Isriixriixad Istaraatijiyadeed: Xayiraadda Trump iyo Xushmaynta Khaliijka

Xukuumadda Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Donald Trump, waxa ay ku bilaabantay dardar weyn iyo cinwaannada warbaahinta oo ay macmiilatayba. Tan waxa u wacan go’aamada digreeto ee aad moodaysay in ay hore ugu sii qornaayeen Trump ee uu oodda mar keli ah ka soo qaaday, isaga oo toddobaadkii labaad uun xilka haya. Waxa u danbeeyay in uu amar Madaxweyne ku saxiixay xayiraadda dalkugalkii la siin jiray dadyawga Muslimiinta ah ee ka soo jeeda toddobo dal: Ciraaq, Liibiya, Suudaan, Suuriya, Yemen, Soomaaliya iyo Iiraan. Go’aankani waxa uu haystay cinwaannada korkore ee dunida tan iyo markii ay suuqa soo gashay in uu Trump wadwado arrintan. Waa kii ku dhawaaqay. Waa tii sida looga qayliyay fiinta. Xayiraad Muslin (Muslim Ban) waa tii lagu magacaabay. Isaguna waa kii af buuxa ku yidhi, “Waxa aad doontaan ugu yeedha. Ujeedku waa in dadka xunxun (ee niyadda xun) dalkaya laga horjoogsado.” Waa kaa Muslimiinta dalalkaa si dadban ugu tilmaamay “dad xunxun” oo “niyad xun!”

Dadkii dunida oo isla oogsan gaadhay diidmada ay diideen xayiraaddaa, ayaa waxa meel aan laga filanayn ka yeedhay dhawaq lid ku ah dunidii kale ee ka dareencelisay. Waa Imaaraadkii. Haddana waa Sacuudigii. Dalalkan, oo ay ku indhakuushaan Muslimiin badan oo ku nool kuna abtirsada toddobadaa dal ee la xayiray, ayaa si cad u taageeray go’aanka Trump. Sababayn aad mooddo in ay isugu dardaarmeen ayaa ay raaciyeen taageeradoodan. “Maraykanku xaq ayaa uu u leeyahay in uu ilaashado amnigiisa qaran!” Mar keli ah ayaa la wada xasuustay hadalkii qallafsanaa ee Benyamiin Netanyaahu, ra’iisalwasaaraha Israa’iil, uu ku taageeray go’aanka uu Trump watay ee ahaa in gidaar laga dhisay soohdinta koonfureed ee Maraykanku la wadaago Mexico. “Madaxweyne Trump waa uu ku saxan yahay. Aniguba soohdinta koonfureed ayaa aan ka dhisay derbi oo waa tii naga joojisay qaxii sharcidarrada ahaa [ee Falastiiniyiinta],” qoraal u macnaysmaya ayaa uu Netanyahu ku soo qoray bartiisa Twitter. Dad badan baa inta ay soo xasuusteen hadalkaa Netanyahu taageeradan dalalkan Carbeed u muujiyeen go’aanka Trump u akhristay in ay tahay mid ka dhigan: “Waa aannu ku taageersannahay saaxiibkayo Trump in uu tarxiilid iyo tigidh-ka-goyn isugu daro Muslimiinta. Sidaas annagaa ku soo nabad- iyo caana-maalnay!”

Qoraalkan kooban waxa aynu ku eegaynaa sababta waraabinaysa go’aanka dalalkan Carbeed, iyo siyaasad ahaan saamaynta ay ku yeelan karto duunka dalalka la xayiray ee Sacuudigaa idiin hadli sugayay, “maxaad ii dhiibatay” se lagaga dhigay.

Bariga Dhexe: Diin mise Dan?

