Himilada Sacuudiga iyo Mustaqbalka Geeska Afrika

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

Waxa aan dhegaystay eray uu soo jeediyay Dr. Anwar Cishqi, fekeraa Istaraatajiyadeed oo Sacuudi ah, baadhe arrimaha siyaasadda, amniga iyo ciidanka ah, kana agdhaw go’aanka kama-danbaysta ah ee dawladda Sacuudiga. [Eraygiisaasi] runtii waxa uu ahaa mid halis ah, marka la eego fekerrada banyaalka ah ee ku aaddan mustaqbalka gobolka iyo unkidda Bariga Dhexe ee Weyn ee soo gaadhaya Badweynta Hindiya isaga oo soo maraya Suudaan kuna dhammaanaya Soomaaliya. Hadalkiisan uu ku soo beegay xilligan xaasaasiga ah ee ummaddu maraysaa waxa uu muujinayaa in juquraafigii siyaasadeed ee mandiqaddu aanu weli qabya-tirmin; iyo in erayga ugu danbeeya ee arrintani — sida uu qabo baadhahani — weli ku sii jiro gacanta Galbeedka uun, isaga oo aan ku baraarugsanayn in mustaqbalka fulinta caalamku aanu Maraykanku madi ku sii ahaan doonin e ay la tartaramayaan dawlado kale, oo Shiinuhu u tun weyn yahay.

Waa Kuma Anwar Cishqi?

Iswayddiimo badan ayaa dulhoganaya shakhsiyaddan saamaynta leh. Khudbaddiisa waxa uu isku deyayaa in uu musdanbeed Islaami ah u yeelo; oo waaba sababta dadka qaar ugu yeedhaan ‘fekeraa Islaami ah.’ [Halka] dad kalana ku sifeeyaan in uu ka tirsan yahay dugsiga casriga ee Sacuudiga. Balse waxa uu khudbaddiisan aad isugu deyayaa in uu u soo hinqado musdanbeed Islaami ah, si aanu uga sasin musdanbeedka asalraaca ah ee Sacuudiga ee fulinta la dareemi karo ku leh dawladda iyo dhidibbada shacbiga.

Shaki kuma jiro in ninkani yahay khabiir dhanka istaraatajiyadd ah. Jaamacado badan ayaa uu ka soo baxay. Kulliyadda Xuquuqda ayaa uu Jaamacadda Bayruut kaga qaatay derajada kowaad; derajada labaadna aqoonta ciidanka ayaa uu carro Maraykan u doontay; arrimaha shiidaalkana waa uu ku takhasusay, oo waxa uu qorayba aqoongeys aan weli la daabicin [oo cinwaankeedu yahay], ‘Kefedda Istaraatajiyadeed ee Batroolka Sacuudiga.’ Waxa uu garaaddo sare ka gaadhay arrimaha ciidanka iyo amniga. La-taliye ayaa uu u soo noqday safaaradda Sacuudigu ku leeyahay Waashintoon. Sida oo kalana la-taliye ayaa uu u soo noqday Golaha Wasiirrada [ee Sacuudiga]. Hadda waxa uu madax ka yahay Xarunta Sahaminta iyo Istaraatajiyadda ee Jidda. Waxa ninkan lagu bartay in uu si weyn u difaaco mawqifyada Boqortooyada [Sacuudiga] iyo in uu warbaahinnada kala duwan uga doodo sidii oo uu yahay afhayeen-u-eke aan magacawnayn oo metelaya Boqortooyada [Sacuudiga]. Waxa uu leeyahay go’aamo siyaasadeed oo amakaag ah; sida booqashadiisii u danbaysay ee [uu ku tegay] Israa’iil, ee uu kala kulmay dhaleecaynta dhan kasta ka imanaysay. Balse ninkan ka agdhaw go’aamada Boqortooyadu iskama qaadin tallaabadan isaga oo aan ogayn go’aanka Sacuudiga. Israa’iil ayaa isku dayday in ay ka faa’idaysato joogistiisa [uu joogo gudaha Israa’iil], markaas ayaa ay dhankeedana ku dhawaaqday. Hasayeeshee waxa uu arrintan ku waajahay siyaasad bisil, waxa uuna isku difaacay: ma tegin Israa’iil e waxa aan booqday Falastiin si aan ugu hiiliyo qaddiyadda Falastiin!

Mustaqbalka Geeska Afrika iyo sida uu u arko Anwar Cishqi.

