Yaab Weeye Dunidu!

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi]
W/T: Cabicasiis Guudcadde [Af Soomaali]
1. Waxa aan arkay wadaaddada qaar gadooda marka ay maqlaan in marwo Soomaaliyeed rabto isu-sharrixidda talada dalka; balse aan cadhoonayn marka ay arkaan in dalkii u gacangalay cadaawihii, oo soohdimihiisii cid kasta u furan yihiin, oo aanu waddankuba sarrayn ku dhex lahayn ummadaha iyo dadyawga kale. Waxa ay tani astaan u tahay amakaagga xilliga iyo la-yaabbada dunida.
2. Waxa aan arkay wadaaddo diiddan in gabadhi xil sare ka qabato dawladda; balse aan diiddanayn in musuqayaashu xilka u baxaan– oo musuqii miyaa uu ka halisyaraaday dheddignimadii?! Muxuu Galbeedku inoogu soo qorshaynayaa meelo aynu isku qabanno? Wadaaddadeennu ma waxa ay ku takhasuseen is-raddinta uun? Maxay u diyaarin la’yihiin mashruuc Islaamaysan oo ka warcelinaya wayddiimaha ka fog laab-la-kaca? Waxa ay tanina astaan u tahay amakaagga xilliga iyo la-yaabbada dunida.
3. Waxa aan arkay wadaaddo ku dedaalaya qaddiyadda haweenayda ee jidheed, iyo hawlaha haweenayda ee gurigeeda. Tani ma aha wada sax. Haweenaydu waa aadame oo sida ragga ayaa ay jidh leedahay; balse gebideeguba jidh uun ma aha. Diimaynteedu kuma xayirna xijaabka uun, sida diimaynta ninkuba aanay ugu go’doonsanayn gadhka. Balse hadallada wadaaddada ee dumarka ku saabsani ma dhaafsiisna kaabadda jidhka; tanina waxa ay astaan u tahay amakaagga xilliga iyo la-yaabbada dunida.
4. Waxa aan arkay wadaaddo ka cabsanaya [ka-hadalka] qaddiyadda xoraynta gabadha, xataa [haddii la adeegsanayo] magaca mashruuca Islaamaysan ee waddaniyaysan, [oo u dhaqmaya] sidii oo ay rabaanba gabadh bilaa fekrad ah, oo aan kaalin ku lahayn nolosha, oo ula wareegaysa hadba dhanka uu ninkeedu ula wareego. Waxaasina kama mid aha Islaamka aynu ka akhrinno kitaabka Eebbe. Xaaskii Fircoon waa tii khilaaftay ninkeedii gaalka ahaa, oo haweenaydii [nebi] Luud waa tii ku wacad-furtay ninkeedii nebiga ahaa. Haweenaydu mar kasta ma aha daba-gale, waxa se ay xaq u leedahay in ay go’aan ka gaadho masiirkeeda iyo marrinkeedaba, hadallada qaar [dumarka ka dhan ahi] se waa dhib. Waxa ay tanina astaan u tahay amakaagga xilliga iyo la-yaabbada dunida.
5. Waxa aan arkay wadaaddo dumarka ka dhigaya [sidii oo ay yihiin] alaab raggu ku raaxaysto. Tani waxa ay ka dhalatay fahan gurracan oo laga qaatay xadiis nebi oo heersare ahaa, kaas oo ka hadlayay quruxda xidhiidhka jinsi ee ka dhexeeya ragga iyo dumarka– waa ka uu nebigu ku yidhi: Dunidu waa goob raaxo, raaxadeedaasna waxa ugu wanaag badan haweenay wanaagsan. Waxa aynu xadiiska ka fahmi karaynaa, marka aynu iswaafajin u dan leennahay, in dunidu tahay goob raaxo, raaxadeedaasna uu u wanaag badan yahay, sida oo kale, nin wanaagsani. Balse diintii waxaa loogu daw galay qaar ku eegaya indho labnimo oo gefsan, dabadeedna daaqadda ka saaraya dumarkii. Waxa ay tanina astaan u tahay amakaagga xilliga iyo la-yaabbada dunida.