Imaaraadka iyo Sacuudigu waxa ay caadaysteen oo caddaysteen iskaashi dhan kasta ah oo ay u galeen sidii ay uga amarkutaaglayn lahaayeen dalalka Bariga Dhexe. Si ay saamayntooda u muujiyaan, waxa ay ka adeejiyeen hab kasta oo suuragal ahaa. Galaangal, qujaqujayn iyo haddii ay ka fursan waydo faragelin toos ahba waa ay ku dayeen. Waxa u danbaysay Duufaantii Gunaanadka [عاصفة الحزم] ee ay ku qaadeen Yemen iyaga oo ku andacoonaya in ay dalka Yemen “ka gunaanadayaan” Xuutiyiinta shiicada ah ee Iiraan quudiso, kuna soo dabbaalayaan nabad iyo dawladnimo. Waa dabayshii run ahaan magaceedu dhaboobay ee ‘gunaanadday’ maatidii reer Yemen! Dhanka kale, saamayntooda si ay u ballaadhsadaan waxa ay si mataanaysan u soo badhtilmaamsadeen Geeska Afrika. Imaaraadka saldhig militeri ayaa ay isla afgarteen dawladda Eritrea in uu ka adeegsado dekedda Assab, Soomaalilaanna in uu Berbera ka dhisto isaga oo ku soo galay markii hore dekedda Berbera iyo dhisiddeeda ayaa la hadalhayaa; Sacuudiguna dhawaan ayaa ay isku afgarteen dawladda Jabbuuti oo ay gebagabeeyeenba in isaguna saldhig ku yeesho gudaha Jabbuuti oo sidaa uu ugu biiro dawladaha tirada beelay ee saldhigyada kala danaha ah, ilko yaxaasna u eg, ku leh Jabbuuti. Suuriya waxa ka socdo isku mawqif ayaa labadan dal ay ka taagan yihiin. Lugna waa ay kula jiraan. Waar lugo badanaa!

Waxaas oo isriixriixad istaraatajiyeed ah ee Bariga Dhexe ka socdaa ma aha mid diin xidhiidh la leh. Waa se dan. Diinta keli ah ee ka shaqaysa Bariga Dhexe waa diinta Yuhuudda oo Israa’iil isku daafacdo – taana, sida qoraa Sara Shariif qortay, waa ay milmaysaa oo xaaladdaba waa ay ka baxaysaa. Waxa kale waa dano. Dano ku wada dhisan qaacidadii uu Niccolò Machiavelli ku faahfaahiyay buuggiisa The Prince ee “Yoolkaa qiil u ah marinka — the end justifies the mean.”

Maxay Dalalkani u Taageereen Go’aankii Trump?

Warcelinta oo kooban, liiska ayaa ay akhristeen, sida qof kasta oo kalaba, dabadeedna waxa kaga soo baxay magac aanay isaga jeclaysan, balse in uu liis kan oo kale ah ku jiro ay jeclaysteen: IIRAAN! Dalka Iiraan ayaa liistadan ku jira. Maxay ka dhigan tahay in uu ku jiro?

Dawladda Iiraan waxa ay ka mid ahayd kuwa ku yaalla Aasiya ee loollanka ilaa heer awoodeed ka dhexeeyo Maraykanka. Loollankaasi waxa uu cirka ahaa markii uu xilka Dehraan hayay Axmedii Nejaad. Mar danbe oo uu talada qabtay wadaadkan Xasan Rooxaani, ayaa isfahan dirqi ahi dhex maray iyaga iyo Galbeedkii. Isfahankaasi waa kii soo gaadhay in ay Iiraan yarayso kobcinta ay ku waddo awooddeeda Yuraaniyamta, Galbeedkuna uu yareeyo cunaqabatayntii ay ku hayeen dalka. Heshiiskii Nukliyeerka waa tii ay wada saxeexeen maamulkii Obama iyo maamulka Rooxaani. Dadka sida cadhaysan uga jawaabay ee arrintaa halis u arkay waxa ka mid ahaa Israa’iil oo la fahmi karayay sababteeda. Waxa se labeeyay madaxda Sacuudiga iyo Trump! Waxa Trump uu ku tilmaamayba heshiis ku kellifaya Maraykanka in uu ka soo horjeesato rafiiqeeda Israa’iil haddiiba Iiraan iyo Israa’iil dagaal ka dhex qarxo. Sacuudigu didmadiisa waxa ay soo bilaabantay 2013 mar ay ka dareemeen in xukuumadda Waashintoon isu dancinayso Iiraan, waana goorta uu Sacuudigu gaadhsiiyay heer uu ku gacansaydho kursi uu ka helay fadhiga aan rigliga ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay!

