Dhiillo Ummadeed: Caafimaadka Dhimirka iyo Soomaalida

Deraasad cusub oo la faafiyay horraantii 2023 ayaa dib u qiimaysay xaaladda caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya, iyadoo sahan laga qaaday degaanno ka mid ah Soomaaliya. Deraasaddan cusubi waxay daaha ka feydday in wax kastaa sidii la moodayay aanay ahayn; in waayaha jirrada xiska iyo nafsadda ee Soomaalidu uu ka culus yahay sidii loo haystay.

Awel halkee bay inoo maraysay xaaladda caafimaadka dhimirka ee Soomaalidu? Sannaddii 2010 waxa la baahiyay warbixintii ugu weynayd ee is dul taagta qodobkan. Ururka Caafimaadka Adduunka (UCA) ayaa horseed u ahaa warbixintan oo sheegtay in, qiyaas ahaan, saddexdii qof ee kastaba dadweynaha Soomaaliyeed uu midkood (1/3) la nool yahay xaalad nafsadeed/maskaxeed. Cilmibaadhis ka horraysay oo degaanno Soomaalilaan lagu sameeyayna, waxay qiyaastay in saddexdii guri ee kasta aqal ka mid ah laga soo helayo qof xaalad nafsadeed la nool (ururka GAVO ayaa sameeyay 2004). Kolka la dhaho ciddaasi “xaalad nafsadeed” bay la nooshahay mar kasta ka ma dhigna in ciddaasi “waalan” tahay. Waallidu waa xaalad ka mid ah xaaladaha badan ee nafsadeed/dhimir. Eraygan ballaadhan (xaalado nafsadeed) se waxa soo hoosgelaya qulubka noocyadiisa, diiqadda, walaaca iyo walbahaarka, bayrta, cabsida, khalkhalidda garashada hagaagsan, buufiska iyo shakiga, kurbada, oomataxumada raadka nafsadeed sababta ama uu raadka nafsadeed sababo, laba’eefka (bipolar) oo ah in jewiga qofkuu degdeg isu beddelo oo uu mar kaco kolna dego, doogta nafsadeed ee ka dhalata waaya’aragnimo qadhaadh oo qofku la kulmay (dhiig iyo/ama dagaallo, xadgudub jinsi ama/iyo jidh ahaaneed, caydhoobid iyo/ama busaarad, abaar, mushkilad qoys/jacayl, dhimashada qof ku weynaa…). Intaa iyo inta la halmaasha oo dhan baa soo hoosgelaya “xaaladaha nafsadeed/maskaxeed” ee aynu warbixinta ku arkayno. Waa cillad kasta oo ku wada dhacda ama ku kala dhacda habdhaqanka, habfekerka, iyo dareenka qofka. Sida jidhka ruuxu u bukoon karo ayay intaas kalaba u jirran karaan, in kasta oo aanay isku si ahayn.

Haddaba, deraasaddan cusub oo ay iska kaashadeen haayado ka tirsan Qarammada Midoobay, Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, iyo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee Xamar, waxay muujisay in tiradu intii hore ka badan tahay. Qiyaastii in ka badan 76% umadda Soomaaliyeed waxay la nooshahay xaalad nafsadeed, ayay deraasaddani sheegtay. Taas oo ka dhigan, celcelis ahaan, afartii qofba saddex ka mid ah (3/4) ayaa ku sugan xaaladdan. Dadka deraasadda qaybta ka ahaa aqlabiyaddoodu (68.1%) waa dhallinyaro ka yar 35 jirro, taas oo ka dhigan in xaaladahan mafsadeed/maskaxeed ay ku badan yihiin da’yarta.

Waddan ay tirada ugu badan ee dadkiisu ka yar yihiin 30 jir (qiyaastu waa 70%), waa laga filan karaa in cidda ugu badan ee waxyeellada guudi soo gaadhaysaa ay dhallinyarada noqoto.

Dhanka kale, deraasaddani waxay taabatay qodobka isqudhjarka (suicide) oo ah in qofku uu is dilo iyo sida uu ku yahay Soomaalida. Awel waxaynu haynnay in, Soomaaliya, boqolkii kun ee qof ee kasta 14 ama 15 ka mid ahi ay halis ugu jiraan in ay nafta is dhaafiyaan (tirooyinkani dhallinyarada uun bay khuseeyaan e). Laakiin iminka deraasaddan cusubi waxay sheegaysaa in boqolkii kun ee da’yar ah ee kastaba 22 ay ka yihiin inta looga baqayo in ay nafteeda hawirto.

