Islaamka Sariibadda: Sidee Dacwadda Islaamiyiintu uga soo Gudubtay Saahidnimo, una soo Gaadhay Hanti-samaysasho?

W/Q: Baraa’ Cayyaash [Af Carabi]
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

 

Marka aan galo guryaha asxaabtay waxa aan ku arki jiray miisaskooda buugaag horumarinta aadanaha ku saabsan oo cinwaannadooda iyo qoraayadoodu kala geddisan yihiin: Camr Khaalid, Ibraahin Fiqi, Daariq Suweydaan, ilaa Kariim Shaadi. Magacyadan oo idili waxa ay metelayaan xaalad ay gashay jihaysnaantii islaamiga ahayd, oo aniga aan i qancin. Markii hore, dhawr gu’ ka hor, ii ma ay suuraggelayn in aan sifeeyo xaaladdaa.

Waa dabciga aadanaha in qofku uu marmar dareemo arrimo aanu ka hadli karin, marka aanu u hayan awood af iyo ogaalba. Sidaa darteed, waxa aan maanta rabaa in aan arrinta ka hadlo, aniga oo si degdeg ah u akhrin doona buug dhawaan la turjumay oo ka hadlaya carra-edagaynta (globalization) iyo islaaminta dhaqanka dheefsashada, oo dhalay ‘Islaamka Sariibadda,’ oo ah cinwaanka buug uu qoray cilmibaadhe bulsheed oo reer Switzerland ah.

Dhaqanka Galbeedku waxa uu dhiirrigeliyaa dhaqanka dheefsashada iyo ururinta hantida. Halkii uu awel xoogga ka saari jiray wadarta iyo bulshada, waxa uu iminka isugu ururay qofka, si uu qofku u noqda seeska fekerka iyo mudnaantaba. Haddii markii hore uu qofku guur u geli jiray isaga oo beegsanaya deeqsinnimo, iyo aasaasidda qoys ugu roonaanaya si uu uga mid noqdo koox uun; iminka waxa dhaqanka Galbeedku ka shaqeeyay in qofku muhiimsan yahay. Waxaana sarraysmay wayddiimaha: Qoys miyaan hadda u baahanahay? Marka aan ku eego xisaabinta khasaaraha iyo faa’idada, muxuu guurku i tarayaa? Filinka “Flight Club” waxa uu jilaagu canaananayaa nidaamka hantigoosadka ee qofkii Galbeediga ahaa ka dhigay qof hunguri weyn, oo naftiisa ku eegaya qiimo ay xaddidayaan suuqa iyo shirkaduhu. Isaga oo cadho jiq ah, ayaa uu jilaagu odhanayaa: Ma tihid shaqadaada, ma tihid lacagta bangiga kuu taal, ma tihid baabuurka aad wadatid, ma tihid waxa boorsadaada jeebka kuugu jira, oo ma tihid lebbiskaaga!

Dib-isu-qeexidda xilliga carra-edagaysanka iyo in dhaqanka Galbeedku meesha ka saaray dhaqanno daciifay oo ay liin bixisay sarraynta ilbaxnimo la soo socota dhaqanka Galbeedku waxa uu soo saaray qof cusub oo carra-edagaysan. Xaaladda Muslimiinta marka la eegana, waxa aynu ku doodi karnaa in hantigoosadkii islaamay; oo ka dhigan in uu gashaday dhar islaameed si uu ugu dhex faafo bulshada isaga oo isu dhigaya weji hore loo qaadan og yahay. Taasna waxa kaalmeeyay soo-ifbaxa qofaf islaamiyiin ah oo ka fogaaday nidaamyadii islaamka siyaasiga ah ee damacsanaa gaadhidda awoodda iyo isbeddel in ay ka sameeyaan nolosha siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale.

Qofafkaasi waxa ay ka shaqeeyeen islaaminta dhaqanka Galbeedka, iyo soodejintiisa. Halkii awel laga arki jiray saahidnimo iyo yeedhmo ku baaqaysa dhawrsasho iyo ku-sii-adkaysasho nidaameed; waxa aynu u joognaa yeedhmo ku baaqaysa guulaysashada qofeed ee heer dhaqaale iyo unkidda hanti leh sifaheedii hantigoosadka bulsheed. Waxa aynu arkaynaa in maktabadihii ay ka buuxaan buugta horumarinta aadanaha ee islaamiga ah. Waxa tusaale inoo ah islaaminta uu Daariq Suweydaan islaamiyay buugga aadka loo iibsaday ee “Belwadaha Toddobada ah ee Dadka Waxtarka leh,” ee uu qoray Steven Covey. Waxa inta la soo qaatay la islaamiyay yoolalkii iyo mabda’yadii dhaqanka Galbeedka, iyada oo aan laga soo dhex siibin waayihiisii taariikheed iyo bulsheed ee uu ku soo koray.

Xalqadaha Camr Khaalid waxa aynu arkaynaa isaga oo midkood ka leh: “Waxa aan rabaa in aan noqdo maalqabeen, si ay dadku ii arkaan oo u dhahaan: bal eega, waa qof diin leh oo hantiile ah e! Markaas ayaa hantidaydu ay Eebbe jeclaysiinaysaa. Waxa aan rabaa in aan yeesho lacag iyo lebbis badan, si aan dadka u jeclaysiiyo diinta Eebbe!”

