Haween Hoggaan Qabtay ma Hoog baa?!

Gabadhu ma yeelan kartaa kaalin bulsheed iyo mid siyaasadeedba? Ma soohdin baa jirta ay tahay in aanay soo dhaafin; waa se tee? Ma hoggaamin kartaa ciddii u dhiibata hoggaanka, ma se doonan kartaa xil ummadeed haddii ay isu aragto in ay qaban karto? Waa wayddiimo ay xasaasiyad badan iyo daruuro doodo ahi dulhoganayaan. Waxa aanan filayaa in la soo gaadhay in Soomaalidu arrintaa oggolaato ka-hadalkeeda, oo dooduhu deegaankeenna u soo tallaabaan. Sababtaas ayaa qoraalkan koobani ku dhashay, waxa uuna eegi doonaa qodobkan iyo go’aanka laga qaadan karo.

Dooddan waxa aynu ka bilaabaynaa innaga oo qiimayn ku samaynayna hadal xadiis ahaan loo faafiyay oo tibaaxaya in Nebigu sheegay in ‘aanay liibaanayn duulkii gabadh talo u dhiibtaa.’ Waxa halkaa ka dhalanaysa dhib badan. Sababma? Maxaa dumarka ku gaar ah? Waa maxay xidhiidhkan ka dhexeeya liibaan-li’ida iyo dumarka? Xadiiskan ujeedkiisu waa maxay?

Saxnimada Xadiiska

Waxa xadiiskan diiwaangeliyay dad badan. Dhammaantoodna waxa ay ka weriyeen hal qof, Abi Bakar ath-thaqafi. Waxa uu Abi Bakar sheegay in xadiiskani, Ilaahay fadligii, uu ‘badbaadiyay’ naftiisa dagaalweynihii Ratiga ee ay iskaga hor yimaaddeen Cali bin Abi Daalib, hoggaamiyihii Mu’miniinta, iyo colkii ay horkacayeen Caa’isha bintu Abi Bakar iyo Mucaawiye bin Abi Sufyaan. Waxa uu sheegay in uu xadiiskaa soo xasuustay marka uu arkay in colkan uu taageeri lahaa ay talada u hayso qof haweenay ahi (Caa’isha), sidaasna uu uga baaqday. Waxa uu xasuustay in uu nebiga ka maqlay beri loo soo sheegay in reer Faaris (Iiraanta hadda) xukunkii u dhiibteen inantii uu dhalay Kisra, boqorkoodii hore. Markaas ayaa uu nebigu, sida Abi Bakar xasuusanayo, yidhi, “Ma liibaanayo duulkii gabadh talada u dhiibtaa.” Abi Bakar waa uu xasuustaa hadalkaa, balse ma xasuusto wax sababayn ah in uu Nebigu raaciyay iyo in kale. Qushi e, sidaas ayaa uu ku werismay xadiiskaasi. Waxa uuna Abi Bakar si dadban inoogu sheegayaa in Caa’isha dagaalkaa ku guulaysan lahayd e ay dheddignimadeedu ciishay, oo meesha uu yaallay xadiiskaa qaacidada ah ee dumarkii talo haya ka dayrinaya mustaqbalka siyaasadeed ee ay ku liibaani karaan!—oo dagaalkii dhanaa ee ay arrintu taagnayd yamaa saxan? waxa uu keenayaa heer ah yamaa lab ah?!

Xadiiskan saxnimadiisa waxa ka taagan dood ka adag midda ka taagan haweenayda iyo hoggaanka. Waxa la isdultaagay, sida caadada u ahayd tifaftirayaasha xadiiska, taariikhda Abi Bakar Ath-thaqafi. Waxa qurux badan qaabka ay tifaftirayaasha xadiisku u hubin jireen xadiiskii ay soo werinayaanba—waxa ay raaci jireen hab u eg midka Sigmund Freud kasmanafeedda ku soo kordhiyay ee dabagalka iyo lafagurka xaaladihii iyo taariikhihii qofku ku sugnaa (Psychoanalysis). Waxa meesha taalla in saxaabigan Abi Bakar lagu fuliyay mar xadka qadfiga. Markaa waxa iswayddiin mudan: sidee xadiis looga qaadanayaa weriye xad dhan lagu oogay? Xadiis arrin sidan u weyn xambaasan ma innagu filan yahay in hal qof weriyey, oo aanu weriye-badne (mutawaatir) ahayn? Hal xadiis oo xabbad-keliyaale ahi ma ku filan yahay in uu noqdo il sharci-dejin?! Haddii se lagu doodo ‘waar qof aan denbiga ka dhawrsoonayn ayaa uu ahaa ileen e, arrinkaa lagu qabsaday iyo arrintan uu soo werinayaana shaqo iskuma laha,’ waxa waajib noqonaysa in laga noqdo caqliyadda tifaftirtay xadiisyo badan ee xadiisyo dhan uga tanaasushay markii ay aragtay weriyihii oo dameer sasabanaya!