6. Waxa aan arkay wadaaddo kaalinta gabadha ka dhigaya “Ubad-hayn weligeed ah,” raggana kaalintiisa ka dhigaya, “Tala-hayn weligeed ah.” Balse [waa yaab e] haweenayda fiqi-yaqaanadda ah ee ku takhasustay [fiqigu] miyay ka derajo-hoosaysaa ninka amuumaha ah [ee aan wax qorin waxna akhrin]?! Ninku ma waxa uu kaalintiisa nololeed ku helayaa keli ah in uu lab yahay, xataa haddii uu jaahil yahay?! Maxay wadaaddada qaar dagaalka ugu qaadaan dumarka? Yeedhmada [diineed] mee kaalinteedii siyaasadeed iyo bulsheed? Yeedhmada [diineed] mee kaalinteedii ay ku lahayd doorka gabadha ee dalbashada xuquuqdeeda? Aamusnidani miyaanay ka dhignayn in aynu laboodnimadeenna darteed u aasayno xaqii abuurta ahaa ee haweenaydu nolosha ku lahayd? Waxa ay tanina astaan u tahay amakaagga xilliga iyo la-yaabbada dunida.
7. Waxa aan arkay wadaaddo fatwoonaya in gabadhu aanay soo booqan karin waalidkeed haddii ninkeedu u diido taa. Waxa ay intaa ku sii daraan, wacdi iyo tilmaamid iyada oo ay ka tahay itaalka, in laga wanaagsan yahay in loo diido gabadha [soo booqashada waalidkeed]! Balse marna kama hadlaan, waxa dhacaya haddii ay diiddo xaq ay u leedahay ahaan, oo ay waalidkeed u booqato addeecid ay addeecayso waalidkeed darteed, ma macsi ayaa ay ku dhacaysaa? Waxa aynu meesha ku haynaa hadal-diineed kala dhantaallan, mee Islaamkii u yimi labada jinsiba, [ee yidhi]: “Kiinnii wanaag fala, lab iyo dheddigba, isaga oo Mu’min ah…]? Muxuu guriga qofka Muslimka ahi, marka loo eego qaabhadalka yeedhmada diineed, ugu eeg yahay jeel iyo xabsi? Maxaynu gurigan loo eekaysiiyay goob dagaal uga dhigi la’nahay [meel ay ka jirto] isfahan qoyseed? Maxaynu ugu dhega-nugul nahay had-iyo-jeer xeerarkan hoose ee badankoodu ku hadla luuqad ciidan? ‘Gabadhu gurigeeda kama bxii karo. Waa in ay si degdeg ah uga jawaabtaa doonista ninkeeda. Waa in aanay soomin isaga oo aan u oggolaan,’ iyo hadallada qallafsanaanta ciidan leh. Waa sax, balse waxa wadaaddada qaar u dhahaan qaab ay ka muuqato ad-adayg ciidannimo. Sidaas darteed ayaa aan u idhi, welina u leeyahay, waxa aynu ku jirnaa xilli amakaag iyo duni la-yaab!
