Baraha Bulshada mise Buugta?

Waqtiga kaaga baxa baraha bulshada sannadkii waxa aad ku akhrin kartaa 200 oo buug!

W/Q: Charles Chu [Af English]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

Qof baa maalin wayddiiyay Warren Buffett sirta guushiisa. Waxa uu Buffett xusay miisaanka buugta oo waxa uu yidhi: “Maanta oo kale akhri 500 oo bog. Waa tabtaa sida aqoontu u hawlgasho. Sida dulsaarka cufan ayaa ay u biirtaa. Waana wax aad qaban kartid, balse waa aan dammaana qaadi karaa in badankeedu aanu qaban doonin.”

Labo gu’ ka hor markii aan odhaahdaa Buffett arkay, wax baa si ahaa. Waxa ay ahayd Deseenber, 2014. Shaqadii aan ku riyoon jiray ayaa aan helay. Maalmo door ah ayaa inta aan dulfadhiisto shaqadii aan ku riyoonayay ka fekeri jiray, “Ilaahayoow, ma sidan baan ahaanayaa afartan gu’? Ma rabo in aan sidan u dhinto…”

Wax baa salag lahaa. Amarro ayaa aan raacayay. Derajo fiican. Hoggaamin. Talabixin. Koolaj. Shaqadii riyada. Waa aan guulaystay. Tartankii waa aan dhammeeyay. Halkaas baan ka galay dunidii riyada. Balse wax baa si ba’an, oo ba’an u caynwareegsanaa.

Maalin kasta, aniga oo dulfadhiya miiska shaqadaydii riyada, ayaa aan indhahooda eegaa. Indho madhan, oo khalli-wareegaya. Wax jawaabo ah ma aan helin.

Bishii Jeeniweri, 2015, ayaa aan arkay odhaahdaa Buffett. Markaas ayaa aan go’aansaday in aan wax akhriyo. Akhrintii ayaa aan wadey, oo wadey, oo wadey, jeer oo aan helay in jawaabo ah. Ma aan tahli karin in aan akhristo 500 oo bog maalintii, balse, labadaa gu’ ee u danbeeyay, waxa aan akhriyay in ka badan 400 oo buug bilaw ilaa dhammaadkooda. Go’aankaa akhrinta aan ku bilaabay waxa uu ka mid ahaa go’aammadii ugu muhiimsanaa ee aan qaatay noloshayda.

Buugtu waxa ay igu dhiirriyeen in aan socdaalo. Buugtu waxa ay igu qanciyeen in aan shaqadaydii ka tago. Buugtu waxa ay iigu deeqeen dad aan ku daydo iyo halyeeyo, waxa ayna micno iigu yeeleen adduun aanan kowna ka haynin.

Waxa aan doonayaa in aan kuu sheego in akhrinta 200 oo buug gu’gii aad akhridaa uu yahay wax caqiibo leh. Balse xaqiiqdu waxa weeye, ma aha. Qof kastaa waa samayn karaa.

Waxa lagaa rabaa waa uun xisaab yar iyo agabkii ku habboonaa.

  1. Ha isdhiibin adiga oo aan bilaabin

Marka qofka caadiga ahi maqlo “shan boqol oo bog maanta oo kale akhri,” waxa uu si degdeg ah uga falcelinayaa, “Ha ka yaabin! Waxaasi suuragal ma aha!” Dabadeedna waxa uu bilaabi in uu rumayntiisaa sababeeyo, isaga oo aan si qoto dheer u fekerayn haba yaraato e. Sababayntaa waxa ka mid noqon kara, “Mashquul baan ahay,” “Sidaas oo dhan xariif uma ahi,” ama “Dadkii buugta ma ahi!”

Balse maxaa inoo diidaya in aynu in yar arrintan hoos ugu sii dhaadhacno? Tusaale ahaan, imisa ayaa ay run ahaan kugu qaadan kartaa in aad akhridid 200 oo buug gu’gii? Labo gu’ ka hor, waxa aan isku garaacay xisaab fudud. Waxa ii soo baxday: 200 oo buug akhrintoodu sannadkii ma aha arrin adag. Waa uun sida Buffett sheegayay [oo] qof kastaa waa uu samayn karaa, balse dadka badankiisu uma holladaan.

