Istaraatajiyadda Ismiidaynta

Qoraalkan waxa la faaiyay gu’ ka hor – Sept, 2015.

Tabbeelayaasha cusbitaallada horta ma aragtay? Tusaale dhakhtar ku shuqul leh Jadeecadu maxay ayuu boodhka ku qoranayaa? “Digtoor hebel; la-dagaalanka Jadeecada” mise “Digtoor hebel; dawaynta Jadeecada”? Hagaag. Ka danbe weeye saw ma aha? Akiid.

Qofka Jadeecada la nool marka aad hawshiisa gelaysid, waa in aad tusisaa in aad dabiibkiis u tahay ee ma aha, taa lidkeeda, in aad ugu muuqatid in aad duulaan ku tahay!

Si aad Jadeecada u dawaysid, waa in aad marka hore u eekaataa sidii qof shifadii wada, ee ha noqon sidii mid shar-wade ah, marka labaadna waa in aad horay ka soo qaadataa beddelkii; wixii dawaynta kuu fududayn lahaa iyo wax Jadeecada ka soo horjeeda, aan ka soo horjeedin oo keli ah e ka wanaagsan, ma i fahantay? Sidoo kale waa in Jadeecadu agtaada qeexdin, aanad markaa ku dul samaynaynin oo kuu sii diyaarsan, kuu leedahay.

“Jadeecada, (oo caynkaa iyo caynkaa ah), ayaa aan lid ku ahay, TALAAL ayaa aan adeegsanayaa, BIRIRIX ayaa aanan idiinku doorinayaa,” sidaa hadal u eg isticmaal!

Bal in yar hako… Dunida dagaalka ee hubka aan la isu hanbayn ka feker waxoogay. Ciidanka weerarka ahi waxa ay ku dhawaaqaan halkudheg ah: “Annagu jiidda hore waxa aannu uga dirirnaa ma aha in aannu neceb nahay cidda aannu la dagaalamaynno, ee waa in aannu jecel nahay cidda aannu u dagaalamaynno”! Aragtiyaha kasmo-nafeedsan ee hadalkaa ka muuqda ma u jeeddaa? Waxa afka laga dhawrayaa “duulaan” ayaannu nahay!

Isla militariga ayaynnu ku jirnaaye, ciidanka goob raba in ay qabsadaan, waxa ay dejiyaan qorshe-ciidameed qoto dheer. Istaraatajiyadda waxa ku jirta kow in horta “xorrayni” jirto, waxan dadka laga dulqaadayana uu jiro beddelkii. Haddii gaajo laga kicinayo geyigaas, tusaale ahaan, waa in marka koowaad laga jidhroonaado gaajadii, (oo dabcan leh qeexdin diyaar ah), taa beddelkeedna gasiinkii gaajada doorin lahaa hore loo sii qaataa. Balse haddii ciidanku gaajada dadkii dadka ku hayay ka takhallusaan, oo aanay raashin goobta geynin, bal muxuu maslaxadoo taray militarigii duulay?

***

Labadaas tusaale wax “isu-eekaansho” lagu tilmaami karo ma ka dhex urisay? Hagaag.

Halkan geeddiga ku fur haddaba…
Aragtida falsafadaysan ee tusaalayaashaa lagala soo dhex bixi karaa waxa ay isugu soo biyo-shubanaysaa marka aad arrin jira, ama aragti jirta, liddi ku tahay, danaynaysidna in aad isugu-joogsato, waa in:

– aad qeexdin qeexan, oo diyaar kuu ah, ka leedahay erayga arrinka/aragtida aad antiga ku tahay. Qeexiddaa oo dadka kan u aqoonta yar iyo kooda u taclinta badaniba ay wada fahmi karaan.
– aad is-huwisaa magac aan dadka ka SASINAYN balse dadka SASABANAYA!
– aanad u muuqan in aad duulaan ku tahay aragtidan ay darka dhani aaminsan yihiin, balse u muuqatid in aad dawo u siddid duulkaas.
– marka aad hawlgalka gelaysid, sii qaadatid, isaga oo kuu cad, beddelkii. Haddii aadse cidlo ka xiiqdo, “qardo-xoogsade” ayuun baad soo bixi!

***

Waxa aan ka hadlayo wax ma kaaga bidhiiqeen?

“Arrinka” ama “Aragtida” aynnu ku soo adeegsannay qoraalkeenna, waxa ka mid ah, marka Soomaali dhexdeed la joogo, : qaadka, qabyaaladda, tahriibka, musuqa, maamul-xumada, xaqsoor-li’ida, xatooyada, qudhun iyo qashaabiirka oo dhan.

