Isu-haye Iskama Hagrado: Sumcadda Islaamka iyo Sawaxanka Galbeedka

Waxa Faransiiska iyo qaybo dunida ahba laga xusayaa weerarkii labo gu’ ka hor lagu qaaday xaruntii wargayska af Faransiiska ku soo baxa ee Charlie Hebdo. Dhacdadaasi waxa ay ina xasuusinaysaa xaqiiqada ah in Muslimiinta ku dhaqan Galbeedka guud ahaan, gaar ahaan Yurub, laga qaatay hummaag ah in ay yihiin dadqallo rumaysan, oo raaca diin dhiigga dadka u haliisha, budh-la-duulna ah. New York iyo September, 2001; Madrid iyo March, 2004; & London iyo July, 2005, ayaa ku sawiran maskaxaheenna. Waa dhacdooyin boog iyo canbaar ku noqday sumcaddii qofka Muslimka ahaa, iyo diintii Islaamkaba. Gu’gii 2016 waxa uu dhammaaday iyada oo ay bateen falalka amnidarro ee magaca Islaamka lala xidhiidhinayo.
Maxaa dilay sumcaddii Islaamka iyo Muslimiintu ku lahaayeen dunida (siiba Galbeedka)? Maxaa sababay in Muslimiintii qaxa ku gashay Galbeedka, iyo kuwii ku dhashayba, qaarkood in ay cadaw u arkaan muwaaddiniinta ay la nool yihiin?

Gu’gii 2016, bishii December, waxa aan akhriyay mid ka mid ah qoraalladii ugu yaabka badnaa ee wayddiimo badan oo maankayga ka guuxayay ugu yaraan iiga furo daaqado aan ka laydhsado. Magaciisa, “Haddii [Nebi] Maxamed ku Noolaan lahaa Yurub — If Muhammad Were to Live in Europe,” ayaa judhaba ku soo dabaya. Maqaalkan, oo uu qoray Sh. Axmed Saad, waxa xoogga lagu saaray in Muslimiinta Galbeedka la tirtirsiiyo oo la dareensiiyo sida ay uga fog yihiin astaamihii laga filayay. Waxa uu qoraagu istusay sida wax noqon lahaayeen haddii Nebi Maxamedba uu ka soo toosi lahaa guri Yurub ku yaalla. Ma inta uu qaloodo ayaa uu jaaliyad ahaan u noolaan lahaa; mise inta uu dadka dhexgalo ayaa uu Muslimiinta raacsanna ugu yeedhi lahaa in ay dadkoodan dhinac ka raacaan, oo ay la yeeshaan xidhiidh fiican dadyawgan dalalka iyo danuhu mideeyaan, diimuhu ha u kala duwanaadaanba e?

Waxa uu qoraagu ku andacoonayaa in Nebigu aanu isxidhxidheen e uu dhaqan bulshaawannimo ah la dhexgeli lahaa dadka reer Yurub, isaga oo dadkiisa raacsan kor iyo hoosba ugu baaqi lahaa: “Waa dadkiinna wax la qaba!” Waa sidii uu Nebigu sameeyay markii uu la soo degay Meddiina dad isugu jira Yuhuud, munaafaqiin iyo Carab Muslintayba. Sida taariikhda ku ca, Nebigu ma uu colaadin dadkii nabadda ku degganaa ee uu soo martiyay e inta uu heshiis wada-noolaansho ah la galay ayaa uu xataa dadka deegaanka ee aan Muslimiinta ahayn ku lahaa, “Waar danwadaagnimo igula dagaalgala.” Waa kii galaangalka dardarta wata la dhexjibaaxay noloshii magaalada e aan istakoorin oo inta uu asxaabtiisii la soo qaxday jaaliyad u aas-aasay aan qurba-joog iyo noqon qof ciil la dudaya (dee ama aan isku qarxin maatida dadkii soo dhaweeyay!)

In uu beddeli lahaa Nebigu sawirka Islaamka Galbeed laga haysto inta uu doodo Sh. Saad ayaa uu tixraacayaa xaqiiqada ah in Nebigu ahaa “fekeraa istaraatajiyadeed — Strategic Thinker.” Fekerka jaadkaa ahi in uu kaalmeeyay Nebiga inta uu xuso qoraagu ayaa uu qalinka kula dhiirranayaa in Muslimiinta maanta ee Yurub ay ka arradan yihiin tayadaa.
°°°

Qofku dhulka uu ku noolaanayo ma doorto e duruufaha ayaa haga, balse waxa uu doortaa sida uu ugu noolaanayo meeshii uu tagaba. Sidaasi waxa ay noqon kartaa in uu baqo oo uu is-uruuriyo, iyo in uu u arko in aan dhulkan laga lahayn e ay tahay in uu ugu/ula noolaado sida ugu qumman.

