugsi feker iyo mad-hab caqliyeed. Muddooyin isxigxigay ayaana ay u xagliyeen miiddii ummaddu. Dadka raacsanina waxa ay qabaan in iyaga cid ka wanaagsani aanay weligeed iman. Balse xaqiiqda taariikhdu waxa ay inoo adkaynaysaa in dhaqdhaqaaqani ahaa falcelin u dhalatay si caqliga looga joojiyo af-wax-ku-siinta!

5. Dhaqdhaqaaqa Tabliiqu waa dugsi yeedhmo iyo mad-hab siyaasad yeedhmeed ah. Dad badan, oo u badan intii aqoonta sare ku yarayd, ayaa u xagliyay. Waxa aanay dadka raacsani rumaysan yihiin in ay tahay jidka ugu saxan, uguna dhaw midkii nebiga. Balse waxa xaqiiqda taariikhdu inoo adkaynaysaa in [dhaqdhaqaaqani] u soo baxay qallayl ruuxeed iyo dhul u baahan yeedhmo jaadkan ah. Sidaas ayaana ay ku ahayd falcelin ku kooban xilli iyo xaalad gaar ah.

6. Islaamka siyaasadaysani waa dugsi siyaasadeed iyo mad-hab aydhiyoolajiyadeed. Dabaqaddii wax baratay ayaa u xaglisay qarniyadii 20aad ilaa 21aad. Dad badan oo raacsani waxa ay qabaan in irridda keli ah ee laga geli karo dib-ugu-noqoshadii diintu uu iyaga uun yahay. Balse waxa xaqiiqda taariikhdu inoo adkaynaysaa in ay ahaayeen falcelin ka dhan ah cilmaaniyaddii habaysnayd ee u guclaynaysay ka-takhallusidda diinta. Sidaas ayaana ay ku yihiin dhaqdhaqaaq dhashay xilligii sawracyadu legdamayeen.

7. Islaamka fekradaysani waa dugsi feker iyo mad-hab aqoomeed. Labeentii feker iyo aqoon ee dugsiyo badan ayaana u xagliyay. Waxa aanay badankoodu rumaysan yihiin in cudurka ummadda [Islaamka] hayaa uu yahay mid caqli ee aanu ahayn mid qalbi. Balse waxa xaqiiqda taariikhdu inoo adkaynaysaa in ay ahaayeen falcelin ilbaxnimo oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqii aqoomeed ee ku fool lahaa dugsiga dejinta (wadciyyah).

8. Dhaqdhaqaaqa akhlaaqeed waa dugsi asluubeed iyo mad-hab diimaysan. Waxaana u xagliyay in badan oo ka mid ah maskaxihii yeedhmada ee waagan cusub. Waxa ay qabaan in dhiillada ummaddu ay tahay mid xagga akhlaaqda ah ee aanay ahayn mid siyaasadda xaggeeda ah. Waana sida uu u dhigay aqoonyahankii reer Hindiya ee Abi Xasan An-nadawi. Balse waxa xaqiiqda taariikhdu inoo adkaynaysaa in iyaguna ay ahaayeen falcelin ka dhan ah xuubsiibasho akhlaaqeed.

9. Fekeraaga iyo falsafadyahanka reer Jarmal ee [Georg Wilhelm Friedrich] Hegel waxa uu qabaa in taariikhdu tahay “feker + burintiisa.” Waxa uu falsafadyahankan weyni u arkaa in taariikhdu inoo adkaynayso in fekrado waaweyni dhashaan xilli gaar ah, balse ay soo muuqdaan xilli kale– nusqaannimada dadka darteed. Dhanka kalana fekrad kastaaba ay hoosta ku sidato wixii burin lahaa; oo loogu yeedho ‘buriyaha fekradda.’ Halkaas ayaana uu ka bilaabmaa loollan ka dhex qarxa fekraddii hore iyo buriyaheedan danbe. Sidaas ayaana ay noloshu u soconaysaa, isuna cusboonaysiinaysaa. Fekradda weyni waxa ay u koraysaa si sare, markaas ayaana ay dhalaysaa lidkeedii iyo buriyaheedii. Duniduna waxa ay la noolaanaysaa loollankaa feker.