8. Galbeedku waxa uu rabaa in uu lab ka dhigo dumarka, wadaaddada qaarna waxa ay rabaan in ay dheddigeeyaan dumarka. Hadalka kiisa xaqsoorka ahina labadaas ayaa uu u dhexeeyaa. Gabadhina ma noqonayso nin. Ilaahay ayaa doonay in uu haweenayda ka dhigo mid qabya-tirta ninka; isla markaana doonay in ninku noqdo mid qabya-tira haweenayda. Intii aan ku dhex jiray baadhbaadhidda dhaqanka haweenaysiga ee casriga ah, waxa aan dareemay in lagu xadgudbay abuurtii gabadha; sababtaas ayaa aan u diiday martiqaadyo ay ii soo direen haweenaystayaashu oo ku saabsanaa xoraynta haweenayda. Ma aha iyagu xigtada xoraynta. Sidaas oo kale waxa aan diiday qaabhadalka wadaaddada qaar oo ka shiidaalqaadanaya caadooyinka dadyawga iyo oday-ka-soo-gaadhyada, kuna dedaalaya dheddigaynta iyo walax-ka-dhigidda gabadha– oo waxa ayba haweenaydii Ilaahay abuuray ka dhigaan walax ka mid ah walxaha raggu leeyahay, oo uu ku raaxaysanayo uun. Sababtaa ayaa aanan u oggolaan qeexidda guurka u dhigaysa in uu yahay, ‘heshiis ninka u bannaynaya u-galmoodka haweenayda ajnabiga ka ah.’ Waxaasi wax saxan ma aha. Waayo guurku ma noqonayo heshiis guntamaya jeer oo ay meesha jiraan labo ruux oo muhiim ah, xaaska iyo sayga, sidaasna ay labadooduba isu xalaal noqdaan.
9. Waxa aan arkay ragga qaar oo jecel haweenayda shakhsiyadda nugul leh, ee aan erayna ku celinayn [raalliyada ah]. Waxan ay dhaqangelinayaanna waa wax ay ka maqleen uun wadaaddada qaar, oo ay u badan tahay in gabadhu ku sifaysnaato addeecnimo iyo diidid-la’aan aanay diidayn amarrada ninka. Sababtaas ayaa ragga qaar u jeclaystaa guursashada hablo yaryar, xataa haddii uu labaaatan gu’ ka weyn yahay, isaga oo aan dareensanayn cawaaqib-xumada ka dhalan karta faraqaas da’eed ee u dhexeeya.
Waxa aynu rabnaa haweenay awood leh oo ninkeeda si wanaagsan u addeecda, si asluubaysanna u diidda haddii ay ku aragto wax qallafaynaya dabeecaddeeda. Sidaas ayaa ay samaysay haweenay ka mid ahayd saxaabadii. Waa haweenaydii Saabit (Thaabit) bin Qays bin Shamaas, markii ay tidhi: Kuma ceebaysanayo diin iyo akhlaaq midna, balse waxa aan necbahay gaalnimada Islaamka lala joogo! Waa taa haweenayda adag ee leh shakhsiyadda awoodda leh, oo aan qarsanayn cadhada ay ninkeeda u hayso, Rasuulkuna ma uu dalban in ay baalmarto sidaa loo abuuray, oo waxa uu ku yidhi: Ma rabtaa beertiisa? Markaas bay si cad u tidhi: HAA!
Haweenaydii bir-adagga ahayd (Khadiija) waxa ay la noolayd Nebiga, oo ka mid ahayd ciddii u horraysey ee Nebiga rumaysa; maalkeedii iyo maankeediibana wa ay duldhigtay. Nebigu weligii lama uu guursan, saa waxa ay dhergisay ruux ahaan iyo feker ahaanba e. Waxa ay ahayd wasiirkiisa, iyo marwada noloshiisa. Sababtaas ayaa uu daacad ugu ahaa intii ay noolayd, markii ay geeriyootayna uu u xidhiidhin jiray inta u badan saaxiibbadeed. Khadiija dabadeed waxa uu guursaday haweenayda iyaduna bir-adagga kale ahayd ee Caasha. Waa gabadha ka soo werisay aqoonta iyo xadiisyada badan, ee ragga la doodday intii uu noolaa iyo markii uu geeriyoodayba. Ma ay ahayn marwo aan wax ku darsan nolosha Muslimiinta, ee waxa ay gaadhayba heer ay ciidan ku hoggaamiso Hoggaamiyihii Mu’miniinta ee Cali. Waxa ay tani muujinaysaa in xaasaskii Nebigu aanay la mid ahayn dumarka iyo ragga badankiisba.