Qodobka kale ee muhiimka ah ee la soo qaaday waa isticmaalka ama/iyo kutagrifalka maandooriyaha. Dalka waxa si xawli ah oo aan xakamaysnayn ugu soo batay, ayay deraasaddu ogaatay, noocyada kala duwan ee maandooriyayaasha. Waxa ugu badan tobaakada (38%) iyo dawooyinka sida khaldan loo qaato ee qofka suuriya (oo 37% ah). Waa wax la fahmi karo in waddan shaqadarrada iyo shaqa-la’aantu ay ku badan yihiin, isla markaana rejabbeelku ku xooggan yahay oo duruufuhu qallafsan yihiin, ay dadkiisu magangalaan noocyada kala geddisan ee maandooriyayaasha. Laakiin heerka ay shaacsan yihiin baa afkalaqaad ah. Kolkii hore qaadka iyo sigaarka iyo waxa la halmaala ayaa aad u badnaa, siiba qaadka oo la ogaaday in muddooyinkii danbe ay da’yarta iyo dumarku (labo qaybood oo bulshada ka mid ah oo awel ka caagganaa cunistiisa) ay ku soo bateen marfishyada lagu qayilo. Beryihii hore, taariikh ahaan, qaadku wuxuu Soomaalida u ahaa kulan lagu mirqaamo, ragga waaweynina ay diinta ku dhigtaan, isku waraystaan kuna kala warqaataan isla markaana ay ku bulsheeyaan. Haatan se waa gabbood kale oo lagaga dhuunto waayaha aan waxba laga qaban karin ee adkaaday. (Xabagta la nuugo iyo tiindharka ayaa ubadka hoyla’aanta ah ku badan).

Hasayeeshee qaadkii iyo sigaarkii (iyo buurigii) waxa soo raacay oo aad u batay dawooyinka kala duwan ee la isku yidhaahdo suuriyayaasha (sedatives). Waa dawooyin inta badan kiniinno ah oo abbaara habdhiska dareenwadka dhexe ee qofka, gaar ahaan maskaxda, dabadeed tabta fiish dabka laga saaray u demiya oo u suuriya. Waxa ka mid ah bensadiyaasabbiinta (benzodiazepines), obyoodhka (opioids), iyo kiniinnada hurdada sida soolbidam (zolpidem). Haddii si habraacyada caafimaadka waafaqsan loo isticmaalo, waa dawooyin; haddii kale waa daroogo. Maandooriyayaasha kale ee la xusay waxa ka mid ah noocyada kala duwan ee xashiishadda (cannabis) oo lagu sheego in ay wataan dareen fayaan (euphoria) ah kaas oo la qabatimo, maskaxduna hadday weydo ay tebto dabadeed daddawdo.

Si aynu u garanno baaxadda khatarta ay dadka Soomaaliyeed wajahayaan, iyo sida tirooyinkan aynu akhrisanaynaa ay argagaxa u leeyihiin, aynu eegno heerka aynu dad ahaan iyo dawlad ahaan u diyaarsannahay tacaalka iyo waxkaqabashada xaaladda caafimaadka dhimirka. Shan cisbitaal oo keli ah oo bixin kara adeegga caafimaadka dhimirka ayaa gebi ahaanba geyiga ku yaalla, oo u badan Soomaalilaan (tixraacyada ka fiiri warbixinta UCA ee 2010 iyo cilmibaadhista 2020 soo baxday ee Faadumo Cabdi Cabdillaahi iyo khubaro kale ay diyaariyeen). Hawlwadeennada caafimaadka dhimirka ee ka hawlgala Soomaaliya oo dhami waa 85 qof, haddii tirada dadweynaha loo qaybiyana, celcelis ahaan, boqolkii kun ee qof ee kasta xataa dhakhtar keli ahi ku ma soo hagaagayo (deraasaddan cusub ayaa sidan xustay). Intaasi waa hawlwadeennada oo dhan e, dhakhtarrada dhimirka ee hawlgalka ah waxa lagu qiyaasay saddex digtoor oo keli ah (warbixinta UCA), balse dhakhtarrada cudurrada guud ayaa mararka qaar bixiya talooyin caafimaadka dhimirka la xidhiidha oo ka baxsan takhasuskooda (sida uu ka maragkacday sahan isaguna cusub oo lagu sameeyay dhiillada caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya, 2022, oo ay wada qoreen Maxamed Ibraahin iyo khubaro kale). Dalka sidaas ah, waxa ku badan aaminaadaha ka baxsan xayndaabka cilmiga ee ku aroora hiddaha iyo diimaha, sida: durrada, isha, cawryidda, jinka, falka, baabidda, iyo waxa la halmaala oo ay ka dhasheen xarumo aan ku dhaqmin habraacyada caafimaadka ee degsan oo cilaaj ama shifo loo yaqaan. Waa goobo dadka bukaanka ahi ay jidhdil iyo mararka qaar sumayn uun ka taransadaan. Waa xadgudubyada ay haayadda xuquuqda insaanka ee Human Rights Watch ku cabbirtay in dadkaa dhimirka ka jirran loo “silsiladeeyo sida maxabiista.” (Fiiri warbixinteeda 2015). Sidaas oo ay tahay, tiradooda iyo wax alla waxa gudahooda ka socdana yaalaa laga ma warhayo. Tusaale ahaan, 2018 kolkii aan ka qalinjebinayay Jaamacadda Faraanz Faanon ee Hargeysa ku taal, kulliyaddeeda kasmanafeedda (psychology), aniga iyo arday aannu isku fasal ahayn waxaannu isku daynay in aannu tagno oo soo derisno soona indha’indhayno xarumo kuwaa ka mid ah oo Hargeysa sida dukaammada uga furan. Balse markii aannu isu sheegnay cidda aannu nahay, qaar badan oo ka mid ahi way noo diideen in aannu gudaha u galno. Sidaa awgeed, xaaladda guud ee tiiraanyada leh ee deraasadda cusubi sawirtay waxa ka sii caloolxanuun badan in aanay diyaarsanayn hababkii lagula tacaali lahaa, isla markaana loogu babacdhigi lahaa.

