Dagaal Dahsoon: Xogta iyo Xooggeeda!

In aad wax ogaatidiyo;  
War baa ugu oon kulul e!

Warka iyo xogtu waxa uu ahaa hub la fahmay in uu ka halis badan yahay rasaasta iyo baaruudda. Waa hub dunidu si wacan u adeegsatay dagaalkii (1914-18) iyo midkii (1939-45) in ka badan inta ay adeegsatay gantaalaha iyo bambooyinka. Waa isla hub maanta si xawli ah dalalka fahansani u afaystaan.

Waxa dunida ka socda dagaal afka ah iyo weerarro xog la isku tooganayo. Dacaayadda (propaganda), ayaa noqotay qaabka ugu caqiibsan ee hubkan loo adeegsan karo. Waxa weerarkani bilaabmaa marka cid gaar ahi damacdo in ay sumcadda iyo ka disho taageerrada cid kale oo ay is-hayaan. Labo hab ayaa la adeegsan karaa. In dacaayado badan laga faafiyo iyo in warar iyo xogo lagu hafiyo. Haddii maanta lagaa qabsado warbaahinta oo halkaa laguu soo fadhiisto, adiga suuqa waa lagaa saari karaa, ciddaa lidka kugu ahna suuqa waa la soo gelin karaa. Labadaa shaqo ayaa isku mar la samaynayaa.

Kama maqna tabo kasmanafeedsani (psychological tactics), oo waxaaba loo tixgeliyaa dagaalka jaadkan ahi in uu yahay dirir kasmafeed (psychological warfare). Qaababka dagaalkan kasmanafeedsan lagu galo waxa weli aan ka maqnayn dacaayaddii, beenfariimadka (false flag), iyo wanjalaadda.

Falsafadyahankii reer Faransiis ee Jacques Ellul waxa uu buuggiisa Propaganda: The Formation of Men’s Attitude, kaga hadlay in dacaayadda madhahada ahi (long term propaganda) ay la kawsatay bulshooyinka dimuqraaddiga ah, marka loo eego bulshooyinka shuuciga iyo faashistaha ahaa. Kuwa danbe, ayaa uu Ellul ku dooday, waxa ay xoogga saari jireen dacaayad la cimri ah inta hawlgalku socdo, oo markiiba waa gudhi jirtay, xayaysiis iyo guulwadaynna waa ay u badnayd; balse bulshooyinka dimuqraaddiga ahi waxa ay dhigaan dhagar aan laga soo kaban, eesheedana xilli danbe la dambarsado. Arrintan waxa inoo sii xaqiijinaya sida xirfaddaa ay ula soo kala baxeen awoodihii reer Galbeedka ee ay is-hayeen Midawgii Soofiyeet iyo bahdiisa. Waxa Galbeedku uu dejiyay qorshaha dagaal xogeed oo mahadhadiisu dumisay Midawgii Soofiyeet, ayna dhistay Midawga Yurub, ilaa haddana dabkiisu aanu demin.

Dhanka kale, ayaa uu Ellul ku darayaa, dadyawga noolaa xilligaa ay tamarinaysay awoodda bidixda ayaa uga nuglaa dacaayadaha dawladaha kuwa maanta nool. Qodobkan, sida aan u arko, uma run badna sida uu u qurux badan yahay. Waayo dadka ku hoos noolaa dalalka shuuciyadda iyo faashistuhu haystay, waxa in ay rumaystaan ama hadal ka keeni waayaan dacaayad iyo guulwadayn kasta ku kallifayey cabsi, maaddaama qori caaradii lagu jihaynayey. Waxa wax badani kuu baxayaan marka aad akhridid buugta “1984” iyo “The Animal Farm,” ee uu qoray George Orwell. Walaalka Weyn ee “1984” ku jira iyo doofaarka Naaboliyoon ee “The Animal Farm” ku jiraa sida ay u cabudhsanayaan dadka ku hoos nool ee ay ugu dirqiyayaan in ay duudduub ku liqaan xogaha maamulku fidinayo ayaa tusaale u ah. 2+2 in ay tahay 5 ayaa uu Walaalka Weyni soo dejinayaa, qof kasta oo 4 wadarta ka dhigana waa dil iyo dacas. Sida oo kale doofaar Naaboliyoon waxa uu hindisayaa in beerta lagu soo celiyo xidhiidhkii ay la lahayd aadamaha, si dhaqaalaheeda kor loogu qaado; ciddii diiddana juujuub ayaa loogu qulaaminayaa, haddiiba aan la qudhgoyn. Sidaa ayaa ay ahayd. Qasabkaa ayaa wehelinayey dacaayad kasta. Markaa kal baqata ayaa iska addeeci jirtay xog kasta oo dawladuhu soo saaraan. Markaa si iskood ah bulshooyinku uguma nuglayn dacaayadda e waa loo nuglaysiiyay!