Bal u fiirso, ruuxa qaadka ka ololeeyaa waxa uu sidaa u sameeyaa si uu u noqdo “Qaad-diid”, kan qabyaaladda ka hadlaa waxa uu falkaa u suubbiyaa si uu “Qabyaalad-diid” u noqdo, kan tahriibku si uu “tahriib-diid” u noqdo, kan musuqu si uu “musuq-diid” u soo baxo, … kan qashaabiirkuna si uu “qashaabiir-diid” u noqdo!

Erayada ay adeegsadaan aad ugu fiirso, “la-dagaalan, cidhibtir, -diid, aafo-qaran, dhibaato, …” iyo erayada la caynadda ah ee halaagga iyo SASKA miidhan ah.

Bal qaadka, qabyaaladda, tahriibka, … iyo qudhunka oo idil ma in “la diido” ayay tahay mise in “la dabiibo”? Xaggee caynku ka qalloocday?

Dunidan aynnu saarannay ma jiro urur ama olole magaciisa iyo mihnaddiisu dadka caamada ah u wada muuqdaan, oo isleeyihiin!
Haddii aad i dhahdid waxa aan ahay “ururka la-dagaalanka …” ama “Ololaha cidhibtirka …”, oo aad bulshadii gurmadka u baahnayd sidii qof gumaad wada ugu muuqatid, maxaad micnaysoo bal tartay? Ma waanad ruuxii arrinkan ama aragtidan rumaysnaa ka dhigaynin in uu difaac iyo keeb-la-yuururnimo nafta ku aamino?

***

Sideeda bannaanba arrini waxa ay DHIB tahay inta ayna ruuxa ku dhicin, marse haddii ay ku dhacdo, DAMAQ ayaa ay isu geddidaa!
Maanta dhulkeenna waxa dhib ula muuqda Sunaamida Jabbaan dishootay, sababta oo ah weli maynaan dareemin, balse reer Jabbaan agtooda caado ayaa ay ka noqotay, oo waabay kula yaabi haddii aad sifaha “dhib” siisid mashaqadan. Taa beddelkeeda, ilma Jabbaan dagaal sokeeye oo ka qarxa dalkooda “dhib” ayaa ay u arkaan, waayo weli kama uu qarxin.

Qof ahaan, adigu bal waxa aad qiimaysaa xilliyada aad adeegsatid eraygan “dhib”. Dhammaan kiisaska aad kelmaddan isticmaashaayi waa timaaddo! “Dhib ayaa soo socda”, “waxaas iyo waxan innaga daaya dhib ayaa ka iman karee”, “Biloynu dhib kala kulannaa dhabbadaa?”…

Duunyada iyo dadkuba waa ay damqadaan, (dhib ayaa ku dhacda), balse dadku waxa uu duunyada dheer yahay ka falcelinta damqashadaa iyo ka falcurinta dhibaatooyin hor leh oo iman kara!

Soomaali ahaan, waxa aynnu luminnay fadligii aynnu dheerayn ma-yeedhaanka. Waynnu damqannaa bes! Arrin kastana waa aynnu sugnaa jeer oo uu ka dhaco, marka uu innagu habsado, ayaynnu baroor la kala jeesannaa! Balse falcuriskii ayaa innaga maqan. Kaaga sii daran e, damaqa ina soo gaadha in aynnu ag yuurursanno oo hawlihii kalaba kaga mashquulno ma aha e, falcelintii u qummanayd ma samaynno!

Sidaas darteed, marka aad qaad iyo qabyaalad, oo labaduba damaq agteenna ka ah, caksi ku tahay, ma aha in aad maciinsatid erayada aan waxba kuu tarayn ee “dhib”, “aafo-qaran” iyo kuwa la midka ah.

Bulsho dhanka mushkiladda u nugul oo faaqidi og ayaa aynnu nahay, Problem-oriented-society, caqliyaddaa dhibta iyo damaqa ka sheekaysaa waa ta dadka aad wax u qabanaysid ee aad u diran tahay ku hawlgalaan, ee fadlan caqliyad la mid ah ha ku hawlgelin adna! Adigu xal-doone noqo, Solution-oriented, tusaale ahaan.

Middeeda kale, hal cillad ayaa aan Soomaalida ku arkay. Marka ay ka hadlayaan arrin; arrin xun, oo ay ka digayaan, tusaale ahaan, badiyaa waxa ay uga hadlaan iyaga oo adeegsanaya caqliyad la heer ah arrintii.
Iminka bilmetelan, waxa uu is-odhanayaa aqoondarrada ka hadal, qaab aqoondarro ka muuqato ayaa uu uga hadli. Caadifadda ayuu is odhan ka dig, qaab caadifadaysan ayuu caadifaddii uga digayaa. Kibirka ayaa uu kaa waaninayaa, misana qaab kibir ka muuqdo ayaa uu kibirkii kaaga wacdiyayaa! Ciriqaa ka digtoonow, haddii kale istaraatajiyaddaadu waa ismiidaamis!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s