Dacwaddan uu wado Camr Khaalid waxa ay dhagax dhigaysaa qof Muslim ah, oo Galbeedi ah dhab ahaantii; balse u tukada uun si aan dhaamin jidka Barotastanka Maraykanka. Muslimka u haliilaya in uu isku dhiso islaamka sariibaddu waa Muslim ka durkaya nolosha siyaasadeed iyo odhaahyada islaamiga ah ee la dirirsan kelitalisnimada siyaasadeed iyo midda dhaqaale. Jidkan ku ma arkayno wax la xidhiidha xaqsoorka bulsho iyo qaybinta khayraadka, oo Islaamka ku aroorinaya aragti soo saaraysa dhaqan ka kooban casrinnimo iyo qaayasoorro (values) caalami ah. Balse waxa aynu ku arkaynaa casrinnimo Islaamkii adeegsatay, oo soo saartay diimaysi ku dhisan qiimaha dheefsasho ee qofeed, xilli uu ka takhallusmayo dhaqaalihii dhulku. Ku mana arkayno in jidkani wajahayo dhibaatooyinka ku hareeraysan, ee siyaasaddu ka kow tahay.

Muunaddan Islaam waxa ay dib u qeexaysaa qofka Muslimka ah, iyada oo adeegsanaysa seesas Galbeed; beegaalka runta ah ee qofka Muslimka ahna waxa ay ka dhigaysaa mid ka durugsan siyaasadda, dhaqaale ahaan guulaystay, baabuur casri ah wata, oo hudheellada qaaliga ah taga.

Tusaale ahaan Turkiga, oo islaamka sariibadda ee ka jiraa uu xaalad horumarsan marayo, waxa aynu ku arkaynaa hudheello islaami ah oo inta ay qaali yihiin ay hawaystaan uun dabaqad burjuwaasiyad islaamiya ah. Hudheelladaasi waxa ay qofka Muslimka ah ee ka dibbirsan dhaqanka Galbeedka u noqdaan waddo uu ku dhergiyo hungurigiisa, sidaasna uu kaga qayb qaato tarminta dabaqado samaysma.

Kulannada diyaarinta hoggaamiyayaasha ee beryahan danbe caanka noqday ka ma soo baxaan wax la taaban karo oo aan ka ahayn in la sii joogteeyo kulanno kale oo diyaariya hoggaamiyayaasha! Waaba horumarintii aadanaha, ee iyada uuni isa soo celcelin jirtay, oo aan biyo is marin. Qofka ka qalinjebiya horumarinta aadanuhu waxa uu isaguna furtaa meel kale, oo uu ku soo saaro dufcado kale oo uu waraabiyay suuxdinta yididdiilada.

Hoggaanka bulshada Falastiin—waaxyihiisa ciidan, siyaasadeed iyo bulsheedba—waxa ay iyaguna ka soo baxeen isla ilmaggaleenkaa bulsho iyo nidaam e, ma ay lahayn dhaqanka maamul ee Maraykanka ee madaxa ka haysta islaamiyiinta cusub. Sawir dhawaan laga faafiyay Maxamed Dhayf, oo ah hoggaamiyaha guutada al-Qasaam, ayaa muujinayay isaga oo jukulaato ka qaybinaya fagaare la isugu soo baxay oo nidaamku agaasimay!

Gabadha reer Galbeed ee rabta in ay xeebaha maarriin kaga soo dhigto jidhkeed, ee gashan hoosgashigu, waxa ay isku daydaa in ay hoosgashigeedaa ka soo gadato summad [shirkadeed] caalami ah, si ay u dareento in ay tahay jaadgooni; waayo summaddaasi waxa ay qayb ka tahay isqeexiddeeda.

Marka aynu jalleecno xaaladda Muslimiinta, waxa aynu arkaynaa in gabadha Muslimadda ahi ay mabda’yadaas Galbeediga ah oo kale wadato. Farqigu waxa weeye uun xagga dednaanta. Waxa aynu arkaynaa in shirkadaha summadaha sameeyaa, Muslim iyo Muslim-la’aanba, ay xijaabka u samaynayaan summado caalami ah, oo ay u soo saarayaan gabdhaha Muslimiinta ah. Kolkaa xijaabkii waxa uu noqday weji ka mid ah wejiyada dheefsashada. Haddii meesha laga saaro minqiyaaska dednaan ee u dhexeeya gabadha xijaaban iyo gabadha xeebta laydhsanaysa, waxa aynu arkaynaa in ay isu imanayaan.

Qofkii Muslimka ahaa ma waxa uu soo baxay qof Galbeedi ah oo cir weyn, oo tukada uun? Waxa uu yidhi fekeraagii Muslimka ahaa ee Alija Izetbegović—qoraaga buugga Islaamka min Bari ilaa Galbeed: “Fekeraa Muslim ah oo kastaa waa aqoonyahan diineed, sida dhaqdhaqaaq islaameed kasta oo saxani uu u yahay dhaqdhaqaaq siyaasadeed.”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s