Qoomamaa Xigi!

Waxa aan akhristay maqaal ka kooban 17 bog oo A4 ah. Waxa qoray  wadaadka reer Sacuudi ee Caa’id bin Sacad Al-dasari. Waxa uu cinwaan uga dhigay, “Caqliyadeenna Duqayn baa ku Socota!Waxa iskaaya baray maqaalka buugga Shuftada Alladiidka ee uu qoray Cabdillaahi bin Saalax, oo isagana aan maalin dhawayd akhriyay. Waxa uu sheekhu sida fiinta uga qaylinayey wax uu u arkayey belaayo feker iyo daad dhaqandoorsoon oo ku soo fatahay waddamada Muslimiintu u badan tahay, ee dalkiisu ka midka yahay. Waa tashuushka feker ee Alla-diidnimada (Atheism/Ilxaad). Waa salfalsafadeedka xawaaraha ilayska ugu dhex faafaya bulshooyinka Galbeedka, xawaaraha diinkana ugu soo dhexgelaya bulshooyinka Muslimiinta ah. Waxa uu wadaadkaasi ka niyadjabsan yahay in la iska yaraystay dhumucda balaayadaas, oo farabaas ku haysa dhallinyarrada u banbaxday, ee la saaxiibtay, agabyada internetka.

Maqaalka waxa uu ku bilaabayaa sheeko kooban oo dhex martay isaga iyo wiil dhallinyar ah. Wiilku waxa uu la yeeshay ballan, isaga oo—sida uu wadaadku werinayo—naxnaxsan, ayna ka muuqato in ay wax gubayaan. Wiilkii ayaa ay xilligii ballanta kulmeen, iswaraysteenna. Waxa uu wiilku ahaa, ayaa uu leeyahay wadaadku, mid aad isu dhawraya oo ka feejigan erayada uu adeegsanayo. Waxa uuna si taxaddir badani ka muuqdo ugu yidhi wadaadkii: waxa jira walaalaha qaar [aan saaxiibbo nahay] oo ay fekerro badani tashuush ku fureen, waxyaabo ku soo dhacaana ay degganaanshaha ka qaadeen; xalna waa ay u la’yihiin. Markaas ayaa uu dabada uga galay mas’alooyin xidhiidh la leh Jiritaanka Weyn, iirtaanka Eebbe, oo uu u soo bandhigay si ay u falanqeeyaan. Waxa uu wadaadku xusayaa markii uu arrimihii ka shaafiyay, in wiilkii muujiyay muusood iyo weji farxadi ka muuqato oo sheegaysa—sida wadaadku xusay—in wayddiimuhu ay xaggiisa ka yimaaddeen e aanay ahayn kuwo saaxiibbadii uu ka siday. Sheekadaa marka uu ka gudbo, ayaa uu Caa’id sheegayaa in uu danayn badan sii siiyay saabsanahan, una arkay mawduuc mudan in la sii dabagalo.

Waxa uu maqaalkiisa ku dhex xusayaa in caqliyada dhallinyartii Muslimiinta ahayd ay ku socoto duqayn baaxad lehi. Duqayntaa, oo sida Caa’id u arko, aan looga horrayn la-macaamilka internetka. Waxa dhallinyartii helaysaa buugaag, muuqaallo iyo barkulanno lagu faafinayo fekerro kale, oo waxaaba jirta, sida uu Caa’id soo guurinayo (b7), sahanno tusinaya in 90% dhallinyarradu internetka kala kulmaan tashuush diimeed iyo mid siyaasadeedba.

Loollankaa iyo duqayntaa feker ee ku socda Muslimiinta xooggoodii dayacnaa, dhallinyarradii, waxa uu Caa’id u arkaa in ay sida ay maanta tahay ku noqotay isdhigasho iyo fududaysasho ay isdhigteen fududaysteenna dadkii ay ahayd in ay wacyigelin sameeyaan. Ileen, sida Timacadde yidhi, miiraalaha hortiibaa guryaha layska moosaaye, daadkaa waa aan la iska moosin, ayaa uu Caa’id qabaa. Waxa uu fekerradaa si dadban ugu leeyahay Caa’id, “haddaan badhkay kugu jirin imaad jarteen!”