Siyaasad Caafimaadka Dhimirka khusaysa waxa Soomaaliya markii u horreeyay loo dejiyay 1986, in kasta oo aan dib loo eegin, oo dalkuba fawdo aan kasoowaaqsi lahayn uu galay. Dabadeed dib loogu ma samayn wax siyaasad ah oo kale (2019 ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya loo qoray Istaraatijiyadda Caafimaadka Dhimirka, oo fulinteedu ku ekayd 2022; sidoo kale, Soomaalilaan waxa sannaddii 2012 loo qoray Siyaasadda Qaran ee Caafimaadka Dhimirka oo 15 bog ka kooban. Labada midna la ma hirgelin). Sidoo kale, dhammaan maamullada Soomaalida lagu ma oga meel laga dhaqangeliyay, ama xataa miiska la soo saaray, Xeerka Caafimaadka Dhimirka, si loo sugo xuquuqda dadka xaaladaha iyo jirrooyinka maanka/nafsadda la nool, loogana ilaaliyo tacaddiga iyo gaboodfalkaba. Waxaynu naqaannaa in dhaqanka Soomaaliyeed uu qofka u aqoonsan yahay in uu miyir qabo ama waalan yahay, oo aanu ictiraafsanayn wax labadaa u dhexeeya. Sidoo kale, laf jabtay sideedii ku ma soo noqoto ayaynu ku maahmaahnaa, oo laga wado qofka mar “waashaa” dib u ma soo kaban karo (taas oo aqoonta caafimaadka dhimirku ay beenisay). Iyadoo aaminaadaha diintu keeneen, waxa intaa raaca in dad badani qabaan in xaaladaha nafsadeed/maskaxeed ee qofka soo gaadhaa ay ka turjumayaan naclad ama inkaar Eebbe iyo camalkiisii oo laga jarayo. Waxaas oo senan iyo khuraafaad barkumataal ah ahi wuxuu horseeday in qofkii kaalmada u baahnaa uu xaaladdiisa la dhuunto si aan farta loogu fiiqin, oo xanuunnadan ay ahayd in loo arko wax caadi ah waa la boogeeyay oo waxa laga dhigay wax la sharaysto. Xeerka Caafimaadka Dhimirku taas buu wax ka qaban lahaa, oo wuxuu ugu yaraan abuuri lahaa jewi ciddii dhibban aan sii dhibin. Laakiin inta halkaa laga gaadhayaa waa dheer oo dhib leh oo, sida la dhaho, fari ka ma qodna.

***

Tixraacyo:

1. Maruf, Harun. Study: Somali People ‘Highly Traumatized’ After Years of Conflict, Voice of America, Jan. 18, 2023. URL: https://www.voanews.com/a/somali-people-highly-traumatized-after-years-of-conflict/6923368.html (markii u danbeeyay ee la furay: Jul. 06, 2023).

2. Abdillahi FA, Ismail EA, Singh SP. Mental health in Somaliland: a critical situation. BJPsych Int. 2020;17(1):11–4.

3. World Health Organization. A situation analysis of mental health in Somalia, October 2010. Geneva: World Health Organization. 2010.

4. GAVO. Baseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland. General Assistance and Volunteers Organization. 2004.

5. Ibrahim et al. Mental health crisis in Somalia: a review and a way forward. International Journal of Mental Health Systems. 2022;16:12.

6. HRW. “Chained Like Prisoners”: Abuses Against People with Psychosocial Disabilities in Somaliland. Human Rights Watch. October 2015.

One comment

  1. Runtii walaahi aad baan uga naxay, oo uga murugooday in aynu xaaladan sidan ah ku suganahay. Waxaa kaasi xun in aan lagu baraarugsanaynba oo taas qudheedu ay wakhti qaadanayso.

Leave a comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.