Xadiiskan iyo Qur’aanka

Diinta Islaamku waxa ay leedahay waxyi la dhaho Qur’aan iyo waaxyo waxyigaasi leeyahay oo Jid Nebi la dhaho. Waxa aynu isla eegaynaa xadiiskan iyo diinta inteedii kale bal inta ay isu jiraan.

  1. Qaabka xadiiskani u soo werismayaa waa qaab guudyeelid (tacmiim) ay ka muuqato. Waa qaab inna leh: duul KASTA oo GABADH xil u dhiibtaa waa hoogayaan. Markaa waa qaacido aan cid keli ah u xidhnayn e si guud u tiraabaysa. Qur’aanka se waxa ku sugan sheeko kale. Boqoraddii Saba’ oo soojedimihii la-taliyayaasheeda inta ay diidday qaadatay go’aan Eebbe xataa ansixiyay ayaa aynu ugu tegaynaa suuradda Qudhaanjada (An-Namli). Waxa xaashiyada Nebi Saleebaan uga timi ku qornaa in ay isa soo dhiibaan. Markaas ayaa ay dalbatay in arrintaa lagala taliyo. Waxa ciidankeedii ugu taameen in ay awood leeyihiin e ay amarto uun. Waxa ay ka gaws-adaygtay taladoodaa. Waxa ay tilmaamtay ciidan sida kan Nebi Saleebaan ahi marka ay deegaan soo gaalaan ay cagta mariyaan oo madaxii mijo u beddelaan. Eebbe waa uu u qiray in ay sidaa sameeyaan; oo waa ka raaciyay, “[Waa runteed oo] sidaas ayaa ay sameeyaan – وَكَذَلِكَ يَفْعَلُونَ.” Waxa ay qaadatay go’aan kale oo aan xoog ahayn. Maquuno waa tii u dirtay, ee sugtay bal waxa ergadu ku soo warceliso. Aakhirkiina dhulkii iyo dadkii ay u talinaysey waxa badbaadiyay go’aankii ay qaadatay ee ahaa in ay Islaamto, oo Eebbe u hoggaansanto, Boqortooyadii Nebi Saleebaanna la midawdo. Haddii duul KASTA oo gabadhi u talisaa hoogayo, boqoraddaa Saba’ xaggee ayaa aynu geynnaa?!
  1. Dadka qaar ayaa sheega in boqoradda Saba’ lahayd, sida Qur’aankuba soo tebinayo, cid la talisa; oo waa ta tidhi, “Waar bal arrinkan ila eega, la’aantiin wax iskama gaadho ileen e –أَفْتُونِي فِي أَمْرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمْرًا حَتَّى تَشْهَدُونِ.” Haddii tala-wadaaggaasi nusqaan ku tahay hoggaamiyahaa Saba’, isla Qur’aanku waxa uu amar ku siinayaa Nebi Maxamed oo NIN ahaa in uu dadka talo geliyo, (وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ), oo aanu keliitaliye noqon. Markaa waxa inoo cad in fal Nebiga lagu amray ay garatay haweenaydaa boqoradda ahayd. Waxa ay muujinaysaa in aanay kelitaliso ahayn. Xataa haddii lagu adkaysto in haweenaydaasi la-taliyayaashaas ku noolayd, taladan ay qaadatay ee aynu ka hadlaynaa ma ahayn talo ka timi ‘la-taliyayaasheeda,’ balse waaba talo ka timi diididda ay diidday talada ‘la-taliyayaasheedii.’ Meel u qaad!
