Doorashadii Soomaaliya ka dib: Casharro iyo Wax-ku-qaadasho

 

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir [Af Carabi] 
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

Waxa Muqdisho ka dhacay Feb. 08, 2017, dhacdo aan nooceeda hore loo arag oo uu Barlamanka Soomaaliya ku doortay qof aan noociisa hore loo arag, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dhashay 1962, shahaadooyin sarsarana ka sita jaamacado Maraykan ah, dhalasho Maraykanna haysta, jiilkii dhexana ka mid ah. Ma aha jiilkii hore ee talada hayay markii Jamhuuriyaddu midaysnayd, sida aanu uga mid ahayn jiilkii sababay burburkii dawladda iyo sii-wadidda dhibta. Maalintaa [Feb. 08, 2017] waa loo joogay. Waayo saadaashii oo dhan baa jabtay. Sida oo kale faragelintii shisheeye iyo tii sokeeyaba waxa hawada ku dubtay baraarug Soomaaliyeed oo cusub. Sababtaas ayaa ay inoogu furan tahay in aynu maanta ku suntanno barbilawga waa cusub oo u beryay bulshadii Soomaaliyeed ee quusta taagnayd.

Waa laga yaabaa in dhacdadani u dhawayd [in ay noqoto] Gu’gii Soomaalida. Qofkii Soomaaliga ahaa waxa uu iska diiday xaaladda Soomaaliya ee dhibta uun ah aan dawada lahayn, ee siyaasigu noqday mashruuc siyaasadeed oo aan laga dhergin, xalna aan raadin. Tabtaas ayaa aynu u aragnay in qofka Soomaaliga ahi aanu ugu kalsoonayn kuwo ku jira mashruuc siyaasadeed uun.

Baraha bulshada waxa aynu ku aragnay kacdoon qaro weyn oo lid ku ah hannaanka Soomaaliya ee isu beddelay culayska; lid ku ah faragelinta shisheeye ee noqotay alifbeetada siyaasadda Soomaaliya, ee dalkii ka dhigtay mid u nugul in la hareereeyo; iyo dawlado sheeganaya Carab iyo Islaam, balse qorshaynaya sababo siyaasaddegeleed (geopolitical) oo ay ku sii daba-dheeraato dhibta Soomaaliya.

Qofka Soomaaliga ahi waa uu iska diiday xaaladdaa ay keli ku noqotay Soomaaliya, ee aan dunida kale la qabin; Siyaasad-xumo aan soohdin lahayn, iyo faragelin shisheeye oo aan saqaf lahayn. Waxaasi waxa uu lid ku yahay sifayaashii lagu yaqaannay qofka Soomaaliga ah ee islaweynida iyo qabka ahaa. Falanqeeyayaasha qaar baa u qaatay in shakhsiyaddii Soomaaliyeed isla doorisay isbeddelka dawladeed, oo uu aqbalay qofkii Soomaaliga ahaa wax aanu aqbali jirin. Balse falanqayntaasi ma ahayn mid lugo adag ku taagan, oo taariikhda isgeddiyaysa ma aha falanqayn akhriday, degdegna waa uu ka muuqday. Markaas ayaa uu qofkii Soomaaliga ahaa u soo baxay si uu u dhaho: Dooni mayno ka-faa’idaysi; dooni mayno daba-nahlayn furan!

 

Daliilladii Doorashada

Shakhsiyaddan ay jeclaadeen dadkii sidee ayaa ay ku soo baxday? Sidee ayaa uu se Barlamanku ku doortay shakhsiyaddan baalmarsan wixii hore loo yaqaannay oo dhan? Muxuu se Barlamankan (mar-la-aragga ahi) markan ugu hoggaansamay dooniddii shacabka si ka duwan mararkii hore?

Sida aynu ku naqaanno, dimuqraaddiyaddu si ay u guulaysato waxa ay u baahan tahay labo wax: degganaansho siyaasadeed, iyo dawlad dalka oo dhan ka talisa. Labadan arrimoodna si wacan ugama jiraan Soomaaliya. Waxa jira kala-daadsanaan gudeed, oo dhul badan ayaa ka maqan gacanta dawladda. Waxa se shacabka Soomaaliya hal-abuureen nooc dimuqraaddiyad ah oo ku dhisan fal suuragal ah ee aan ahayn fal waajib ah. Waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka nolol aammin ah, oo laga soo doogsaday burburkii. Socdaalkanina waxa uu soo bilawday Shirkii Carta, oo barbilawgii baa noqday magaaladaa deggan, waxa uuna soo gaadhay halkan. Waxyaabihii ay u taagnayd xukuumadda Xasan Sheekh ayaa ahayd in ay soo gunaanaddo xaaladdan gaarka ah [ee doorasho], oo ay diyaariso cimiladii siyaasadeed ee [ay ku fuli lahayd] doorasho dimuqraaddi ah oo dalka oo dhan ka qabsoonta [hal qof, iyo hal cod ah], waloow duruufaha gudeed iyo kuwa debadeedba aanay isaga la jirin, oo uu ku guulaystay fulinta mashruucyo guud oo dhawr ah uun marxaladdii hore.