Muslimiinta maanta ee Galbeedku waxa ay ku nool yihiin xaalad cabsi. Dhaqankaagii, sawracaagii (identity), taariikhdaadii, mutaqbalkaaga iyo waxa lumaya ayaa uu ka cabsanayaa ahaanshahaagii. Dadka u dhashay Galbeedka qaarkoodna waxa ay qaxoontigan Muslimka u badan u arkayaan in ay halis ku yihiin qaaya-soorka wadareed (collective values) ee ay dadyawga Galbeedku ku andacoodaan in ay u taagan yihiin. Xuquuqda aadamaha, xorriyadda, kobcinta kaalinta haweenayda iyo hantigoosadka dimuqraaddiyadda ay iswataan. Waa bartan meesha ay jaaniska ku heleen dhaqdhaqaaqyada midigta fog ee sheegaya in ay u cabsanayaan dhaqankooda, sawracooda, taariikhdooda, mustaqbalkooda iyo ahaanshadooda. Labadan cabsiyood (ee qolo kastaa nafteeda u baqayso) ayaa keeni kara is-afgaranwaa iyo kala-shaki. Waa halista uu in badan ka digay falsafadyahanka reer Slovenia ee Slavoj Zizek (‘Zizek’ u akhri ‘Shisheek’), ugu danbayntana uu ka qoray buuggiisa cusub ee “Against Double Blackmail.” Zizek waxa uu werwerkii lagu yaqaannay ka muujinayay in mustaqbalka loo golayn doono labadaa daraf.
°°°

Maqaalkii sheekha waxa aan soo xasuustay xalay (Jan. 07, 2017), aniga oo akhrisanaya buugga uu waxa uu u taagan yahay ka qoray Dr. Tariq Ramadan ee “What I Believe.” Waxa uu si weyn Ramadan u qiray in dhibta Muslimiinta Galbeedka haysataa la heer tahay middii uu Sh. Axmed Saad maqaalladiisa ku xusayay oo kale. Waxa aan ka dhaadhicin Muslimiinta Galbeedka in la wada-noolaan karo, ayaa uu Dr. Ramadan ku doodayaa, oo dhaqamada iyo ilbaxnimooyinku wada jiri karaan. Si aan baaqiisan wada-noolaanshaha loo moodin mid uu kaga yeedhsiiyay weerarkii 9/11 iyo/ama soojeedintii Samuel Huntington ee “legdanka ilbaxnimooyinka — clash of civilizations,” oo ahayd badhtankii sagaashannadii; waxa uu Dr. Ramadaan tixraacayaa waxqabadkiisa soo taxnaa ilaa sidddeetameeyadii (p21).

Waxa xiisaha leh ee buugga aan ka guntay waa sida soojiidashada leh ee uu u taabanayo dadkii Muslimiinta ahaa iyo dhiillada isdhexgal (interaction crisis) ee haysata. Halka ay salka ku hayso in Muslimiin badani ka qalooto dhexgalka ayaa uu qoraagu ku eegayaa bogagga 24-29. In Muslimiintu markii ay arkeen sida xaal yahay iyo dhulkan cusub ay saddex noqdeen ayaa uu xusayaa. Qolo isfaquuqday oo aamintay in aanay jirin rejo laga qabi karo bulsho ku diiddan, iskuna qancisay “meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco”; qolo go’aansatay in ay dhuuntaan iyaga oo isdaadraacinaya; iyo kuwo, [aan qiyaasayo in Dr. Ramadan si dadban isugu darayo, una ololaynayo], iyagu gartay in ay dhibta sideeda ku waajahaan, oo ay lidkooda la furaan doodo (p28).

Waxa uu Dr. Ramadan si weyn ugu baaqayaan in wada-jir iyo “is-ahaansho ~ Pluralism,” uu xalku ku jiro. Is-ahaanshahaa sidee lagu gaadhayaa? Waxa uu Dr. Tariq ku dhawaaqayaa baahida loo qabo wadajirka cusub — (The New “We”). Wadajirkaa cusub waxa lagu gaadhi karaa iyada oo Muslimiinta iyo reer Galbeedka kalaba cabsida ka adkaadaan, oo ogaadaan in cidina aanay xadayn; dhanka kalana u noolaadaan muwaaddiniin xooluhu isugu jiraan ahaan. In kalsooni la abuuro, Muslimiintu bartaan dhaqanka bulshadan ay la nool yihiin iyo in la isu kaashado difaacidda sumcadda aadamaha (p129-30). Waxa lagu dulhakan karaa maanifeestadan Ramadan, oo lagu naqdin karaa xaqiiqada ah in ay ku badan tahay “rejo liillalaw ah — utopian hope!” Rejadan uu abuurayo Dr. Ramadan waxa ay u baahan tahay, sida aan u arko, xoojin iyo xaqiijin.

Muslimiintu halkaa ku nooli in aanay isu arag marti qurbe joogta e ay “laabta u sii daayaan” in ay yihiin reer Galbeed, ayaa xal kale oo buuggu sido ah. Waayo, ayaa uu Dr. Ramadan ku celcelinayaa, “isma diidayaan in aad Muslim noqotid, reer Galbeedna ahaatid.”
°°°

Dhibta isjiidjiididda ah ee uu aloosay maanhagga (attitude) “annaga iyo iyaga — us v.s. them,” waxa lagula dagaalami karaa iyada oo maanka lagu hayo in diinta Islaamka iyo mabaadii’da xuquuqda aadamuhuba aanay oggolayn gacan-ka-hadalka aan loo baahnayn, aflagaaddada, cunsuriyadda iyo isku-maquurinta fekradaha. Taas baa lagu dawoobi karaa. Taas baa ilaalin karta sumcadda Islaamka ee sii shiiqaysa iyo oo lagu yarayn kartaa cadaawadda innaga iyo iyaga ee soo xoogaysanaysa. Taasna Muslimiintu waa ay isu hayaan e yaanay iska hagran.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s