Aragtida Alladiidku waxa ay ku fidaysey dunida tan iyo xilli hore oo dib inoogu celinaya qarnigii 18aad. Hasayeeshee waxa faafiddeedu gaadhay heer aan indhaha laga qarsan karin labadii qarni ee u danbeeyay. In kasta oo tartan tiro jiro, oo meelaha qaar buunbuunin badan la sameeyo, haddana waxa aan been ahayn in boqolkii qof ee dunida lugaynayaba, 13 qof ay dafirsan yihiin jiritaanka Eebbe![1] Tani waxa ay ka dhigan tahay in celcelis ahaan 90 milyan oo qof ay ‘Alladiid badheedhsan – convinced Atheists’ yihiin. Faafidda xawligaa ku socotaa waxa ay sidii daadkii Xaabaale u soo gashay dalalka Muslimiintu ku badan yihiin. Werwerka ka muuqda maqaalka Caa’id ayaa inoo muujinaya in masiibadan feker aanay ahayn mid saleelo ah.

Tirakoobyada tibaaxaya in Alladiidku ku soo kordhayo gudaha dalalka Carbeed, waa kuwo xambaarsan naxdin. Sacuudiga, oo lagu tiriyo dalalka ugu ad-adag shareecada uuna qoraa Caa’id ka soo jeedo, waxa ku nool 5% oo Alladiid ah.[2] Waxa aad xog dheeraad ah ka sii heli kartaa, waloow aad u baahanaysid in aad indho shaandho wata ku akhridid, buugga uu qoray Brian Whitaker ee Arabs without God: Atheism and Freedom of Believe in the Middle East (2015).

Soomaali ahaan waxa aynu taagannahay halkii ay taagnaayeen bulshooyinka uu Caa’id la yaabban yahay ee u haystay in Alladiidku aanu soo geli karin ardaagooda; balse, si ka duwan sidii ay niyaysteen, inta uu soo galay ilaa daaradda socday. Waxa innagu badan isdhigashada iyo fududaysashada. Waxa aynu wax kasta ka eegnaa meel, haba wanaagsanaato bilawga e, eesha ay ka tagtaa adhaxda ina jebiso. ‘Waa wax caadi ah,’ ‘waar waa saleelo,’ ‘ilaalo Alle ayaynu ku jirnaayoo waxaasi innaguma soo dhacayaan,’ iyo weedho ay ka muuqato dammaanaqaad bilaa saxeex ah ayaa aynu isku suuxinnaa sidii oo aynu nahay reer Banii Israa’iishii Qur’aanku sheegay in ay isku tiriyeen ubadkii Eebbe, dabadeedna ay yidhaahdeen: Annaga wax belo ahi naguma dhacayso, aakhirkiina lagu beeniyay liilalawdii ay daarteen iyo daroogadii ay isku maan- iyo muruq-dooriyeenba. Waxa qoraalkan koobani isku deyayaa in uu muujiyo in arrintan Alladiidku aanay ahayn mid u qalanta in laga aamuso, ee ay sidaa Carabta ay u duqaysay ay Soomaalideennana ay u duqayn karto. Inta aanu miiraaluhu, wuuba da’ay e, fatihinna ay tahay in guryaha la iska mooso.