  1. Xisaabtan fudud isku garaac

Waqti intee le’eg ayaa ay qaadanaysaa si loo akhriyo 200 oo buug gu’gii?

Ugu horrayn, aynu isla eegno tirakoobyadan:

  • Qofka reer Maraykan celcelis ahaan waxa uu akhriyaa 200 – 400 eray daqiiqaddii (maaddaama aad meel dhexaad tahay, waxa aan ka soo qaadayaa in aad sidayda akhridid 400 oo eray daqiiqaddii.)
  • Buugta aan mala-awaalka ahayn badanka waa ilaa 50, 000 (konton kun) oo eray.

Haddaba, xisaabtan fudud ayaa aynu ka gaadhsiinaynaa…

  • 200 oo buug ku dhufo 50, 000 oo eray/daqiiqaddii  = 10 milyan oo eray
  • 10 milyan oo eray u qaybi 400 oo eray/daqiiqaddii = 25, 000 daqiiqo
  • 25, 000 daqiiqo u qaybi 60 (halkii saac baa 60 daqiiqo ah ileen e) = 417 saacadood.

Wuxuba waa intaa! Si aad u akhridid 200 oo buug, waxa aad u baahanaysaa 417 saacadood sannadkii.

Haa, haa. Haddii maskaxdadu tayda oo kale tahay, inta ay eegto tirada “417 saacadood” ayaa ay si degdeg ah isu deminaysaa. Dadka badankiisu waxa uu shaqeeyaa 40 saacadood toddobaadkii! Sidee ayaa ay suuragal u tahay in aannu wax akhrinno 417 saacadood?

Bal horta maskaxdaadan salfudaydka qabta ha ka oggolaan in ay iska jaqaafiso. Aynu si degdeg ah dib u qaabaynno waxa ay ka dhigan tahay 417 saacadood…

  1. Waqtiga hel

Hayaay, 417 saacadood! Waxa hubaal ah in tiradaasi u eeg tahay wax badan. Balse maxay run ahaan ka dhigan tahay 417 saacadood? Aynu isku daynno in aynu dhinacyo door ah ka eegno.

Celcelis ahaan, qofka keliga ah ee reer Maraykan waxa uu ku qaataa tiifiiga iyo baraha bulshada sannadkii:

  • 608 saacadood baraha bulshada
  • 1,642 saacadood tiifiiga

Waa 2,250 saacadood oo lagu bixiyo QASHIN. Haddii waqtigaa lagu bixin lahaa akhrin, waxa aad akhrin karaysay 1,000 buug sannadkii!

Xaqiiqada fudud ee ka danbaysa buug badan oo la akhriyaa waxa weeye: wuxu ma adka! Waqtiga aynu u baahannahay waa aynu haysannaa. Balse qaybta naxdinta leh – ee aynu iska indhatirnaa – waa in aynu aad u qabatinnay, aad u nuglaannay, oo aynu aad uga gaabinnaa qabashada wax kasta oo aynu ogsoonnahay muhiimaddiisa…

Waxa lagaa rabo si aad wax badan u akhridaa, waa in aad waqtiga aad ku bixisid baraha bulshada u leexisid akhriska. Aragtidu [waa taa oo] waa fudayd. Ta dhibi ka joogtaa waa dhaqangelinta.

  1. Dhaqangeli

Waa aynu ogsoonnahay in akhrisku muhiim yahay. Waa aynu wada ogsoonnahay in ay tahay in aynu wax badan u hurno. Haddana sidaa ma yeelno. Sababta u weyn ee taasi u dhacdaa waa ku-guuldarraysiga dhaqangelinta.