Khudbaddiisan uu ka horjeediyay Golaha Xidhiidhka Debedda ee Maraykanka waxa uu ku fayday labo xaqiiqo oo xooggan oo si roon ugu weyn lubbiga Maraykan. Waxa ay kala yihiin, jiritaanka aag shiidaal oo weyn kuna yaal bannaanka Jasiiradda Carbeed iyo jiritaanta aag kale oo shiidaal oo isaguna weyn kuna yaal dhulka Soomaali Galbeed (Ogaadeen) ee Itoobbiya. Labadaas aag oo unki doono mustaqbalka mandiqadda (Bariga Dhexe ee Weyn). Waxan oo idilna waxa loo soo bandhigayaa si ay u guulaysato dheesha Maraykan ee shiidaalka ka leh dano istaraatajiyadeed.

Waxa aynu dhammideen ka dheregsannahay in mandiqadda Gacanka Carbeed u leedahay mudnaan iyo istaraatajiyad go’aanka Maraykan, sababo door ah aawadood. Waxa ugu horraysa [sababahaas] in ay aagag shiidaal u daadsan yihiin dhulkan si weyn oo istaraatajiyadaysan. Istaraatajiyaddaasina waxa ay laba-kaclaysay markii dawlado Carbeed, oo Sacuudigu horboodayaa, u adeegsadeen shiidaalkii xaashi siyaasadeed oo ay kula gorgortamaan Israa’iil. Sababta labaad waa in Israa’iil mandiqadda ka mid tahay, oo uu jiro xadhig akhlaaqeed iyo mid mabda’eed oo Maraykan leeyahay kuna suntan ilaalinta amniga Israa’iil. Sababta saddexaad waa in ay mandiqadda ka jirto dabaqad talisa oo awooddeeda debadda ka soo dhoofsata!

Ninkan ku takhasusay istaraatijaddu waxa uu u tegay in uu ka iibsho Maraykan arrintan, ugana digo in mandiqadda loogu soo hagaago sidii ay hore u ahayd, maaddaama ay isbeddello door ahi ka dhaceen mandiqadda; oo ay u roonayd, xataa haddii aanu xusin, Gu’gii Carabta ee mandiqadda ka aloosay kacdoonkii u darnaa ee taariikhdu diiwaangeliso casrigan cusub. Kuna guulaysatay in ay afweynta u riddo keligood-taliyayaashii u darnaa qarniga ee dhulalka Carbeed. Soo qaado Xusni Mubaariggii xilka [Masar] iska haysta soddonka gu’; ku xigsii Qaddaafigii ka soo kala gooshay min taliye ciidan ilaa Boqorka Boqorrada Afrika, xukunka [Libyana] afartan gu’ riglaystay; [Sayncaabidiin] bin Caligii awoodda [fulineed] lahaa, kana agdhawaa Galbeedka ee talada [Tuunis] haystay labaatanka gu’ iyo dhiidhiida; iyo xil-ka-tuuriskii odaygii Yemen [iska bannaystay ee] Cabdalla Saalax ee xukunka ku raagay muddo soddon gu’ ah.
Arrimahani waxa ay mandiqadda ka sameeyeen isbeddel weyn, wixii ka danbeeyay [Heshiiskii] Sykes-Picot. Dhammaan doorsoonka ka dhacayay mandiqaddu waxa uu ahaa mid miid miidhan ah, oo awoodo debadeed ka danbeeyeen, balse markan [Gu’ga Carbeed dhacayay], arrintu waxa ay ahayd mid kedis ah, shacabkuna wato, kana fog [wax ay wataan] haldoorrada ciidanka iyo siyaasaddu iyo go’aan debadeedba. Waana sababta la isugu habar-wacday caalam ahaan, gobol ahaan iyo gude ahaanba sidii loo dhidid-qallajin lahaa gu’gaa, ama kaaga daranta loogu beddeli lahaa jiilaal ba’an oo saameeya mandiqadda!

Ninkan [Anwar Cishqi] waxa uu Maraykanka u tegay si uu ugu qanciyo go’aanka Maraykan in wax ku saabsan xidhiidhadii debaddu iska beddeleen Gacankii [Carabta], gaar ahaan Boqortooyadii Sacuudiga. Boqortooyadu wixii ka danbeeyay Boqor Cabdalla waxa ay ka soo gudubtay marxalad yagleel iyo lugo-isku-taagid ah, iminkana waxa ay raadcaynaysaa marxalad degganaansho siyaasadeed ah, iyada oo gudaha lagu faafinayo amni, debaddana lagu faafinayo xidhiidho lugo adag ku taagan. Marxaladda tan xigtaana waxa dhici karta in ay noqoto mid xidhiidh lagula samaynayo dawladaha waaweyn. Haddii xidhiidhka Sacuudi-Maraykan yahay mid istaraataji ah, lehna gaar-ahaanshihiisa, tanna waxa ay noqonaysaa farriin hor leh oo loo diray go’aanka Maraykan.