Waxa qaabdhismeedka bulshadeenna ka mid noqday, oo si weyn ugu dhex milmay, dhaqanno leh astaamihii dadku ku irdhoobi lahaayeen, duqayntuna u galaafan lahayd. God-daloolka u weyn waxa aynu arkaynaa marka aynu jalleecno sida dadkeennu ka ahaayeen barashada diinta, iyo xoojinta aaminaadda iyo fahanka wada socda. Waxa aynu eedda u weyn saari karnaa malcaamadaha oo, sida aynu qoraal kale ku xusnay[3], noqday goobo halkii ay gurmad ka noqon lahaayeen iyagii u baahday gurmad. Waxa dugsiqur’aanka markii hore haystay wadaaddo aan aqoon badan u lahayn waxan ay dadka barayaan, waxaana ka dabayimi kuwo ka aqoon badan, kana shar badan! Erayga ‘“Raddin” ayaana erayadii la adeegsan jiray ku soo biiray. “Sheekh hebel baa maanta loo ballansan yahay sidii uu u raddin lahaa sheekh hebel ama koox heblaayo,” ayaa[na] noqday warka u weyn ee la isla dhex maro.’ Halkii laga bari lahaa ardayda nuxurka Qur’aanka ayaa waqti badan lagaga lumiyay sidii loo qaybsiin lahaa xarfo loogu sheegay in midkii kasta ay musqaayad Rabbaani ah ku helayaan. Waxaana tani tayabeel aan laga soo waaqsan ku ridday wixii ardaygu baranayey. Waxa, dhanka kale, abuurmay dhaqan xidhxidhan oo ardayga la tuso diirad keli ah, iyo hal dhinac oo ka mid ah sawirka weyn ee jira. Waxa weligii lagu shubtay in sida sheekh hebel qabaa tahay sida diintu qabto. Waxa ardaygii loo simay Qur’aankii iyo ciddii Qur’aanka fasiraysey; xadiiskii iyo ciddii sharrax saartay; diintii iyo daacigii, dabadeedna waxa cid kasta oo aan hore u haysan la siiyay xasaanad iyo xadhig aan la dhaafi karin. Waxa samaysmay caqliyad iskooxaysi oo ciddii wadaadkii la boqray siduu wax u yidhi qaab ka duwan wax u sheegtaba lagu dhejiyo shaanbado aan qalalin oo bidcannimo u yar tahay, gaalaysiintuna aanay wax ku ahayn. Dabadeedna waxa dhacay, sida Cali Ileeyaba qiray, ‘Qiyaamihii Diinta!’[4]

Qof sidaa u cabudhsan oo laga buuxiyay nacaybka kooxaha kale, iyo muqaddasnimada sheekh hebel, loona tusay in uu keligii saxan yahay oo cid la tartantaaba aanay jirin, maxaad ka filan kartaa in uu samaynayo marka uu la kulmo dad iyaguna gaarkooda muqaddas ka dhigay sheekh kale iyo koox kale? Haddii aan kuu soo weriyo in ay jiraan noole shinbiro la yidhaahdo, oo saddex lugood leh, oo aad sidaa igu rumaysatid, berri-kamaalinna aad aragtid shinbir labo lugood leh, maxaad samayn? Waa labo midkood uun. In aad aniga iyo fasir kasta oo aan ku siiyay beri aad tuuryaysid, ama in aad dafirtid xaqiiqadan hortaada taalla ee ku leh: waxani waa shinbir labo lugoodna waa ay leedahay; sidaana aad u dabbaqdid waxa uu Sigmund Freud ku sheegay “isdifaacidda dafiridda ku dhisan – denial defence mechanism.” Laba-gooraalaba, uqaadanwaa ayaa ku hurran. Sidaas oo kale, qofka weligii lagu soo akhriyay in sheekh hebel iyo koox heblaayo saxan tahay, keligeedna jirto, hadalkeeduna—aan adeegsado erayadooda e—raajix yahay, marka uu la falgalo dunida kale, ileen weligii kuma hoos dabranaanayo sheekhan e, waxa ay u badan tahay in uu arradnaan feker dareemo. Si uu u arradbaxana, waa in uu lebbis cusub raadsadaa.