Odhaahdan Hegel ma aha biya-kama-dhibcaan, balse xoogay qummanaan ah waa ay leedahay. Waxa aynu [odhaahdan Hegel] ka soo dhiraandhirin karnaa fahmidda waaqica Islaamka ee taariikhda ku suntan. Waxa la inoogu dawgalay xidhmo isa-sarraysiin ah oo inoo diidday in aynu fekerka ku fahamno akhrin caalami ah; ileen adduunkaas ayaa aynu ka nahay qayb e. Qaar kale oo innaga mid ahna waxaaba lagu salliday xidhmo dib-isu-dhigid ah, oo waxaaba laga yaabaa in ay u qaataan in caqliga Islaamiga ah uu fahmi karo oo keli ah qofkii akhriya dhaxal-dhigaaleedka Islaamka. Wax baa ka run ah, balse akhrinta dhaxal-dhigaaleedka Islaamku innagama kafaynayo akhrinta dhaxal-dhigaaleedka aadanaha [kale].

10. Dimuqraaddiyadda Islaamaysani waa dugsi siyaasadeed iyo mad-hab fiqhi. Waxaana u jandheedhsamay dar dhan oo isku deyaya in ay ka soo baxaan culayska Islaamka siyaasadaysan. Waxa badhkoodna qabaa in ay yihiin jidka lagaga bixi karo dhiillada dastuureed (marjaca ugu danbayska ah ee dawladi yeelato). Waana midka uu mar danbe ku baraarugay Rashiid Al-qanuushi. Dhaqdhaqaaqan waxa haysata dhib xagga foosha ah! Balse sida qayrkii ma sheegto in uu yahay gobo’dii iyo halkii taariikhduba u dhimatay. Waa se suuragal suuragalnimooyinka ka mid ah [oo ka calaf-qaadaysa]. Balse waxa xaqiiqda taariikhdu inoo adkaynaysaa in kanna yahay falcelin ee aanu ahayn fal.

***

Waa casrigaa ka arradan fac aydhiyoolajiyadeed, ayna joogaan uun fac u qoollan xaglintu. Waa fac talo ka baahday oo iska xiisaynaya in ay dhan uun u xagliyaan, misana ka cabsanaya. Doonaya xorriyad, balse aan haysan khariiraddi jidmarka. Xaqsoorka jecel, haddana u janjeedha casriga qaxarnimada siyaasadeed ee magaca ‘xorriyad’ la isugu soo gabbado; la iskuna addoonsado cinwaanno qurux badan oo uu ka mid yahay “Xuquuqda Aadanaha.”

Waa casri cusub, waxa uuna u baahan yahay aragti cusub. Fekerradaa hore badankoodu waxa ay u soo afxidhmeen maaddaama ay ahaayeen falcelin ee aanay ahayn fal. Waxyiga oo keli ah ayaa leh awoodda waaridda iyo sii-jiitanka; balse dedaallada [dadku la yimaaddo ee] ka shiidaal-qaata waxyigu ma aha waxyi. Cilmaaniyiinta cusubi waxa ay isku deyayaan in ay waxyigiiba taariikhda kaga yimaaddaam; salafiyiinta cusubina waxa ay ku dedaalayaan fahannadii waxyiga laga soo dheegtay in ay ka dhigaan waxyi. Waa bartan meesha jab ka joogaa!

Horumarka la sameeyay kama dhigayo waxyiga [mid lagaga soo tago] taariikhda. Dedaalka iyo ilbaxnimada heerka sare ah [ee dadku gaadhayna] kama dhigayso fahanka dadka waxyi. Sababtaas ayaa aynu maanta u maraynaa caqabado u baahan in fahan cusub iyo dedaallo dhiirran lagala hor tago. Ummadduna waxa ay ku nooshahay marxalad adag oo ay nafteeda ka dhex raadinayso kaynta cufan ee: Falcelin cusubi ma jirtaa?

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s