10. Nebigii milgaha lahaa waxa uu yidhi: Dumarka wanaag u dardaara. Mee saamigii haweenku ku lahaayeen qaabhadalka diineed, marka laga reebo midkan ka dhigay guryihii Muslimiinta jeel? Meeye raxmaddii, kagacalkii iyo degganaanshihii? Maxaa uu Galbeedku ugu guulaystay abuuridda doodaha dumarnimada, ee Muslimiintu ugu guuldarraysteen abuuridda doodaha Muslimnimada? Ma waxa aynu ka cabsanaynaa in aynu nolosha dib ugu celinno mar kale hoggaaminta dumarka, sida Khadiijadaa [hoggaanka ku ahayd] fahanka ay diinta fahansanayd iyo difaaceeda ay diinta difaacaysay? Miyaa aynu ka cabsoonaynaa in aynu nolosheenna ku aragno hoggaamiso Muslimad ah oo sida Boqoraddii Saba’ dadkeeda u hoggaamisa xaggaa iyo iimaanka? Miyaa aynu ka cabsoonaynaa in aynu nolosheenna ku aragno haweenay bir-adag ah sida [Margaret] Thatcher-tii Ingiriiska iyo Golda Meir-tii Yahuudda?
Waxa uu Nebigu yidhi: Dumarku waa ay u dhigmaan ragga. Noloshu wax qurxoon noqon mayso haddii aanay jirin rag iyo dumar wada jira, oo jewi ku sugan firfircooni iyo iimaan ah.
Shaki kuma jiro in haweenayda fitno ku tahay ragga; sida oo kalana shaki kuma jiro in raggu fitno ku yihiin dumarka. Sidaas ayaa uu Eebbe u dhigay nolosha. Waa fitno weligeed ah. Xalkuna kuma jiro in dumarka laga fogeeyo nolosha e waxa uu ku jiraa in diinta lagu dhaqangeliyo labada jinsiba si siman.
Waxa aynu u baahannahay in aynu dib u jalleecno qaabhadalka dacwad-wadayaasha qaar. Bal maxaa ka wanaagsan in aad maalmahan akhridid buugga [uu qoray] Abu Shaqah, ee lixda hormo ah, ee “Xoraynta Haweenayda ee Xilliga Farriinta.” Sida aqoonyahan Qardaawi xusayna waa kutubta ugu fiican ee laga qoray arrintan. Wadaadkii Maxamed Qasaali waxa uu buuggan ka yidhi: Waxa aan jeclaystay in buuggani soo bixi lahaa qarniyo ka hor. Waa socdaal weyn, mana aha farriin dhumucdeedu dhexdhexaad tahay. Waa akhrin xeeldheer oo uu akhrinayo dhigaalka Qur’aanka iyo xadiisyada sugan, siiba kuwa Bukhaari iyo Muslim. Akhrintan xeesha dheeri waxa ay innaga dulqaadi kartaa baaliyawga fekereed iyo hawlgabnimada caqliyeed.
Kuma jiro kuwa lunsan ee haweenayda nineeya (ninka ka dhiga), sida oo kalana kama mid ahi kuwa taageersan dheddigaynta iyo walxaynta (walax ka dhigidda) haweenayda. Anigu waxa aan ku jiraa dadka diinta darteed ugu halgamaya in gabadha laga xoreeyo xadhkaha dadeed ee dulmiga miidhan ah. [Haweenaydu] waa qof Eebbe maamuusay, cidna uma faruuryo-xidhna. Keligeed ayaa ay, sida ninka, go’aan ka gaadhi kartaa masiirkeeda. Balse la-yaabbada dunida iyo amakaagyada xilliga ayaa dadka qaar ku riixa in aanay mad-habkaa damcad u hayn.
Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s