Dagaalka xogeed ee xilligeennani waxa uu wataa xoogag dahsoon oo saamayntooda aan hore loo dareemin. Sidaa Ellul sheegay ayaa sal ah. Waana runtii marka uu buuggiisa ku dhex xusayo in waxbarashadu tahay qaab loo diyaarsado guulwadeeyayaal dacaayadda iyo dagaal xogeedka dhankooda ciidamin ku biiriya. Maantir (brainwash) iyo jihayn jujuub ah ayaa waxbarashada laga dhaxlaa haddii ajandaha manhajkeeda uu ku jiray in fac loo soo saaro faafiya dacaayadaha dawladaha. Sida Afgudhiye ku tixeeyayna, “la xarbiga garaadkaa; naf la jaro ka xeeldheer!” Ma maqashaa siyaasiyiinta oo ardayda dugsiyada/jaamacadaha ku leh, “Mustaqbalkii dalka ayaad tihiin; Dalka ayaad wax u baranaysaan; Dalkiinna u shaqeeya,” iyo weedho la nuxur ah? Waxa laga yaabaa in aad soo xasuusatay odhaahdii qurux badnayd ee uu Madaxweynihii Maraykanka ee John F. Kennedy uu jeediyay isaga ka khudbaynaya bartii lagu caleema-saaray. Waa markii uu lahaa, “Ha iswayddiin waxa dalkaagu kuu qabanayo e iswayddii waxa aad adigu dalkaaga u qaban kartid.” Waa odhaahdaa aynu ku indha-kuulanno, ee aynu biya-kama-dhibcaanka u aragno. Si ka duwan sidii aynu u fahansanayn, Ellul waxa uu ku doodayaa in maanhagga (attitude) jaadkaa ahi abuurmo marka uu guulaysto hawlgalka lagu soo saarayo hoggaamiyayaasha berri ee dacaayadda; halkii laga filayey hoggaamiyayaasha berri ee dalka! Adiguba iswayddii oo, dawladuhu haddii ay qaabeeyaan cidda noqonaysa hoggaanka berri, iyo waxa ay tahay in aad baratidba, saw dabin weyn kuma jiro qofka ku soo baxay qaabayntaasi? Dawlahuhuna saw diyaarin maayaan uun ciddii beddeli lahayd? Diyaar ma u tahay in aad beddeshid dawlad musuqeeda qiil u raadisa?!

Mugga waxbarasho ee dad la siiyaa haddii uu yahay mid lagu soo sanceeyay dhul iyo dhimir shisheeye, waa u gunnimo garaadka dadka quudan doona; haddii uu yahay mid lagu soo farsameeyay gudaha dalkaa, iyo dawladda ka jirta maskaxdeeda, waa u gunnimo mustaqbalka dadka quudan doona. Waxbarashada xorta ah ee aan cid u labadiblaysnayn, cid gaar ahna aan u guulwadaynayn, ayaa kugu simi karta gobonnimo. Ileen aqoontu waa xogaha la isku guumaysto kuwooda ugu hormuudsan e, in qofku taa ka warhayo isna urursho ayaa mudnaanta leh. Midna ogow oo, sida Ellul-ba buuggiisa uu ku xusayo (b11), “dacaayaddu waxa ay isku daydaa in ay hareerayso qofka, iyada oo u soo maraysa jid kasta oo suuragal ah. Dareennada iy caqligaba ka degtayaa; doonistiisa iyo baahiyihiiba ku dheeldheeshayaa; baraad iyo baraadla’aanba ku gaaddayaa; noloshiisa gaarka ah iyo tiisa guudba gacanta ku dhigtayaa; [dacaayaddu] qofka waxa ay u sawirtaa sharraxaad ay tahay in uu dunida ka qaato.” Waa keligeedtaliso dacaayaddu. Markaa waxba diidi maayaan in waxbarashadan iyo mustaqbalkan la isu sawiraa yihiin weji kale oo isla dacaayaddu leedahay.