Dadku waa ay diideen xaaladdan waaridda ah ee Soomaaliya [macmiilatay], ee qaab-doorasheedkan gaarka ahi noqday asal, oo uu fogaaday asalkii ahaa dawlad mid ah oo dhulkeeda u talisa. Markaas waxa qasab noqotay in la diido xaaladdan. Diidmaduna waxa ay la micno tahay, siyaasad ahaan, “kacdoon lid ku ah waaqica.” Waxyaabaha kaalmeeyay kacdoonkanna waxa ka mid ah dunta xubnaha Barlamanka. Barlamankii waxa ku shubmay dhiig cusub; oo u badan dhallinyaro ah da’aaddii toddobaatameeyadii qarnigii 20aad iyo wixii ka danbeeyay; oo jaamacadaha gudaha ka sita shahaadooyin sarsare. Sababtaas ayaa aynu uga aragnay doorashadan daliillo badan oo ay muujinayso:

  1. Qabyaaladdii oo si ba’an ugu guuldarraysatay samaynta madaxweynannimada. Waa tallaabo wanaagsan oo dhanka fekerka siyaasadeed ah oo ka hirgashay dal ay qabyaaladdu ka noqotay caqiido siyaasadeed. Waxa ay tani muujisay ugu yaraan nooc bisayl siyaasadeed ah. Dadkii baa warbaahinta madaxa bannaan iyo baraha bulshada ka soo doortay shakhsiyad siyaasadeed oo ka madhan isbahaysiyada qabiileed. Waxa aynu Muqdishadii caasimadda ahayd ku arkaynay isu-soo-baxyo lagu taageerayo siyaasadaha Farmaajo, oo qabiil ahaan ka durugsan beesha ah aqlabiyadda magaala-madaxda. Tani haddii ay wax muujinaysana, waxa ay muujinaysaa baraarug bilaw ah.
  2. Guuldarraysiga hantidii siyaasadeed. Guuldarraysigan ayaana ka darnaa kii hore. Waayo hantida Soomaaliya laguma bixiyo uun musuqmaasuq iyo laaluush e waxa ay abuurtaa qanaacada. Sababtuna waa in laga faa’idaysanayo saboolnimada, iyo xataa cabsida laga qabo saboolnimada. Musuqmaasuquna Soomaaliya waa markab siyaasadeed. Hanti siyaasadeed baa dalka sida duufaantii ugu soo dhacaysay, debadda ayaana ay inta badan ka timaaddaa hantidaasi, si loogu gato go’aammada; oo loogu beddelo qanaacada; oo dalka gudihiisa loogu beero wakiillo u shaqeeya ajandayaasha dawlado shisheeye. Waxaa isna jira hantidii gudeed, ee badhtanka u gashay musuqmaasuqa, laguna rabo sii-waarinta musuqmaasuqa. Sii-waarintaana waxa keenaya: abuuridda ay maafiyada maalku ka abuureen fawda maaliyadeed caalamkii lacagta, noocanina waxa ay ugu badisaa dawlad taagdaran ama haawasho siyaasadeed. Waa ay guuldarraysatay hantidii siyaasadeed ee debaddu, oo kuma ay guulaysan in ay keento qofkii la rabay. Sidaas oo kale ayaa ay u guuldarraysatay badh ka mid ah hantidii siyaasadeed ee guduhuna, si ay u samayso cimilo ku habboon madaxweynihii la damacsanaa. Sababtaas ayaynu u aragnay in aqlabiyaddii Barlamanku dooratay shakhsiyad aan aagaggaa lagu aqoon.
  3. Guuldarraysigii faragelinta debadeed. Faragelinta jaadkan ah ee Soomaaliya ka jirtaa ma ahayn wax lagu tiriyo siraha, ama soo dhexgeli karta waxyaabaha lagu yaqaan dhagaraha taariikheed ee qarsoon. Soomaaliya ilaa beri hore waxa ay ku noolayd xaalad gaar ah (hanasho kala dhiman)—dadka qaanuunka bartay waa ay garanayaan waxa eraygani ka dhigan yahay e. Maamulka Soomaaliya waxa uu u dhigmayay maamulka Falastiin; wax buu haystaa, waxba se ma