Fasiridda Qur’aanka Habkee u Habboon?

W/Q: Maxamuud Shaltuut
W/T: Cabdicasiis Guudcadde

Qur’aanka waxa loo fasiri karaa labo jid:

Jidka kowaad waa in fasiruhu uu aayadaha Qur’aanka fasiro isaga oo raacaya hormaynta caanka ah; erayada ayaa uu fasirayaa; aayadaha ayaa uu isku xidhayaa; micnaynta ay tusayaanna waa uu muujinayaa.

Waa jaadka fasirid ee dadku ku indha-dillaacsadeen intii fasirid iyo fasire jiray. Shaacsanayaasha jidkanna waxa ka mid ah kala-duwanaanta fasiridda ee ku xidhan kala-duwanaanta badda uu fasiruhu ku jiro. Qofkii ay ka tan badatay aqoonta aftahannimadu (balaaqadu), fasiriddiisii ayaa uu ku jaangooyaa laamihii aqoontaa; kii ay ka qabsatay naxwaha iyo abtirsiga erayaduna, waxa uu fasiriddiisa ku beegaa icraabidda iyo abtirinta erayada; kii ay taariikhdu ku weyn tahay, fasiriddiisa waxa uu ugu roonaan sheekooyinka iyo dhacdooyinka, marmarka qaarna inta uu xadgudbo ayaa uu sheeka-xariirad israa’iliyaad ah ku dhex mili, isaga oo aan hubsasho iyo faafreeb midna raacin; kii ay falsafaddu hantiday, ee iska jeclaa in uu noolayaasha baadhaana, dhankaas ayaa uu ula kici; kii ay ku badan tahay doodaha kalaamka iyo fiqiguna waxa uu fasiriddiisii kula dhex dhici wixii ka batay. Sidaas uun u wad.

Dhabbooyinkaa kala jihada ah ee la qaaday aawadeed, qofkii eegayay fasiraadahaa kala duwan waxa ku adkaatay in uu ka dhex arko hanuunkii Qur’aanka ee qalbiyadu ku degayeen, ee u jeexayay jidkii nolosha kuna ridayay tubta toosan.

Waxa jidkan ka dhashay in aayadaha qaar laga leexiyo ujeedkoodii hore, ama in lagu xukumo micno aanay qaadi karin oo nasakhid lagu go’aamiyay. Waxaana batay in fasiridda aayad laga duwo seeskeedii asalka ahaa, oo odayada mad-habyadu ay u loogeen faracyada fiqi ee ay ka dhigeen asalkii ay ku xukun-qaadanayeen marka ay fahmayaan aayadaha, sunnada iyo dhiraandhirinta xukunnada. Arrintaasina kuma ekaan uun sharcidejinta iyo aayadaha xukunka e waxa ay u gudubtay caqiidooyinka iyo aragtiyaha kooxaha. Markaas ayaa la arkay iyaga oo leh: “Aayaddani ma waafaqsana mad-habka Ehlu Sunna Wal Jamaaca, ee waa in loo ta’wiiliyaa sidan iyo sidaa!” Waxa ay odhanayaan:  “Aayaddani ma waafaqsana mad-habka Xanafiga e waa in loo ta’wiiliyaa sidan iyo sideer.” Waxaabana dhacda in ay dhahaan: “ Aayaddan, ama aayadahan—oo marmarka qaar ka badnaan kara toddobaatameeyo aayadood—ma waafaqsana sharcinnimada dagaalka e waa la nasakhay!”

Sidaas ayaa uu Qur’aankii asalka ahaa ku noqday farac; oo isaga oo la-raace ahaa uu ku noqday raace; isaga oo miisaan ahaana uu soo baxay la-miisaame.

Eebbe waxa uu leeyahay: “Haddii aad wax isku maandhaaftaan ula noqda Eebbe iyo rasuulkiisa haddii aad rumaysan tihiin Eebbe iyo Maalinta Danbe.” In Eebbe loo noqdaa waxa ay ka dhigan tahay in Qur’aanka loo noqdo; in Nebiga loo noqdaana waxa ay ka dhigan tahay in xadiisyada ka sugmay loo noqdo. Balse kuwan [aynu ka hadlaynaa] arrintii xagga danbe ayaa ay kaga yimaaddeen, sharcidejintiina waa ay qallibeen—oo kitaabkii Eebbe iyo rasuulkiisa ayaa ay u luqun-jibaadheen aragtiyahooda iyo soojireenka mad-habyadooda.