Dhanka kale, ‘[d]haqanka soomaalida ee hore waxa uu isna runtii ku leeyahay kaalin aan la yaraysn karin baadiyawga dhallinta maanta. Waxa aynu lahayn, soomaali ahaan, dhaqan iyo caado aynu gaadhsiinnay heer ka tegistiisa ay ka dhalanayso cadho Eebbe; Caado la jaraa, cadho Allay leedahay!’[5] Dhab ahaanna dhaqankeennu sidaa uma uu ahayn nadiif. Waxa ka buuxay quudhsi iyo xumo u badan sida wanaaggiisuba u badnaa. Balse ubadka laguma soo korin in dhaqankoodu samana leeyahay, sida dhaqannada kale ee dunidaba, in tuuris ahna uu leeyahay. Lama-taabtaankaa laga dhigay dhaqanku waxa uu isaguna qaadhaan fiican ku darsaday baaxaadegga feker ee soo wajahay dhallinyarradii tagtay debadaha dalka, oo soo arkay wax laga qarinayey, ama cidda wax u sheegaysay aanay warba u hayn, oo meelo badan kaga wanaagsan koodii. Ku-mintidka reernimada iyo in qabiilku mar kasta saxsan yahay oo lagu soo shubay ayaa dhallinyarrada ku furtay, ayaa lagu doodi karaa, albaabbada uu Caa’id bin Sacad Al-dasari ku sheegay duqayn ku socoto caqliyada.

Alladiidku waa shaacsane (phenomenon) aan sida ay iyagu Alle u dafireen loo dafiri karin! Wadaaddadii dalka gudahiisa joogay waxa ay waqtiga u badan ku lumiyaan, iyaga oo rumaysan in waqtiga la iska xisaabin doono maalinta Aakhiro, mawduucyo aan u qalmin in sidaa xoogga loo sii saaro. Maxaa xalaal ah; maxaa xaaraan ah; diintu maxay ka qabtaa in aan surwaal gashado; in aan dhegta dahaba sudhaa ma xaaraan baa; ookiyaalaha aragga iga caawinayaa maxay diintu ka qabataa sidashadooda; dhuusadu waysada ma jebisaa; malqacad wax ma ku cuni karaa; bidixda koob biyo ah ma ku qabsan karaa; markaan soconayo diintu lugtee ayaa ay i fartay in aan horraysiiyo; gadhka ma qorqori karaa; sheelad ma ku soo bixi karaa; gabadh/nin ma gacanqaadi karaa; kubbad ma ciyaari karaa; sacabka ma tumi karnaa; iyo wayddiimo sida Daacish ficilladeeda u argagax badan ayaa ay dadku wayddiiyaan, wadaaddaduna ku raaxaystaan in ay ka jawaabaan. Waxaa qosol murugo kaa keentay aad isku arkaysaa marka aad akhridid buuggaالغثاء الأحوى في لم طرائف وغرائب الفتوى ee uu qoray Axmed Cabdiraxmaan. Waxa uu buugga ku soo ururiyay sida la-yaabka leh ee ay isu beddeleen fatwooyinka ay soo saareen wadaaddada Muslimiinta ahi intii muddo ahayd. Wax xaaraan ahaa oo in yar ka dib la xalaaleeyay, ayaa aad buugga ka dheehanaysaa. Waxa mudan in lagu hakadaa waa in waxaas oo fatwo ah aanay ku jirin mid wax hore xalaal u ahaa xaaraan ka dhigaysa! Waxa tani kuu muujinaysaa in sida ay doonaan ay ka yeelaan wadaaddada badankood fahanka diinta, oo markaa ay ula kacaan jihada ay jantaan. Tanina waxa ay xaabada ku sii kordhinaysaa dabka weyn ee ka holcaya qalbiga dhallinyarrada Muslimka ah ee garanla’ waxa qumman, waxa aanay dawakhaaddaas aanu kasban ku simi karnaa in uu ka aagbeddesho diinta looga dhigay in ay shaqo ka dhigato waxa muuqda ee aan marna hawl gelinayn reerkan soo degay, reerka daba yaal!

