Ku soo dhawoow!

82

Soo dhawoow…

Waxa aad soo booqatay guri aan martida lagu qadin oo aan kuu rejaynayo in aanad ku soo lug go’ayn, iska daa in aad ka qoomamaysana e aad macmiilan doonto. Waad u qalantaa in laguugu bushaareeyo qaadashada go’aankaa aad bartan ku timi. Soo dhawoow akhriste, mudane/marwo.

Waa madal aad ka akhrisan kartaan, kala socon kartaan, isla jeerkaana aad kala degi kartaan qoraallada uu Cabdicasiis Guudcadde qoro ama haltebiyo ee u qalma in dadweynaha lala wadaago, loona arkay in ay kaalin ka qaadan karaan helidda qof dhisan si loo yagleelo bulsho dhidban.

Aragtiyo xor ah oo ka reebban kana dheer janjeedh iskooxaysi, nacayb, maangumayn, siyaasad reeraysan, qabyaalad lagana saxar tiray intii laga tiri karayay xanaf idilkeed ayaad bartan kala kulmi doontaa, in sha Allah.

Runta iyo ku eedaankeedu waa sababta u weyn ee loo unkay buqcaddan. Sidaa darteed haddii aad runta neceb tahay, halkani ma aha kob ku farxad gelin doonta, haddiise aad tahay ehelkii xaqiiqada, soo dhawoow dhawr jeer, goobtanina way ku farxad gelin doontaa.

Hal ku dheggayagu waa:

Dal la dhiso waxa ka horreeya dad dhisma, dad dhismana qof isdhisa.

16 comments

  1. Asc wrx wbk. Aqoon iyo garasho badan ayaa uu qof wal ba oo degelkan soo booqdaa ka dheefi doonaa. Miyaa ay jirtaa cid caafimaad qabta oo aan aqoon iyo garasho badan u baahnayn? Ilaahay wanaag iyo darajo badan ayaa aan kaaga rejaynayaa Cabdicasiis Guudcaddow. Akhriste wal oo mareegtan si toos ah iyo si aan toos ahayn u soo booqda waa akhriste wanaagsan; waayo, waxa uu wax badan ka faa’iidi doonaa wanaagga badan ee uu halkan kala noqon doono. Kun jeer iyo kun lagu jibbaaray ba mahadsanid.

  2. Asc dhab ahaantii wax badan ayaa aan ka dheefay Bartan waxbadanna waa ii dhimman yihiin eebbe derejada iyo dadnimada wanaagsan ee kaa muuqata ha kuu barakeeyo.
    mahadsanid

  3. Asc run Ahaantiii wax badan baan ka faaideysta intaa ku jiro barkulankaagan Rabbi cilmiga Iyo caqligaba hakuu barakeeeyo mahadsanid walaaal

  4. Asc
    Walaal waan dhowahay, waana markii iigu horreeyey aan soo booqdo boqcadan/madashan. Waxaana igu soo hogaamiyey inaan dhowaanahan aad ugu xirnaa barahaaga wajibuugga. Maanta ayaa All’e qadaray inaan akhriyey waxyar buug aad ugu hadiyadeyseen akhristayaasha/ akhristayaasha cusub farxada ciidda oo magaciisu yahay AKHRISKA CAALAMKA, buugaas ayaan ka arkay madashan magaceeda. Run ahaantii aad ayaan ugu farxay inaan helay Madal aan qoraalo tayo leh ka heli doono oo uu C/Casiis Guudcade oo aan baryahan dambe aan aad ula maqsuuday Qoraaladiisa uu qoro. Aad ayaan ugu faraxsanahay mar2 aad inaan helay qoraalo aniga ahaan aad ii farxad geliyey akhriyo oo ay u muuqato inaan waxbadan ka faa’iidaysan doona, hadii Eebe ii saamaxo.
    Aad iyo aad ayaan kuugu mahadcelinayaa, All’e na maanka hakuu barakeeyo!

    Salaan qadarin mudan/ Ahmed Bari

    • Bariido san mudane.

      Soo dhawoow walaal. Waa aan rejaynayaa in aanad ku soo lug-go’i doonin bartan in sha Allah.

      Waa aad ku mahadsan tahay mar labaadka dhiirrigelintaada iyo hadalladaada maamuusku ku ladhan yahay. Eebbe ha ku sharfo.

      Mar kale, soo dhawoow. Mininkuna mininkaagii weeye 🙂 .

  5. – masha alaH, waxanu inbadan ka faa’idnay degalkaagan, guudcadde
    – waxad ka dhigtey indhahayagi kuwa ka da’ roon dhagahayaga, sababtuna waa akhriska qoraaladada
    – xaraf kaston ka faaidno ilahay haka abaaL mariyo
    – waxad ogaata uun in bulshadu u bahan tahay qoraladan oo kale
    – noo so badi xaaji guudcadde jazakalaH

Leave a reply to mohamedsamiik Cancel reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.