  1. Haweenaydaa waa aynu aragnaa sida quruxda badan ee cidhib-danbayska taladeedu ku idlaaday; in ay badbaadisay nafteeda iyo dadkeedii cadceedda caabudayayba. Waxa kale oo isla Qur’aanka aynu ugu tegaynaa nin fashilmay oo naftiisa iyo dadkii uu talada u hayeyba guuldarro ku hoggaamiyay. Waa Fircoon. Markaas ayaa aynu arkaynaa in tayada iyo taya-beelka hoggaamiye aanay ku xidhnayn jinsiga qofka hoggaamiyaha ah e ay ku xidhan tahay kartida iyo xirfadda hoggaamineed ee uu leeyahay.
  1. Eebbe waxa uu suuradda Reer Cimraan ku xusayaa in qof kastaa, lab iyo dheddigba, heli doono abaalmarinta waxa uu shaqaysto, oo aanu luminayn; (ألا أُضِيعُ عَمَلَ عَامِلٍ مِنْكُمْ مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى). Marka aynu fahanka aayaddaa si u eegno ballaadhan, waxa inoo soo baxaya in haweenaydii ama ninkii fal sameeya, (fal KASTA), uu sugi doono natiijada falkaasi. Haweenaydii ama ninkii salaadda tukada, ajar buu heli; haweenaydii ama ninkii salaadda ka tagaa, ciqaab buu heli haddii aan loo dhaafin; haweenaydii ama ninkii talo loo dhiibtay caddaalad ku xukumaana, in daacad loo noqdo, Eebbana derajada caddaalad-fale gaadhsiiyo ayaa uu heli; haweenaydii ama ninkii musuq iyo caddaalad-darro dadka ku xukumana, in laga tuuro xilka iyo in Eebbe derajada gabood-fale ku abaaliyo ayaa uu heli. Markaa haddii aynu xayndaabkii ku soo koobno nin, oo dhahno gabadhu waa ka kac; aayaddan iyo fahanka ballaadhan ee ay xambaarsan tahay waa in aynu u babbacdhignaa.
  1. Waxa uu Qur’aanku si guud u sheegay in Mu’miniintu xigto isu yihiin, oo wanaaggana ay isfaraan xumahana iska reebaan. Waxa soojiidashada lehi waa qaabka uu Qur’aanku xaqiiqadaa uga hadlay. Marka ragga ayaa uu gooni u soo qaatay, marna dumarka. In labaduba hayaan hawlqabad bulsheed ayaa uu caddeeyay. (وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ). Waxa iswayddiinta mudani waxa weeye, maxaa ka wanaag-farid badan in siyaasadda la wanaajiyo, hoggaanka la waanaajiyo, caddaaladdana la faafiyo? Maxaa se ka xumaan-reebid badan in musuqa lala dagaalamo, kelitaliska la joojiyo, caddaalad-darradana la wiiqo? Waxba. Dee haddaba siyaasad iyo hoggaan marka la leeyahay miyaanu ahayn wanaag (caddaalad iyo maamulwanaag) la isfarayo iyo xumaan (caddaalad-darro iyo musuq) la iska reebayo; oo weliba qaabka la isu farayo, la isaga reebayaa yahay qaab ‘i tus oo i taabsii’ ah? Ilaahayba wanaagfaristaa iyo xumaanreebistaa xadkeedu aanu geedkan muuqda ahayn gaar uguma uu yeelin ragga oo waa kaa labadaba si siman u xusay e, haddii la dhaho dumarku siyaasadda- iyo hoggaan-wanaajinta kama qaybqaadan karaan, miyaanay ka dhignayn iyada oo laga weecday astaamahaa qurxoon ee Eebbe siiyay ragga iyo dumarka Mu’miniinta ah?!

Xadiiskan iyo Xadiisyada kale

Markan waxa aynu u golaynaynaa xadiiskan iyo xadiisyada badan ee kale ee isla qodobkan si uun xidhiidhka ula leh.