Ninkani waxa uu u tegay Maraykanka si uu ugu soo dhaho eray miisaan ku dhex leh aragtida Maraykan, oo ah in Sacuudigu aanu ahayn dawlad gebagebaysay danwadaagtii ay la lahayd Maraykanka. [Markaa] waxa gef istaraatajiyadeed noqonaya in Maraykanku mandiqadda ka raadsado minyaro istaraatajiyadeed oo u beddesha Sacuudiga. Tani waxa laga yaabaa in ay daba socoto isbeddelka ku yimi xidhiidhkii Galbeedka iyo Iiraan. Waxa ka dhigaya Sacuudiga dawlad soojiidasho lehi waa waxa lagu tilmaamay ‘Beerta Shiidaal ee Sacuudiga‘ ee Jasiiradda oo leh kayd istaraatajiyadeed.

Khudbaddan waxyaabaha yaabka leh ee ku dhex jiray waxa ka mid ah xidhiidhka laga dhexaysiiyay shiidaalka Sacuudiga iyo shiidaalka Ogaadeeniya. Waxa taasna ka sii daranba arrimahan in lagu xidho kala-nabadgalka Carabta iyo Israa’iil, oo aan iman karin ilaa laga helo mandiqadda dhawrkan arrimood, sida uu Anwar Cishqi qabo,
1. In mandiqadda laga fuliyo dimuqraaddiyad ku dhisan tiirar Islaam. Hadalkan curiska ahi kuma soo baxayo xaaladda mandiqadda; saa hoggaamiyayaasha mandiqadduba waa ay isla tuureen dimuqraaddiyad oo dhan; mid Islaamka musdanbeed ahaan u sidata iyo mid kalaba.
2. Nidaamka Iiraan oo la beddelo, oo ka dhigan in la farageliyo dawlad dhulkeeda ka talisa. Iyo in si dhammaystiran loo dedafeeyo faragelinta Iiraan ku samayso arrimaha gudaha ee dawladaha Carbeed, oo keeni kara loollan mandiqadeed.
3. In dawlad weyn laga taago Geeska Afrika (Itoobbiyada Weyn); oo ah riyadii uu ku seexan jiray imbaraadoorkii weynaa ee Menelik, oo aanay u suuragelin marba haddii guumaystihii ka horjoogsaday, bulshadii mandiqadduna ay ka biya-diidday isfidintaa. Balse waxa uu [Anwar Cishqi] khudbadda ku xusay in ay muhiim tahay in Geeska loo dhiso dawlad weyn. Jabbuuti waxa ay ka tahay qayb mashruucan, oo waxaaba mashruucan ku jira in magaalada Nuur laga dhiso xeelliga Badda Cas, iyada oo hordhac u ah mashruucan lagu riyoonayo.
4. Khudbaddiisa kuma uu soo hadalqaadin dawladaha Carbeed ee Geeska ku yaal. Soomaaliya iyo Suudaan midna ugama uu hadlin sidii oo ay yihiin dawlado Carbeed. Jabbuutina waxa uu ka soo qaadayba furin badeed oo isku xidhaysa shiidaalka Sacuudiga iyo shiidaalka Ogaadeeniya e uma tixgelinba dawlad ahaan!
5. Waxa uu soojeediyay in la hirgeliyo mashruuca Kurdistaanta Weyn, oo wiiqi doonta Turkiga, Iiraan iyo Ciraaq. Mashruucan waxa ay kulmayaan himilada tamardarnaynta bulshada Muslimiinta ah ee kala-qaybinta ku dhisnayd. Tani waxa ay keenaysaa wayddiin weyn oo ah: ninkani ma waxa uu hordhac u yahay mashruuca ku xiga midkii Sykes-Picot?
6. Waxa uu khudbadda ku xusay mudnaanta ay leedahay nabadgelyo laga hirgeliyo Yemen, dhisidda dekedda Cadan, iyo mudnaanta ay leedahay in la dhiso ciidamo Carbeed oo Galbeedka ka barakaysanaya!

Waa kuwaa shuruudaha uu ninkan yaabka lehi ku xidhay nabadgelyo laga helo Bariga Dhexe. Nabagelyadii Israa’iil iyo Carabta ka dhexaysay ee guuldarraysatay. Waxa uu rabaa in uu u bireeyo dhibbanayaal kale; markan dhibbanayaashaasu waa Jabbuuti iyo Soomaaliya, oo sababo siyaasadeed isu beddeli doona qayb Itoobbiya ah.

