Muusigga Murugada

Cilmibulsheedka Xukunka iyo Kasmanafeedda Guumaysiga!
Aqoonyahankii Maalik bin Nebi ayaa soojeediyay aragti uu ku furdaaminayay sababaha cid loo guumaysto/xukumo. Waxa uu xusay in la guumaysto ummaddii ‘u nugul guumaysiga.’ Ulajeeddo, la-guumaysan og yahay! ‘قابلية الاستعمار — u-nuglaanshaha guumaysiga,’ aragti ah ayaa uu dhisay.
Tusaale ahaan, si aynu u fahamno aragtidan, sayladda xoolaha neefka shilis ee macal-qabadka leh iyo kan caatada ah koodee ayaa lagu dhiirradaa iibsigooda? Dabcan, ka shilis. Waayo? Ma aha sababtu in kan iibsanayaa haysto lacag iyo baddaas, ileen neefka caatada ahiba bilaash ma ahayn e. Balse waa in neefku leeyahay astaamo soo jiidanaya gadashada. Waa neef ahmin ah, ama daabax ah, oo indhuhu qabanayaan. Astamaahaas uu yeeshay ayaa u nuglaysiiyey in la gato. Sidaas oo kale, bulshadii yeelata astaamo goljilic miidhan ah oo guumaystuhu ka soo geli karo, waa la guumaysan. Waayo, waxa ay u diyaarsan tahay in la guumaysto.
Siyaabaha ummadi isugu diyaarin karto guumaysi waxa ka mid ah, kala-qaybsanaan dhexdeeda ah. Sida aan qabo, astaantani waa mid guumaystuhu samayn karo. Tusaalihii sayladda innagu celi. Qof baa laga yaabaa in uu neef caato ah dalbado in la daajiyo, oo la xanaaneeyo. Marka neefkii noolaadana, in uu gato. Markaa isaga ayaa korsaday. Sidaas oo kale, bulsho midaysnayd, ama aanay utun dhex oollin, ayaa uu guumayste u iman karaa ka dibna korsan karaa fac u looga ummaddaa. Waxa laga yaabaa in la-korsadahaasi diyaariyo ummad kala qaybsan oo u nugul in la guumaysto. Markaa guumaystihii waxa uu dusha kaga soo degi ummad diyaar ah!
Siyaasaddan, sida laga bartay falsafadihii guumaysi ee reer Yurub, waxa lagu tilmaami karaa ‘qaybi oo qabbaan ka dhigo — divide and rule.’ Ingiriiska ayaa caan ku ahaa xeeshan. Mid xasuusnoow, siyaasaddani kuma koobna uun bulsho guumaystuhu kala qaybsiyey, ka dibna uu qabbaan ka dhigtay; sidii sheekadii saddexda sac ee caanka ahayd, balse waxa sida oo kale soo hoos geli kara, sida ii muuqata, bulsho lahayd astaan kala qaybin karta oo astaantii fuftay, ka dibna guumaystihii astaantii ka faa’ideeyay. Mar guumaystaha ayaa astaanta kala-qaybsanaanta abuura, marna waa ay jirtay e waa uu ka shaqaysiiyaa.
Waxa kale oo astaamahaa ka mid ah in bulshada laga waayo wacyi-wadaag iyo wax ay heshiis ku yihiin. Wacyi- iyo heshiis-la’aantaa ayaa uu guumaystuhu duldegaa, dabadeedna u abuuraa dadkaa wacyi iyo heshiis dantiisa ka turjumaya.
Waxa kale oo la xusi karaa in astaamahaas ay ka mid tahay ummadda oo aan lahayn Cadaw Guud. Cadaw ay u midoobaan. Cadawgaasi waxa uu noqon karaa mid duleed (tusaale ahaan, bulsho kale) ama mid duneed (tusaale ahaan, saboolnimada). Labada jaadba waxa ay ka midaysan yihiin in bulshadaasi u aragto in ay nacab u yihiin horumarkooda, isla markaana halis ku yihiin timaaddadooda. Marka bulsho loo yeelo cadaw gaar ah, waa ay fududdahay in la mideeyo, dabadeedna la jiheeyo. Cidda ku amar-ku-taaglaynaysa bulshadaas ee goljilicdaas ka faa’idaysanaysaa ma aha uun awood shisheeye. Waxa ay noqon karaan mid gudeed. Weliba kuwan danbe ayaa ka halis badan! Dalalka qaar ayaa loo tilmaamaa in ‘saboolnimadu’ tahay cadawgooda kowaad, dabadeedna marka wax yar la arko, ee bulshadaasi yara hinqataba, waxa cidda xukunka haysaa tusisaa in cadawgii weli jiro oo joogo, markaas ayaa dadkii inta qiiroodaan, dib u midoobaan!