xukumo. Waa dawlad si maalinle ah ula kulanta faragelin debadeed. Waxa yaabka lehina waa in Soomaaliya noqotay garoonka loollamada cilmiga siyaasadda lagu yidhaahdo “Dagaallo Dhuumaalaysi ah – proxy wars.” Dirir ba’an baa ka dhexeeya dawladaha gobolka, balse waxa ay garoonkoodii ka dhigteen Soomaaliya. Waxa ayna adeegsanayaan hantidii siyaasadeed iyo dadka liita ee leh dano hooseeya. Balse waxa yaab leh in Eebbe ku ilhaamiyay shacabka Soomaaliyeed, Isaga oo u soo dhexmariyay xubnaha Barlamanka, in ay doorasho madaxweyne kaga gudbaan mixnaddan.
  4. Baraarug siyaasadeed oo muujinaya in shacabku ka soo raynayo. Baraarugga jaadkan ahina kuma iman si kedis ah, sida ay qabaan dadka qaar. Balse waxa baraaruggan unkay kacdoonkii waxbarasho ee dalka biya-dhigay labadii tobanle (decades) ee u danbeeyay. Waxa jira tobanaan jaamacadood oo ay aasaaseen shakhiyaad Soomaaliyeed oo aqoon lehi. Hawlgalkaasina waxa uu noqday naqshad Soomaaliyeed oo dalka u xushay sida daadka. Waxa aynu ogsoonnahay in jaamacaduhu la halgamayaan dhib xagga habdhiska ah oo weyn. Balse iyada oo sidaas ah oo beegaalka dunida ay ka hooseeyaan, haddana waxa ay abuureen qofkaa Soomaaliga ah ee cusub ee ka gudbay in uu u afduubnaado taariikhda, oo uu sido dhalanteedka culays taariikheed, ee doonay in uu ogaado halka uu kaga dhacayo mustaqbalka isaga oo ah qof wax bartay. Halkan ayaa uu kacdoonka siyaasadeed ka noqday natiijada baraarug aqooneed.
  5. Kooxdii siyaasaddeedu danta ku dhisnayd oo ka guuldarraysatay kooxdii siyaasaddeedu waxqabadka ku dhisnayd. Guuldarraysigaasina waxa uu caddaa markii aynu u soo taagnayn dumiddii daynasuurradii ka shaqeeyay samaynta dawlad xeeldheer oo hay’adeed, ee kooxdan siyaasaaddeedu danta ku dhisan tahay dhigtay meel kasta. Waxa aynu aragnayna ninkan (Farmaajo) oo talada u marayay siyaasad waxqabad iyo waaya-aragnimo hodan ah, muddadeedu ha yaraataba e.
  6. Falka siyaasadeed ee nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahayn ayaa ay dadku kala barteen, markaas ayay u dhaqaaqeen xagga nolosha iyaga oo doortay fal siyaasadeed guul ah. Wax la seegi karo ma aha in aynu aragnay dabbaaldegga ciidanka aan dhawrka bilood mushahar la siin, xilli musuqmaasuqu rikoodhka ku jebiyay Soomaaliya sida ay ku sheegeen hay’adaha caalamiga ahi tusayaasha (index) caalamiga ah. Sidaas ayaa ay dadku, iyaga oo Barlamanka u soo maraya, u doorteen shakhsiyad la jecel yahay (Farmaajo).
  7. Cabsida laga qabay tijaabo cusub oo gabbalkeedii dhacay. Dadkii dalku waxa ay u qummeen doorashada muunad cusub. Waayo dhammaan tijaabooyinkii hore u iilanayeen dugsigii Carta, oo wixii ka danbeeyay [Shirkii] Carta waxa uu ahaa sii-waarinta tijaabadii Carta. Balse markan dadku waxa ay hoggaamiyahooda ka soo dhex dooranayeen qafaska qabiileed, tijaadabii Carta ayaana ka dhexmuuqatay, balse markan waxa dadku ay hoggaamiyahooda waxqabadkiisa siyaasadeed iyo aragtidiisa siyaasadeed ee ka baxsan qafaska qabiileed (qafaska dahabiga ah!) ee siyaasadda Soomaaliya.