Weli ma arag wadaaddo si qumman ugu banbaxay in ay ka digaan, oo ugu yaraan ka wacyigeliyaan bulshada iyaga oo aqoon ku hubaynaya, shaacsanayaasha uu Alladiidku ka midka yahay.[6]

Maaddaama maqaalkan looga danlahaa in la isku baraarujiyo arrintan, dadka wacyigelinta shaqada ka dhigtayna uu u soojeedinayey in ay halkan saami ka siiyaan waxsheeggooda, waxa aynu ku soo dhawaanaynaa wixii aynu haynno talo.

  1. Waa in la oggolaado cusboonaysiinta fahannada duugoobay, badhkoodna xarku galay, ee diinta laga haysto. Sida aynu hore ugu baaqnayna, “[m]aalinkaa maanta ah wax ay ummadda Muslimka ahi uga baahi badan tahay isbeddel diimeed oo dhanka fahanka ahi ma jiro.”[7] Waa in la ogaado, sida Ibraahiin Al-khouli yidhi, in “kutubka fiqhigu” yihiin ”dedaal aadame oo ku kooban aqoonta xilligoodii.” Waa in dadka aan looga dhigin in fasirka iyo fighigu yihiin kuwo leh muqaddasnimada uu haysto Qur’aanka Eebbe. Waa in dadkii hore loo daayaa iilka ha ku ledaan e, innagana la inoo daayaa adduunka aynu ku ledno e! Waayo, sida Ibn Khalduunba kaga reebay, “Raacidda indhaha la’ ee la raaco caadooyinkii hore kama dhigna in kuwii dhintay sooo noolaadeen, ee [waxa ay ka dhigan tahay in] kuwa nooli dhinteen!
  2. Waa in malcaamadaheenna laga yeeshaa siyaasad cad, oo xakamaynaysa waxa ay tahay in uu dhigto ardaygu intaa uu ku jiro malcaamadda, (i.e. manhaj waa in loo sameeyo). Tan waxa lagu gaadhi karaa waalidka oo ku baraaruga in meesha looga soo dhacay tahay malcaamadda, sidaa darteedna ay culays ku saaraan sidii ubadkooda aan lagu hayn xeraysyo u qaab-eg Qolalkii Gaasta ee Naasigii Hitler, oo ilmaha caqli ahaan lagu labadiblaynayo.
  3. Wadaaddadu waa in ay Eebbe ha ka dhawrsadaan, oo ay dadka ka xishoodaan, nafahoodana ay ixtiraamaan. Haddii intaa laga helo, waxa laga ammaanheli lahaa adyadda iyo amarkutaaglaynta uu wadaadku isa-siiyay fahankii diinta. Waxaana yaraan lahaa dadka dartood uga fadkudinaya meelo daran.
  4. Iskooxaysiga dhaqan ee ku beeran abtirsinta iyo casharrada reereed ee ardayga guriga loogu dhigo waa in la yareeyaa, haddii aan la joojinayn.
  5. Qof kasta oo qoraalkan akhrisanaya waxa aan kula talinayaa in uu wax baadho, wax akhriyo—wax kasta—oo aanu ka cabsan wax-ogaanshaha iyo wax-iswayddiinta. Faduuli feker noqo. Feker gaar ahna ha ku dul banjarin e, baadhitaankaaga ballaadhi oo gaadh meesha u fog ee aad gaadhi kartid. Maskaxdaadana ku tababbar in ay si madaxbannaan u fekerto—ka madaxbannaan wax kasta! Waayo, fekerka xorta ahi waxa uu kugu simayaa ciddii xorriyadda abuurtay; Eebbe. Diintaada qof marti ha uga noqon; oo ha u dabafadhiisan e, si iskaa ah u baadho, u baro, una fahan.
  6. Doodaha Alladiidka iyo burintooda, waa wax dhici kara e, waa in loo qalab-urursadaa. Gudaha deegaankeennana, sida meel kasta looga hadalhayo Sacuudigu tallaabada uu qaado, ama Shiico aan arladaba joogin e Sacuudiga ay isku yara dhaceen, waa in mawduucanna loo keenaa, oo dadka la baraa waxani waxa uu yahay, iyo sida la iskaga caabbin karo.
  7. Dhallinyarrada u baxda debedaha, ee kansho u hesha in ay soo neefsadaan hawo aqoomeed oo ku yar gudaha dhulkeenna, waxa la gudboon in ay sida ugu togan uga faa’idaystaan e aanay xanjo meel ku dhegsan; oo aanay xagxunjir noqon, una dabranaan feker gaar ah.
  8. Waa in bulshada lagu dhex faafiyo ruuxda nabadda, isjeclaanshaha iyo Alla-yeelka ah, si loo abuuro hir lid ku ah midkan Alla-diidka.
  9. Waa in lagu dedaalo sidii Ilaahay loo baran lahaa. Weedhani malaha waa kugu kedis! Waa gartaa. Eebbe waxa uu u qalmaa in, haddii aad rumaysan tahay, aad baratid. Su’aal kasta oo aad iska wayddiisid, maangalna ah, waxa aan kuu hubaa in jawaab ay leedahay; hore u heshayaa, ama gadaal ka ogaatayaaba.
  10. Haddii aad rumaysan tahay jiritaanka Eebbe, tashuush kasta oo kugu furma waxa aad rumaysataa in aad u helaysid tashuush-bi’iye le’eg. Dedaal iyo isdhiibidla’aan ayaa kaa xigta.

