Haddii aan Ifka Dhaafo

Maansadan waxa Af Ingiriisi ku qoray Dr. Rafaat Alareer (Dr. Rafcat al-Carciir) oo Diseenbar 06, 2023 ay Israa’iil ku dishay gudaha Qasa. Waxaan isku deyay in aan Af Soomaali u turjumo, aniga oo dhadhanka iyo nuxurkaba ilaalinaya. Qaabkan aan u turjumay waa maanso, laakiin waa mid ka xor ah xarafraaca. Akhris wacan.


Haddii aan ifka dhaafo

Adigayga danbaynoo

Qisadayda werinteeda

Adigaa u xilsaaran;

Inta aad dhaxalkayga

Alaabtaan ka tegoo dhan

Suuqa geyso ku soo gad

Walxo aad ka samayso

Dunta miiqa leh ee

Midabkeedu cad yay

Samaydeedu dheer tay,

Si uu ilmaheenna

Qasa jooga agteedu

Kolka uu cirka fiirsho

Aabbihii ka yar dhawro—

Aabbe uu qarax qaatay

Oo gunaanadna seegay

Jiidhku aanu dubaaxin

Oo xataa lafihiisa

Xushmad an lagu aasin—

Dayuurad ad ka samaysay

Duntii aan ka hijrooday

Iyadoo inta duushay

Hawadaa dul sabbaysay

Arko oo u riyaaqo

Iyadood malag mooddo

Jacayl aan ifka oollin

U sidoo u sabaaya.

Haddii aan ifka dhaafo

Geeridaydu adduunka

Yididdiilo ha siiso,

Qiso aan abid guurin

Maqnaantaydu ha reebto!

One comment

Leave a comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.