Hadda, ma inoo baxeen wax ku saabsay loollanka ka aloosan Soomaalida dhexdeeda? Suuragal ma inoo tahay haddaba in aynu khudbaddan uu jeediyay khabiirkaa Carbeed, lagana jeediyay Gole muhiim ah oo jaangooya istaraatajiyadda, kala soo dhex baxno cidda ka danbaysa dabkan tobanaanka gu’ holcaya? Ma fahmi karnaa xidhiidhka istaraatajiyadeed ee dhex maray xukuumadda Jabbuuti ee uu hoggaanka u hayo [Ismaaciil Cumar] Geelle iyo xukuumadda Itoobbiya ee uu gacanta ku hayay Males Senaawi? Akhrintaa aynu istaraatajiyaddaa ku samaynnay ma kala soo dhex bixi karnaa faham ku aaddan dabarka Jabbuuti iyo Itoobbiya ee dhinacyada agabyada istaraatajiyadeed (sida Biyaha, Korontada, Cuntada iyo Qaadka)?

Dhisidda deked laga dhisiyo [gobolka Jabbuuti ku yaal ee] Tajoora laguna xidhayo gobolka Tigreega [ee Itoobbiya]; isku-dabridda nolosha firfircoon iyo istaraatajiyadeed ee la isku dabrayo Jabbuuti iyo Itoobbiya; isku-deyidda in arrintaa la tarmiyo, loona wareejiyo dhanka Soomaalilaan, Buntilaan iyo dhulka la midka ahi, waxa ay hordhac daruuri ah u yihiin mustaqbalkan uu niyaystay khabiirkan Sacuudiga ahi.

Bulshada Soomaalidu waxa ay maanta kala kulmaysaa Itoobbiya duullaan feker. Waxa loo soo marayaa arrintan furidda jaamacado Itoobbiyaan ah oo laga furay deegamada kala geddisan ee Soomaaliyeed, iyo in qofka Soomaaliga lagu furo Tirtiran Ilbaxnimo [oo meesha lagaga saarayo] sawraca Soomaalinnimo, iyada oo la raacayo duullaankaa feker ee deggan, dhulka Soomaaliyeed si caadi ah uga socda, yoolkiisuna yahay in bulshada [Soomaaliyeed] lala mideeyo Itoobbiya xagga aqoonta iyo dhaqanka.

Waxa bulshada Soomaalida dhexdeeda ku faafay labo arrin: cadaawayn aan geed loogu soo gabban oo lagu eekaysiiyo Midnimadii Soomaaliyeed, iyo Dedaal aan hore loo arag oo loo galo sidii Itoobbiya jaal looga dhigan lahaa. Labadan qodobba waxa ay gogolxaadh u ahaayeen, malaha, dhidib-u-taagidda mashruucan weyn.

Hore ayaa loo yidhi, ‘Dheriga kulka waxa keenay karka.’ Maahmaahdani waxa ay ina haysaa innaga Geeska Afrika ah. Hadalka ninkaa [Anwar Cishqi ee] istaraataji-yaqaanka ahi ma aha wax xisaab-la’aan la iskaga yidhi. Sidaas oo ay tahayna siyaasiyiinteenna iyo warbaahinteenna midna kuma arag cid arrintan soo hadalqaadaysa. Sababtuna wax kale ma aha e goobta siyaasadeedba waa aynu ka maqannahay! Sababtaas ayaa aynu u arkaynaa siyaasiyiinta Soomaaliya iyo Jabbuuti oo aan ka badinayn arrimo gudeed.

Itoobbiya waa dawlad door-roonaanteeda leh, oo kaalin-galna ah. Iminkana maraysa imtixaan adag. Balse dawlad ahaan, waa ay ka gudbaysaa dhibtaas. Waxa se wayddiintu tahay, sidee ayaa dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ula dhaqmayaan arrinta jaadkan ah? Sidee ayaa se shacabka iyo miidda siyaasadeed ee Jabbuuti ay tahay in ay ammuurahan ula tacaalaan?

Dadkii kale [waa kuwaas oo] waxa ay dejiyanayaan khariiradda mustaqbalka ee degmada, siyaasiyiinteennuna waxa ay bulshadii ‘ka kiraynayaan buudhi’ kana iibinayaan siyaasad dhallanteed ah. Waana bartan meesha ay ku jirto dhibto dhul loo soo raro wax kasta; xataa fekerrada! Xeel iyo xoogba Eebbaa leh!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s