Haddii kale, qoomamaa xigi!

_______________________________

[1] Fiiri, “The World Fact Book: Religions”. World Fact Book. Retrieved 8 June 2013.

[2] WIN/Gallup International poll (2012).

[3] Guudcadde (2015), “Soogelooti: Fekred iyo Falsafad.”

[4] Cali Ileeye waxa uu maansadiisa Qareennadu Waagu Diray ku yidhi:
Qiyaamaha diinta helay
Waxaa qabri weyn ku riday,
Qur’aanka naskiisa iyo,
Markaan qof tafsiiray simay.
Wuxuu Abu Hebel qabaa,
Xadiiskuu qaybsan yahay,
Qudduunka siduu u yahay,
In uu isna qaali yahay.

Waxa cad in dhibta u weyn ee uu Ileeye qeexayaa tahay midda run ahaan gudaha geyigeenna ka jirta, maqaalkanina uu la qabo, ee soo baxday markii hadalka sheekh beri wax fahmay la siiyay muqaddasnimadii uu lahaa Qur’aanka iyo xadiiska uu fahmay!

[5] Guudcadde, “Soogelooti.”

[6] Halkan waxa ceeb noqonaysa in aan ka tago xusidda Sh. Mustafe X Ismaaciil Haarun oo dhawr jeer dedaal geliyay sidii uu arrintan ugala hadli lahaa bulshada Soomaalida ah, isaga oo muujiyey in uu dareemay in shaacsanahani halis ku hayo dadkeenna qurbaha jooga; waloow, waa aadame ileen e, aanu weli uga hadlin qaab aad u cusub oo taabanaya xeeladaha iyo doodaha cusub ee ay u wareegeen Alladiidka cusubi. Tanina waa mid ay mas’uuliyaddeeda leeyahay waalidku, oo waa wax u baahan in dugsiyada lagu barto, sayniskan laga soo qaadanayo waxyaabaha duugga ahna ay tahay in laga dhigo mid ardayga u furaya aragtiyaha Alladiidka ah ee ka dhex kalluumaysanaya sayniska si ay u gaadhaan yoolkooda.

[7] Guudcadde (2015), “Cusboonaysiinta Aqoonta Diinta.”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s