  1. Dad badan ayaa xadiiskan sababayn saartay. Waxa ay dhaheen sababta ay u dumayaan dawladdii ay talo ka qabato gabadhi, waa in, dabeecad ahaan, gabadhu caqli ahaan ka hoosaysoo ragga! Waxa Nebigu xusay in ragga iyo dumarku isu dhigmaan; (النساء شقائق الرجال). Ragga iyo dumarkii isu dhigmayey midkood in uu ka caqli badan yahay kan kale ma wada socon karaan. Saw loo arki kari maayo in raggu ka riixanayaan talada dumarka, dabadeedna ay dacaayado u abuurayaan?!
  1. Haddii dumarka caqli-darro haysa darteed aan talo loo wayddiinayn, maxaa uu Nebigu u qaatay taladii Ummu Salamah maalintii Xudaybiya? Nebiga ayaa faray asxaabta in ay negaadaan, neefafka qalaan, timahana xiirtaan. Cidiba waa ka hoosqaadi waydey; oo amarkaa waa la fulin waayay. Amar Nebi oo asxaabtu fulin waayeen waxa uu yeelan lahaa cawaaqibxumadiisa. Waxa asxaabta ka badbaadisay arrintaa xaaskii Nebiga ee Ummu Salamah. Marka Nebigii, oo waxa dhacay ka niyadjabsani, u soo galay Ummu Salamah ee sida wax jiran u sheegay ayaa ay talo keentay. Waa talo aanu keeni lahayn qof caqli yari. Waxa ay tidhi: dadka ha u sheegin waxa ay samayn lahaayeen e, tus oo indhahooda oo shan iyo toban ah neefka biree adigu, timahana xiiro. Sidii ayaa uu sameeyay. Dabadeedna waa tii dadkii oo dhami inta ay isdejiyeen ay ku daydeen. Sidaas ayaa haweenaydaasi u noqotay shinbir loo soo diray. Waxa ay muujinaysaa sidaa dhega-fudaydka ah ee Nebigu u qaatay talada Ummu Salamah, sida Ibn Xajarba yidhi, in ay ahayd gabadh caqli badan oo talo toosan. Caano ka dhan!
  1. Nebigu waxa uu dadka faray, isaga oo muujinaya muhiimadda ay leedahay in isdhexyaaca laga fogaado, in saddexdii qofiba ay doortaan qof talada u haya; (إِذَا كُنْتُمْ ثَلاثَةً فِي سَفَر فَأَمِّرُوا عَلَيْكُمْ أَحَدَكُمْ). Xeeldheeri weeye ka maragkacaysa sida muhiim uu u yahay in dadku yeeshaan madax iyo mijo aan talinta u sinnayn, talada ha la wadaagaba e. Xadiisku, sida muuqataba, ma caddayn jinsiga dadkaa israacaya iyo kan loo dhiibayo xilkaba. Dawladdu waa sida safarkaa oo kale. Haddii aanay muhiim ahayn jinsiga cidda safar hogaaminaysaa, maxaa looga baahanayaa in waqti lagu lumiyo jinsiga cidda hoggaamiye ummadeed noqonaysa?!

Xadiiskan iyo Waaqaca: Taariikhda iyo Taagantaba

Sida aan qiyaasayo, dhibta u weyni waxa ay soo baxaysaa marka baallasha taariikhda iyo la eego waaqica maanta.