Warbaahintu waa qaab culus oo maskaxda lagu hantiyo. Maanta haddii aad daawato tiifiiga Jabbuuti ama midka ESTV ee Kililka Shanaad, waxa aad is-odhanaysaa jannadan yaa ku geeya! Marka aad tagto meelahaas, ama cid ka timi oo aan weriye ahayn aad waraysatidna, candhuuftaada ayaad dib u liqaysaa adiga oo hoostaa ka leh (haddii aanad korba u odhan): jannadu jannadaad moodday ma aha! Warbaahintaa ayaa abuurta wacyiwadaagga guud iyo sawirka sare ee laga bixinayo degel gaar ah. Cabudhka ka jira dawladaha jiitaagu haysto waxa lagu qariyaa caanaha laga maalo hal iyaduna dugaag ka baqaysa oo uu maalay qof dugaag kale ka baqayaa; balse labada dugaag ka danbe suurad aadame leeyahay.

Dacaayadaha uu Ellul ku sheegay in ay yihiin kuwo “fidsan – horizontal,” ayaa ka halis badan kuwa iyagu “ligan – vertical.” Ta danbe haddii ay qof inta ay abbaarto ay kor ilaa hoos u kala gudbayso, ta fidsani waxa ay ku shuqlan tahay sidii ay muddo kooban u hanan lahayd meelaha saamayntooda la arko, eelna ay uga tegi lahayd iyada oo xoogaggaa ay hantiday sii adeegsanaysa. Waxbarashada iyo warbaahintuba halkan bay soo gelayaan. Halkii guriga ilaa sariibadda dacaayadda in la gaadhsiiyo la isugu hawli lahaa, waxa iminka la abbaarayaa hay’adaha dadku ku xidhan yihiin. Tiifi dadku inta badan daawadaan, iyo degel (website) dadku booqdaan, ayaa farriinta la sii dhexmarsanayaa. Sababtaas ayaad u arki doontaa madax badan oo intaa ku dedaalaysa in ay samaysato feybuug iyo twitter. Halkii dadku galaanba waa in laga dabagalo si loogu noqdo indho iyo afba. Bal u fiirso tirada qof ee ku xidhan baraha ay ku qoran yihiin magacyada siyaasiyiintu! Dacaayaddii waxa sida fayrasku ugu gudba qof fayaw u faafinaya baro iska diyaar ahaa, iyo kuwo isla markaa daawaha laga soo qaadayba!

Dacaayadaha bulshooyinka dimuqraaddiga ahi faafiyaan iyo dagaallada xogeed ee dhankooda laga soo abaabulaa waxa ay kaga tagaan raad qaabdaran bulshooyinka, sida Soomaalideenna, u nugul rumaysashada wax kasta oo ay maqlaan. Haddii shalay warbaahinta Maraykanka ee Obama taageersanayd soo faagaysey ceebaha Hillary Clinton, maanta waxa ay ku dedaalayaan in ay asturaan marwo Clinton si aanay ugu jabin hantiilaha Trump. Qofkii xalay (Oct. 23, 2016) daawaday barnaamijka GPS ee Fareed Sakariye ka sii daayo CNN, waxa uu la yaabi doonaa sida dadkaas barnaamijka lagu soo martiqaaday, iyo barnaamijka qudhiisuba, ugu dedaalayeen in ay marwo Clinton uga leexiyaan eedo iyo dacaayado uu ballanqaaday in uu ka faafin doono degelka afka dheer ee WikiLeaks. Waxa ay gaadhsiiyeen difaaciddii heer ay soojediyeen in ay dhici karto in Trump (ninka la tartamaya Clinton), Assange (mulkiilaha WikiLeaks) iyo Putin (madaxweynaha Ruushka) uu ka dhexeeyo xidhiidh, oo ay isugu habarwacdeen sidii Clinton ay u ceebaysan lahaayeen! Dhanka kale, ha la yaabin haddii aad meelahaa ku aragtid in rasaasayntii lagu laayay dadka ee ka kala dhacday Dallas (July, 2016) iyo Orlando (June, 2016), ee Maraykanka, midkoodna loo arkay fal uu soo qaaday askari hore oo maskaxda ka bukay, midka kalana loo dhigay in uu ahaa fal argagaxiso!

Hal-abuurka tiriyay erayada aan qoraalka ku bilaabay, oo aanan magaciisa haynin, waxa uu muujiyey in baahida u daran ee aadanaha lagu uumay ay tahay in uu war helo; waa faduuli (curious). Baahidaa ayaa dacaayad-fidiyaashu ka faa’idaystaan. Ileen, “in aad wax ogaatid iyo, war baa ugu oon kulul e,” adiguna waa adigaa u xaraarooday xogaha danuhu ku dhex gufaysan yihiin. Sababtaas ayaa loo fahmay in dagaalka u xuni aanu ahayn midka nafaha lagu jaro, birtana loo adeegsado e uu yahay midka erayga la isu adeegsado ee hanka lagu dilo. Sida maahmaahda Soomaaliyeed ina baraysana, “uli way qabawdaa, eray se ma qaboobo!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s