Soomaalida marka hoos loogu soo daadego, waxa suuragal ah in lagu doodo in bilawgii guumaysiga, uu shisheeyuhu isha la raacay qaabdhismeedka bulsho ee ummadda. Ingiriisku waxa uu fahmay oo gacanta ku dhigay dhul ay degi jireen beelo xoolo-dhaqata, oo aan degganayn meel gaar ah. Astaantaasi waxa ay saamaxday in uu si fudud u hantiyo. Waayo, ma haystaanba fursad ay kula xisaabtamaan, xoolahoodana waa loo ammaangeliyey ileen e. Talyaanigu waxa uu ka duldegay ummad beeralley u badan, isla markaana deggan oo soojeedkoodu sahlan yahay. Dhib ayaa uu kala kulmay, sida la awaali karana, dedaal ayaa uu geliyey hantiyidda bulshadaas. Waxa la diiwaangeliyay in xoog badan uu adeegsaday Talyaanigu si uu u maquuriyo dadkii degganaa. Waxa uu ka faa’idaystay astaanta ay lahaayeen ee ahayd in ay fududdahay iska-caabbin laga kulmi karaa. Waxa aan qiyaasayaa in tani tahay sababta nidaamka beeluhu ugu yaraaday dhulkii Talyaanigu soo gaadhay; saa beeluhu waxa ay ahaayeen ceelasha ay ka cabbaan awoodaha ruuxiga ah ee bulshadu. Faransiisku waxa uu soo gaadhay dhul Soomaalida lagu tarraxo. Taariikhda waxa lagu arki karaa in dadkaasi ahaayeen kuwo dunida ka xidhxidhan, oo dhaqan hoose oo adag uun leh. Astaantani waxa ay u sahashay in Faransiisku u abuuro wacyi guud oo ah in ay si fudud muwaaddiniin Faransiis ah ku noqon karaan. Dhaqanka in uu ku milmay, oo fasaqay, ayaa la arki karayey.
Markii la qaatay xornimada xayraanka ah, waxa Soomaalida badankeeda lagu arki karayey in guumaystuhu korsaday neefaf caato ahaa oo u naaxa isaga! Dabcanna u naaxay! Soomaalidii waxa loo sameeyay wacyi-wadaag culus oo loogu guntay ‘Midnimada Soomaalida.’ Waxaana Jamhuuriyaddii Soomaalidu noqotay midhihii kowaad ee wacyi-wadaaggaas. Lixdankii. Waxa haddana la abuuray Cadaw Guud. Itoobbiya iyo Keeniya (oo kala haystay labo gobol oo Soomaaliyeed) ayaa lagu tilmaamay Cadawga Guud ee Soomaalida. Dagaalladii 1964 iyo 1977 ayaa tusaale fiican u ah taariikho siyaasaddaasi shaqaysay.
1980nadii waxa dhulkii Waqooyiga ka dillaacay wacyi-wadaag kale, oo ah in Cadawga Guud ee aaggani yahay Taliskii Aktoobar. Taasi waxa ay keentay dagaalkii dhalay Soomaalilaan. Dabadeedna waxa sidii toonta loo soo dhaadhacay gudaha. Kala-qaybsanaantaa horta leh ee soo baxday, waxa ay saamaxday in siyaasad cusubi ka adeegto dhulkii beri mid ahaa.
Waxa xukuumadda Hargeysi samaysay wacyi-wadaag midayn kara dadka deggan dhulkan, oo ah Aqoonsi-raadin. Qaddiyaddaa gooni-isu-taagga iyo aqoonsi-raadintu waxa ay noqdeen siyaasado midayn kara aaggan. Qaybtii hadhay, xukuumadda Muqdisho, waxa ka abaabulmay wacyi-wadaag ah Nabadgelyada dalka. Qaddiyadda ‘samatabixinta dhulka’ iyo ‘ilaalinta midnimada’ ayaa noqday kuwo midayn karey dadka. Soomaalidii Itoobbiya ku hoos jirtay waxa god cidhiidhi ah laga tusay Cadawga Guud ee Itoobbiya; saboolnimada. Waa kuwaas inta ay isu qaateen Itoobbiyaan, ‘dalkooda’ wax la qaba. Keeniya kuwii ku gudajiray iyo kuwaa Itoobbiya haysato waxa ay wadaagaan in loo daaray wacyi-wadaag ah, ‘dadkaaga wax la qabso.’ Jabbuuti waxa weli ku sii hadhsan wacyi-wadaaggii isfaransiisaynta, iyo Xiisaha Baariis. Waana sababta ay u adag tahay in la helo heshiis guud oo dhex mara qaybahan. Qayb kastaa waxa ay iskeed u sidataa tusbax haybe ah oo uu ku xardhan yahay ‘kii keli ahaa!’ Xukuumadaha ka kala taliyaana, marka la yara sinqadaba, waxa ay halhaleel ugu daaraan cajalladahaa muusigga murugada u eg!
Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s