  1. Cumar bin Khaddaab waxa uu xil u dhigma wasiirka ganacsiga ee casrigan u magacaabay Shaqaa bintu Cabdillaahi. Ina Khaddaab xadiiskaa miyaanu maqal, mise arrimo ay ka mid yihiin kuwa aynu kor ku soo xusnay ayaa uu hayey? Midda kale taariikhdu ma werin in haweenaydaasi ku fashilantay xilkaa loo dhiibtay. Ka sitee!
  1. Waa laga yaabaa in la dhaho, Cumar waxa uu magacaabay wasiir e xadiiskani waxa uu ka hadlayaa heer madaxweyne ama hoggaanka u sarreeya ee dal. Hagaag. Bal hadda kuwanna eeg:
    a. Golda Meir (1898-1978) waxa ay hoggaamisay, oo ay buur dheer kala baxday, dawladda markaa uun unkamaysey ee Israa’iil oo 1969 ka dhigtay ra’iisalwasaare. Liibaan ay ka sheegtaan ma ogi e, halaag ku habsadey ma uu jirin.
    b. Indira Gandhi (1917-1984) waxa ay madax u noqotay dal ay ku nool yihiin dadyaw kala asal iyo diin duwan. Waxaanay taariikhda ku gashay in ay Hindiya ku soo dabbaashay jidkii Aabbaheed ka dhintay markii ay xilka ra’iisalwasaare qabatay 1966. Hoog ay Hindiya kaga hagoogatay ma ogi e, mid ay u horseedday taariikhdu ma ay diiwaangelin.
    c. Margaret Thatcher (1925-2013) waxa ay dalka Ingiriiska u noqotay ra’iisalwasaare awood leh. Markii waxqabadkeeda la majeertay waxa uu sababay in xilka dib loogu doorto saddex jeer oo isku xiga. Bal ka sitee! Halaagga siyaasadeed ee dumarka lala xidhiidhiyay haddii wax ka jiraan saw markii kowaadba la iskama qabteen ‘qumayada?’Xilligan aan qoraalkan qorayo (Oct., 2016) waxa dunida ka jira tiraba 25 dal oo dumar talada u hayo, ayna ugu caansan yihiin waddanka Jarmalka oo ilaa iyo 2005 ay hoggaan u ahayd marwada kartida badan ee Angela Markel iyo Therasa May oo Ingiriiska ra’iisalwasaare u ahayd tan iyo bishii toddobaad ee 2016. Jarmalku liibaanta adduunyo iyo siyaasadeed ee uu gaadhay waa la yaqaannaa intaa ay haysey talada marwo Markel. Sida oo kalana loo cabsan maayo Ingiriiska maaddaama ay haweenay qabatay xilka. Waxa kale oo xusid mudan dalka Koonfurta Kuuriya oo horumarka u badan ee Aasiyada madaxa la soo kacaysa tusaale u ah waxa taladiisu ka go’daa haweenayda Park Geun-hye. Markaa waxa furdaamin inooga baahan: maxay u hoogi waayen waddamadani? Liibaanta xadiisku ka hadlayaa ileen ma aha mid diin la xidhiidha, oo sida Abi Bakar weriyay cidda laga hadlayey waa boqortooyadii Faaris oo aan Islaam ahayn, oo siyaasad uun weeyaan e yaa ka liibaan badan xagga siyaasadda waddamadaa?

    In yar hako. Waxa aad akhridaa bal taariikhda Faadima Al-Fihri iyo walaasheed Maryam. Waxa aad u fiirsataa sumcadda ay Faadima Al-Fihri ku leedahay taariikhda oo dhan ka dib marka la xaqiijiyay in ay dhistay jaamacadda dunida ugu guunsan, Qarawiyyin, ee ku taalla magaalada Fes ee dalka Marooko, gu’gii 859—xilligaa oo ragga Muslimiinta ahi ku hawllanaayeen fidinta awooddooda siyaasadeed iyaga oo wata shaadhka Dawladdii Cabbaasiyiinta. Waxa jaamacaddaa ku yaalla dhigaal-oolka (library) ugu guunsan dunida, oo bishii shanaad ee gu’gan 2016 dib lo furay. Walaasheed, Maryam, waxa ay iyaduna dhistay masaajidka Al-Andalus, oo isla magaaladaa ku yaalla; sidaana waxa ay ku dhagaxdhigeen dumar masjid dhisa. Tayadaa iyo kartidaa ay lahaayeen hablahaa walaalaha ah ee noolaa xilliga sidaa u durugsan, kaalintaa muuqata ee maanta dunidu dambarsanaysana ka tegay, haddii laga soo qaado waxba-kama-jiraan saw adhaxjab ma aha? Bal qiimee adiguba waxqabadkaa weyn ee bulsheed, oo sawiro waxa dhici lahaa haddii dadka xilligaa noolaa dumarka ku hayn lahaayeen guryaha, maanta kayd-taariikheedkaa ah ‘Jaamacadda iyo Dhigaal-oolka ugu Qadiimsan Dunida,’ Muslimiinta saw kama wareegeen?!