Casharro iyo Wax-ku-qaadasho

Marxaladdan cusub waa in aynu arrimahan ka feejignaannaa:

  1. In si caaddifadaysan loo akhriyo waaqica siyaasadeed. Akhrinta noocan ah waxa inta badan lagu arkaa khudbadaha dacwad-fidiyayaasha, waaniyayaasha iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka iyo fekeraaga in ka badan inta lagu arko caamada iyo dadka suuqa. Xikmadi kuma jirto in dalalka deriska ah bilaa xisaab lagu colaadiyo, sida ay geesinnimaduba inoogu diidday in aynu oggolaanno in dalka la siisto shilimaad kooban. Tijaabadii Maxkamadaha [Islaamiga ah] ee cid la mid ahi yarayd waxa ay ku fashilantay xadgudubkii caaddifaddu ka badatay. Siyaasadduna waxa ay caaddifadda hoosgeysaa caqliga iyo danta, ee ma aha caaddifaddu ta ay tahay in ay maamusho xagga siyaasaddu u dhaqaaqayso. Sidaas ayaa aynu uga digaynaa in jibbadu ka tan-badato siyaasadda marxaladda tan xigta, sida aynu uga digayno in siyaasado lagu dejiyo qaab caaddifadaysan, gaar ahaan [wixii khuseeya] xidhiidhka caalamiga ah iyo midda goboleedba.
  2. In laga dheeraado caqliyadda ku dhisan siyaasadda la-kala-safasashada. Caqliyadda jaadkan ahi wax uun bay dumisaa e waxba ma dhisto. [Waayo] ma jiro qof muwaaddin ah oo heerka kowaad ah iyo mid kale oo heerka labaad ah; sida aanay xikmad u ahayn in dadka loo kala qaybiyo sida ay ugu kala iishaan siyaasad, ama diin [gaar ah] oo dabadeedna dadka badh noqdaan munaafiqiin, badhna baarriyayaal. Siyaasadda jaadkan ahi waxa ay soo saartaa dunida Trump ee fashilantay, ama dunida [Usama] bin Laden [ee ku dhisan]: “Wixii aan annaga nala jirin, waa nagu lid.”
  3. [In laga dheeraado siyaasadda ku dhisan] ‘wax kasta waan qabanayaa; ama waxba qaban maayo.’ [Waa] siyaasaddan ay qaataan badi dadka degdega ee ummaddeenna ka mid ah xilli kasta. Kala-hormayntu waa asal ka mid ah asallada nolosha, oo waa sunno ka mid ah sunnooyinka kawniga ah. Haddii aan iyada loogu dhaqmin qaab caado ahna, waxa ay keenaysaa guuldarraysi weyn oo siyaasadeed. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in la dhiso caalam siyaasadeed oo kala-hormayntu caddahay, si ka-go’itaan lehna loo fuliyo.
  4. In la kala saaro hawsha siyaasadeed iyo hawsha maamul. Waa beegaalka guusha. Madaxweynuhu isaga oo isu arka hoggaan aaragti iyo barnaamij leh waa in uu golaha xukuumaddiisa u soo xulaa ra’iisalwasaare ah qof maamul ee aan ahayn qof siyaasadeed oo hoggaamineed, oo kula tartama hawshii siyaasadeed. Halkan ayaa ay soo hoosgelaysaa tijaabadii [Rajeb Dayib] Erdogan iyo [Axmed Daa’ud] Oglo. Waxa uu hoggaamiyihii siyaasadeed ogaaday in Oglo aanu ahayn nin maamul ee uu ahaa nin siyaasadeed iyo falsafadeed. Waxa xikmaddu ahayd in uu degdeg u beddelo inta goori goor tahay. Tijaabadan oo kale Soomaaliya dhawr jeer ayaa ay u soo joogtay. Waxa midhaheediina ka mid ahaa in Farmaajo laftarkiisu iska casilo ra’iisalwasaarannimadii xilligii Sheekh Shariif.
  5. In la dhexgalo siyaasadihii ku-celceliska ahaa iyada oo aan la diyaarin cimilo siyaasadeed oo lagu aqbali karo. Tan waxa lagu gaadhi karaa iyada oo loo doorto hawl muunad ah boqolka cisho ee u horreeyay si loo imtixaamo tijaabada. Hoggaamiyayaasha guulaysta ee dalalka horumaray waxa ay u doortaan hawl muunad ah oo soojiidasho leh marxaladdan mudnaanteeda siyaasadeed leh. Waayo waxa loo arkayaa aasaaska siyaasaddii hoggaamiyaha iyo imtixaamidda maamulkiisa siyaasadeed. Sababtaas ayaa aynu u aragnaa in madaxweynaha dadkiisu jecel yihiin uu u doorto hawl siyaasadeed soojiidasho leh, dabadeedna uu u hawlgalo ka-midha-dhalinteeda.