Al-Fakhra Razi—isaga oo isdultaagaya fasiridda aayadda “wadaaddadoodii iyo af-ku-tuflayaashoodii ayaa ay ka dhigteen rabbiyo ka sokeeya Eebbe”— waxa uu sheekhiisii ka soo rarayaa: “waxa aan u soo joogay qaar fiqiyaqaan asalraaca ah. Waxa aan ku dul akhriyay aayado Qur’aanka ah oo mas’alooyin door ah uga hadlaya qaab saw aan waafaqsanayn mad-habkooda. Aayadahaa in ay aqbalaan iska daa e dheg jalaq uma ay siin; waxaana ay igu eegeen weji layaab oo loo akhrin karo: sidee ugu dhaqmi karnaa daahirka aayadahan iyada oo werinta salafkayagii soo tebinayso qaab kan aayadaha khilaafsan!” Sidaa uu Razi uga soo raray sheekhiisii, ayaa ay qayrkiina u soo rareen, sida Qasaali, Cisi Cabdisalaan iyo kuwo kale.

Wadiiqooyinkaa kala geddisan ee loola kala kacay fasiriddii Qur’aanka, iyo wejigabaxdan taabatay xidhiidhkii Qur’aanka, iyo fiqiga & caqiidooyinku waxa ay keeneen fawdo feker oo soo gaadhay Qur’aankii iyo micnihii QUr’aanka. Fawdadaasi waxa ay ka tagtay raadad uu ka mid yahay in dadku Qur’aankii ka jeestaan, oo iska dhegaystaan fasirayaasha.

***

Jidka labaad waa in fasiruhu uu ku tiirsanaado ururinta dhammaan aayadaha ku saabsan hal mawduuc, dabadeedna uu hortiisa u soo dhigo sidii oo ay yihiin maaddo uu lafagurayo, fahmana micnayaashooda. Sidkanaantooda inta uu barto ayaa uu u fududaanayaa xukunku, oo ay u caddaanaysaa halka aayadahaasi wax ku wadaan, isaga oo aan aayaddii ku khasbin ujeeddo aanay u socon, dabadeedna waxa uu wax kasta dhigayaa halkiisa.

Jidkan ayaa noola muuqda ka u habboon, siiba fasiridda loola dan leeyahay in dadka lagu baraarujiyo jaadadka hanuun ee Qur’aanku koobsaday; iyo in aanu Qur’aanku ahayn aragtiyo madhan oo dadka lagu mashquuliyo uun e, tusaalayaal looga soo helayo waaqica ay la nool yihiin qofafka iyo kooxaha; oo Qur’aanku uu taabanayo noloshooda.

Waxa uu jidkani fasiraha siinayaa awood uu ku furdaamiyo mawduucyo waaqic ah oo badan; iyada oo mawduuc kastaa uu iskii u taagan yahay e aanay qayrkii isgaadhayn, oo aanay isku murgayn. Dabadeedna dadku waxa ay garanayaan mawduucyada Qur’aanka oo cinwaanno cadcad wata; waxaanay ogaanayaan heerka uu Qur’aanku la falgali karo noloshooda waaqiceed: Qur’aanka iyo Asallada Sharcidejinta; Qur;aanka iyo Aqoonta; Qur’aanka iyo Qoyska; Qur’aanka iyo Edebta Bulsheed; Qur’aanka iyo Dalxiiska; Qur’aanka iyo Dhaqaalaha; Qur’aanka iyo Huridda; Qur’aanka iyo Samaha… Sidaas uun baa loo wadayaa inta laga helayo mawduuc ka mid ah mawduucyada Qur’aanka ee wax ku darsan kara dhismaha iyo koboca ummadda. Markaas ayaa ay dadku qaab waaqici ah ugu xasilayaan in Qur’aanku aanu ka fogayn noloshooda, fekerkooda, iyo dhibaatooyinka maalinlaha ah ee haleela. Waxa ay ku qancayaan in Qur’aanku aanu ahayn buug ruuxi ah oo sharraxa hababka Eebbe loogu dhawaado, oo aan waxba ka tarin hababka nolosha.

Fekraddan xun ee khaldani—[ee ah in Qur’aanku yahay buug ruuxi ah uun]—waxa ay dhex qaadday dad badan iyaga oo aan isu warhayn. Ma aha caamada uun e, waxa ay saamaysay xataa in badan oo ka mid ah kuwa isu yaqaan, ama dadkuba u yaqaannaan, in ay yihiin kuwo fahmay diinta iyo dhaqanka oo ku xeeldheer nolosha. Sidaasna waxa uu Qur’aanku u noqday sidii meel lagu dul ictikaafo xilliyada cidla’da. Waxaanay ku kaaftoomeen akhrintiisa, dhegaysigiisa, shayddaan-ku-naarkiisa, qur’aansaarka cudurrada.