  1. Dadka qaar ayaa sheega in sababta dumarka talada looga ilaalinayaa tahay maaddaama aanay ahayn dad doodi kara oo badheedhahooda dhiiban kara; oo habrasho ku jirto. Waxa ay la soo boodaan, marka la wayddiiyo caddayn, aayad dabago’an oo ku jirta suuradda Sukhruf. Waa aayadda ah: (أَوَمَن يُنَشَّأُ فِي الْحِلْيَةِ وَهُوَ فِي الْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ). Dumarku waa dad koolkoolin lagu soo koriyay, oo aan dood-dhiibashoodu caddayn. Hadalkaa waxa ay ka dhigaan in Alle yidhi. Aayaddani waa ta 18aad ee suuraddaa. Eebbe waxa uu aayadahan (17-18) kaga warramayaa sida uu noqon jiray qofka reer Quraysh ah ee loo sheego in loo ummulay gabadh. Inta uu weji-madoobaado ayaa uu dacayda laalaadin jiray. Markaas ayaa uu odhan jiray: waar ma waxa la ii ummulay qof koolkoolin uun iiga baahan, hadhawna aan eray dood ah isku toosin karin! Labada aayadood sidan ayaa ay u dhacayaan:
    وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحْمَٰنِ مَثَلًا ظَلَّ وَجْهُهُ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ (17) أَوَمَن يُنَشَّأُ فِي الْحِلْيَةِ وَهُوَ فِي الْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ (18)
    Eebbe inta uu ka soo sheekeeyay in gaaladu ay Ilaahay dheddiggii u nisbeeyeen, iyaguna labkii isu nisbeeyeen; ayaa uu haddana xusay in marka loo sheego in uu u dhashay isla wixii ay Ilaahay u nisbaynayeen (dheddiggii) uu xanaaqayo oo uu niyadjab ka muujinayo in dheddig loo ummulay.Qur’aanka waxa ka buuxa hadallo sheeko ahaan uu Eebbe u soo werinayo oo laga dhigo in ay yihiin mawfiq Alle qaatay. Waxa ka mid ah sheekada Nebi Yuusuf erayo ku jira. Haweenaydii uu qabay Odaygu marka ay hunguriyayso Nebi Yuusuf, waa ta baacsanaysa; albaabka marka ay soo gaadhaan iyada oo shaadhkiisii xagga danbe ka dillaacisay, waa ta masabidaysa ee ku eedaynaysa in uu iyada hunguriyeeyey; marka ergada la diro ee la xaqiijiyo in iyadu gardarnayd, waa ka Odaygu Nebi Yuusuf raalligelinaya ee xaaskiisana ku odhanaya: Wallee! sirtiinna lagama salgaadhayo! Marka uu arko khamiiskii oo xagga danbe ka jeexan, ayaa uu gabadhii ku odhanayaa: (إِنَّهُ مِن كَيْدِكُنَّ ۖ إِنَّ كَيْدَكُنَّ عَظِيمٌ) – [Waxan oo kale] waa dhagartiinna [aad maleegtaan], dhagartiinnuna waa mid weyn. Hadalkaa waxa yidhi Odaygii gabadha qabay. Ilaahayna sheeko ahaan ayaa uu u soo weriyay, si la mid ah sida uu u soo weriyay hadalka haweenayda ee ahaa: (مَا جَزَاءُ مَنْ أَرَادَ بِأَهْلِكَ سُوءًا إِلَّا أَن يُسْجَنَ أَوْ عَذَابٌ أَلِيمٌ) – Qofka ehelkaagii kuu dabamaray wax aan jeel ama cadaab kulul ahayn miyaad ku abaalmarin lahayd! Hadalkan Ilaahay ma odhan, oo ma uu eedayn Nebi Yuusuf e, keliyaata waxa uu soo werinayey sheeko ahaan hadalkii gabadha.

    Sidaas oo kale ayaa hadalka ku jiray aayaddaa 18aad ee suuradda Sukhruf uu u yahay sheeko werin ah oo laga werinayo sida ay uga falcelinayeen dadkaasi marka uu u dhasho cunug gabadh ahi. Waayo, haddii gabadhu run ahaan tahay mid abuurkeeduba yahay in aanay dood dhiiban karin, waa in laga shakiyo jinsiga Dr. Muna Sharmaan oo sida ay badda Soomaaliya ugu doodaysay ay u bogeen dad badan oo, malahayga, ay ku jiraan xataa dad aaminsan in dumarku aanay dood dhiiban karin!

Gebagebadii, marka aynu qodobbadaa isla soo eegnay, waxa akhristaha Soomaaliga ah ee qoraalkan soo gaadhay dhammaadkiisa laga filanayaa in uu inta gooni u baxo isla faqo, oo qiimayn ku sameeyo fahanka uu ka haysto haweenka iyo kaalinkooda siyaasadeed iyo bulsheed. Waayo, qoraalkani waxa uu ahaa uun in aan idinla wadaago waxa ii soo baxay marka aan ku hakaday, baadhayna, mawduucan.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s