  6. Hawsha siyaasadeed ee guulaysaataa waxa ay kulmisaa mabda’a iyo maslaxadda. Mararka qaarna waxa uu siyaasigu ku qasbanaadaa in uu maslaxadda siyaasadeed ka hormariyo mabda’a. Fiqhiga siyaasadeed waxa uu ku baaqayaa in uu ku dhegnaado qofku mabda’yada xataa haddii ay halaag keensanayso. Tanina waa arrin khatarteeda leh oo ay ka dabbaalan karaan uun indheergaradka wax ka yaqaanna fiqhiga siyaasadda, sida uu Ibnu Qayim hore u xusay.
  1. Ku-dhaqanla’aanta in nabadaynta siyaasadeed iyo bulsheed laga hormariyo waxyaabaha kale. Sababta oo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay soo martay tijaabo qallafsan oo dagaallo sokeeye ah. Sidaa darteed marxaladda soo socota waa in aynu weelaynnaa tijaabooyinkii nabadayneed ee horrayso iyo danbaysaba guulaystay. Sida oo kalana waxa xikmaddu ku jirtaa in siyaasiga Soomaaliya tallaabo hore u qaado, [oo maanka ku hayo] qabiilku kaalin kuma laha dawladnimada casriga ah e. Dawladnimada casriga ah haykalkeeda, marka la joogo fiqhiga siyaasadeed, waa ay ka gudubtay qalloocnaantii qabiilka. Tijaabo kasta oo qabiil ku dhisan aayaheedu waa guuldarraysi. Sababtaas ayaa dawladda Afrika ka jirtaa ugu nooshahay dhiillo aan dhammaad lahayd oo gun dheer.
  2. In la isku koobo baahiyaha maalinlaha ah. Waxa arrintan xal u ah unkidda koox “feker istaraatajiyadeed” u abuurta Soomaaliya. Waxa ay u noqonayaan dawladda kalkaaliye feker, aqoon iyo hawlqabadba, iyada oo laga fogaanayo kootadii qabiileed iyo middii aydhiyoolajiyadeedba. Kooxdani waxa ay ku takhasusaysaa aragtiyaynta siyaasadda, mustaqbalka dhaw iyo ka dheerna inta ay dhugtaan ayaa ay soojeedinayaan fekrado cusub oo lagu waajahayo caqabadaha dalka soo foodsaaraya. Madaxweynuhuna waxa uu kooxdan ka helayaa doorashooyin iyo dariiqooyin kale, waxa ayna kooxdu u noqonaysaa saldhig aqooneed ballaadhan. Sidaas ayaa lagaga gudbayaa marxaladdii isbarbaryaaca iyo qorsha-la’aanta ee soo dishootay mashruuca siyaasadeed ee shacabkeenna iyo dawladdeenna. Waxyaabaha u mudan ee kooxdani qaban doontaana waa diyaarinta mashruuc dhammaystiran oo lagu waajahayo musuqmaasuqa dalooshaday hay’adihii dawladda, iyo la-dagaalanka istaraatajiyadaysan ee saboolnimada iyo gaajada.
  3. Kooxdani waxa ay kartaa in ay marxaladdan ka dhigto tii lagu kala baxayay, iyada oo abuuraysa dawlad cusub oo waafaqsan dalabaadka cusub ee ku dhisan qaaya-soorka (qiyam) Islaamka iyo maangalka casriga ah. Waxa taa la gaadhayaa haddii hawlwadeennadiisu si fiican ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub, jiibta iyo jaantana isla helaan, oo ay ka soo dhalaalaan dhoollatuska siyaasadeed; oo ay shacabka Soomaaliyeedna fahmaan marxaladdani waxa ay rabto oo ah “Midnimo + Wada-noolaansho + Maslaxad ku dhisan heshiis = dawlad casri ah.”

Eebbe ha garabgalo madaxweynaha cusub, oo ha waafajiyo fahmadda waxyaabaha marxaladdani u baahan tahay iyo in uu siyaasaddiisa ku kulmiyo caqli & caaddifad; iyo xikmad iyo geesinnimo. Dadweynaha Soomaaliyeedna uu Alle ku ilhaamiyay waxyaabaha looga baahan yahay marxaladdan.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s