Markii uu xilka qabsaday Trump waa kan durbadiiba liiskan soo saaray. Dad baa rumaysan in go’aankani yahay alamiito uu ugu soo qiil-bannaysanayo yoolka weyn ee ah in uu laalo Heshiiskii Nukliyeerka. Ha illaawin in ganacsi baaxad weyn Trump uu ku leeyahay Bariga Dhexe, badankiisuna magan u yahay Imaaraadka.

Iiraan waxa ay noqotay dawladda keli ah ee ilaa hadda ka mid ah toddobadii la xayiray ee ka jawaabtay arrintaa. Weliba dabayshu dhanka ay u dhabanayso fahmay oo ku dhawaaqay in iyaguna ay dalkooda ka joojinayaan muwaaddiniinta Maraykan ee ku soo qulqula sannad kasta.

Iiraan waa awoodaha u culculus ee Isbahaysiga Khaliijka ee Sacuudiyaysan ku cidhiidhin kara neefsashada hawada markeeda horaba hanfiga wadata ee gacansarraynta Bariga Dhexe. Dhanka kale waa madaxweynta mad-habka siyaasadaysan ee Shiicannimada oo suququl gelin kara dhiggiisa siyaasadaysan ee Sunninnimada. Loollankan ku dhisan “ninkii roon baa u hadhi reerka,” waxa ku riiqmay dalalka daba nahleeya awoodahaa iyagu isu cartamaya. Suuriya, Yemen, Falastiin, iyo Lubnaanba waxa ay taabteen micno kasta oo uu leeyahay in dushaada ay isku qabsadaan Sunni iyo Shiici. Malahaygana Soomaalida ayaa haddeer diyaar u ah in ay la wareegaan xilkaa oo markooda dhadhamiyaan dacarnimada loollan jaadkaa ah.

Dalalka kale yaa u Cid ah?

Cidna! Ciyaarta siyaasadaysan ee danaha hoosta ku haysata in ka badan inta ay diin ku haysato, ma fahansan yihiin dalalka kale ee liiska ku jiraa? Maya. Bal Soomaalida uun eeg. Waa dad qalbi wanaagsan oo ku dhaqma qaybta danbe ee maahmaahda “Muslinoow run sheeg, Muslinowna run uga qaado.” Waa dad dagmi og oo aan marna ku odhanayn, badanaa, wadaadka Sacuudiga laqimaya, “Horta aan run kaaga qaato e, marka hore ‘Muslinoow run sheeg!’”

Siyaasaddu walaal ma leh, oo teello la isuma dhigto. Haddii dalalkaa kale ay baraarujin waayaan go’aamadaa degdegga ah ee dalalkaa Carbeed, wejahaddana u ah Muslimiin badan ee laga filayay in ah difaacaan xuquuqda dad ay badankiisa qaxiddiisa wax ku lahaayeen, anigu ma garan karo goorta daadka soo galay ay dareemi doonaan. “Cidda aad maalin ku baran waydo, weligaa kuma baratid.” Maalinta ay u daran tahay. Maanta oo kale.

Ma lihin siyaasadda dunida iyo midda siyaasadegeleedkaba (geopolitics) waxba nagama gelin e “belooy buulkayga kaa galay,” oo belada buul iyo bangalo toona ma celiyaan e, waxa aynu ka taxaddiraynaa in beladu fadhiga inoogu timaaddo innaga oo karna in inta aynu halkeeda ugu tagno, u leexinno halka aynu doonno.

Dalalkan Carbeed, kuwa indhayarta ah iyo kuwa Galbeedba haddii loo arko dalal aadame madax ka yahay, damaciisa iyo daandaansigiisana leh, wax sixi karo wax kalana gefi karo, waxa meesha ka baxaysa caqliyadda u aragta in ay jiraan dalal mar kasta muqaddas ah, oo saxan, iyo dalal mar kasta mudannas ah, oo khaldan. Taasna waxa laga dheefayaa in iskaashiga labageesoodka ah la soo dhaweeyo, awr-ku-kacsiga dhanka ka raran se la wada diido. In socdaalka lagaa xayiro waxa ka eel xun oo adhaxda ummadeed jebisa in maanka lagaa xayiro. Waan halkii Afgudhiye e “la-xarbiga garaadkaa; naf la jaro ka xeeldheer!”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s