In kasta oo ayna ahayn kuwii u fiicnaa, haddana xeeladahan ayaa iga caawiyay in aan u aayo natiijada:

I. Naqshadee deegaankaaga

Haddii aad ka takhallusaysid [maandooriyaha] cocaine, ma guriyagaaga ayaa aad soo dhigan lahayd isla maandooriyihii? Dabcan maya. Warbaahintu waxa ay u qaabaysan tahay in la qabatimo. In aad ka dheeraatid qabatinkaa warbaahintuna waxba kama dhaco iska-daynta maandooriyaha. Halka ay u dhimatayna waa deegaanka.

Haddii aad rabtid in aad wax akhridid, labo wax ha lagaa helo: (1) in aad deegaankaaga ka dheeraysid dhammaan wixii kaa dhexgeli kara akhriska; iyo (2) in aad buugta iska agdhawaysid, oo aad hab kasta oo aad ku heli kartid diyaarsatid.

Tusaale ahaan, sawirkani waa mid ka mid ah deegaankayga:

untitled

In badan ayaa aan socdaalaa. Taasi se igama joojin in aan wax akhriyo. Sawirka bidixdu waa “khaanadaha buugtayda” ee mar aan Thailand joogay. Waxa aan isku dayaa in aan buugta meel kasta dhigto, si ay iigu sahlanaato in aan soo tiigsado mid uun, dabadeedna aan akhriyo. Sawirka midigtuna waa wejahadda hore ee moobaylkayga. Labo barnaamij uun baa ka muuqda. Mid ka mid ah – Kindle – waxa loogu talagalay akhriska. Ka kalana caadada ayaa loogu talagalay… hoos baan kaga hadli doonaa e.

II. Caado yeelo

Intii aad isku hallayn lahayd awoodda maskaxdaada uun, waxa aad dhisataa caado kakan – taas baa kaa dhigaysa mintid ka samatabaxa xilliyada qallafsan. Haddii aanad cilmiga caadada (the science of habit) u lahayn aqoon, waxa aad akhrin kartaa buugga “Superhuman by Habit” ee Tynan qoray. Waa hawlqabad, hawlqabadkuna waa waxa aan daneeyo.

In aad caado yeesho waxa ay igu qaadatay sannado. Gefafka aan sameeyay badankoodu waxa ay ahaayeen kuwo laga baaqsan karayay. Haddii aan dib u noqon lahaa, waxa aan heli lahaa tababbare caado. Sidan ayaa aan u arkaa. Hal fekrad oo aad ka heshid buug fiicani waxa ay u qalantaa kumanaan dollar. Haddii tababbare kaa caawiyo in aad akhridid HAL buug oo wanaagsan oo hor leh gu’gii, lacagtaadii waa aad ka seexan kartaa.

III. Aagag badan raadso

Marka ay akhrin noqoto, aagag badan ka qadhaabo oo meel keli ah ha isku oodin. Haddii yoolkaagu yahay in aad akhridid wax badan, ma dooran kartid halka aad akhriyaysid iyo aagga (medium) aad adeegsanaysid. Buugta daabacan ayaa aan akhriyaa. Buugta telafankayga ku jirta ayaa aan akhriyaa. Buugta duuban ayaa aan dhegaystaa. Meel kastana sidaas waa aan ku sameeyaa – beeraha nasashada, basaska, suuliyada… Meel kasta oo aan haleelo.

Akhrintaada ka dhig mid fursad-gaadid ah. Fursad haddii aad heshid, ka faa’idee. Haddii aanad fursad haysan, samayso mid.

“Hal buug ayaa aan akhriyay maalin, oo noloshaydii oo dhan ayaa isbeddeshay.” – Orhan Pamuk

Haddii aanan akhriskaa bilaabi lahayn, laga yaabee in aan agjoogi lahaa shaqadaydii riyada. Laga yaabee in aan ilaa haddadaa miiskaygii agfadhiyi lahaa oo inta aan saacadda indhaha ku gubo aan iswayddiin lahaa haddii aan sidaa ku dhimanayo…

Haddii aad jawaabo rabtid, akhriska tijaabi. Waxa aad ka heli kartaa wax ka badan, oo ka badan intii aad raadinaysay.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s