Sidaa waxa ay ku dulmiyeen Qur’aankii, nafahoodii, maankoodii, iyo noloshii wanaagsanaydba. Waxa ayna gudhiyeen durdur aanu ka dhammaan aqoonta, murtida, sharcidejinta, siyaasadda, barbaarinta, edeb-baridda, iyo wax kasta oo dabiibaya arrimaha nolosha; ileen “Qur’aankani waxa uu kugu hagayaa jidka u qumman, kuwa rumeeyay ee wanaagga falana waxa uu ugu bishaaraynayaa mushqaayad badan” e.

Haddii jidkan aynu doorbidnay uu dadka dhaxalsiinayo midhahaa wanaagsan, oo uu ka badbaadinayo in ay male xun ka qaataan kitaabka Eebbe iyo sharcidejintiisa; waxa uu sida oo kale fasiraha iyo mawduuca uu rabo in uu furdaamiyo iskaga horkeenayaa si fool-ka-fool ah, isaga oo siinaya deegaankii u gaarka ahaa aayadaha mawduucaa khuseeya; markaas ayaa uu iyaga isku fasirayaa. Fasiridna waxa ugu habboon midda uu fasiruhu ka darsado isla Qur’aanka. Waxaa badan inta micnaha aayadi ay qofka ka dahsoonaato, jeer uu la kulmo aayad ay isku bah yihiin oo dabadeedna micnihii ka daahnaa u feydmo.

***

Waxa aannu doonnay, oo inta wax u baxsan yihiinna nala dooneen, in Qur’aanka loo fasiro qaabkan cusub, si loo qeexo mawduucyada Qur’aanka oo loo baadho baadhis sooc ah—oo ka fog tashuushyada runta dedi kara ama quruxdeeda xumayn kara; kana durugsan jidka qarfaha ah, kana madhan sheeka-xariiradka iyo khuraafaadka aan caqli iyo xaqiiqo midna oggolaan karin.

Waxa aan rejaynayaa in jidkan cusubi dadka ku rido sida ay nafahoodu ku ogaanayaan hanuunka Qur’aanka, kuna dul istaagi karaan sirihiisa iyo murtidiisa, oo ay ku raaci karaan mabda’yadiisa iyo bariddiisa. Dhawr gu’ ka hor baan arrintan u banbaxay, oo aan ka hadlay Qur’aanka iyo Dumarka. Waxa aanan rejaynaa in dadkii si niyad ah u akhriyay ay ku qaabbileen laabfurnaan, jacayl, iyo qalbi deggan.

Waxa aan u arkaa in mawduuca kaa igu xigi karaa uu yahay Qur’aanka iyo Dagaalka. Sababta oo ah dagaalku waa arrin waqtigeennan waaqic ah oo dunidana buuxdhaafiyay, dadkiina ku mashquuleen; inta bandanna aragti ahaan ayaa ay wadaaddada diinaha kale ku duraan Islaamka. Dadkuna aad ayaa ay ugu baahi qabaan, uguna qabeen, in ay ogaadaan xukunnada dagaalka ee Qur’aanka, iyo sababaha ku qaaday iyo ujeedkiisaba. Arrintaas aad ayaa uu ugu baahan yahay badanka dadku si ay u ogaadaan xikmadda Qur’aanka ee dagaalka, iyo Islaamku sida uu ugu dedaalay nabadda; iyo sida uu u diido daadinta dhiigga iyo goynta ruuxaha iyada oo lagu dhaqaaqayo burburin aanay waxba ka hadhayn, iyo damaca seeskiisu yahay sharka iyo jeclaanta shirqoolka. Si ay u ogaadaan dadkan dunida xilli ilaa ka xilli holcinaya, ee dagaallada gaagmareebaha ah qaadayaa, heerka ay ka leexsan yihiin ku-dhaqanka diinta ay u haystaan in ay tahay mid nabdeed, oo ay intaa dheer tahay diinaha kale.

Miyaa uu caqligu qaadanayaa diinta nabdeed ee ku baaqaysa u-fududaynta aadanaha wixii dheef u leh ee aan dhib u lahayn, wixii wax cammiraya ee aan kharaabinayn; in ay haddana dadka rumaysan raalli uga tahay in ay u holciyaan dunida qaabkan qalbiyada jebinaya, ee damiirka wareemaya, ee magaalooyinkii cammirnaa u rogaya kuddaafad, beleddadii horumarsanaa baabbi’inaya, ilbaxnimooyinkii dhisnaana burburinaya—iyaga oo haddana afkooda ka sheegaya in diintoodu tahay diin nabdeed, diinaha kalana yihiin diino dagaal iyo dhiigcab, haddana ay [diintoodu] ku dhisantay seef oo ay ku seesantay nacayb?!

Tixraac:
Shaltuut, Maxamed (1951) “القرآن والقتال” – bogagga 5-11.

Advertisements

2 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s